Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»7-Bilood kadib iyo hogaaminta Madaxweyne Xasan Shiikh?
    Somalia

    7-Bilood kadib iyo hogaaminta Madaxweyne Xasan Shiikh?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 1, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    7-Bilood kadib dhaliisha ugu weyn ee hogaaminta Madaxweyne Xasan dul hoganaysa waa fudayd iyo Kaligii talisnimo aan lagaba filayn xiligan markii lagu qiimeeyo Da’daiisa iyo khibradiisa.

    Dagaalka argagixisada?

    Aragtidiisa la dagaallanka argagixisada,waa lasoo dhaweeyay,waxaana loo arkayay in ay tahay mudnaantii oo uu asiibay.

    Balse si khaldan,ayuu uwajahay oo halkii ay ka ahayd in uu mideeyo Siyaasada amniga fuliyana qorshaha amniga Qaranka ee Dowladii ka horaysay ay ku fashilantay,waxuu la booday abaabulka Maleeshiyo Beeleed.

    Dagaal in lagu qaado argagixisada,waxaa ka horaysay in Dalka la mideeyo Ciidankiisa oo la dhamaystiro Shuruucda Ciidan lagu qori karo,tirada Ciidamada Somaliya iyo qaybaha ay kala noqonayaan si rasmi ah.

    Sidaas oo ay tahay waa lagu taageeray oo waxaa loo arkay macquul doodiisii ahayd”Bartamaha iyo Koonfurta Dowladnimo kama jirto ee sida kaliya argagixisada lagu jabin karo waa Hab Beeleed”.

    Dastuurka?

    Iyadoo doodii dagaalka argagixisadu taagan tahay,ayuu ubooday midii Dastuurka.

    Dastuurka Dalku waa qabyo,waxuuna ubaahan yahay tixgelin gaar ah oo wadata wakhti iyo dhaqaale.

    Ma samayn Madaxweyne Xasan ee waa ku booday halmar markuu arkay baaxada ay leedahay Shaqada ah in Dastuurka la dhamaystirana,waxuu usii booday in uu waxuun macjileeyo.

    Waa khalad kale oo uu ka galayo Dowladnimada kuna fashilinayo Qodobkii 1-Aad oo ay ahayd in laga shaqeeyo si loo helo Qaran dhamaystiran Fadaraaliya,kaasoo ah Dastuurka.

    Ilaalinta Sharciga??

    Madaxweyne Xasan Dowladnimadii,waxuu ka dhigtay mid Jeebkiisa ku jirta oo Hal Qof ah.

    Majiro Gole Baarlamaan oo Shaqaynaya,waxaana iskugu darsoomay hogaamin aan uqalmin iyo macno tirka M.Xasan.

    Majiro Gole fulineed oo Ra’isalwasaarihii,waxuu noqday Wiilka Curad ee Madaxweyne Xasan,isla Golihii Wasiiradana Madaxweynahaa buuxiyay Shaqadoodii.

    Majiraan Maxkamado iyo Xeeer ilaalin shaqaynaysa oo istaahila in loogu yeero maqaamka Garsoorka Dalka heer walba oo ay yihiin.

    7-Bood kadib Madaxweyne Xasan,waxa kaliya ee lagu amaani karay haduu kusii socon lahaa waxay ahayd isku wadida Somalida,iyadiina Bishii ugu danbaysay,ayuu lumiyay.

    Jibril Qoobey.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    SANAAG: Puntland oo go’aano Amni kasoo saartay Badhan, kaddib baaqii Suldaan Siciid

    October 11, 2026

    Sagal Cabdi-Wali oo loo doortay Xildhibaan kamid ah Baarlamaanka UK

    October 9, 2026

    Gollaha Wasiirada Puntland oo 3 arrimood ka wada-hadlay

    October 8, 2026
    Latest Posts

    SANAAG: Puntland oo go’aano Amni kasoo saartay Badhan, kaddib baaqii Suldaan Siciid

    Sagal Cabdi-Wali oo loo doortay Xildhibaan kamid ah Baarlamaanka UK

    Gollaha Wasiirada Puntland oo 3 arrimood ka wada-hadlay

    XOG: Xassan Shiikh oo diyaariyay weerar ka dhan ah Shariif iyo Kheyre

    Itoobiya oo ku eedeeysay Xassan Shiikh ‘in uu khiyaamay’

    DEGDEG: Puntland oo soo saartay habraacyo looga hortagayo cudurka Ebola

    Golaha Bilicda Gaalkacyo oo hirgelinaya mashaariic horumarineed

    Markabka Honour-25 oo kusoo xirtay Dekedda Boosaaso

    Kenya oo shaacisay in Qof u geeryooday xanuunka Ebola

    Puntland oo Pakistan ku wareejisay Meydadka saddex Badmaaxe iyo 4 nool










    AD







    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.