Diyaarado sida hub ayaa ka degay maalmihii kasoo dhaafay magaalada Laascaanood gobolka Sool, iyagoo kasoo kicitimay magaalada Muqdisho.
Hubkan oo u badan rasaas ayaa laga soo saaray keydadka hubka ee Dowladda Federaalka ah, waxaan la xaqiijiyay in loogu talagalay in galiyo deegaanada Puntland, si loogu adeegsado khalkhal galinta Amniga iyo xasiloonida mandiqada.
Idilnews ayaa ogaatay in hubkan iyo rasaasta ay keeneen Masar iyo Turkiga, kuwaas oo dabada ka riixaya qorshaha Xassan Shiikh, ee maalgalinta maleeshiyaad hubaysan iyo abuurista Burcad-badeeda ka howlgasha xeebaha Puntland, si loo dildilaaciyo Amniga deegaanka, oo kasoo baxay dagaalo qaatay sanad iyo dheeraad oo ciidamada Difaaca Puntland ku wajaheen kooxda argagaxisada caalamiga ah ee Daacish.
Sirdoonka Puntland ayaa si dhow ula socday hubkan ka degay Laascaanood iyo dhaqdhaqaaqyada socda, Halka sirdoonada Somaliland iyo Itoobiya oo si dhow ula shaqeeya Sirdoonka Puntland ay Isha ku hayaan.
IDILNEWS