Maxay tahay in ay sameeyaan Gudiga PL Ee khilaafka Fadaraalka?

Waa muhiim doodahan oo kale in ay qabtaan Gudiga loo saaray khilaafka Fadaraalka iyo Puntland.

Bulshada in wax loo sheego oo la dhagaysto fikradaha ay ka qabaan khilaafka Fadaraalka la siiyana fursad ay talo ugu darsan karaan waa loo baahnaa.

Sidoo kale Gudigu in uu hadlo oo la maqlo doodooda waxay wax ka taraysaa in aan hal dhinac doodiisa la maqlin.

Xasan Sh.waa isbihin bihinayaa oo is Oohinayaa,isagoo leh wax walba oo aan PL ku helayo,waa iga diyaar ee hala afgarto.

Puntland,waxaa laga rabaa in ay tiraahdo Anaguba,waxaan diyaar unahay Dowlad dhiska Somaliya in aan usamayno tanaasul walba oo wax utaraya.

Marna yaan looga dheerayn Puntland kasbashada BC iyo waaqiciga Bulshada caadiga ah ee Somaliyed.

Eeda fashilka haysta Dowlad dhiska Somaliya,waxaa leh hogaaminta hoosaysa ee Xasan Sh ee yaan loo oholaan in uu PL kula soo galgasho.

 

Halkan ka daawo muuqaalka