Somalia’s Internal and External Challenges and Strategies to Safeguard Sovereignty Xamar News EditorBy Xamar News Editor9 March 2025Updated:9 March 20255 Mins Read39 Views Somalia’s Internal and External Challenges and Strategies to Safeguard Sovereignty Somalia’s Internal and External Challenges and Strategies to Safeguard Sovereignty Somalia is facing one of the most significant geopolitical challenges in its history. While Ethiopia — with the support of external actors such as the UAE and, potentially, Turkey — continues to pursue maritime and military ambitions, Somalia is also grappling with internal conflicts and political discord. This combination of factors threatens the country’s stability and sovereignty.…
Author: Jibril Qoobey.
Dagaalkii Buqdharkayn sida la filayay,waa ka khasaare batay. Geerida iyo Dhaawaca Labada dhinac oo laysku daray,waa 150-Qof,halka Dhaawucu yahay 200-Qof. Sool Bari? 1.Geerida,waa 58-Qof. 2.Dhaawaca 110-Qof. Sool Waqooyi? 1.Geerida 90-Qof. 2.Dhaawaca 120-Qof. Wadarta Guud Dhimashada iyo Dhaawaca ka dhacay halkaas,waa ku dhawaad 400-Qof. Isbitaalada Garowe iyo Burco,waxaa buux dhaafiyay Dhaawaca Dhalinyarada. Nasiibdarada dhacday,waa in Dhalinyaro Somaliyed oo ku dhow 400 waxna ku dhibteen,waxna ku dhaawacmeen Tuulo cidlo ah oo aan lahayn….. 1.Deked. 2.Garoon Diyaaradeed. 3.Aan ku oolin meel muhiim ah. 4.Dad badan ku noolayn. 5.Aan lahayn Biyo iyo Koronto. Sool,waxay ubaahatay gurmad Caqli oo sidan laguma daawan karo. …
Waa khudbad Puntlander ah oo aad ugu dhow maxaliga gudaha ka jira. Waa khudbad uu ku muujiyay in uu yahay MW Puntland oo uu siiyay mudnaanta Puntland. Waa khudbad Dadka reer Puntland uga qiimo badan tiisii ka horaysay markii uu ku dhawaaqayay Wajiga 3-Aad. Waa khudbad uu ka fogaaday in loo arko Musharax MW JFS oo u isticmaalayo dagaalka argagixisada Olalihiisa. MW Deni,waxa uu la hadlay Ganacsatada oo uu ku yiri…. Usoo banbaxa taageerada Ciidanka,waa la dilay Dhagdheer. Sidoo kale MW Deni,waxa uu guubaabiyay Dhaqanka,gaar ahaan Nabadoonada oo uu ku yiri (Shaqeeya argagixisadii,waa la Dilnay). MW Deni,waxa uu dul istaagay…
Markii Maamulkii Dowladii TFG ee uu hogaaminayay MW Cabdullaahi Yuusuf ay garab ka codsadeen Maamulkii Melles Sanawi ee Dowladii Fadaraalka Itoobiya xilligaas,Dadka ku Dhaqan Xamar Qaylo ayay Afka furteen,waxayna ku dhawaaqeen Jihaad Dalka iyo Diinta looga Difaacayo Cabdullaahi Yuusuf iyo Amxaarada uu wato. Dagaalkaas oo loogu Magacdaray (Wax iska caabinta),waxaa Qayb ka ahaa MW Xasan Shiikh oo haatan ku fadhiya Kursigii Cabdullaahi ku fadhiyay markaas. Dad badan oo Somalida kale ah,ayaa lagu kuciyay Wadaniyad iyo Diin Difaac oo Qayb ka noqday dagaalkii lagala hor tagay Maamulkii MW Cabdullaahi Yuusuf rabi ha’unaxariisto janadiina haka waraabiyo. Maanta si la mid ah sidii…
08 March 2025: Ciidanka Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland waxay maanta ka hawlgaleen deegaannada Moqor, togga Ina Ciddoole, labada tog Geel lagu Qal iyo togga Afka Dibi-Ganuun oo ay ku yaalleen dugsi tababarka iyo Saldhigyo kale oo muhiim u ahaa argagixisada Daacish.
Ra’isalwasaare Cumar Cabdirashiid oo Marti ku ahaa Barnaamijka SPACE-KA ee Jibril Qoobey,ayaa ka hadlay xaalka guud ee Somaliya ee Siyaasada iyo Amniga,hoos ka dhagayso Jawaabihii su’aalaha la waydiiyay…. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/X-QneRtzsYA?si=pgPTDtOi_YtZBt54
Falanqayn ku saabsan Xaalada Dalka iyo dagaalka argagixisada ee DSTV,hois ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/KocONR49ONg?si=5ATQ2ziL_tsIsfT_
Xasan Shiikh in uu ku jahwareeray Siyaasada,waxaa kuu xaqiijinaya khudbadiisii Masaajidka ee uu ku weeraray Maraykanka si ka baxsan Diblomaasiyada. Hadalka Xasan ma’ahayn mid ku haboonaa Nin sheeganaya maqaam MW Somaliyed,isla markaana ma ahayn mid asluub Diblomaasiyadeed leh. Warkana u ekaa kii fadhi ku dirirka Maqaaxiyaha Somalida ee Xasan Masaajidka ka dhex yiri,wuxuu taabanayaa Amniga iyo dagaalka argagixisada. Sida ka muuqatay Xasan,waxaa Madax wareer uu isxakamayn kari waayay ku noqday Warkii digniinta ahaa ee kasoo baxay Safaarada Maraykanka. Maraykanku,waa maalgeliyaha ugu weyn ee la dagaalanka argagaxisada,waana Sxb-ka Somalida ee dhan walba. Xogaha amaan,Isha ugu weyn ee DFS iyo Dowladaha Xubnaha…
In kabadan 100 qof ayaa ku geeryooday, 200 oo kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaal jimcihii maanta ka dhacay deegaanka Buq-dharkeyn ee Gobalka Sool. Dagaalka ayaa u dhexeeyay Maleeshiyaadka kasoo kala jeeda Beelaha Isaaq iyo Dhulbahante, waxaana jira gaadiid dagaal iyo maxaabiis ay dhinacyadu kala qabsadeen. Dagaalka oo aroornimadii hore ee saaka bilowday ayaa soo gaaray gelinkii dambe. Dhaawacyada labada dhinac ayaa la kala geeyay Hargeysa iyo Garoowe, kaddib markii badi wax looga qaban waayay magaalooyinka Laascaanood iyo Burco. Dhanka kale, gurmadyo kala duwan ayaa u kala baxaya labada dhinac, iyadoo saacadaha soo wajahan ay dhici karto in dagaalku dib…
“Si xoogan,ayaan u tixgelinaynaa Cunaqabateyn weyn oo Bangiyada ah iyo Cashuuraha Ganacsiga oo la saaro Ruushka ilaa laga gaarayo Xabadjoojin iyo heshiis rasmi ah oo Nabadeed”.Ayuu yiri Trump. Hanjabaada Trump,waxay jawaab utahay garaacis xoogan ee Ruushku ka fuliyay Ukrain,iyadoo Maraykanku diyaarinayo heshiis Nabadeed. Hanjabaada Trump ee ka dhanka Ruushka,waxay Dadka qaarkii u arkaan mid beenguur ah oo Caalamka la tusayo,waxayna taa badalkeeda qabaan in Trump iyo Putin wax isla og yihiin oo Zelensky lagu la cadaadinayo. Tuhunka,waxaa xoojiyay in garaacistan kusoo beegan xili wada xaajood uga bilaabanayo Maraykanka iyo Ukrain Dalka Sacuudi Carabiya. Wada hadaladaas oo ay ka qaybgalayaan Masuuliyiin…
Kowdii bishan March, Ururka ONLF ayaa soo saaray War-murtiyeed ay ku sheegeen in dowladda Itoobiya ay ka baxday heshiiskii ay la gashay ururkooda 2018-kii. Halkan ka daawo muuqaalka
Ugu yaraan Laba Qof,ayaa Dhintay, halka 186 kale la la’yahay, kadib markii Afar Doon oo siday tahriibayaal ka soo baxay Afrika ay ku qalibmeen biyaha u dhow Yemen iyo Jabuuti habeenimadii Khamiista, sida ay Jimcaha shaacisay hay’adda socdaalka ee Qaramada Midoobay (IOM). Afhayeenka IOM, Tamim Eleian, ayaa u sheegay Associated Press in laba ka mid ah doonyaha ay ku qalibmeen biyaha Yemen, halkaas oo laba ka mid ah shaqaalaha doonyaha la badbaadiyay, balse 181 tahriibayaal ah iyo shan shaqaale Yemeni ah ay weli la la’yihiin. Isla habeenkaas, laba doon oo kale ayaa ku qalibmay biyaha Jabuuti. Meydadka laba tahriibayaal ah…
Ethiopia has officially joined the ranks of Africa’s top arms exporters, with Prime Minister Abiy Ahmed announcing that the country has already earned at least $30 million from weapons sales. This declaration places Ethiopia behind South Africa ($48 million) and Egypt ($41 million) while surpassing Morocco ($21 million) and Nigeria ($3 million) in reported arms exports. Ethiopia has its own Arms manufacturing Industry known as the Homicho Arms Manufacturing Industry Ethiopia is a big country. It is necessary to ensure that it can protect itself and pass on its wealth to its children,” the Prime Minister stated. The factory, which…
Sawiradan,waa Degmada Balidhidhin oo mar looga baqi jiray argagixisada,haatanse laga nadiifiyay iyada iyo Deegaamada hoos yimaada si buuxda. Dhulka argagixisadu damacday in ay degto,waa mid Hodan ah oo Barwaaqo ah. Dagaalka kadib Dhulkaas,wuxuu ubaahan yahay Qorshe gaar ah oo iskugu jira mid ilaalin amni ah,adeeg Bulsho iyo mid maalgashi. Ilaalinta Amniga? Waa in laga sameeyaa Sadex fariisin Ciidan….. 1.Balidhidhin. 2.Turmasaale. 3.Dhaadaar. 4.Wadada Dhaadaar iyo Bosaso oo la furo. 5.Garoon Diyaaradeed oo KMG ah Dhaadaar. Maalgashiga? 1. In la sameeyo Mashaariic Dalxiiska ah. 2.In la sameeyo Mashaariic Macdanta ah. 3.In Kaabayaasha Dhaqaalaha la hormariyo. Adeega Bulshada? 1.In kor loo qaado adeega…
Wasiirka Arimaha Dibada Danmark oo ka falceliyay hadalkii Trump ee uu markale ku muujiyay sida Maraykanku urabo Greenland. Wasiirka Arimaha Dibada Danmark oo ku dhawaad 10-Sano soo noqday Ra’isalwasaaraha Wadanka iyo Trump,waxay ka midaysnaayeen in Dookha ay leeyihiin Dadka reer Greenland. Maamulka Trump,waxay u arkaan Greenland goob muhiim ah Amniga Caalamka oo ay ubaahan yihiin,waxayna ka rabaan Sadex arimood oo kala ah….. 1.In Greenland ka go’do Danmark. 2.In Greenland Marakaynka ku biirto. 3.In Danmark laga helo tanaasul dheeriya. Greenland 1948-dii,ayaa Danmark kula gashay heshiis Maraykanka oo Saldhig Milleteri siisay. Greenland,waa Jasiirad leh Maamul ugaar ah oo awood badan,balse qayb ka…
Ukrain way khasaartay? 1.20% Dhulkeeda,waxaa haysta Ruushka. 2.Ku dhawaad Hal Milyan oo Qof,ayaa ka dhintay. 3.Dalkeedii,ayaa burburay. 4.Ma helin Xubinimada Nato. 5.Ma helin Xubinimada Yurub. 7.Dayn fara badana,waa la galiyay. Raashiya waa Guulaysatay? Sadex hadaf oo ay ugashay dagaalka,waa heshay,kuwaasoo kala ah…. 1. Ukrain oo aan yeelan karin Hubka Niyukleerka. 2. Ukrain oo aan ka mid noqon karin Midowga Yurub. 3.Ukrain oo aan Nato ku biiri karin. Ruushku,Waxa umuujiyay adkaysi oo kaligii,ayaa wajahay Nato,waana laga saari waayay Dhulkii Barafka,waxaana muuqatay 10-Sano oo danbe in uu diyaar uyahay in uu sii dagaalamo. Yurub,waa khasaartay? Waxay ku Xisaabtamaysay Sadex arimood in dagaalka…
Amarkii Trump ee joojinta Mucaawinada Dibada,ayaa saameeyay Muqdisho iyo Villa Somaliya. Waxaa xaqiijiyay Wasiirka Maaliyada DFS ee haysata aqoonsiga QM in jarida kaalmada Maraykanka ee gaarayysa $1.5 ay saamayn xun yeelatay. Marka laga soo tago Kabka Miisaaniyada,Mashaariicda horumarineed Dhaqaalaha Maraykanku ku taageeri jiray,waxaa kaloo go’aanku saameeyay Ciidamada Danab. Maraykanku,wuxuu ka taageeri jiray Ciidanka Danab Gunnada,Shidaalka iyo Rasaasta. Sidoo kale Sanadkii hore,ayuu Maraykanku ka joojiyay taageeradii Raashinka Ciidanka Danab markii Suuqyada Xamar lagu kala iibsaday. Waxaa kaloo ka sii daran go’aankan,waxa uu saameeyay dhamaan Shirkadaha la shaqeeya Ciidamada. Xamar iyo Villa Somaliya,waxaa lama filan ku noqotay Mareykanka oo Sanadkii siin jirey…
Sida aan xogta aan ku helnay Xasan Shiikh,ayaa ka codsaday Abiy in uu ka caawiyo duqaynta Cirka. Codsigaas RW Abiy,waa aqbalay,waana kan sababay in ay garaacaan Shabeellada Dhexe Maanta. Waxaa la xaqiijiyay garaacista Itoobiyaanka in ay hakisay guulihii AS oo hadaysan dhici lahayn Garaacistaas ay socon lahaayeen. Tani,waxay xoojinaysaa sheegashadii Itoobiya ee ahayd in ay Dhiig ushubaan amniga iyo kala danbaynta Somaliya oo aysan u arag Cadow. Sidoo kale,waxay hoosta kasii xariiqaysaa in Itoobiyaanka aan looga maarmin dagaalka argagixisada ee gudaha Somaliya.
Garowe,waxay noqon kartaa Xarunta Labaad ee Diblomaasiyiinta Beesha Caalamka ee Somaliya ka hawlgala. Sidoo kale Garoonka Diyaaradaha Bosaso oo noqday kan Labaad ee ugu weyn Somaliya,waxa uu qaabili karaa isticmaalka Diyaaraadaha Caalamiga ah ee yimaada Somaliya. Sida lagu helayo xogo hoose Diblomaasiyiinta Shisheeye,ayaa ka fakaraya Garowe in laga sameeyo Xarun Labaad oo ay ku hawlgeli karaan. Sidoo kale Somali Aviation iyo QM,ayaa wada qorshe Garoonka Bosaso loogu leexinayo Qaybo ka mid ah Duulimaadyada. Arimahan,waxay ka dhasheen Sadex arimood oo kala ah… 1.Amniga Xamar oo sii xumaanaya. 2.AS oo kusoo dhawaanaya Muqdisho. 3.Adeega Garoonka Aadan-cade oo hooseeya. PL,waxay ka muujisay awood…
“Dhakhdo hada usiidaaya maxaabiista aad haysataan iyo waliba Meydadka,Israa’iil waxaan u fasaxayaa wax kasta oo ay u baahantahay si ay hawsha Qasa u dhamaystirto,haddii aydan saas yeelin mid idin ka hari maayo,sidoo kale shacabka Qasa, waa in aad degdeg u siideysaan maxaabiista haddii kale dhimashaa idin sugaysa” Waa digniin adag oo aan la saadaalin karin sida ay uga falcelinayaan mintidiinta Xamaas oo aan waxba xeerinayn. Dhibka ugu weyn,waxa uu ku dhacayaa Shacabka Falastiiniyiinta ah.
Itoobiya,waxay dhisatay Warshad casriya oo Rasaasta Noocyadeeda kala duwan samaynaysa. Abiy,ayaa booqday,wuxuuna sheegay in ay Itoobiya dhoofin doonto Rasaasta hada waxii ka danbeeya oo ay isku filnaatay. Halka Xasan Shiikh oo haysta aqoonsiga QM ee MW Somaliya uu Maanta ka codsaday Itoobiya in Diyaaradaheedu ka caawiyaan dagaalka argagixisada. Duqaynta Diyaaradaha Itoobiya ka fuliyeen Maanta Shabeellada Dhexe,waxay xogta bartilmaameedyada ka qaateen isla Ciidankeeda Sahanka iyo Wardoonka ee gudaha Gobolkaas ka hawlgala. Su’aalaha macnaha leh? Majirtaa Dowlad Somaliyed? Majiraa Wadan Somaliyed? Halkan ka daawo muuqaalka
Shaqadan,,wuxuu ku haystaa taageeradii ugu badnayd Shacabka Maraykanka,waxayna u arkaan in uu qabtay mudo yar Shaqooyin muhiim u ahaa oo uu dareenkooda ka turjumay. Waxay la aaminsan yihiin argtidiisa ah “Maraykan,waa soo laabtay”. Dhaqaalaha,Shaqo helida,soo galootiga Sharcidarada ah iyo amaanka in uu wax ka qabtay la taaban karo ayay la qabaan Shacabka Maraykanka intiisa badan. Dadka aan taabacsanayn xataa,waxay u arkaan in uu wax saxayo,wixii ka khaldamana laga dabi tagi karo oo Wadanka uu keenay meel MW ka danbeeyaa si tartiib tartiib ah ufurdaamin karo Qodobada ubaahan toosinta. Balse Trump ka hor,Maraykanku,waxa uu ahaa Suuq Caalamiya oo laga faa’idaysto iyo…
Ugu danbayn Zelensky,waxa uu aqbalay shuruud la’aan in uu saxiixo heshiiska Maraykanku ku qaadanayo Macdanta Qaaliga ah ee Dalkiisa. Maraykanku,waxa uu ku bixiyay dagaalka Ukrain ay kula jirto Ruushka Dhaqaale gaaraya $390-Bilyan xiligii Maamulka Biden. Balse Trump oo aragtidiisu tahay Danta Maraykanka wax walba in laga hormariyo,ayaa qaatay talaabo Lacagtaas dib loogu soo celinayo. Trump,waxa uu joojiyay dhamaan Gargaarkii Milleteri ee uu siinayay Ukrain,taasoo uga jawaabayay diidmadii Zelensky ee Saxiixa heshiiska Nabadeed. Zelensky,waxaa muuqata in uu haatan aqbalay waaqiciga oo aqbalay qorshaha Trump. Ukraine Maalin iskaba difaaci karto Ruushka Maraykanka la’aantiis,mana jiro Wadan ubuuxin kara booskaas oo Maraykanka kaligiis,ayaa ugu…
Shabaab si weyn ayay waayaahan udiyaar garoobayeen,waxayna wadeen abaabul xoog badan. Gobolka Sh/Dhexe ayay soo saareen Culays. Sidoo kale,waxay qorshaysteen in ay la wareegaan marka hore Buundooyinka Sh/Hoose sida Janaale, Awdhiigle,Sabiid & Caanoole. Alshabaab,waxay Maamulaan Deegaamo muhiim ah oo kala ah… 1. Ceel Cali Axmed. 2. Cali Fooldheere. 3. Cadaan Laxeey. 4. Ceel Baraf. 5. Ceel Saleebaan. 6. Ruun Nirgood. 7. Daarunimca. Halka Ciidamada DFS ay Maamulaan Alkowsar oo kaliya. Maanta,waxaa Dagaal ka dhacay Bacaad-weyn oo Ururka 9-aad ee Guutada 18-aad Ciidanka DFS ay ku Qaadeen weerar Alshabaab,waana ku guulaysteen hawlgalkaas. Weerarkaas,waxa uu ahaa mid kadis ah oo lagu gaaday…
Warka Caawa Maraykanku soo saaray,waa mid jira oo khatartiisa leh. Xogaha muhiimka ah ee la helayo,waxay tilmaamayaan in ay AS weerar ku qaadi doonan Garoonka Aadan Cade. 5-ta Bisha oo Berri ku beegan ayay xoguhu sheegayaan in AS qorshaysteen fulinta weeraradaas. Goobaha bartilmaameedka u ah,waxaa laga xusi karaa…. 1.Garoonka Aadan-cade. 2 .Villa Somaliya. 3.Xarumaha Dowlada ee muhimka ah 4.Ciidamada DFS fadhiyadooda. Sida xoguhu sheegayaan Xarumahaas,waxay AS ku weerari doonaan Hoobiyayaal,Qaraxyo iyo Gantaalo. AS,waxay Shalanbood keensadeen Hoobiyayaal iyo Mootaro,kuwaasoo ilaa Caawa ay Dameero kusoo rari doonaan soona galin doonaan Dayniile iyo Suuqa Xoolaha,sida aan ka helay Saraakiil amaan. Wakhtiga rasmiga ah…
Maxay tahay sababta Trump ugu deg-degayo Canshuurta uu saarayo Wadamada Canada,Mexico iyo Shiinaha? Hadafkiisu,waa cad yahay,waa danta Maraykanka oo ah…. 1.In wax soo saarka Maraykanka Dadku iibsadaan. 2.In Shirkadaha gudaha Maraykanka ku leh Warshadaha iyo Xarumaha wax soosaarkooda mudnaanta helaan,kuwaasoo iskugu jira Maraykan iyo kuwa caalamiya. 3.In Shaqo abuur la helo oo Suuqa Shaqada Maraykanku noqdo mid aan walwal laga qabin. Maraykanka Canshuur soo rogidan wax culays ah oo uga soo laabanayaa majiro,sababtoo ah waxa uu udhoofiyo Wadamadaas oo aad uyar,waxayna ka yihiin GDP-giisa 2.7%. Halka Wadamadaas waxa ay dhoofiyaan intiisa badan ay usoo dhoofiyaan Maraykanka,waxaana tusaale loosoo qaadan karaa……
Yurub,waxay ku dhawaaqday in ay kor uqaadayso awoodeeda Difaac,iyadoo gelin doonta 850-Bilyan Yuro. Dhawaaqan,waxa uu yimid markii Yurub Indhaha ku kala furtay go’aamada Trump. Mudo dheer,waxaa u ahaa Yurub Difaaca ay isku halayso awooda Maraykanka. Gaashaanbuurta Nato oo ay ku mudaysan yihiin,waxaa bixiya Dhaqaalaha ugu badan ee ay ku hawlgasho Maraykanka,balse Trump,ayaa su’aal ka keenay sii wadida bixinta Lacagtaas. Trump,waxa uu taagan yahay waa in Yurub Amnigeeda gelisaa Dhaqaale oo ay isdabartaa,si gaar ah,waxaa Yurub walwal ku ah isku soo dhawaanshaha Ruushka iyo Maraykanka. Xisbiga Dimuqraadiga,ayaa ku dhaleecaynaya Trump in uu Wadanka usii dhawaynayo dhanka Digtatooriyada Ruushka oo kasii fogaynayo…
Waa Saallo -Qaliin iyo Mashiinka (Snesthesia Machine) oo laga helay Saldhigyadii argagixisada ee duleedka Dhasaan. Waxay muujinayaan sida argagixisadu ugu diyaar garowday in ay Saldhigato Dhulka Uduga,waxaa beeniyay Ciidamada Difaaca Puntland oo Godadkoodii ugu daatay. Halkan ka daawo muuqaalka
Shaqaalaha Safaarada Maraykanka ee Somaliya,ayaa laga mamnuucay in ay isticmaalaan Garoonka Aadan-cade. Tani,waxay muujinaysaa in Shaqaalaha iyo Ciidamada Amniga ee Garoonka aysan ku kalsoonayn Safaarada. Waa talaabo Garoonka ceeb ku ah oo bahdilaysa,isla markaana hoos udhigaysa sumacdiisa amni iyo Shaqo. Badanaaba go’aanka Maraykanku qaato,waxaa la qaata Wadamada kale ee Caalamka.
The U.S. Embassy in Mogadishu is tracking credible information related to potential imminent attacks against multiple locations in Somalia including Mogadishu’s Aden Adde International Airport. All movements of U.S. Embassy Mogadishu personnel have been cancelled until further notice. The U.S. Department of State level four travel advisory (“do not travel”) for Somalia remains in effect due to crime, terrorism, civil unrest, health issues, kidnapping, and piracy. The U.S. Embassy in Somalia reminds U.S. citizens that terrorists continue to plot kidnappings, bombings, and other attacks in Somalia. They may conduct attacks with little or no warning, targeting airports and seaports, checkpoints,…
Safaarada Maraykanka ee Somaliya,waxay ku dhawaaqday heegan amni. Safaaradu,waxay ka digtay weeraro ka dhici kara Muqdisho oo uu ku jiro Garoonka Aadan-cade. Muwaadiniinta Maraykanka ayay Safaaradu uga digtay in ay usoo safraan Muqdisho. Digniinta Safaaradu,waxay daaran tahay in ay dhici karaan weeraro loo adeegsado… 1.Qaraxyo. 2.Hoobiyayaal. 3.Afduub. Wararka amni ee Xamar laga helayo,waxay sheegayaan in Shabaab aad uxoogan yihiin si weyna gudaha Magaalada ugu jiraan oo aysan la yaab noqon karin haday isku dayaan in ay la wareegaan wakhtiga dhow. Shabaab,waxay ku milmeen Hay’adaha Dowlada,Ganacsatada,Dhaqanka,Bulshada Rayidka ah iyo Siyaasiyiinta. Muqdisho.
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay,ayaa Isniintii shalay dib u cusbooneysiiyay xayiraadihii uu hore u saaray kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab. Dhammaan xubnaha Golaha Ammaanka,ayaa aqlabiyad buuxda ku ansixiyay qaraar tirsigiisu yahay 2776, kaas oo kordhiyay muddada xayiraadaha kala duwan ee saaran Al-Shabaab. “Qaraarkan Cunaqabataynta ah,ayaa ah tallaabo kale oo looga gol leeyahay in lagu sii wiiqo awoodda al-Shabaab, lagu carqaladeeyo dhaqaalaheeda, dhanka kalana lagu xoojiyo iskaashiga caalamiga ah iyo in Somaliya laga taageero sidii ay u dhisi lahayd awooddeeda,”Ayay tiri ergayga joogtada ah ee dowladda Ingiriiska Barbara Woodward. Qaraarka la ansixiyay,ayaa sidoo kale muujiyay walaaca gaarka ah ee ka dhashay…
Turmasaale: 04 March 2025: Ciidanka Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland ee ku sugan Turmusaale, waxay maanta sameeyeen hawlgalo ay ku ugaarsanayaan firxadka Argagixisada Daacish sida dhuumalaysiga ah u aasa miinooyinka, Ciidanka ayaa isu maray deegaannada ku hareeraysan Togga-jeceel iyo Togga Ina Cidoole, gaar ahaan deegaanka Dhextaal oo ay ku dhuumaleysanayeen firxadka Argagixisada Daacish. Waxay Ciidanku isku fidiyeen Talisyadii iyo deegaanadii ay ku dhuumaalaysanayeen Argagixisadu, iyagoo halkaasi ka helay godadkay degnaayeen iyo agabkii ay uga carareen. Ciidanka Dowladda Puntland ee ciribtiraya Argagixisada,waxaa ka go’an in ay Godkasta iyo meelkasta oo ay ku dhuumanayaan Argagixisada Daacish ay lug ugu galaan illaa ay…
Garoowe, March 04, 2025: Ciidanka Booliska Puntland gaar ahaan Taliska Qeybta Gobolka Nugaal ayaa gacanta ku dhigay saddex eedeysane oo kala ah: 1. Cabdiqaadir Cabdisalaan Siyaad 2. Fahad Maxamed Abshir 3. Caamir Cabdi Muuse Cabdi Eedeysanayaashan ayaa lagu eedeeyay inay ku lug leeyihiin moral-gelin iyo taageero siinta kooxaha khawaarijta ah. Booliska Puntland ayaa xaqiijiyay in eedeysanayaashu hadda ku jiraan gacanta ciidamada amniga, halkaas oo lagu wado baaritaanno dheeraad ah. Booliska Puntland waxay ku boorinayaan bulshada inay ka fogaato faafinta warar aan munaasib ahayn oo la xiriira kiiskan, iyagoo xusay in baraha bulshada looga baahanyahay in loo adeegsado si mas’uuliyad leh.…
Galkacyo, 04 Maarso 2025; Duqa Degmada Galkacyo, Maxamed Cabdirisaaq Warsame, oo ay wehliyaan Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha cabdiraxmaan Khalif Faarax, & Masuuliyiin ka socotay Guddiga Ganacsatada Suuqa ayaa maanta si rasmi ah u dhagax dhigay wajiga labaad ee dib u hagaajinta suuqa Xeero Dayax ee dhigista carakawada iyo interlock-ga masaafo dhan 6800m oo isku-weer ah, Mashruucan oo iska kaashanayaan Dowladda Hoose Degmada Gaalkacyo PL iyo ganacsatada suuqa ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu horumarinayo ganacsiga iyo bilicda magaalada. Wajiga labaad ee dhismaha suuqa oo hadda lagu bilaabay dhigista carakaawaga iyo interlock-ga, taasoo sare u qaadeysa bilicda iyo waxtarka suuqa,…
WAR-SAXAAFADEED. 04 March 2025 Dowladda Puntland waxay soo dhoweysay dadkii lasoo xiriiray ee ka faa’ideystay 7-da cisho ee fursada Cafis ee Madaxweynuhu u fidiyey cidkasta oo la shaqeynaysay Argagixisada Daacish ee kasoo laabanaysa fekerkaasi, waxaa sidoo kale aan boggaadinaynaa xubnaha dadkaasi ku metela Dowladda iyo waxgaradkooda oo u fududeeyay fursadan. Dadka intii kale ee aan xiriir soo sameyn fursadu weli waa u furantahay wakhtiga ka harsan, Asbuucii lasiiyey ee loo qabtay. Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland waa mid soconaya illaa guud ahaan Puntland oo dhan laga ciribtiro Argagixisada, waxaan u mahadcelinaynaa Shacabkeenna si walbo u garab taagan Ciidanka, gaar ahaan…
Madaxweyne Trump,ayaa hakiyay dhammaan Hubkii loo iibin jiray iyo kii kaydka Maraykanka laga siin jiray Ukraine Sidoo kale Hub danbe looma iibin doono Ukraine. “Haddii Zelensky uu rabo dagaal aan dhammaad lahayn, waa inuu isagu iska bixiyaa”,ayuu taagan yahay Trump. “Waanu baxnay”. Yurub ilaa hada hadal,waxaan ahayn mahayaan,mana jirto awood macno leh oo ay ku taageeri karaan Ukrain haday ahaan lahayd Hub ama Dhaqaale. Zelensky tala khaldan ayay siiyeen Dimuqraadigii iyo Madaxda Yurub. Talaabadan toos ayay utaabanaysaa Ukraine.
75%argagixisada,waa laga adkaaday guud ahaan Puntland,xataa kuwa Buurta Calmadow,waxay ka mid noqonayaan 25% ee harsan oo ma awood badna. Buurta Calmadow,waxaa ku jira 234-Nin oo Awr dhawr ah loogu keeno Saad,baqaya oo go’ doon ah una badan reer Koonfur oo Maalin walba Qaybi baxsato,waxaana ku filan hal weerar. Ciidamada Difaaca Puntland,waxay muujiyeen adkaysi,khibrad iyo Karti aan caadi ahayn. Sidoo kale Shacabka Puntland,waxay muujiyeen gudo iyo Dibad midnimo iyo garab istaag Ciidan. Su’aasha? Dagaalka kadib maxay tahay Danta Puntland?
Trump muhiimadiisu,waa Laba Qodob oo kala ah…. 1.Wax walba in laga hormariyo danta Maraykanka. 2.Aduunku in uu ahaado Nabad. Waa Laba Shaqo oo muhiim ah. Canada iyo Mexcico,way dhaqangalaysaa Canshuurtii uu ku soo rogay. Sidoo kale Shiinaha waxa uu kusoo rogayaa Canshuuro dheeriya. Shiinuhu,wuxuu si khaldan uga faa’idaystay la Ganacsigii Maraykanka. Yurub si la mid ah Shiinaha,waxay dhan walba ugu dul noolayd Maraykanka,waana xakamaynayaa Trump. Ilaalinta awooda Maraykanka ee caalamka,ayuu Trump muhiimad ka dhigtay,iyadoon cidna la xeerinayn. JQ.
Wasaaradda Maaliyadda Puntland Gobolka Mudug Xarunteeda Galkacayo, ayaa Maanta laga daah-furtay System-ka Puntland Customs Automation System (PuntCAS) oo loogu tala galay in loo isticmaalo Kastamada Wasaaradda Maaliyadda ee Dowladda Puntland. Tababarkan oo loo qabtay shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda gaar ahaan kuwa cashuuraha ee kastamada Gobolka Mudug ee garoonka diyaaradaha C/laahi Yusuf ee Gaalkacyo, kastamka dhexe ee gobolka, Kastamka Xarfo, Daarusalaam iyo Furddada Dekeda Garacad. System-ka Puntland Customs Automation System (PuntCAS) ayaa ah mid looga guirayo cashuurahii lagu qaadijiray gacanta oo warqadaha lagujarijaray waxaana Xafladda daah-furka ka soo qayb galay shaqalaaha kastamadda Gobolka, Madaxada Kastmada iyo madax ka socotay Wasaarada Maaliyadda Dowladda…
Dhulgariir cabirkiisu yahay 3.9 magnitude ayaa ku dhuftay xarunta aflaanta ee Hollywood, kadib markii jilaayaasha caanka ah ee caalamka ay bilaabeen dabaal degga abaalmarinta Oscars. Xadunta dhulgarirka ayaa la ogaaday inay tahay buurta waqooyiga Hollywoodka, taas oo dhowr meeyl u jirta halka ay ka dhacday xafladda abaal marinta Dolby Theatre. Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo soo baxay oo la xiriira khasaaraha ka dhashay dhulgariirkaas, gaar ahaan burbur ama dhaawacyo. Dhulgariirku waxa uu dhacay wax yar ka dib 22:00 xiliga maxaliga, xilli dadka caanka ah ay isugu soo baxayeen fagaaraha caanka ah ee Vanity Fair. Xarunta dabagalka ku…
Ra’iisul Wasaaraha Britain, Keir Starmer, ayaa shirka kaga dhawaaqay qorshe afar qodob ka kooban oo lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka Ukraine, laguna taageero qarannimada dalkaas. Starmer ayaa sheegay in qorshahan, oo ay iska kaashadeen Faransiiska iyo Ukraine, uu ka kooban yahay: Sii wadidda gargaarka la siiyo Kyiv iyo cadaadiska dhaqaale ee lagu hayo Ruushka si ay u taageerto Ukraine. Xaqiijinta in dowladda Ukraine ay miis walba oo gorgortan looga hadlayo aayaheeda ka qeyb gasho. In heshiis kasta oo nabadeed uu dammaanad qaado midnimada iyo amniga Ukraine. Sii wadidda taageerada hubka si Ukraine ay isaga difaacdo duullaan kale mustaqbalka.…
Hal qof iyo eedeysanaha weerarka geystay ayaa dhintay kadib weerar mindi loo adeegsaday oo Isniinta maanta ah ka dhacay magaalada Haifa, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta. Waa weerarkii ugu horreeyay ee dhimasho sababa ee ka dhaca Israa’iil tan iyo markii xabbad-joojinta Gaza la bilaabay bishii Janaayo. Weerarkan wuxuu dhacay maalin kadib markii Israa’iil ay xannibtay gargaarkii la geyn lahaa Marinka Gaza, xilli la isku maandhaafsanaa kordhinta heshiiska xabbad-joojinta ee dhulka Falastiiniyiinta. Wajigii koowaad ee xabbad-joojinta, oo socday lix toddobaad, ayaa dhammaaday dhamaadkii toddobaadkan. Heshiiskaas wuxuu suurageliyay in gargaar muhiim ah—cunto, hoy, iyo adeegyo caafimaad—la gaarsiiyo Gaza. Go’aanka Israa’iil ee hakinta gargaarka…
Madaxda Midowga Yurub,waxay ku kulmeen Ingiriiska si ay uga tashtaan waxa ay ka yeelayaan dagaalka Ukrain kadib kulankii fashilmay ee Trump iyo Zelensky. Midowga Yurub,waxay garab weyn umuujinayaan Ukrain,iyagoo ka Biyo diidan qorshaha Trump. Yurub,waxay u aragtaa Ukrain in ay ku hor joogsato Ruushka oo aysan fursad siin,halka Trump u arko dagaalka Ukrain in uusan macno ulahayn oo ay ku khasireen Lacag fara badan. Si guud marka loo qiimeeyo dagaalka Ukrain Sadex qorshe oo ay R.Galbeedku ka rabeen oo kala ahaa… 1.In Ruushka Hubka ay bixinayaan uu celiyo. 2.In Dhaqaale ahaan Ruushku udaciifo. 3.In Putin galo go’doon Diblomaasiyadeed. Sadexdaas Qodob…
Saakay firxadkii argagixisada,ayay ku heleeleen Ciidanka Difaaca Puntland Aaga Tasjiic,wayna ka dileen ku dhawaad 20-Xubnood. Ciidanka,waxaa ka Shahiiday Laba Askari,iyadoo ay ka dhaawacmern 7-da kale. Sidoo kale Ciidamo Saad galbinayay,ayaa Askari ka Shahiiday,iyadoo dhaawac fudud kasoo gaaray Miino kula qaraxday Aaga Qurac iyo Darin ee Toga-jeceel. Waxay kaloo Ciidamada Difaaca Puntland hawlgallo ka sameeyeen Isha Bilcil, Isha Daltoonle iyo qaybo ka mid ah Buuraha ku teedsan Toga-jeceel. 75%argagixisada,waa laga adkaaday guud ahaan Puntland,xataa kuwa Buurta Calmadow,waxay ka mid noqonayaan 25% ee harsan oo ma awood badna. Buurta Calmadow,waxaa ku jira 234-Nin oo Awr dhawr ah loogu keeno Saad,baqaya oo go’…
Waa aragtida aan difaacaynay 50-kii Sano ee udanbeeyay mida MW Deni hada difaacayo. Aragtidan,waa mida Siyaasiyiinta ku mashquulsan Shaqo mudo gaaban ah,CV iyo Mashruuc lakala goosto aysan mudnaan noogu lahayn. Aragtida aan ka leenahay Dowlad dhiska Somaliya,waa cadahay,waana mida MW Deni qeexay,mana jiri doonaan,waxaan ku badalan doono. Jiilba jiil,ayuu ka dhaxli doonaa ilaalinta aragtida reer PL ee Dowladnimo Somaliyed. Xamar Aadisteeda? 1.Aadisteeda,waxay macno tiraysaa Dhulka PL. 2.Aadisteeda,waxay diciifinaysaa Nidaamka PL. 3.Aadisteeda,waxay niyad jabinaysaa Bulshada. 4.Aadisteeda,waxay soo saaraysaa Siyaasi liita. Xamar mar danbe kuma aadayno si fudud hadayba dhacayso oo la mid ah midii dhacday 15-Sano ka hor. MW Deni,waxaan leenahay…
Waa God kale iyo Talis muhiim ahaa oo argagixisadu lahayd Buq Caleed oo ay Ciidamada Difaaca Puntland Gacanta ku dhigeen. Taliskan,waxaa deganaa Madaxda Argagixisada iyo Xaasaskooda,waxa uuna lahaa Difaac adag. Buq-caleed,waxay ujirtaa Dhasaan 20-Km,waxayna usamaysatay argagixisadu Wado toos ugasha oo 19-KM ah. Waxaa loogu tagay Guryo,Godod Shub ah iyo Gaadiid ay gubeen argagixisadu. Shalay,waxay Ciidamada Difaaca Puntland heleen Godad Hub ah,waxaana laga soo saaray.. 1.40-Qori oo Aake ah. 2.6-Qori oo Snipers ah. 3.Beekaa emyo dhawr ah. 4.Dhashiise diirad leh. Waxaa kaloo loogu tagay halkaas Maydadka argagixisada. Talyaha Ciidamada Difaaca Puntland Jen.Aadan Cabdixaashi,ayaa sharaxaya Taliska Buq-caleed ee Maanta la qabtay muhiimadiisa.…
Reer Mudug,waa Dad qiyam,gaar ahaan Puntlander-nimada markay timaado kama gorgortamaan. Laamiyada Galkacyo ee lagu dhisayo Lacagta horumarinta ee la saaro Korontada iyo Biyaha ,waxay ku qoreen (Difaaca Puntland). Xoolihii lagu taageerayay Ciidamada Difaaca PL,waxay bixiyeen kala bar oo ah (2,532 Neef oo Ari ah iyo 62 Geel ah). Lacagta Qurba-joogta ka timaada ee Ciidamada lagu taageerayo,waxay bixiyaan 60%. Ciidamada ku jira hawlgalka sifaynta argagixisada,waxay ka yihiin 50%,gaar ahaan,waxaa ka maraya meesha Guuto Gaashaaman oo wadata wax walba oo mintid ah. Dadkaas mahan in ay ku faraxsan yihiin 100% Maamulka MW Deni oo Gobolkooda,waxaa ka jira baahiyo la taaban karo…….. 1.Garoonka…
Puntland= 200-kun KM oo Isku wareeg ah. Puntland=1650-km oo Xeeb ah. Puntland =3-Meelood 1-Dhaqaalaha Geeska. Puntland =4-Milyan oo Qof. Puntland =Kaabayaal Dhaqaale oo dhisan. Puntland =Kayd Bulsho oo qiimo leh. Puntland =Ciidan awood leh. Puntland =Kayd Taariikho iyo hibooyin. 5-tii Sano mar ayay Doorasho qabsoontaa oo awooda Nabad loola kala wareegaa,iyadoon laga dib mari karin Maalinka cayiman ee 8-Janaayo. Dhulkaas iyo Dadkaas burhaantaa leh markaad haysato,waa in aad…. Ku faraxsanaataa. Ku faantaa. Ku Xisaabtantaa. Jiilka hogaaminayay 15-kii Sano ee udanbeeyay,Jiilkii ka horeeyay,waxay dhiseen Puntland-ta aan hada Sharaxayo oo hami ayay ficil ubadaleen. Hal Qodob,ayaa khatar ku noqday,waa Dowladnimadii Somaliyed ee…
WQ:-Jibril Qoobey. Markaan saa ku leeyahay,waxaan soo gudbinayaa dareenka Dadka caadiga ah ee reer Puntland. Dadka Siyaasada xog ogaalka ka ah ama aragtida ka leh,way fahmi karaan hadalkaaga iyo meeshaad usocoto. Xalay khudbadii aad jeedisay,way kala daadisay Shacabkii umidaysnaa dagaalka iyo loolanka Xamar ee reer Puntland. Golayaashii lagu ururinayay Lacagaha Ciidanka,ayay saamayn ku yeelatay oo Niyad jab ka bilowday oranaya… (Xamar Nin usocda Lacag ku taageeri mayno). Khudbadii Xalay Qaybteeda aad uga hadashay Xamar,waxay ahayd mid wakhtigeedii kasoo hordhacday oo aan ku haboonayn xiligan,ayay qabaan Dad badan. See wax loo sixi karaa? Madaxweyne ku laabo hadalka oo Quluubta Shacabka Puntland…
Seleniski,waa laga gar lahaa,marka laga soo tago asluub xumada Diblomaasiyadeed ee Trump iyo ku xigeenkiisu muujiyeen ee ceebta ku ahayd Diblomaasiyada gaamurtay ee Maraykanka. Dagaal uusan ka fiirsan,ayuu geliyay Wadankiisa,isagoo heli kara Wadooyin kale Zelensky. Ruushku,waa Quwad burburtay,balse diidan in la qaawiyo,waxa uuna taagan yahay… hadii Gaashaanbuurtaydii laga adkaaday yaan lay wada ilhaamayn oo Xuduudayda Nato yaysan soo fariisan. Ukrain,waxaa halaagay Yurub oo ka dhigatay waxay u isticmaasho diciifinta Ruushka. Trump,waxa uu leeyahay dagaalka Ukrain mahan in uu sii socdo,wax dan ahna nooguma jirto,waana ku khaldanaa Biden in uu maalgeliyo. 1.Dan uguma jirto Dadka Cadaanka ah. 2.Dan uguma jirto Dadka…
Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, iyo Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa dood adag dhex martay kadib markii ay isku khilaafeen arrimaha dagaalka Ukraine iyo xiriirka Mareykanka iyo Ruushka. Trump wuxuu ku adkeystay in Ukraine looga adkaanayo dagaalka, isagoo sheegay in askarta dalkaasi sii yaraanayaan, dadkuna dhimanayaan. Wuxuu uga digay Zelenskyy in haddii uusan heshiis la gaarin, Mareykanka uu ka joojin doono taageerada. “Haddii aan baxno, adiga ayaa la dagaallamaya, waana ogahay inaysan fiicnaan doonin,” ayuu yiri Trump. Zelenskyy wuxuu si toos ah u eedeeyay Trump inuu aad ugu jilicsan yahay madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, wuxuuna uga digay inuusan “la heshiin dilaaga.”…
Ukrainian President Volodymyr Zelensky and U.S. President Donald Trump repeatedly clashed on Friday (February 28), with Zelenskyy urging Trump to be cautious with Russia and Trump accusing him of being disrespectful, as simmering differences spilled into the open. Zelensky pushed back on Trump’s claims that Ukrainian cities have been reduced to rubble by three years of war. Trump stressed that Putin wants to make a deal. “You are gambling with World War Three,” Trump told Zelensky at one point, urging him to be more thankful. Vice President JD Vance interjected that it was disrespectful of him to come to the…
Madaxweyne Donald Trump,ayaa si caro leh ugu jawaabay Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, intii lagu guda jiray kulan ka dhacay Xafiiska Oval. Trump,ayaa codkiisa kor u qaaday, isagoo ku eedeeyay Zelensky in uusan ixtiraam lahayn. Kulanka,ayaa bilawgii si deggan ku bilowday, laakiin xaaladda,ayaa is beddeshay markii Zelensky uu ka horyimid fikirka Madaxweyne Ku-xigeenka J.D. Vance, kaas oo soo jeediyay in wadahadal lala furo Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, si dagaalka loo joojiyo. Zelensky,ayaa si caro leh uga falceliyay,isagoo sheegay in Putin marar badan weerarro ku qaaday Ukraine, jebiyayna heshiisyo xabbad-joojin ah, isla markaana diiday in la is-dhaafsado maxaabiista dagaalka. Trump ayaa Zelensky…
Khudbad qiimo badan,waaqiciya,dareen damqasho leh wadata,soo gudbinaysa digniino amni iyo kuwo jiritaan Umadeed oo Dadka midaynaysa,ayuu jeediyay Madaxweyne Deni…. 1.Wuxuu ku dhawaaqay Wajigii 2-aad ee hawlgalku in uu dhamaaday Maanta oo 27-ka Febraayo ah. 2.Wuxuu ku dhawaaqay Wajigii 3-Aad ee hawlgalka in uu bilaabanyo Berri foog oo 28-ka Bisha Febraayo ah. 3.Wuxuu ku dhawaaqay in ay 7-Cisho Laamaha amaanka isku soo dhiibaan Dadki gudahai kala Shaqeeyay argagixisada. 4.Wuxuu ku dhawaaqay in ay 7-Cisho isku soo dhiibaan Ajaanibta argagixisada ah ee dagaalka ku jirta. 5.Wuxuu umahadceliyay Ciidamada Difaaca Puntland. 6.Wuxuu ugu baaqay Shacabka Puntland in ay sii wadaan taageeradooda Ciidamada. 7.Wuxuu…
Hadaysan jirin,wax qarsoon oo lagu heshiiyay Warmurtiyeedka laga soo saaray kulanka Abiy iyo Xasan waxba kama muuqdaan macno leh. Kooxda Xasan,waxay ku doodayaan MOU-GA in ay dileen,balse majirto wax cad oo lagu dilay iyo War qoraal ah oo lagu baabi’iyay,waxaase muuqata in xawaarihii uu ku socday hoos udhacay,balse mar walba,ayuu Abiy soo celin karaa. Qodobka Ciidamada Itoobiya ee gudaha Somaliya ku jira Xasan waxba kama qaban karo,waxna kama badali karo in uu aqbalo mooyee,waxaana heshiis ka gaaray Ugandha iyo Itoobiya. Xasan,waxa kaliya ee uu booqashadan ka taxadaray,waa Baratakoolka oo Abiy,waxa uu soo qaatay Dhar Futashaariya iyo Kabo Safari ah,halka Xasan…
Lix Hoobiye,ayaa lagu soo tuuray Garoonka Aadan-cade xili uu ka dagayay RW Itoobiya. Hoobiyayaashu tois uguma dhicin Garoonka,mana jirto khasaare la xaqiijiyay oo ka dhashay. Sidoo kale Saacado kooban ayay haysteen Maleeshiyada Shabaab Degmada Balcad oo ku taal duleedka Xamar. Weerarka Hoobiyayaasha iyo qabsashada Balcad waxay argagixisadu uga dan leedahaya Hal ujeedo oo ah … 1.In ay muujiyaan Xasan in aysan waxba Gacanta ugu jirin oo ay iyagu saamaynta leeyihiin. Waxaan la inkiri karin,iyadoo Madax Sare Xamar imaanayso in la xakamayn waayay Hoobiyaha argagixisada.
Gantaaladan mahan kuwa caadiya ee waa Tuubooyin argagixisadu jarjartay oo ay ka buuxin lahaayeen Biro,Masaamiir iyo Qaraxyo,kadibna ay u isticmaali lahaayeen Qaraxyo,waase la qabtay ilaahay mahadii. Waxaa kaloo Maanta lahelay Shidaal iyo Mootooyin argagixisadu ka carartay. Sidoo kale,waxaa la qarxiyay Diyaarad Drons ah oo ay wateen 10-Nin oo firxad ahaa. Ciidamada Difaaca Puntland Gaari,ayaa Qarax ka haleelay,waxaana uga Shahiiday Hal Askari rabi ha’unaxariisto janadiina haka waraabiyo. Si guud hawlgallo firxadka lagu baacsanayo,ayaa ka socda Qandala ilaa Tasjiic,waxayna Ciidamadu adeegsanayaan Awr iyo Dameero.
Mustaqbalka Galkacyo,waa iftiimayaa,waxaana tusaale loosoo qaadan karaa Laba Qodob….. 1.Beesha Sacad oo Nabada Magaalada ku bixinaysa Dhaqaale,isla markaana diiday colaad gudaha ah. 2.Beesha Leelkase oo Labadii dhacdo ee ka dhacay Magaalada Gudaheeda oo ay fuliyeen Dhalinyaro ku abtirsata ka bixiyay Xaal dhan min $30-kun iyo 24 oo Duug ah,taasoo isku noqonaysa $84-kun. Sidoo kale,waxaa cajiib ah sida Beelaha Gobolka wada dega udhibsanayaan colaadaha oo ay si midaysan uga hor tagayaan. Mudug culayska haystay,waa Colaadaha Beelaha hadii xal loo helo horumar ayay samaynaysaa. Gudaha Galkacyo Laamiyo intaan ka badan ayay ubaahan tahay oo ugu yaraan 20-km ah.