Ammaanka deegaanada Puntland ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo sare loo qaaday Tirada ciidamada Booliska ee ka howlgalla kantaroollada magaalooyinka waa weyn.
Idilnews ayaa ogaatay in Boqallaal Boolis ah la geeyay kantaroollada muhiimka ah ee laga soo galo magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo. Tallaabadan ayaa timid kaddib markii Gollaha Wasiirada Dowladda Puntland ay khamiistii soo saareen amar mamnuucaya in maleeshiyaad beeleedyada hubaysan ee sheegaya in ay ka amar qaataan maamulka Xassan Shiikh aysan isku gudbin karin deegaanada Puntland.
Kordhinta ciidanka jooga kantaroollada ayaa cabsi ku abuurtay kooxaha hubaysan, iyagoo hada bilaabay in ay kala aadaan guryahooda iyo goobaha u ah xeryaha.
IDILNEWS
