Xasan qorshihiisu mahan wax ka badal Dastuur Ee waa samayn Dastuur cusub

15-Cutub,ayuu yiri halaga badalo Dastuurka markii hore MW Xasan Shiikh,kuwaasoo ay ku jiraan Qodobada Asaasiga ah ee ka dhigaya hadii la taabto in Dastuurkii oo dhan la badalay.

4-ka mid ah Cutubyadii 15-ka ahaa,ayuu hadana kala soo dhex baxay,wuxuuna meel iska dhigay 11-kii kale.

Afartii meel marintooda,wuxuu amray in aan loo marin habraacyadii udaganaa Labada Gudi ee kala ah…

1.Gudiga Dib U Eegista Dastuurka.
2.Gudiga Dastuurka ee Baarlamaanka.

Fikradihii dooda Xildhibaanada laga ururshay oo sharciyan ay ahayd in lagu daro Dib u eegista kadibna lagu ansixiyo Cod ah 51%,meesha,ayaa laga saaray sabab ah in ay wakhti dheer qaadanayaan.

Haatan Afar Cutub oo aan loo marin habraac sax ah,ayaa Sabtida la rabaa in Cod aan kooram loo haysan lagu ansaxsado,kadibna MW Digreeto kusoo saaro.

Gudiyadii Dib u eegista Dastuurku,waxay ku shaqaynayaan rabitaanka Madaxweynaha,waxayna lumiyeen Madaxbanaanidii.

Afarta Cutub,waa asaasi,waxayna ka dhigan yihiin badalidoodu in Dastuurkii oo idil laga guuray,taasoo aysan awood ulahayn Baarlamaanka iyo Gudiyada Dib U eegista Dastuurka.

Waxaa kaloo xusid mudan in Afartan ay qayb ka yihiin 15-ka kale oo ay tahay in si guud isku mar Cod loo galiyo.

JQ.