Madaxweyne Deni oo Tacsi ka diray Geerida Gudoomiyihii hore Ee Baarlamaanka PL

‎ إنا لله وإنا إليه راجعون

Alle ha u naxariisto oo janadii ha geeyo Guddoomiyihii hore ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland , Cismaan Dalmar Xaaji Yuusuf oo maanta geeriyooday, waa garab weyn oo ka baxay ummada Soomaaliyeed gaar ahaan Dowladda iyo Shacabka Puntland.

Wuxuu ahaa masuul wax badan usoo shaqeeyay dadkiisa iyo dalkiisa, wuxuu ka mid ahaa budhigayaashii dhidibada u taagay Dowladda Puntland, isagoo markii danbena hoggaamiyey Hay’adda Sharci dejinta.

Waxaan u tacsiyadeeynayaa Shacab weynaha Puntland, Golaha Wakiillada Dowladda Puntland iyo Qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday Marxuumku. Alle ha u danbi dhaafo dhammaanteena Samir iyo Iimaan Alle ha inaga wada siiyo , Aamiin .