Taliyaha Qeybta Booliska gobolka Mudug, G/Sare Maxamuud Muuse Bile (Fardafuul) ayaa digniin u diray maleeshiyaadka hubeysan ee dhaqdhaqaaqa amni darro ka wada magaalada Gaalkacyo iyo qeybo kale oo kamid ah gobolka.
G/Sare Fardafuul ayaa sheegay in ay jiraan maleeshiyaad sheegaya in ay hoos tafaan DFS ee uu hoggaaminayo Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday Xassan Shiikh, kuwaas oo amni darro ka wada deegaanka, baabuur Takniko ah lasoo galay magaalada.
Waxaa uu xusay in aysan haysan ciddii lacag ka qaadanaysa Federaal ee musaska iyo guryaha jooga, balse aysan aqbali doonin in amni darro la abuuro, ayna talaabo ka qaadi doonaan.
Taliyaha ayaa intaa ku daray in Puntland ay tahay Dowlad ku dhisan qiyam, ayna jiritaankeeda u soo god galeen kumanaan halyeeyo ah, kuwaas oo difaacayay, aanana laga aqbali doonin cidna inay waxyeelayso.
IDILNEWS
