Waxay umuuqataa in dagaalkii Maraykanka/Israa’iil oo dhinac ah iyo Iran uu u bilowday si rasmi ah.
Weerarada,waxaa toos ugu biiray Maraykanka,waxaana Gantaaladu ku hoobanayaan gudaha Iran.
Wasaarada dagaalka Maraykanku masoo saarin war rasmi ah oo ku saabsan dagaalka.
Maraykanku,waa ku khasban yahay in uu dagaal la galo Iran marka laga duulayo qorshihiisa amni,siyaasadeed iyo dhaqaale ee Bariga dhexe.
Iran oo uu Gacanta ugalay Hubka khatarta ah ee Niyukleerka intuu Marayjanku la macmiili lahaa,waxaa ugu istiraatiijisan Iran oo aan weli helin in uu wajaho.
Mudo dheer oo Iran lagula jiray dagaal cunaqabatayn ah,waa lagu guulaysan waayay in 100% laga hor istaago samaysashada Hubkaas,kaliya cunaqabatayntaas,waxay tartay in dib udhac ku yimaado wakhti dhow in ay Iran ku samaysato Hubkaas.
Iran oo Niyukleer heshay,waxay soo afjaraysaa Boqortooyada Maraykanka ee Bariga dhexe oo ah goob muhiim u ah awooda Maraykanka ee maamulida caalamka.
Iran 7- Sano ugu badnaan,waxay ku guulaysan doontaa samaysashada Hubka khatarta ah,waxayna hada gaartay kobac dhan 60%.
Wadaada,waxaa ufuran Labo mid….
1.In ay isdhiibaan oo wareejiyaan Agabka samaysashada Niyukleerka oo 60% ay gaareen.
2.In ay sii galaaftaan,waxay galaafan karaan,iyaguna jabaan.
