Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Abaanduulaha ciidamada milatariga fadaraalka oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah alshabaab
    Somalia

    Video:-Abaanduulaha ciidamada milatariga fadaraalka oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah alshabaab

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 20, 2017No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Hay’adaha Amniga iyagoo ka duulaya go’aamadii Golaha Wasiirada ee 11kii May 2017 waxey diyaariyeen barnaamijyadii ay ka mid ahaayeen;

    1. In la xareeyey ciidankii isku-dhafka ahaa ee howlgalka xasilinta Caasimadda, oo isugu jira Boliis, XDS & Nabadsugid, kuwaas oo leh hal Talis oo leh hoggaan mideysan.

    2. Maamulka Gobolka Benadir oo u diyaar garoobay iskudubaridka sidii ciidanka uga howlgali lahaayeen caasimada.

    3. Gobolka Benadir oo hirgeliyey go’aankii ahaa inaan gaadiidka la dhigan karin wadada Makka Al-Mukaramma oo Gobolka iyo Ciidanka Taraafikada ay howlgalkooda bilaabeen.

    4. Maamulka Gobolka oo hirgeliyey Golaha Ammaanka ee Gobolka Benadir oo waxweyn ka taraya sidii caasimada amnigeeda uu u noqon lahaa mid la isku haleyn kara

    5. Ciidanku waxey kaloo diyaariyeen qorshihii lagu hirgelin lahaa in Caasimadda looga mamnucayo ciidamada hubaysan iyo gaadiidka dagaalka ee aan ku jirin:-

    a. Howlgallada lagu xasilinayo Caasimadda,
    b. Kuwa wata warqad fasax dhaq-dhaqaaq ah

    6. Sidoo kale Ciidanku waxey diyaariyeen qorshihii looga mamnuucayey dhammaan qof kasta oo ay ku jiraan Mas’uuliyiinta Dowladda in Magaalada Muqdisho ay ku dhex wataan ilaalo ka badan 4 askari gaari kasto iyo ugu badnaan 2 gaari, Mana qaadan karaan qori ka wayn AK47.

    7. Ciidanka Booliska oo diyaariyey qorshihii ay ku dhisayeen ciidamo gaar ah oo ilaaliya madaxda Qaranka iyo goobaha Muhiimka ah ee Dowladda.

    8. Shirkadaha Amniga ee gaarka loo leeyahay waxaa la farayaa in xarunta Howlgallada wadajirka ah ay si joogto ah u ogaysiiyaan dhaq-dhaqaaqa Ciidanka iyo Hubka ay maamulaan.

    9. Ilaalada Goobaha Ganacsiga sida Hoteelada, Carwooyinka, Isbitaalada, Jaamacadaha iwm, waxay mas’uul ka ahaan doonaan amni darrada ka dhaca goobaha ay ilaaliyaan iyo agagaarkeeda, oo ayagoo wax ka qaban kara, ka baaqsada inay ka hortagaan, ama u soo gudbiyaan Ciidamada Amniga.

    10. Wasaaradaha Amniga, Gaashaandhiga iyo Taliyeyaasha Ciidamada waa inay sida ugu dhaqsiyaha badan u dhaqan geliyaan xarunta Hoggaaminta Howlgalka Xasilinta Caasimadda oo loo gartay JOCC, taasoo noqonaysa Taliska Howlgalkan.

    11. Howlgalka xasilinta Caasimadda wuxuu u bilaaban doonaa si deg-deg ah, inta ka horaysana Ciidan waliba kaalinta howlgalka kaga soo aadday ciidan & qalab waa inuu ku wareejiyaa Taliyaha Howlgalka.

    12. Maamulka Gobolka Banaadar ayaa ka howlgalaya Abaabulka & Baraarujinta dadweynaha iyagoo kaashanaya Wasaarada Warfaafinta, bulshada qaybaheeda kala duwan, iyo Hay’adaha amniga.

    13. Wasarada Warfaafinta ee Dowladda Federaalka wuxuu mas’uul ka ahaan doonaa:-

    a. Doorka warbaahinta ee la xiriira Howlgalka Xasilinta Caasimadda iyo sidii saxaafada loola wadaagi lahaa macluumaadka howlgalada amniga lagu sugayo.

    b. Doorka Wacyigelinta bulshada oo ka baxaya Warbaahinada Dowladda iyo kuwa madax-banaan.

    14. Caasimada waxaa laga mamnuucay wadashada dharka ciidanka XDS iyadoon loo heysan sharciyad iyo aqoonsi.

    15. Laga bilaabo 11/May/2017 waxaa mas’uuliyiinta Dowladda ee haysta Hubka, Gaadiidka & Ciidanka XDS, laga doonayaa inay ku celiyaan Taliska Ciidanka XDS muddo 10 casho gudohood.

    Dhammaan go’aanadan kor ku xusan waxaa la waafajinayaa Dastuurka, Shareecada Islaamka iyo shuruucda dalka.

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    https://youtu.be/TabDPJ_e77I

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Ciidamada Difaaca PL oo si adag u xasuuqay argagixisada

    August 22, 2025

    Dhexdhexaadintii Kenya Ee Axmed iyo Xasan oo fashilantay

    August 22, 2025

    Dagaal kharaar oo ka socda Toga Baallade Ee Calmiskaad

    August 22, 2025
    Latest Posts

    Ciidamada Difaaca PL oo si adag u xasuuqay argagixisada

    Dhexdhexaadintii Kenya Ee Axmed iyo Xasan oo fashilantay

    Dagaal kharaar oo ka socda Toga Baallade Ee Calmiskaad

    Beesha Warsengeli iyo Dowlada Puntland oo Shir uga furmayo Bosaso

    Madaxda Yurub,Nato iyo Maraykanka oo ka xaajoonaya dagaalka Ukrain

    Zelensky oo markale lagu soo dhaweeyay Aqalka-cad

    Ciidamada Difaaca Puntland oo sardar leh uwada Wajiga Afraad

    Yaa umaalgelinaya Itoobiya garoonka diyaaradaha cusub?

    Puntland oo soo saartay Boolis Tayo iyo Tiro sareeya

    Kulankii Taariikhiga ahaa Ee Trump iyo Putin oo bilowday

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.