MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDIGA DHISMAHA WADADA DANGOROYO-EYL.

Bosaso: 13 March 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 16 ee 11-da March 2023, kuna saabsan magacaabid Guddiga Dhismaha Wadada Dangorayo – Eyl.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Baahidda loo qabo dardar-gelinta dhismaha Wadada Dangoroyo – Ely ee Gobolka Nugaal.

Markuu arkay: Aqoontooda iyo waayo-aragnimadooda shaqo.

Wuxuu xeeriyey:

Waxaa Guddiga Dhismaha Wadada Dangorayo – Eyl loo magacaabay xubnaha magacyadoodu hoos ku xusan yihiin :-

1. Aadan Maxamed Ciise Guddoomiye
2. Cismaan Guureeye Kaarshe G.Kuxigeen
3. Cawil Xasan Tooxyare Xubin
4. Mukhtaar Cabdiraxmaan Xubin
5. Faysal Khalliif Wacays Xubin
6. Nabadoon. Haruun Timayare Xubin
7. Nabadoon. Maxamuud Xaaji Yuusuf Xubin
8. Nabadoon. Khaliif Aw Cali Xubin
9. Nabadoon. Cali Gaafaa Xubin
10. Nabadoon. Ciise Cadduur Xubin
11. Sheikh. Maxamuud Xaaji Yuuuf Xubin
12. Sheikh. Axmed Yuusuf Daad Xubin
13. Jaamac Salaad Dhagadheere Xubin
14. Warsame Garweyne Xubin
15. Cabduqaadir Foodcadde Xubin
16. Cabdi Cali Qarjab Xubin
17. Cabdullaahi Ciise Aw Axmed Xubin
18. Cabdikariin Muuse Maxamed Xubin
19. Cawil Cali Xaad Xubin

Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.