Ra’iisul Wasaarihii Ingariiska, Keir Starmer ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilay xilka Ra’iisul Wasaaraha iyo hoggaanka Xisbiga ee Labour Party.
Go’aanka ayaa ku yimid cadaadis ay saareen xubnaha xisbiga Labour party, kaddib guuldaradii xisbigu kala kulmay doorashada dowladdaha hoose.
Keir Starmen oo ah Ra’iisul Wasaarihii 7aad ee muddo 10 sano ah soo mara Ingariiska, ayaa la doortay 5 July, 2024, waxaana xisbigiisu ku eedeeynayaan hoos u dhaca taageerada dadweynaha xisbiga Labour party.
Andy Burnham, oo ah xildhibaan cusub isla markaana ahaa duqii hore ee magaalada Manchester, ayaa loo arkaa ninka ugu cad-cad ee beddeli doona Starmer.
IDILNEWS
