Video:-Xasan,waxuu ku diidanaa Shalay Farmaajo,ayuu samaynayaa Saakay

Shalay,waxuu ku dhaliilayay Farmaajo,ayuu Maanta isagu samaynayaa Xasan Shiikh.

Baarlamaankii Shalay uu ku habar wacanayay in ay Dalka badbaadiyaan oo ay Farmaajo ka qabtaan ku tumashadiisa Dastuurka,ayuu Beri rabaa in uu la hor tagayo qorshe Dastuurka baalmarsan.

Fadhiga Baarlamaanka Fadaraalka Berri waa furis caadiya,hadii su’aalo loo ogolaado in ay waydiiyaan Xasan,waxaa abaabulan Xildhibaano door ah oo diidan qorshihiisa Dastuurka ka hor imaanaya.

Waxaase jira guux xoog leh oo Xildhibaanadu kaga hor imaan doonaan qorshaha Xasan inta Kalfadhigan socdo.

Xildhibaanada,waxaa laga rabaa in ay hor istaagaan hanka Ninkaas oo khatar ku ah Dastuurka iyo guud ahaan Dowladnimada Dalka.

 

Halkan ka daawo muuqaalka

Jibril Qoobey.