Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Shalay Waxay Ahayd Qabuurihii Reer Macalin Nuur Iyo Dab-damiska
    Somalia

    Shalay Waxay Ahayd Qabuurihii Reer Macalin Nuur Iyo Dab-damiska

    𝕯𝖗. π—πˆπƒπƒπˆπ†By 𝕯𝖗. π—πˆπƒπƒπˆπ†May 6, 2024Updated:May 6, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Muqdisho, (IDNE, Faallo) Faalladaan waxaa qoray xildhibaanad ka tirsan aqalka sare ee JFS Maryan Faarax Kaahiye.

    Waxay ku bilowday; Sidaan horey uga digay, boobka dhulalka Danta Guud ayaa imaan doona kaddib ansixintii Dastuurka oo ahaa mid baalmarsan dhammaan Xeer-hoosaadyada iyo acraafta kale ee labada Gole ee JFS.

    Xildhibaanno kale iyo aniguba waxaan ummadda Soomaaliyeed u caddaynay in ballanqaadyo lagu baddashay Ansixinta Dastuurka-taas oo shacabkeena sharafta leh iyo inta yar ee waddaniyaddu ku dambayso ee Labada Aqal ku jirta ay ogyihiin.

    Maanta waxay taagan tahay in Qabuurihii laga xishoon waayo oo xitaa Alle looga baqiwaayey.

    Waxaa nasiib darro ah in Hoggaanka sare ee dalkuΒ uu sidaa maanta inuu raali ka noqdo soo bixinta lafaha Dad badan oo Qaranka u soo shaqeeyey oo ku aasan Iskool Boolisiya.

    Waxaan xusuustaa oo sidoo kale la ii xaqiijey in halkaas lagu aasay Xildhibaanno Qaran, Saraakiil Ciidan, Diblomaasiyiin iyo dad kale oo bulshadeena magac iyo maamuus ku lahaa!!

    Madaxweynaha Xasan Shiikh Maxamuud yo Ra’iisulwaare Xamse Cabdi Barre waxaan ugu baaqayaa in ay Qabuuraha Eebbe darti uga xishoodaan.

    Waxaan ugu baaqayaa in ay joojiyaan boobka lagu hayo dhulalka Danta Guud ee Qaranka ilaa laga helayo Shuruucdii Dhulka Dowladda lagu hagilahaa!

    Sidaa si lamida, waxaan Xildhibaanada Labada Gole ee damiirka-dowladnimo ku dambeeyo u soo jeedinayaa in ay u istaagan daryeelka iyo difaaca shacabkeena dhibban.

    Senotarad Maryan ayaa qoraalkeeda kusoo gebo-geboysay; DIFAACA SHARAFTA QABUURAHA IYO DIFAACA SHACABKEENA QAALIGA AH WAA WAAJIB MUQADAS AH.

    https://twitter.com/senator_farah/status/1787062007402832178
    Senator Maryan Farah kahiye (@senator_farah)

    XiDDIG

    Hamza Abdi Barre Hassan Sheikh Mohamud Mogadishu Somalia
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maraykanka oo ka niyad jabay dhismaha Dowlad dhexe oo xoog leh oo Somaliyed

    May 24, 2026

    Maraykanka oo hirgeliyay Xaafiis amniga Badaha ah oo SL iyo PL isku xiraya

    May 24, 2026

    Faallo:-SL ma waxay ku xadgudubtay Diinta Islaamka?

    May 23, 2026
    Latest Posts

    Maraykanka oo ka niyad jabay dhismaha Dowlad dhexe oo xoog leh oo Somaliyed

    Maraykanka oo hirgeliyay Xaafiis amniga Badaha ah oo SL iyo PL isku xiraya

    Faallo:-SL ma waxay ku xadgudubtay Diinta Islaamka?

    Faallo:-Maxay PL uga dhigan tahay booqashada weftiga Maraykanka?

    Hay’ada wardoonka Puntland ee PISA oo horumar samaysay

    Puntland oo go’aamo kasoo saartay mudo xileedka dhamaaday Ee Xasan Shiikh

    Maraykanka oo maalgashanaya Macdanta Puntland

    HSM Stripped of Executive Power as Term Expired on 15 May

    Mw Israa’iil oo Waraaqaha aqoonsiga ka gudoomay Safiirka SL

    Xog:-Maxaa kasoo baxay kulankii BC iyo GMS?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.