In kabadan 25 Ruux ayaa ku geeryooday dagaal beeleed ka dhacay deegaanka Ari-Caddeeye ee gobolka Sool, kaas oo u dhexeeyay maleeshiyaad kasoo kala jeeda Beelaha Fiqishini (Habargidir) iyo Dhulbahante.
Dagaalka ayaa yimid kaddib markii maleeshiyaad kasoo jeeda Beesha Fiqishini weerareen dad shacab ah, iyagoo dilay Rag aan hubaysaneyn oo ku sugnaa Ari-Caddeeye.
Intaa kaddib dagaal u dhexeeya maleeshiyaadka labada dhinac ayaa bilowday, waxaana lagu dilay Haween iyo dad kale oo maxaas ah, oo kasoo jeeda Beesha Fiqishini.
Ilaa 22 qof oo kasoo jeeda Fiqishini ayaa dagaalka ku dhintay, Halka ilaa 5 kale oo kasoo jeeda dhinac Jaamac Siyaad, Dhulbahante lagu dilay dagaalka.
IDILNEWS
