Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Garaad Jaamac oo baaq kasoo saaray dagaal ka dhacay Doollo
    Puntland

    Garaad Jaamac oo baaq kasoo saaray dagaal ka dhacay Doollo

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 21, 2026Updated:June 21, 2026No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa baaq nabaddeed kasoo saaray dagaal beeleed dib uga bilowday deegaanka Caado ee degmada Wardheer ee gobolka Doollo.

    Shir jaraa’id oo uu qabtay Garaad Jaamac ayuu ku sheegay in beelaha walaalaha ah ee dagaallamaya (Ismaaciil Gumcadle iyo Ibraahim, Ogaadeen) looga baahan in ay joojiyaan dagaalka, laguna noqdo gogasha nabadda.

    “Waxaa lay sheegay in tolkii xaajadoda la dhameeyay ay laba furantay. Waxaan maqlay in dhimashadu lix qof marayso. Marka hore waan ka tacsiyeynaynaa. Waxaan leeyahay xigtooy qaraabo dhaw ayaad tihiin ma kala maarantahay. Intuu walaalka kuu nool yahay ayuu col kaa difaaci karaa, ceel kaa waraabin karaa, oo ceesh kaa soori karaa, hadaad iska disho adaa garabkaagi banneeyay”.

    Dagaalka ayaa sababay dhimashada 6 qof oo dhinacyada dagaallamay. Garaad Jaamac ayaa ugu baaqay maamulka DDS in degdeg loo kala dhexgalo beelaha dagaallamaya, laguna qabto gacan bir ah.

    “Laba qof xadhiga haday isku qabsadaan ka sii daaya ayaa taagnada, ka loo sii daaya dhaca. Ragganimadu waxay ku jirtaa Samirka. Dowladda waxana leeyahay meesha in Dowladi ka jirto ha muuqato. Gacan bir ah ku qabta. Ka maanta la xidho beribuu darreemi doona in tolnimo loo qabtay” ayuu yiri Garaad Jaamac Garaad Cali.

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Dagaal ka socda Baydhabo & Laftagareen oo weeraray

    June 21, 2026

    Kenya: Xassan Shiikh oo bahdilaad kala kulmay William Ruto

    June 21, 2026

    MUDUG: Booliska Puntland oo u digay maleeshiyaadka hubeysan

    June 21, 2026
    Latest Posts

    Dagaal ka socda Baydhabo & Laftagareen oo weeraray

    Garaad Jaamac oo baaq kasoo saaray dagaal ka dhacay Doollo

    Kenya: Xassan Shiikh oo bahdilaad kala kulmay William Ruto

    MUDUG: Booliska Puntland oo u digay maleeshiyaadka hubeysan

    MW Deni “Ninkii xil laga qaado Xamar baa laga wacayaa”

    The Legacy of President Abdullahi Yusuf and the Challenge Facing Puntland Today.

    Gaalkacyo: Guddiga Amniga G. Mudug oo ka shiray adkeynta Ammaanka

    Akhriso: Nooca doorasho ee Gollaha Mustaqbalku u gudbiyeen Ergada Beesha Caalamka

    Puntland oo mamnuucday in deegaanadeeda ku safraan maleeshiyaadka hubeysan.

    Roobab sababay dhimasho oo ka da’ay Puntland

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.