Waa sidee xaalada magaalada Laascaanood ?

Xaalada magaalada Laascaanood ee gobalka Sool ayaa maalintii afaraad degan, kadib dagaalo ka soconayay in ka badan 20 cisho.

Dagaalka oo u dhexeeya ciidamada maamulka Somaliland oo duullaan iyo ciidanka deegaanka ee SSC oo iska difaac ah, ayaa sababay khasaare baaxad leh, tirada dhimashada ee labada dhinac ayaa kor u dhaaftay 1,000, sida ay xaqiijinayaan ilo lagu kalsoon yahay.

Duqa Laascaanood ayaa sheegay in Somaliland magaalada ku dishay ilaa 210 qof intii ay socdeen dagaaladu, isagoo ugu baaqay beesha caalamka in lagula xisaabtamo.

Ciidamo gurmad ah ayaa gaarayay maalmihii lasoo dhaafay Laascaanood, taas oo cabsi gelisay maamulka Somaliland oo hada xaaladu ku adag tahay.