Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Laascaanood Ee Maanta

Dagaalka Laascaanood,ayaa xalay abbaaro 4-ta subaxnimo dib uga billowday magaaladaas.

Dagaalka,ayaa markii hore ka bilowday Aaga Bari ee Maraaga,waxaana isku haleelay Ciidamada uu hogaaminayo Jimcaale iyo kuwa Somaliland.

Khasaare,ayaa ka dhashay dagaalkaas iskugu jira dhimasho,dhaawac,Maxaabiis,Gawaari lakala qabsaday iyo kuwo lakala gubay.

Dagaalku,waxuu ku fiday markii danbe Aaga Galbeed oo uu ka dhacay dagaal xoog badan oo dhaliyay khasaare xoog leh,waxaana si weyn ugu jabay Ciidamada Somaliland.

Aaga Galbeed,waxaa Somaliland looga gubay 3-Gaari,iyadoo looga qabtay Maxaabiis iyo Gaadiid dagaal oo gaaraya Sadex Gasri oo kala ah..

1.Gaari Suu ah.

2.Gaari Beebe ah.

3.Gaari Jiib ah.

Ciidamada Somaliland,ayaa Madaafiic kusoo garaacay Guryaha shacabka iyo goobaha ganacsiga ee Magaalada.

Dagaalku ilaa iyo hada,waa socdaa,mana jiraan warar intaas ka badan oo laga heli karo xiligan.