Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Puntland oo faah-faahin ka bixisay Go’aan kasoo baxay oo dood dhaliyay+VIDEO
    Puntland

    Puntland oo faah-faahin ka bixisay Go’aan kasoo baxay oo dood dhaliyay+VIDEO

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 20, 2019Updated:October 20, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowladda Puntland ayaa faah faahin ka bixisay sababaha ka dambeeya inay xiraan Xafiisyo ay deegaannada Dhahar iyo Goldogob ka furteen Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

    Wasiirada Xafiisyada la amray in laga xiro ee deegaannada puntland ka furtay ayaa waxaa ay kala yihiin Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xildhibaan Sadiiq Warfaa oo sanadkii 2017 furtay iyo Wasiirka qorsheynta Somalia Jamaal Maxamed Xasan oo Maalin ka hor furtay.

    Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland Maxamed Musadaq ayaa sheegay in Puntland aysan joojin xafiisyo horumarineed in laga furto deegaannada Maamulka puntland.

    Wasiir Maxamed Musadaq ayaa sheegay in Xafiisyada ay joojiyeen furitaankooda ay ahaayeen kuwa laga lahaa dano siyaasadeed,isla markaana marnaba aysan aqbaleyn arrimahaas iyo kuwo kale.

    Si kastaba Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maamulka Puntland ayaa war ay xalay soo saartay waxaa ay ku mamnuucday in xafiisyo ay ka furtaan deegaannada Maamulkaas urrurada iyo shaqsiyaadka dowladda federaalka Soomaaliya ka tirsan.

    https://www.facebook.com/PuntlandStateTV/videos/547540979340542/
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Trump oo markale ilhaameeyay Xasan Shiikh

    September 26, 2025

    Faallo:-Dabka uga shidmay Xamar Xasan halkee la aadi doonaa?

    September 26, 2025

    Wax badan ka ogow tagida Xasan Shiikh Ee Kismaayo

    September 26, 2025
    Latest Posts

    Trump oo markale ilhaameeyay Xasan Shiikh

    Faallo:-Dabka uga shidmay Xamar Xasan halkee la aadi doonaa?

    Wax badan ka ogow tagida Xasan Shiikh Ee Kismaayo

    Jubaland oo garab istaagtay mucaaradka Muqdisho.

    Xasan Shiikh oo dabin siyaasadeed ugu dhacay Mucaaradka Xamar

    Jen.Qalyare oo Aas qaran loogu sameeyay Garowe

    Xog:-Maxaa kala socotaa mashruuca horumarinta Ee New Muqdisho?

    Xasan Shiikh oo baadigoob ugu jira isla sawirka Trump

    Markab sida 150-Kunteenar oo kusoo xirtay Bosaso

    Faallo:-Puntland oo Wayday Geesi Qaran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.