Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»FAALLO: BEESHA CAALAMKU MA JIDKII WADASHAQAYNTA GOONNIDA AH EE AY PUNTLAND DOONAYSAY BAY RAACDAY?
    Puntland

    FAALLO: BEESHA CAALAMKU MA JIDKII WADASHAQAYNTA GOONNIDA AH EE AY PUNTLAND DOONAYSAY BAY RAACDAY?

    𝕯𝖗. π—πˆπƒπƒπˆπ†By 𝕯𝖗. π—πˆπƒπƒπˆπ†June 10, 2024No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Garoowe, Puntland β€” Tan iyo markii ay Dawladda Puntland soo saartay go’aankii ay ku sheegtay in ay wadashaqayntii iyo aqoonsigii kala noqotay dawladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud, waxa bilowday dhaq-dhaqaaq ay xukuumadda Deni ku dhaqangelinayso nuxurka qodobkii shanaad ee go’aammadii 31-dii Maaj ee 2024 ee ay DawladdaPuntland soo saartay.

    Ga’aamada ay Dawladda Puntland soo saartay oo macnahiisu ahaa in ay Xukuumadda Puntland si madaxbannaan arrimaheeda ugala xaajoonayso Beesha Caalamka iyo hay’adaha caalamiga ah ee daneeya Soomaaliya, taasina uu u oggol yahiin dastuurrada heer dawladgoboleed iyo heer federaal labada.

    Madaxtooyada Dawladda Puntland oo kabaha u illatay in ay xiriirro toos ah iyo wadashaqayn caalami ah la yeelato daneeyayaasha caalamiga ah ayay u suuragashay in ay shirar ka dhacay Nayroobi horfariisato madax kala duwan oo dalal, hay’ado iyo Beesha Caalamka ka kala tirsan, kuwaa oo ay kala hadashay hirgelinta wadashaqayn aan loo dhexayn Puntland iyo Beesha Caalamka iyo doonitaankooda ku aaddan danaha Puntland ee dawladda Federaalka ka xiriir-furan.

    Puntland oo tan iyo markii madaxweyne Xasan Sheekh la doortay oo xiriir aan sal adkayn la lahayd xukuumaddiisa, ayaa tallaabadaan ku dhaqaaqday markii ay sheegtay in dhawaaqeeda ku aaddan tubta aan wanaagsanayn ee dalku ku socdo dhegaha laga furaystay, wax talo ahna aan laga siin arrimaha la xiriira beddelidda dastuurka, hannaanka siyaasadeed ee Federaalka iyo shaqooyinka kale ee qaran ee lagamamaarmaanka u ah wadatashiga iyo wada-oggolaanta.

    18-ka Abriil Waxaa Nayroobi ku kulmay Wakiillada Beesha Caalamka oo kala metelayey dalalka USA, UK, EU, Norway, Sweden, Denmark, Switzerland, Netherlands iyo Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Puntland.

    Tan iyo bilowgii bishii ina dhaaftay ee May waxa magaalada Garoowe soo gaaray wafdiyo caalami ah oo isugu jira kuwo dalal ka socda, kuwo hay’adaha ka yimid iyo wakiillo QM ah, iyaga oo kulammo la yeeshay madaxweyne Deni iyo xukuumaddiisa, arrimo kala duwanna kala hadlay.

    Horraantii May waxa madaxtooyada Puntland lagu qaabbilay safiirka dawladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, iyada oo 14-kii May lagu soo dhoweeyay Garoowe safiirka dawladda Sweden u fadhiya Soomaaliya.

    Waxaa iyana isla bishii hore 18keedii soo gaaray Puntland Ergaygii hore ee Qarammada Midoobay u qaabbilsanayd Soomaaliya, iyada oo shirar ku saabsan isdiiddooyinka Puntland iyo Federaalka la yeelatay madaxda Puntland. Wakiilka UNDP Soomaaliya, wakiilka hay’addo FAO iyo wakiilka hay’adda UNHCR ayaa iyaguna soo gaaray Puntland ilaa dhammaadkii bishii May ee ina dhaaftay.

    5-tii bishaan Juun waxa iyagana magaalada Garoowe yimid wafdi ballaaran oo ka socda dalka Sacuudiga oo socdaalkoodu daarranaa maalgashi ay ku sameeyaan Puntland, 8-dii bisha Juun na waxa yimid wafdi saraakiil sarsare ah oo ka socday dawladda Ingiriiska oo ka mid ah dawladaha u fara dhuu-dhuuban arrimaha Soomaaliya, Waxa kale oo qorshaysan in dhowaan ay Garoowe tagaan diblomaasiyinta safaaradda Maraykanka.

    Garowe Puntland Said Abdullahi Deni
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Turkey oo Muqdisho kasoo dajiyay Soomaali uu soo tarxiilay

    September 15, 2026

    Maxaan ka naqaan Safiirka cusub ee Trump u soo magacaabay Soomaaliya?

    September 15, 2026

    π€π‘π“πˆπ‚π‹π„| The Heaven of the Earth: A Journey Beyond the Horizon into the Spirit of Ras Caseyr

    September 14, 2026
    Latest Posts

    Turkey oo Muqdisho kasoo dajiyay Soomaali uu soo tarxiilay

    Maxaan ka naqaan Safiirka cusub ee Trump u soo magacaabay Soomaaliya?

    π€π‘π“πˆπ‚π‹π„| The Heaven of the Earth: A Journey Beyond the Horizon into the Spirit of Ras Caseyr

    Xaawo Aadan Camey oo geeryootay

    FAALLO: Ganacsiga Turkiga oo xaalka Somaliya sii cakiray

    BADHAN: Maleeshiyaad beeleedyada oo bilaabay in ay fuliyaan Amarkii Puntland

    XOG: Maxaan ka ognahay safarka Madaxweyne Deni ku aaday Kenya ?

    JABUUTI: Yemeniyiin kasoo cararay dagaalada cusub oo gaaray Obock

    YEMEN: Muhiimada magaalada Mocha ee Xuutiyiintu qabsadeen

    Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Burcad-badeeda

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.