Sanadkii tagay,wuxuu u ahaa PL mid la xaqiijiyay amnigeeda gudaha oo wax badan laga qabtay.
Waxqabadkii Xukuumada Deni ee 2025,waxaa ugu hilnaa amniga oo ahaa hortabinta 1-Aad….
1.Waxaa dib uhabayn wanaagsan lagu sameeyay Ciidamada Daraawiishta oo maanta PL,waxay leedahay 13-kun Askari oo qalabaysan oo heegan ah marka laga reebo 2000 oo hawlgab ah.
2.Waxaa dib uhabayn lagu sameeyay Ciidamadii Booliska oo Maanta,waxay PL leedahay 3000-Askari oo 2000 ka mid ah ay haystaan Shahaadada Master-ka.
3.Waxaa dib uhabayn wanaagsan lagu sameeyay Ciidamada Wardoonka (PISA).
4.Waxaa la sugay amniga caasimada oo Boolis cusub la geliyay.
5.Waxaa la sugay amniga Xarunta ganacsiga PL ee Bosaso.
6.Waxaa la sugay amniga Magaalada muhiimada dhaqaale,difaac iyo amni leh ee Galkacyo.
7.Waxaa la qaaday hawlgal balaaran oo lagu sifeeyay Deegaan gaaraya 300-km oo Buurta Calmiskaad ah.
8.Waxaa la jabiyay oo Cagta la mariyay argagixisadii caalamka ugu khatarta badnayd ee Daacish.
Isku soo wada duuboo waxqabadkii Xukuumada ee Sanadkii tagay,waxaa ugu muhiimsanaa markay timaado gudaha PL Amniga.
