Ukaraine oo duqeysay Markab Shidaal oo uu Ruushku leeyahay

Markab laga leeyahay dalka Ruushka oo shidaal siday,ayaa waxaa duqeeyey oo naafeeyey diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine.

Markabka,ayaa lagu dhuftay marinka Kerch ee u dhexeeya Ruushka iyo Jasiiradda Crimea ee la haysto.

Waxay keentay in muddo kooban la hakiyo isu socodka waddada iyo buundada tareenka ee Marinka.

Booyada, SIG, waxaa soo gaaray burbur xaddidan laakiin waxay lumisay awoodda matoorka iyadoo aysan wax shidaal ah daadan.

Dhowr xubnood oo ka mid ahaa kow iyo tobankii shaqaalaha markabka ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen muraayado jabay.

Labo doomood,ayaa goobta soo gaaray si ay u caawiyaan.

Weerarkan,ayaa ah kii ugu horeeyey ee lagu qaado Markab Ganacsi tan iyo markii Moscow ay ka baxday heshiis lagu ilaalinayey Maraakiibta rayidka ah ee mara Badda Madow.