Video:-La xisaabtan ayay mudan yihiin Ragga ku fadhiya Kursiga RW Ee Daarood

Hadii Kursiga Madaxweynaha ay ku fadhiyaan Beesha Daarood,waxaa leh Kursiga Ra’isalwasaaraha Beesha Hawiye.

Hadii Kursiga Madaxweynaha ay ku fadhido Beesha Hawiye,waxaa leh Kursiga Ra’isalwasaare Beesha Daarood.

Waa awood qaybsiga Dalka si loo ilaaliyo ku xadgudubka awooda iyo Hal Gacan in aysan gelin hogaaminta Dalka.

Saakay Kursigaa,waxaa ku fadhiya Nin,kaasoo ku matalaya Beesha,waase ku filnaan waayay matalaadii iyo hogaamintiiba.

Sidoo kale Ninka kale ee ay ahayd in uu ilaaliyo matalaada oo uu xisaabtamo,waxaa la weynaatay Sanad ku darsiya.

Taariikh,ayaa isqortay oo sidaanoo kale Axmed Cumar Jees,ayaa qaatay Gudoomiye Baarlamaan Dowlad ay dhisanayeen Caydiid iyo Tuur oo la oran jiray Salballaar,iyadoo loo adeegsaday Eraygii caan baxay ee ahaa…

“Gudoomiye Baarlamaan qaado,waa laga adkaaday Beeshaadee”.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka