Wararkii ugu danbeeyay Buulo-mareer oo dhawaan Shabaab weeraray

Magaalada Buulomareer oo Toddobaadkii hore ay Al Shabaab ku qaadeen weerar saldhig halkaas ku yaal oo ay ku sugnaayeen ciidamada Uganda ee ka tirsan kuwa nabad ilaalinta Afrika ee ATMIS ayey dadku badanaa ka qexeen.

Sida ay wararku nagusoo gaarayaan, ma jirto cid hadda gacanta ku haysa maamulka magaalada oo ay isaga bexeen ciidamadii halkaas lagu weeraray ee Uganda iyo sidoo kale kuwa Al Shabaab oo la sheegay in iyaga qudhoodu aysan ku sugnayn magaalada.

Ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo kuwa ATMIS ayaa labaduba ku sugan deegaanka Golweyn oo qiyaastii 7km u jirta magaalada Buulo Mareer.

Weerarkaas ayay Al shabaab khasaare badan ku gaarsiiyeen Ciidamadii halkaas ku sugnaa.

Madaxweynaha Uganda Yuweri Musevani oo ka hadlay weerarka ayaa ku dhaliilay ciidankiisu in ay isku dhex yaaceen taas oo uu ku tilmaamay mid aan loo baahnayn maadamaa oo sida uu sheegay ay ka gacan sarreeyeen qolyaha soo weeraray.