Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Lix dal oo Washington ku yeeshay kulan ku saabsan Soomaaliya
    Somalia

    Lix dal oo Washington ku yeeshay kulan ku saabsan Soomaaliya

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 1, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wakiilo ka socday dalalka Qatar, Soomaaliya, Turkey, Imaaraadka Carabta, UK iyo Mareykanka ayaa magaalada Washington ku yeeshay kulan looga hadlay ammaanka Soomaaliya, dowlad dhiska, horumarinta iyo ahmiyadaha gargaarka baniโ€™aadannimo.

    War-saxaafadeed kasoo baxay kulanka, oo ay faafisay Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka, ayaa lagu sheegay in dalalkan ay taageero u muujiyaan dadaallada ay Soomaaliya kula dagaalameyso argagixisada.

    Waxay sheegeen inay ka wada-hadleen sida ugu wanaagsan ee loo taageeri karo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

    Waxay sheegeen inay isku raaceen in la mideeyo kaalmada amni ee caalamiga ah ee la siiyo Soomaaliya, iyo in la xaqiijiyo in gargaar xasilin la gaarsiiyo deegaanda laga saaray kooxda Al-Shabaab.

    Qoraalka ayaa intaas ku daray in dalalkan ay ka goโ€™an tahay inay taageeraan dadaallada Soomaaliya ee ku aadan buuxinta halbeegyada xakameynta hubka iyo rasaasta, si Golaha Ammaanka ee QM uu si buuxda ugu qaado cunaqabataynta hubka ee saaran Soomaaliya.

    Waxay walaac ka muujiyeen dagaallada muddada bil ku dhow ka socda magaalada Laascaanood, waxayna ku baaqeen in loo hoggaansamo xabad-joojinta, la ogolaado gaarsiinta gargaarka baniโ€™aadannimo, islamarkaana wada-hadal lagu dhameeyo xiisadda.

    Dalalka ayaa ugu dambeyn sheegay inay isku raaceen in muddo saddex bil gudaheed ah ay kulan kale ku yeeshaan magaalada Doha ee dalka Qatar, si loo sii wado wada-hadallada ku aadan Soomaaliya.

    VOA

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.