Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Erdogan iyo Trump oo ku kulmay Aqalka-cad
    Somalia

    Video:-Erdogan iyo Trump oo ku kulmay Aqalka-cad

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 17, 2017No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Kadib markii ay talaadadii ku kulmeen Aqalka Cad, ayaa madaxweynayaasha Mareykanka iyo Turkiga Donald Trump iyo Recep Tayyip Erdogan waxa ay ammaaneen xiriirka xooggan ee labada dal, ayaga oo aan soo hadal qaadin farqigooda ku aadan habka loola dagaalamayo kooxda Daacish.

    Trump iyo Erdogan ayaa labadaba ku qeexay xiriirkooda mid adag. “Waxaan leenahay xiriir aad u weyn” ayuu yiri madaxweynaha Mareykanka, “Waxaana ka dhigi doonnaa mid kasii wanaagsan sida uu hadda yahay”.

    Labada madaxweynaba ma aysan ka hadal go’aankii uu Trump qaatay toddobaadkii tagay ee uu hubka ku siinayo kooxda Kurdish-ka ee YPG ee ka dagaalanta dalka Syria, qeybna ka ah dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish.

    Turkiga oo tan iyo sanadii 1984-kii la dagaalameysay mucaaradka Kurdish-ka ee gooni u goosadka ayaa walaac ka muujisay in kooxda YPG ay qeyb ka ahaato dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish.

    Erdogan ayaa ku dooday in xiriirka kooxda YPG ay la leedahay kooxda PKK uu macanheedu yahay in hub kasta oo Mareykanka kooxdaas uu siiyo la keeni doono Turkiga, lagulana dagaalami doono ciidamadiisa,hoos ka daawo muuqaalka.

     

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    The Intricate Web of Power: Djibouti’s Influence, Somali Governance, and Allegations of Corruption

    November 9, 2025

    Maxay Maraykanka uga dhigan tahay udoorashada Duqa New York Mamdani?

    November 9, 2025

    Isdhaafsiga ganacsi ka dhexeeya Somaliya iyo Imaaraadka Carabta?

    November 9, 2025
    Latest Posts

    African Union Commission Welcomes South Africa as G20 Chair and Host.

    The Intricate Web of Power: Djibouti’s Influence, Somali Governance, and Allegations of Corruption

    Maxay Maraykanka uga dhigan tahay udoorashada Duqa New York Mamdani?

    Isdhaafsiga ganacsi ka dhexeeya Somaliya iyo Imaaraadka Carabta?

    Faallo:-Dhibaatada laga dhaxlay Hubka Jimcaale iyo talada Aaran-jaan?

    Maxaa ka jira dacaayadaha laga sameeyo diyaaraadaha taageera Ciidamada PL?

    Faallo:-Loolanka Quwadaha Ee Geeska Afrika iyo doorka Puntland?

    Exclusive: Somali ISIS Leader Allegedly Moved to Qatar as Investigations Probe Secret Transfer Mogadishu,Somalia

    Djibouti at a Crossroads: The presidential transition crisis ahead of April 2026 elections

    U.S–Sudan Relations,By U.S. Embassy in Khartoum

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.