Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Madaxweyne Gaas”Fariinta aan udirayno dariskeena waa Nabad iyo Nolol baan rabnaa”
    Somalia

    Video:-Madaxweyne Gaas”Fariinta aan udirayno dariskeena waa Nabad iyo Nolol baan rabnaa”

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 1, 2017Updated:May 1, 2017No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 01 May 2017 magaalada Gaalkacayo  kulan muhiima kula yeeshay maamulka gobolka Mudug, kan degmada Gaalkacayo,  Isimada, nabadoonada iyo waxgaradka gobolkaasi.

    Kulanka ayaa waxaa madaxweynaha ku wehelinaayey masuuliyiinka tirsan golaha wasiirada dawladda Puntland, maamulka gobolka Mudug, kan degmada Gaalkacayo, saraakiil ka tirsan madaxtooyada dawladda Puntland, Saraakiisha ciidamadda gobolka Mudug, nabadoonada iyo waxgaradka gobolkaasi, urrurada haweenka iyo kuwa dhalinyarada.

    Madxweynaha Dawladda Puntland oo ka hadlay kulan ka ayaa sheegay waajibaadka koowaad ee saran dawladda uu yahay inay ilaaliso oo difaacdo qofka muwaadinka ah nabadiisa, maalkiisa, naftiisa iyo sharaftiisa, waxaana uu xaqiiyey madaxweynuhu in lakala leeyahay masuuliyadaasi oo ay marka hore leeyihiin gobolka, degmada iyo  laamaha amaanka, isla markaana wixii ka taf dheeraada ay la wadaaqaan dawladda dhexe.

    ‘’ Dabcan masuuliyadaha waa lakala leeyahay dadka shacabka ah meelkastay ku noolyihiin cida sheegaynaysa inay dawladd u tahay ayaa amnigooda masuul ka ah, masuuliyada koowaad ee dawladdu leedahay waa in la difaaco qofka shacabka ah  nabad-gelyadisa, naftiisa, sharaftiisa iyo maalkiisa in dawladu difaacdaa la rabaa, waana loo kala dhawyahay masuuliyadaasi dabcan cida ugu dhowi waa cida markaas maamulka haysa kasoo bilaabata degmo ku xigta gobol kabacdina dawladda dhexe, dabcan waxaa la rabaa maamulka degmada, gobolka iyo laamaha kale ee ka jiraa waa inay shaqada loo igmaday ee awoodooda ah ay fuliyaan, hadii ay ka taf dheeraato hawli waa inay ula yimaadaan dawladda dhexe, dawladduna markaa ay  ku kaabto wixii ay ku kaabi karto’’ ayuu yiri madaxweynaha dawladda Puntland

    ‘’ Maxaa ka saran amniga oo masuuliyada dadka shacabka ah? Waxaa ka saaran              1) dadku marka ay xaaladan oo kale ku jiraan oo degaan ahaan meshaad ku talaan, colaada jirata, dhibka ka  jira ee aad la wadaagtaan Soomaaliya oo dhan waxaa la rabaa dadku inay la filyihiin wacyiga ay ku jiraan, xaalada aad ku sugan tihiin maadaama ay xaalad amni daro tahay waxaa laydin ka rabaa inaad ahataan dad ku baraarugsan amniga’’ ayuu yiri Madaxweynuhu.

    Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa hoosta ka xariiqay in dawladda Puntland iyo shacab keedu ay diyaar u yihiin nabad, isla markaana walaalahooda la deriska ah ay doonayaan inay nabad kula nooladaan, waxaan uu sheegay in Puntland ay diyaar u tahay nabad hadii ay wax kale doonayaana ay iyana nabad diyaar u tahay.

    ‘’ waxaan rabnaa angu nabad iyo nolol, nabad ayaan rabnaa inaan kula noolaano walaalaheen, fariinta aan dirayno waxa weeye oo walaalahayo u sheegayno nabad baan rabnaa, deriswanaag baan diyaar u nahay  iyo horumarka aan ka wada shaqayno, waxaan rabaa inaan ku daro weliba, haday nabad rabaan  nabad baan rabnaa, hadaysan nabad rabina, nabad baan rabnaa’’ ayuu yiri madaxweynaha dawladda Puntland.

    Maamulka gobolka Mudug, kan degmada Gaalkacayo, isimada, nabadoonada iyo waxgaradka kulanka ka hadlay ayaa iyana dhankooda sheegay in ay dawladda ugu mahad celinayaan mashaariicaha horumarineed ee guud ahaan gobolada Puntland ay Dawladdu ka wado gaar ahaana gobolka Mudug xaruntiisa degmada Gaalkacayo, waxayna sheegeen inay dawladda ku garab istaagi doonaan mashaaricaha horumarineed ee gobolka ka socda.

    Dhinaca kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa tibaaxay in dhismaha garoonka diyaaradaha Gaalkacayo ay ku baxayso kharash ka badan ‘’50 million’’, waxaana uu ugu baaqay shacabka magaalada Gaalkacayo in lagala shaqeeyo shirkada CCECC hirgelinta iyo dardargelinta  dhismaha Garoonka.

    Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Alle SWC uga mahad celiyey raxmadiisa uu u shubay ummadiisa, waxaaana uu xaqiijiyey in dawladda Puntland ay diyaar u tahay garab istaaga dadka dhibaataysan caawintooda, xoolayntooda iyo wax qabadkoodaba,hoos ka daawo muuqaalka.

     

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    https://youtu.be/fmfKeSkU5FY

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Dhexdhexaadintii Kenya Ee Axmed iyo Xasan oo fashilantay

    August 22, 2025

    Dagaal kharaar oo ka socda Toga Baallade Ee Calmiskaad

    August 22, 2025

    Beesha Warsengeli iyo Dowlada Puntland oo Shir uga furmayo Bosaso

    August 18, 2025
    Latest Posts

    Dhexdhexaadintii Kenya Ee Axmed iyo Xasan oo fashilantay

    Dagaal kharaar oo ka socda Toga Baallade Ee Calmiskaad

    Beesha Warsengeli iyo Dowlada Puntland oo Shir uga furmayo Bosaso

    Madaxda Yurub,Nato iyo Maraykanka oo ka xaajoonaya dagaalka Ukrain

    Zelensky oo markale lagu soo dhaweeyay Aqalka-cad

    Ciidamada Difaaca Puntland oo sardar leh uwada Wajiga Afraad

    Yaa umaalgelinaya Itoobiya garoonka diyaaradaha cusub?

    Puntland oo soo saartay Boolis Tayo iyo Tiro sareeya

    Kulankii Taariikhiga ahaa Ee Trump iyo Putin oo bilowday

    Maraykanku miyuu aqoonsanayaa Somaliland?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.