Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»FAALLO: BEESHA CAALAMKU MA JIDKII WADASHAQAYNTA GOONNIDA AH EE AY PUNTLAND DOONAYSAY BAY RAACDAY?
    Puntland

    FAALLO: BEESHA CAALAMKU MA JIDKII WADASHAQAYNTA GOONNIDA AH EE AY PUNTLAND DOONAYSAY BAY RAACDAY?

    ๐•ฏ๐–—. ๐—๐ˆ๐ƒ๐ƒ๐ˆ๐†By ๐•ฏ๐–—. ๐—๐ˆ๐ƒ๐ƒ๐ˆ๐†June 10, 2024No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Garoowe, Puntland โ€” Tan iyo markii ay Dawladda Puntland soo saartay goโ€™aankii ay ku sheegtay in ay wadashaqayntii iyo aqoonsigii kala noqotay dawladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud, waxa bilowday dhaq-dhaqaaq ay xukuumadda Deni ku dhaqangelinayso nuxurka qodobkii shanaad ee goโ€™aammadii 31-dii Maaj ee 2024 ee ay DawladdaPuntland soo saartay.

    Gaโ€™aamada ay Dawladda Puntland soo saartay oo macnahiisu ahaa in ay Xukuumadda Puntland si madaxbannaan arrimaheeda ugala xaajoonayso Beesha Caalamka iyo hayโ€™adaha caalamiga ah ee daneeya Soomaaliya, taasina uu u oggol yahiin dastuurrada heer dawladgoboleed iyo heer federaal labada.

    Madaxtooyada Dawladda Puntland oo kabaha u illatay in ay xiriirro toos ah iyo wadashaqayn caalami ah la yeelato daneeyayaasha caalamiga ah ayay u suuragashay in ay shirar ka dhacay Nayroobi horfariisato madax kala duwan oo dalal, hayโ€™ado iyo Beesha Caalamka ka kala tirsan, kuwaa oo ay kala hadashay hirgelinta wadashaqayn aan loo dhexayn Puntland iyo Beesha Caalamka iyo doonitaankooda ku aaddan danaha Puntland ee dawladda Federaalka ka xiriir-furan.

    Puntland oo tan iyo markii madaxweyne Xasan Sheekh la doortay oo xiriir aan sal adkayn la lahayd xukuumaddiisa, ayaa tallaabadaan ku dhaqaaqday markii ay sheegtay in dhawaaqeeda ku aaddan tubta aan wanaagsanayn ee dalku ku socdo dhegaha laga furaystay, wax talo ahna aan laga siin arrimaha la xiriira beddelidda dastuurka, hannaanka siyaasadeed ee Federaalka iyo shaqooyinka kale ee qaran ee lagamamaarmaanka u ah wadatashiga iyo wada-oggolaanta.

    18-ka Abriil Waxaa Nayroobi ku kulmay Wakiillada Beesha Caalamka oo kala metelayey dalalka USA, UK, EU, Norway, Sweden, Denmark, Switzerland, Netherlands iyo Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Puntland.

    Tan iyo bilowgii bishii ina dhaaftay ee May waxa magaalada Garoowe soo gaaray wafdiyo caalami ah oo isugu jira kuwo dalal ka socda, kuwo hayโ€™adaha ka yimid iyo wakiillo QM ah, iyaga oo kulammo la yeeshay madaxweyne Deni iyo xukuumaddiisa, arrimo kala duwanna kala hadlay.

    Horraantii May waxa madaxtooyada Puntland lagu qaabbilay safiirka dawladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, iyada oo 14-kii May lagu soo dhoweeyay Garoowe safiirka dawladda Sweden u fadhiya Soomaaliya.

    Waxaa iyana isla bishii hore 18keedii soo gaaray Puntland Ergaygii hore ee Qarammada Midoobay u qaabbilsanayd Soomaaliya, iyada oo shirar ku saabsan isdiiddooyinka Puntland iyo Federaalka la yeelatay madaxda Puntland. Wakiilka UNDP Soomaaliya, wakiilka hayโ€™addo FAO iyo wakiilka hayโ€™adda UNHCR ayaa iyaguna soo gaaray Puntland ilaa dhammaadkii bishii May ee ina dhaaftay.

    5-tii bishaan Juun waxa iyagana magaalada Garoowe yimid wafdi ballaaran oo ka socda dalka Sacuudiga oo socdaalkoodu daarranaa maalgashi ay ku sameeyaan Puntland, 8-dii bisha Juun na waxa yimid wafdi saraakiil sarsare ah oo ka socday dawladda Ingiriiska oo ka mid ah dawladaha u fara dhuu-dhuuban arrimaha Soomaaliya, Waxa kale oo qorshaysan in dhowaan ay Garoowe tagaan diblomaasiyinta safaaradda Maraykanka.

    Garowe Puntland Said Abdullahi Deni
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.