21 qof oo lagu dilay xasuuq shalay ka dhacay deegaanka Ari-Caddeeye ee gobolka Sool, loona geystay Beesha Fiqishini ayaa aas wadareed loo sameeyay maanta.
Dadkan la xasuuqay ayaa waxaa kamid ah Haween, carruur iyo odayaal waa weyn, kuwaas oo ku sugnaa Ari-Caddeeye.
Dhacdadan ayaa argagax ka abuurtay baraha bulshada, iyadoo la sheegay in dableydii geysatay ay ka tirsanaayeen maleeshiyaadka maamulka Sool Bari ee uu hoggaamiyo Cabdulqaadir Firdhiye.
Xasuuqa ayaa yimid kaddib markii rag hubeysan oo kasoo jeeda Beesha Fiqishini ay ku dileen Nin qaadwale ah oo kasoo jeeda Beesha Jaamac Siyaad iyo nin geeljire ah oo la socday Ari-Caddeeye, waxaana intaa kaddib maleeshiyaad hubeysan weerareen deegaanka, iyagoo si aan kala sooc lahayn xasuuq u geystay.
IDILNEWS
