Guddiga nabadgelyada gobolka Sanaag ayaa soo saaray awaamiir la xiriira Amniga gobolka, gaar ahaan degmada Badhan.
Guddiga ayaa mamnuucay in hub sharci darro ah lagu dhex qaato magaalada Badhan, iyagoo sheegay in tallaabo laga qaadi doono cid kasta oo hub ku dhex qaadata magaalada.
Sidoo kale, Guddiga nabadgelyada gobolka Sanaag ayaa joojiyay in gaadiid Taariko la,aan ah lagu dhex qaato magaalada Badhan, waxaana ay ugu baaqeen shacabka in lala shaqeeyo laamaha Ammaanka, loona hoggaansamo awaamiirta Dowladda Puntland.
Go’aanka kasoo baxay Guddiga nabadgelyada gobolka Sanaag ayaa imaanaya xilli magaaladu Marti gelinayso dhowaan Shir lagu heshiisiinayo beelo walaalo ah oo ku dagaalamay deegaano katirsan gobolka Sanaag, oo ay kamid tahay magaalada Badhan.
Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo ah Suldaanka Guud ee Beesha Harti ayaa maalmo kahor ka dalbaday Dowladda Puntland in sugto Amniga gobolka, Qeybna ka noqoto martigelinta wafuuda ka qeybgalaysa Shirka dib u heshiisiinta beelaha dagaalamay.
IDILNEWS
