Guddoomiye Aadan Madoobe oo u socdaalay dalka Ciraaq

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi xildhibaano ah uu hogaaminayo ayaa maanta u amba baxay Caasimada dalka Ciraaq ee Baqdaad.

Guddoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa halkaasi ugu qeyb galaya meertada 34-aad ee Midowga Baarlamannadda Dowladaha xubnaha ka ah Jaamacada Carabta oo loo madlanyahay inuu ka furmo magalada Baqdaad.