Xildhibaanad Ilhan Omar, oo kamid ah Golaha Congress-ka Mareykanka ayaa qoraal ay ku baahisay boggeeda kaga jawaabtay warar sheegaya in saaka laamaha amniga ay gurigeeda galeen, iyagoo wata oggolaansho maxkamadeed.
“Waan fiicanahay,” ayay ku bilowday qoraalkeeda, iyadoo tallaabadan ku tilmaantay isku day lagu beegsanayo dadka ay siyaasadda isku hayaan, laguna adeegsanayo hay’adaha federaalka ee fulinta sharciga dano siyaasadeed.
Ilhan ayaa sheegtay in Madaxweyne Trump uu muddo toban sano ah ku waday been aan sal iyo raad lahayn iyo ololeyaal sumcad-dil ah. Waxay qoraalkeeda ku soo gabagabaysay:
“La i aamusin maayo.”
IDILNEWS
