Maxay ka dhigan yihiin Cutubyada Dastuurka Ee Xasan meelmarsanayo?

Madaxweynaha Doorasho Dadweyne,ayuu ku imaanayaa?.

Waa in Xasan Kursiga kusii fadhiyo 20-ka Sano ee soo socota,sababtoo ah Doorasho Qof iyo Cod ah kama hirgeli doonto Somaliya. 20-ka Sano ee soo socota marka waaqiciga la duulo.

Madaxweynaha,ayaa soo magacaabayo,xilkana ka qaadaya RW?

Waa in meesha laga saaro awoodaha Golayaasha fulinta iyo Sharcidejinta.

Macnuhu,waa Dowladnimo Gacanta Hal Qof loo galiyo,taasoo ah Gacanta Madaxweynaha.

Sidoo kale,waa in Baarlamaanka la micno tiro oo awoodihiisii dheelitirka Dowladnimo la laalo,waxaana tusaale kuugu filan in uusan MW dooran karin,kana qaadi karin xil Ra’isalwasaaraha.

Xisbiyada,waxay noqon doonaan 3-Xisbi Siyaasadeed?

Waa in Siyaasada Wadanka loo xiro Madaxweynaha oo Xisbi,isagu samaysto Labada kalana uu Dad iyo Dhaqaale ku darsado.

Macnaha,waa in meesha laga saaro Nidaamka Xisbiyada badan.

Mudada xil haynta,waa 5-sano?

Waa mudo kororsi dadban iyo Xubi loo qabo kusii fadhiga Kursiga.

JQ.