Hay’ada Wadooyinka Puntland oo warbixin kasoo saartay khasaaraha Roobka Ee Wadooyinka

Hay’adda Wadooyinka Puntland oo maanta kormeer iyo qiimayn ku samaysay burbur kooban oo soo gaaray Geesaha Laamiga Buundada 3-Qolay ee Burtinle.

Burburkaan oo soo gaaray Geesaha Wadada,ayaa yimid kadib markii fatahaad Biyo badan ay jidka ku soo rogmadeen.

Buundada oo awal ahayd 3-Qol,ayaa lagu daray Hal Qol waxayna hada tahay 4-Qol oo biyuhu maraan,wax cilad ahna ma soo gaarin Shubka Buundooyinka (No Structural Damage)

Qandaraaslaha shaqada mashruucaan waday wali waa wadaa shaqada waxuuna ku jiraa marlaxada u danbaysay ee tijaabada iyo calaamadaynta jidka.

Waxaana si dag dag ah loo dayactiri doonaa burburka soo gaaray laamiga dhawaan.

Hay’ada Wadooyinka Puntland.