Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Itoobiya: Shacab lagu dilay duqeymo ka dhacay gobalka Amxaaradda
    Somalia

    Itoobiya: Shacab lagu dilay duqeymo ka dhacay gobalka Amxaaradda

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyAugust 14, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Diyaarad Drone ah oo ay leeyihiin ciidamada Itoobiya ayaa duqaymo ku dishay dad shacab ah oo ku banaanbaxayay gobolka Axmaarada, waxaana ku dhintay ugu yaraan 26 ruux, halka ay ku dhaawacmeen 70 qof, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.

    Duqeymo cirka ah ayaa lagu soo waramayaa in lagu garaacay dibadbaxayaal, kuwaas oo isugu soo baxay magaalada Finote Selam si ay uga mudaaharaadaan ciidamada federaalka oo qorsheynayay in ay gudaha u galaan deegaanka.

    Ma jiro wax war oo kasoo baxay Xukuumadda Addis Ababa, kaas oo ku aadan duqeymaha lagu laayay rayidka.

    Todobaadyadii u dambeeyay ciidamada dawladda Federaalka Itoobiya iyo maleeshiyaadka deegaanka Amxaarada ee FANO, ayaa dagaalo culus ku dhexmareen deegaanka, kuwaas oo galaaftay nolasha boqolaal askari.

    Maleeshiyada ayaa diiday in hub ka dhigis lagu sameeyo, taasoo keentay in dowladda Federaalka ay diyaariso ciidamo guluf dagaal ku qaaday.

    Itoobiya ayaa xasilooni darro amni iyo mid siyaasadeed dhex maquuranaysay tan iyo 2018kii, xilligaas oo talada dalka ay gacanta u gashay Raโ€™iisul Wasaare Abiy Ahmed Ali oo kasoo jeeda qoomiyadda tirada badan ee Oromada. Dhowaan ayaa heshiis nabadeed lagu soo afjaray labo sano oo dagaal dhexmarayay ciidamada DF Itoobiya iyo maleeshiyaadka TPLF ee Tigreega, iyadoo dagaaladaas ay ku dhinteen kumanaan qof.

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.