Jamhada Amxaarada oo ku hanjabtay in ay weeraryso diyaaradaha Itoobiyan Airlines

Xoogaga Amxaarada ee Faano,waxay ku hanjabeen in ay weerari doonaan Diyaarada Itoobiyan Airlines.

Xaafiiska RW Abiy,ayaa uga jawaabay hanjabaadaas…

“Waxaa laydin aqoonsan doonaa danbiilayaal dagaal hadaad weerartan diyaarad Shacab,waxaad kaloo ilowsan tihiin in diyaarada ay leedahay Itoobiya”.

Haday Jamhada Amxaaradu ku dhaqaaqdo weerarka diyaarada Itoobiyan Airlines,waxay ku noqon doontaa dhabar jab weyn oo Siyaasadeed.

Tigreegu xilligii ay dagaallamayeen marna ma weerarin diyaaradaha Shacabka,gaar ahaan Itoobiyan Airlines,sababtoo ah waxay fahansanaayeen waxa uga soo laaban doona.

Sida xoguhu sheegayaan Fano,waxay ka heshay Lidka diyaaradaha oo casriya Wadanka Masar,iyadoo loosoo marsiiyay Eretereya.

Mucaarad walba oo Itoobiya Dowlada ka jirta la hardamaya,wuxuu taageero shuruud la’aan ah ka helaa Masar.