Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Kenya: Xassan Shiikh oo bahdilaad kala kulmay William Ruto
    Somalia

    Kenya: Xassan Shiikh oo bahdilaad kala kulmay William Ruto

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 21, 2026Updated:June 21, 2026No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxtooyada Kenya ayaa hoos u dhigtay maqaamka Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday ee DFS Hassan Sheikh Mohamud, iyadoo garoonka diyaaradaha Nairobi loogu soo diray xubno hoose oo Dowladda ah.

    Xassan Shiikh ayaa looga qaaday diyaarad kuwa qumaatiga u kaca ah Joma Kenyatta Airport, iyadoo laga dajiyay beer nasasho oo ku taal magaalada Norak, oo ku sugnaa Madaxweynaha Kenya William Ruto.

    Ruto ayaa ka gaabsaday in uu Xassan ugu yeero Madaxweyne, isagoo sidoo kale iska diiday in uu ka wareysto xaalka Soomaaliya, waxaana uu ku yiri “Soo dhawoow Walaal, ka waran Muqdisho.” Taas oo ka dhigan Soomaaliya ma xukuntid.

    Dhambaalka Ruto ka sidday hoggaamiyayaasha Galbeedka.

    Ruto ayaa Xassan Shiikh u dhiibay dhambaal uu ka wadday hoggaamiyayaasha galbeedka oo uu Maalmo kahor kala qeybagalay Shirka G7 oo ka dhacay dalka Faransiiska, kaas oo faraya in uu miiska saaro doorashooyinka dalka, lana gaaro heshiis doorasho Gollaha Mustaqbalka, iyadoo laga dheeranayo dib u dhac kale oo doorasho.

    Bishii May, Madaxweyne Ruto ayaa sheegay in Soomaaliya ay qarka u saaran xaalad adag, ayna sharciyada lumiyeen Baarlamaankii dalka, xukuumaddii iyo Madaxweynaha oo uu dhammaaday muddo-xileedkiisii rasmiga ah, isagoo sheegay in Kenya si dhow ula socoto halisyaha ka dhalan kara.

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Dagaal ka socda Baydhabo & Laftagareen oo weeraray

    June 21, 2026

    Garaad Jaamac oo baaq kasoo saaray dagaal ka dhacay Doollo

    June 21, 2026

    MUDUG: Booliska Puntland oo u digay maleeshiyaadka hubeysan

    June 21, 2026
    Latest Posts

    Dagaal ka socda Baydhabo & Laftagareen oo weeraray

    Garaad Jaamac oo baaq kasoo saaray dagaal ka dhacay Doollo

    Kenya: Xassan Shiikh oo bahdilaad kala kulmay William Ruto

    MUDUG: Booliska Puntland oo u digay maleeshiyaadka hubeysan

    MW Deni “Ninkii xil laga qaado Xamar baa laga wacayaa”

    The Legacy of President Abdullahi Yusuf and the Challenge Facing Puntland Today.

    Gaalkacyo: Guddiga Amniga G. Mudug oo ka shiray adkeynta Ammaanka

    Akhriso: Nooca doorasho ee Gollaha Mustaqbalku u gudbiyeen Ergada Beesha Caalamka

    Puntland oo mamnuucday in deegaanadeeda ku safraan maleeshiyaadka hubeysan.

    Roobab sababay dhimasho oo ka da’ay Puntland

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.