Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»7-Bilood kadib iyo hogaaminta Madaxweyne Xasan Shiikh?
    Somalia

    7-Bilood kadib iyo hogaaminta Madaxweyne Xasan Shiikh?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 1, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    7-Bilood kadib dhaliisha ugu weyn ee hogaaminta Madaxweyne Xasan dul hoganaysa waa fudayd iyo Kaligii talisnimo aan lagaba filayn xiligan markii lagu qiimeeyo Da’daiisa iyo khibradiisa.

    Dagaalka argagixisada?

    Aragtidiisa la dagaallanka argagixisada,waa lasoo dhaweeyay,waxaana loo arkayay in ay tahay mudnaantii oo uu asiibay.

    Balse si khaldan,ayuu uwajahay oo halkii ay ka ahayd in uu mideeyo Siyaasada amniga fuliyana qorshaha amniga Qaranka ee Dowladii ka horaysay ay ku fashilantay,waxuu la booday abaabulka Maleeshiyo Beeleed.

    Dagaal in lagu qaado argagixisada,waxaa ka horaysay in Dalka la mideeyo Ciidankiisa oo la dhamaystiro Shuruucda Ciidan lagu qori karo,tirada Ciidamada Somaliya iyo qaybaha ay kala noqonayaan si rasmi ah.

    Sidaas oo ay tahay waa lagu taageeray oo waxaa loo arkay macquul doodiisii ahayd”Bartamaha iyo Koonfurta Dowladnimo kama jirto ee sida kaliya argagixisada lagu jabin karo waa Hab Beeleed”.

    Dastuurka?

    Iyadoo doodii dagaalka argagixisadu taagan tahay,ayuu ubooday midii Dastuurka.

    Dastuurka Dalku waa qabyo,waxuuna ubaahan yahay tixgelin gaar ah oo wadata wakhti iyo dhaqaale.

    Ma samayn Madaxweyne Xasan ee waa ku booday halmar markuu arkay baaxada ay leedahay Shaqada ah in Dastuurka la dhamaystirana,waxuu usii booday in uu waxuun macjileeyo.

    Waa khalad kale oo uu ka galayo Dowladnimada kuna fashilinayo Qodobkii 1-Aad oo ay ahayd in laga shaqeeyo si loo helo Qaran dhamaystiran Fadaraaliya,kaasoo ah Dastuurka.

    Ilaalinta Sharciga??

    Madaxweyne Xasan Dowladnimadii,waxuu ka dhigtay mid Jeebkiisa ku jirta oo Hal Qof ah.

    Majiro Gole Baarlamaan oo Shaqaynaya,waxaana iskugu darsoomay hogaamin aan uqalmin iyo macno tirka M.Xasan.

    Majiro Gole fulineed oo Ra’isalwasaarihii,waxuu noqday Wiilka Curad ee Madaxweyne Xasan,isla Golihii Wasiiradana Madaxweynahaa buuxiyay Shaqadoodii.

    Majiraan Maxkamado iyo Xeeer ilaalin shaqaynaysa oo istaahila in loogu yeero maqaamka Garsoorka Dalka heer walba oo ay yihiin.

    7-Bood kadib Madaxweyne Xasan,waxa kaliya ee lagu amaani karay haduu kusii socon lahaa waxay ahayd isku wadida Somalida,iyadiina Bishii ugu danbaysay,ayuu lumiyay.

    Jibril Qoobey.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.