Xubno ka socday Gollaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa u gudbiyay Wakiillada Beesha Caalamka, gaar ahaan Safiirada Mareykanka, Ingariiska, Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay ‘nooca doorasho’ ee ay doonayaan Golluhu in dalka laga qabto.
Ilo lagu kalsoon yahay ayaa inoo sheegay in Xubnaha mucaaradku u gudbiyeen saaxiibada dhow, ee gacanta ku haya galka arrimaha Soomaaliya ‘Nooc doorasho’, kaas oo ah mid toos ah oo shacabku cod dhiibanayaan, kuna dhisan nidaamka awood qeybsiga beelaha ee 4.5, iyadoo loo xiray kursiga xildhibaanimo beesha leh kursiga.
Gollaha Mustaqbalka ayaa soo jeediyay in doorashada lagu qabto dowlad gobolleed kasta 4 degmo, iyadoo ay qabanayaan labo Guddi doorasho oo heer Federaal iyo heer Dowlad Goballeed ah. Xubnuhu waxay kaloo soo jeediyeen in 6 billood gudahood lagu soo afjaro doorashada, si dalka looga samata-bixiyo marxalada adag ee uu ku jiro.
Si lamid ah diiwaangelinta codbixiyayaasha iyo codeynta ayay soo jeediyeen in laga daayo Computer, lagana diiwaangelin gacanta ah oo la sameeyo maalinta doorashadu dhacayso.
Ergada Beesha Caalamka ayaa soo dhaweeyay nooca doorasho ee mucaaradku soo jeediyeen , iyagoo ku amaanay tanaasulkooda, waxaana ay sheegeen in Xassan Shiikh ay hordhigi doonaan, ayna jawaab ka keeni doonaan, taas oo ah in uu aqbalo ama ogollaado nooc doorasho oo laga heshiiyo.
IDILNEWS
