Author: Jibril Qoobey.

Iranian missiles targeted the largest US military base in the Middle East, Al-Udeid, in what it said was a response to the US bombing three of its nuclear programme facilities on Saturday evening. Al-Udeid is home to the US military’s headquarters for all air operations in the region. Some British military personnel also serve there on rotation. Iran launches missiles at US base in Qatar in response to strikes The attack was first confirmed by Iranian state media, and later by the military. A statement from the IRGC, the most powerful branch of the Iranian military, said that “Iran will…

Read More

Garoowe : 22 June 2025: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullahi Deni,ayaa Garowe kusoo dhoweeyay Madaxweynaha Dowladda Jubaland. Axmed Maxamed Islaam iyo wafti uu hoggaaminayo oo booqasho maanta uga bilaabatay Puntland,ayaa kulamo la yeelan doons Madaxda PL. Socdaalkan,ayaa imaanaya,iyadoo Sadexdii Sano danbaysay ay ku kala fogaadeen Deni iyo Axmed khilaaf ja dhashay doorashadii Madaxtooyo ee Fadaraalka.

Read More

Hubkii Niyukleerka Iran Dhulka,ayaa la dhigay,waana la burburiyay Xarumihii bacriminta,kaydka iyo horumarinta. Ujeedka dagaalkan loo galay,waa la gaaray. Ma ahayn in la badalo Wadaada Iran oo nidaamka Iran fawdo laga dhigo. Iran Maanta kadib maleh awood Niyukleerka ay ku samaysan karto xili dhow,waana lala soconayaa mustaqbalka oo weeraradu kuma joogsan doonaan intan. Warka kasoo baxay ee ah…(Nama gaarin khasaare aan laga soo kaban karin),waa Afgobaadsi si dadban ay ugu qiratay in uu gaaray khasaare balse ay soo kaban doonto. Iran in aysan lahayn awood macno leh oo dhaafsiisan Gantaalada Balastikada ah ee midkiiba yahay $100-kun,waxaa cadaynaya in aysan Maraykanka wax…

Read More

Garoowe : 22 June 2025: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor,ayaa furay Shirweyne lagu soo bandhigayo xogta dhulka Puntland, sida…. 1.Biyaha,Dhirta. 2.Deegaanka iyo isbedelka cimilada. Xogtan,waxaa soo diyaarisay Hay’adda maamulka xogaha Biyaha iyo Kheyraadka dhulka Puntland ee IMC. Shirka oo socon doona (22-23 June 2025) waxaa lagu soo bandhigay furitaankiisa xogo lagu ururiyey sahan cir iyo dhul laga sameeyay oo la xiriira Biyaha Puntland, Dhirta , deegaanka iyo isbedelka cimilada Puntland. Xogtaasi oo muhiimad gaar ah u leh Hay’adaha Dowladda si ay ugu go’aan qaataan. Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland ayaa boggaadiyay shaqada ay hayso iyo xogaha cilmiyeysan iyo…

Read More

Baallade,waa halkii ugu danbaysay ee argagixisada firxadkeedu ku dhuumaalaysanayay,waana lasoo afjaray 90%. Inta hawlgalka Miraale iyo Baallade socday,waxaa lagu dilay…. 1.Talyihii Maleeshiyada argagixisada oo Yemen udhashay. 2.Madaxii dibada uqaabilsanaa oo Somali ahaa. Miraale iyo Baallade,waxaa ugu badan oo lagu xasuuqay,waxay ahaayeen Carabtii ubadnayd dhaawaca ee Godadka kula jirtay min Sadexda Qori. Wixii hada ka danbeeya,waxaa harsan Laba Qodob…. Hawlgalka Calmiskaad si dhab ah,ayuu uguulaystay,waxayna sameeyeen Ciidamada Difaaca Puntland Taariikh.

Read More

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump,ayaa ku dhawaaqay in weeraro ay ku qaadeen xarumaha Niyukleerka Iran ay ufuleen sidii loogu talagalay. US President Donald Trump says that the “US has conducted “very successful” strikes on Iranian nuclear facilities at Fordow, Natanz and Isfahan”. Xarumaha Maraykanku garaacay,waxay kala yihiin… 1.Fordow. 2.Isfahan. 3.Natans. Mw Trump,ayaa udigay Iran,isla markaana uqabtay Laba Todobaad in ay kusoo fariistaan miiska wada xaajoodka,balse Wasiirka arimaha dibada Iran,ayaa sheegay ilaa ay Israa’iil joojiso weerarada in aysan la bilaabayn Maraykanka wadahadal. Weeraradan,ayaa imaanaya,iyadoo uu socdo ku dhawaad Laba Todobaad dagaal Cirka ah oo udhaxeeya Iran iyo Israa’iil oo socda. Dukhayntan,waxay ka…

Read More

Garowe,waxaa saakay gaaray Shaqaalihiisii hordhaca ahaa Madaxweyne Axmed Madoobe. Galabta ilaa Berri Subax in uu tago Garowe,isagana,waa la fili karaa. Garowe,waxaa ka socda diyaar garowga soo dhaweyntiisa. Booqashada Mw Axmed ee PL,waxay leedahay saamayno macno samaynaya…… 1.In dib u doorashadiisii ay hesho sharciyad iyo garab. 2.In cunaqabatayntii Xasan ee dhanka socdaalka si muuqata loo muujiyo in aysan waxba ka jirin. Ugu danbayn Dad badan,ayaa u arka in Mw Deni talo wanaagsan uu qaatay.

Read More

Jawaabta Trump uu ku duray Agaasimhiisa sirdoonka,waxaa loo arkay Wajigabax iyo calaamad su’aal fuushay dagaalka Iran iyo Israa’iil,waxa rasmig ah ee ku salaysan yahay. “Way khaldan tahay Agaasimaha Sirdoonka”Ayuu yiri Trump. Agaasimaha sirdoonka Maamulka Trump,waxay si cad usheegtay in aan lahayn cadaymo muujinaya Iran in ay ku hawlan tahay samaysashada Hub Niyuukleer ah. Dhanka kale Wasiirka Arimaha Dibada Iran,ayaa sheegay in ay shuruud ku xirayaan la bilaabida wadahadalo Maraykanka taasoo ah.. ” Marka hore Israa’iil in ay joojiso weerarada” Trump,wuxuu sheegay in uusan waydiisanayn in ay weerarada joojiso,balse Iran uu siiyay wakhti gaaraya Laba Todobaad oo ay Miiska kusoo fariisato.…

Read More

Weli,waxaa sii socda weeraradii Cirka ee udhaxeeyay Iran iyo Israa’iil ee bilowday 13-kii Bishan,waxayna Wasaarada Caafimaadka Iran qirtay in ay kaga geeriyoodeen 430- Qof. Saakay Iran,waxay tiro Gantaalo ah ku weerartay Magaalooyinka Israa’iil ee Telaabiib iyo Xayfa. 30- Qof,ayaa ku dhaawacmay weerarka Iran ku qaaday Magaalada Xayfa. Israa’iil dhankeeda,waxay weerartay mid ka mid ah Magaalooyinka lagu hormariyo Niyuukleerka Iran ee Isfahan,waxayna sheegeen Maamulka Magaaladaas in aysan jirin Liig Niyuukleer oo dhacay. Sidoo kale Magaalada ku taal Koonfurta Tehran ee Qum,waxay wax yeeleeyeen dhismayaal Gantaalada Israa’iil,iyadoo Laba Qof ay ku geeriyoodeen. Waxay kaloo Iran sheegtay in Magaalada Kharomabad weeraro ay qaaday…

Read More

‘Netanyahu,wuxuu dagaalka iran ugalayaa si uu Kursiga ugu sii fadhiyo”Ayuu yiri Clinton. Waxaa la sheegaa in Netanayahu ka duulo Laba Qodob oo kala ah… B.Sadaam Iraq.T.Asad Siiriya.J.Lubnaan Xisbulaah.X.Qasa Xamaas.KH.Wadaada Iran oo ay hada loolamayaan. Netanyahu,wuxuu Siyaasada Israa’iil soo galay,isagoo 39-jir ah,wuxuuna kaga adkaaday markaas Siyaasigii weynaa Shimon Peris. Waxaa lagu dhaliilaa in hogaamintiisa Israa’iil ay ku gashay dagaalo ay ku Naf waayeen Dad badan oo Rayid ah oo Caruur ku jirto.

Read More

Waa la asiibay in Cabdullaahi Xaashi Goley buuxiyo Booskii Seneter Gaagaab ka Geeriyooday ee Aqalka-sare Fadaraalka. Waa Dadkii loo baahnaa in Xamar loo diro,waa Oday soo shaqeeyay oo PL ku matali kara fagaarayaasha Somalidu ku kulanto….. 1.SSDF.2.Puntland Aas-aaskeeda.3.Gudiga doorashada.4.Lataliye Mw PL. Goley,waa Muwaadin Puntlander ah oo soo halgamay,isla markaana qiimo weyn ay ugu fadhido Umada jiritaankeeda. Mw Deni,waxaa ka muuqata in uu wax ka bartay Dadkii uu horay ugu diray Xamar oo uu haatan xulayo Dad damiir leh oo uhakanaya Umadan masiirkeeda.

Read More

Garowe, 21 June 2025,Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Hon Abdirisak Ahmed Said oo uu weheliyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad,Maxamed Mahamud Ciise,ayaa maanta shir-guddoomiyey Fadhiga 6-aad ee Kalfadhiga 56-aad ee Golaha Wakiillada. Ajandaha fadhiga maanta,ayaa ahaa Xasaannadsiinta masuuliyiinta u baahan xasaannadda Golaha Wakiillada. Goluhu wuxuu Maanta buuxiyey kursiga Aqalka Sare ee ku metelayey Puntland kaas oo uu ka geeriyooday Senatar hore Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) waxana uu Golaha cod aqlabiyad ah ku doortay Cabdi Cabdullaahi Xaashi Goley in uu buuxiyo kursigaasi. Intii uu kulanku socday, waxaa sidoo kale khudbad sharafeed ka jeediyey Golaha Xildhibaan Samakaab Xuseyn, oo ka tirsan Golaha Wakiillada Gobolka…

Read More

Dagaalka Hawada ee Iran iyo Israa’iil Maalinkii Lixaad,ayuu galay. 586-Qof oo Iraniyiin ah,ayaa ku naf waayay,halka Israa’iil ay ka Geeriyootay 24- Qof. Labada dhinac Dhismayaal muhiim ah,ayaa kaga burburay weerarada ay isdhaafsanayaan. Iran ilaa iyo hada,waa isdhiibi la’adahay,waana isdifaacaysaa,inkastoo Kaydka Gantaalada ay haysato sii yaraanayaan,Shidaalkii uu gabaabsi yahay,isla markaana Lacag aysan jirin. Dhanka Israa’iil,way ku guulaysatay in ay ka taxadarto khasaare nafeed in uusan Dadkeeda soo gaarin lkn burbur Dhismayaasha ah,ayaa soo gaaray,waana waxay ku talagashay oo ku khamaartay markii horaba. Iran mahaysato Sxb difaaca la galaya sida Israa’iil,waxayse leedahay Dowladu ay wada shaqayn dhow leeyihiin sida Ruushka iyo Shiinaha.…

Read More

Shir,ayuu qabtay uu iskugu keenay kooxo isaga la socda oo ay ku jiraan barakacayaasha Siyaasadeed ee PL kasoo jeeda. Ujeedka Shirka uu uqabsaday,waa in uu helo wado fur uu kaga baxo hawshii uu waday kuna fuliyo fariintii BC. Xasan,waa gaaray tiisii,wuxuu dhex marsaday Dadkii Shirkaas iskugu yimid fariintiisii,wuxuuna diyaar uyahay Shirka BC abaabulayso,isagoo Dhulka dhigay…. 1.Dastuurkii.2.Doorashadii. Su’aalaha iswaydiinta mudan waxay yihiin…. Maxay ka faa’ideen Shirka Ragii waa weynaa ee lahaa Culumada,Aqoonyahanka,Siyaasiyiinta iyo Dhaqanka ee PL ka aaday? Maxay ku lahaayeen Warmurtiyeedka? Maxay ku heleen weerarkii Afka ee ay ku qaadeen Deni? Ma waxay kaliya ahaayeen Makarafoon Xasan isticmaalayo?? Maku qanacsan…

Read More

Garowe : 19 June 2025 : Madaxweynaha Dowladda Puntland H.E Said Abdullahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda H.E Ilyas Osman Lugatoor ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada oo todobaadkan looga hadlay Amniga, Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland xaaladda Siyaasadeed iyo mida amni ee guud ahaan dalka Soomaaliya. Goluhu wuxu dood dheer kadib cod aqlabiyad ah ku ansixiyey labo Xeer oo kala ah : -DHAMMAAD – -XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND-

Read More

Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirkii Xasan ee Xamar,waxaa xigmadiisa lagu soo ururin karaa.. (Dadkii la rabay in ay wada hadlaan,ayaa loo soo celiyey wadahadalka). Si kale hadii loo dhaho,wuxuu nuxurku noqonayaa….(Macnaha DFS iyo DG hawada hadlaan,ayuu noqonaya fasirka Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirkii Xasan).

Read More

Kufsi Wadareedka ka dhacay LC marka laga soo tago dhibka ka dhashay ee loo gaystay Laba Gabdhood oo sharfan,hadana,waxaa kasii xoog badan fariinta uu dirayo. Dhacdooyinka Kufsiga Haweenka loo gaysto,waa danbi soo noqnoqda oo dhaca,waxaase nagu cusub Kufsi Wadareed ay ku lug yeesheen 30-Qof. Aadbaan ula qaybsanayaa Qoyska Gabdhahaasi ka dhasheen ee dhibku sida tooska ah utaabanayo. Balse,waxaa muhiim ah in xaalka LC lagu baraarugo oo la xaqiiqsado xalaada ka jirta. Khataro kuwan ka waa weyn,ayaa kasoo socda LC hadaan rabi ur ubixin.

Read More

Garoowe: Shirka Bangiyadda iyo Maaliyadda Puntland oo ah kii u horeeyeyey ee noociisa ah oo lagu qabto Puntland, ayaa laga soo saaray Warmurtiyeed ka kooban 18-Qodob oo diirada Saarayo…. 1. Horumarinta Dhaqaalaha. 2.Maalgashiga. 3.Kobcinta waxsoosaarka Maxaliga ah. 4.Fursadsiinta dhalinyaradda. Shirkan oo socday Laba maalmood,ayaa muhiimad weyn ulahaa kobaca dhaqaalaha Puntland. Halkan ka akhriso:’

Read More

Trump,wuxuu ku doodayaa in Ruushka laga saaro G-7+,waxay ahayd khalad la galay oo ay ku kaceen Obama iyo Rw hore ee Kanada. Haatan,wuxuu soo jeedinayaa in G- 8 lasoo cesho,waase haday ku raacaan Madaxda kale ee G-7,waxaana ku diidan aragtidiisa hogaamiyayaasha Yurub. Odaygu Ruushka uma arko loolan Maraykan,waxaa uga khatar badan Shiinaha oo uu ku mashquulsan yahay. Ruushku,waa quwad looga adkaaday Milleteri,Dhaqaale,Siyaasad iyo Tiknoolajiyad oo difaac uga jira Xuduudihiisa. Shiinuhu,waa quwad soo koraysa oo xawaare ku socota una baahan in jidgooyooyin badan loo dhigo si ugu yaraan loo daahiyo kobaciisa.

Read More

Iran,waxay ku weerartay in ka badan 370- Gantaal iyo 100- Drons Israa’iil,waxayna muujiday isdifaacid xoog le,iyadoo cidna aysan garab siinayn. Bartilmaameedkeedu,waa Magaalooyiinka ay ka mid yihiin…. 1.Talaabiib oo ah Xaruntii Maamulka.2.Xayfa oo ah 30% wax dhoofinta Israa’iil halka ay ka dhoofaan. Dhismayaal door ah ayay Iran khasaare baaxad leh ka gaarsiisay Israa’iil,kuwaasoo ay ku jiraan Warsahadii sifaynta. Nidaamka difaac Israa’iil 90% ,waa shaqeeyay,waxaase daba maray 10% Gantaalo gaaraya ,waana kuwa khasaaraha sameeyay. Dhanka Israa’iil,waxay baqdin la’aan Diyaaradheedu ugu dul duulayaan Hawada Iran,waxaana ugu danbeeyay 50- Diyaaradood oo dukhaymo gaystay,kadibna badqab kusoo laabtay. Israa’iil,waxay bartilmaameedsanaysaa Sadex qaybood oo muhiimad uleh Iran….…

Read More

Maraykanku haduu galo dagaalka Iran ka dhanka ah xaalku,waa sii xumaanayaa,waxuuna saamayn ku yeelanayaa dhaqaalaha Aduunka oo hadaba Saliidu 7% qiimaheedu kor ukacay. Markii laga duulayo danaha Galbeedka,waa khasab in laga hortago rabitaanka Iran ee Hubka Niyuukleerka. Iran,waxaa ka go’an in ay samaysato Hubka Niyukleerka ah,iyadoo Hubkaas heshayna lagulama noolaan karo Gobolka. Haatan R.Galbeedka,waxaa culays ku ah Niyuukleerka Pakistan Gacanta ugalay mana aqbali karaan mid kale. Iran way fahansan tahay Shaxda oo way ka fogaanaysaa in ay weerarto Maraykanka Xarumihiisa Gobolka si aysan toos isku wajihin. Ma fududaan doonto sida la fili karo in Wadaada Iran meesha laga saaro,waxayna sababi…

Read More

Weeraradii Xalay ay Iran ku ekaysiisay Israa’iil kadib,saakay,waxay Israa’iil iyaduna bilowday weeraro cusub oo ay ku qaadayso Xarumaha Niyuukleerka iyo Ciidamada Iran. Labada Wadan weli,waxay kusii hanjabayaan in ay samayn doonaan isbaabi’in xoog badan. Trump,wuxuu leeyahay ugu danbayn markay isku daalaan,waa heshiin doonaan,wuxuuse Israa’iil ku diiday dilka Hogaamiyaha sare ee Iran. Maraykanku,waa quwada kaliya ee dagaalkan joojin karta,waxna ka badali karta xaalada taagan. Ruush iyo Shiinaha,waxaan ka ahayn taageero qarsoon oo ay Iran siiyaan ma samayn karaan.

Read More

Weeraradii Xalay ay Iran ku ekaysiisay Israa’iil kadib,saakay,waxay Israa’iil iyaduna bilowday weeraro cusub oo ay ku qaadayso Xarumaha Niyuukleerka iyo Ciidamada Iran. Labada Wadan weli,waxay kusii hanjabayaan in ay samayn doonaan isbaabi’in xoog badan. Trump,wuxuu leeyahay ugu danbayn markay isku daalaan,waa heshiin doonaan,wuxuuse Israa’iil ku diiday dilka Hogaamiyaha sare ee Iran. Maraykanku,waa quwada kaliya ee dagaalkan joojin karta,waxna ka badali karta xaalada taagan. Ruush iyo Shiinaha,waxaan ka ahayn taageero qarsoon oo ay Iran siiyaan ma samayn karaan.

Read More

Bender- beyla,waxaa lagu qabtay Laba Doonyood markay Saacadu ahayd 2-dii Duhurmo. Doonyaha,waxaa wata Ajaaniib iskugu jirta Carab, iyo Afrikan iyo Somali,waxayna sheegeen in ay Kismaayo ka yimaadeen. Weli,waxaa ku socota baaris lamana shaacin,waxa saaran,iyadoo ay Degmada tageen Gudoomiyaha Gobolka Karkaar iyo Talyaha Qaybta Booliska.

Read More

Burburka Xaruntii Sirdoonka Ilaalada Kacaanka ee Tehran,waxaa ku hoos jira Talyihii iyo ku xigeenkiisii oo lagu kala magacaabo… B. Sarreeye Guuto Maxamed Kasimi oo ah Madaxa Hay’adda Sirdoonka ee Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC). T. Ku xigeenkiisa Jeneral Xasan M. Israa’iil,waxay bartilmaameedsanaysaa Xarumaha iyo Saraakiisha hogaaminaysa Ciidamada kala duwan ee Iran. Halka Iran aysan haysan xog fadhida oo ay ku bartilmaameedsato Xarumaha la midka ah ee Israa’iil OO gantaaladaeeda ay ku dhacayaan Guryaha Shacabka caadiga ah oo mar horaba laga sii taxadaray. Ilaa iyo hada Israa’iil,waxay khasaare fiican gaarsiisay…. 1.Xarumihii Niyuukleerka.2.Xarumihii Gantaalada.3.Xarumihii Gantaalada Balaastikada4.Talisyadii Ciidamada.5.Saraakiishii hogaamada.5.Culumadii Sayniska ee Niyuukleerka oo…

Read More

Diyaaradaha dagaalka ee Ciidamada Difaaca Puntland,waxay Maanta gumaadeen argagixiso God ku gabanaysay oo gaaraysay 44-Xubnood. Meel,waxay ku dileen 30- Xubnood,halka goob kalana ay ku dileen 14- kale. Weeraradan,waxay ka dhaceen Toga Baallade,gaar ahaan Cadalle iyo Yacrun. Baallade,waa halka ugu danbaysa ee firxadka argagixisadu ku dhuumaalaysanayaan,waxaana Laba Jiho kasoo galay Ciidamada PL oo ay kaabayaan Diyaaradaha dagaalka. Dhanka Bosaso,waxaa kasoo fuulay Guuto 5- Aad halka dhanka Miraale ay kasoo galeen Guutooyinka 3- Aad,2-Aad iyo 1-Aad.

Read More

Ninkan,waxay xoguhu sheegayaan in looga shakisan yahay Sirdoonka Turkiga in uu ushaqeeyo. Xasan Atar,ayuu ku sheegay Magaciisa,wuxuuna udhashay Turkiga. Baaris hordhac ah oo ay sameeyeen Sirdoonka PL,ayaa waxaa ka muuqata calaamado muujinaya in uu jiro xiriir kala dhaxeeya Ninkan Sirdoonka Turkiga. Ciidamada Difaaca Puntland,ayaa ku qabtay hawlgalka la dagaallanka argagixisada ee Calmiskaad,waxaana loosoo wadaa Bosaso.

Read More

Maanta,waxaa ka fashilmay Shirkii uqorshaystay uu ku canjilayay kii saxda ahaa ee ay ahayd in layskugu yimaado oo talo Qaran oo loo midaysan yahay ay kasoo baxdo. Xasan,waxaa Shirka ka hor istaagay Beesha Caalamka oo Laba Maalmood ka hor uqortay Warqad adag oo laga qariyay Saxaafada. Warqadaas,ayaa loogu sheegay in uu wax dhagaysto oo baajiyo Shirka,hadii kale talaabooyin ka dhan ah la qaadayo. Baaqasahada Shirkan,waxay si fudud umuujinaysaa Warqadii BC udiray Xasan in aysan wax saamayn ah ku yeelan Diblomaasiyiinta shisheeye oo toos loo faragliyay xataa isagoo ka cawday faragalinta. Sidoo kale baaqashada Shirkan,waxay muujinaysaa in maaraynta Siyaasada lala yeeshay…

Read More

دعم شباب بونتلاند لحكومة فخامة الرئيس سعيد عبد الله دني بيان صحفيصادر عن جماهير الدفاع والديمقراطية في بونتلاند دعم شباب بونتلاند لحكومة فخامة الرئيس سعيد عبد الله دني نحن شباب بونتلاند، ومن ورائنا جماهير الدفاع والديمقراطية في بونتلاند، نعلن بكل وضوح وصدق أننا كنا ولا زلنا سندًا ودرعًا لحكومة ولاية بونتلاند بقيادة فخامة الرئيس سعيد عبد الله دني. لقد أثبتنا دعمنا في الماضي، واليوم وغدًا سنظل دائمًا إلى جانب الحكومة وقيادتها الرشيدة. ونحن كشباب مثقف ومتعلم داخل الوطن وخارجه، لا زلنا ننتظر الفرص الحقيقية والدور الفعّال الذي يجب أن يلعبه شباب بونتلاند في بناء ونهضة وطنهم. ونحن نثق تمامًا بأن…

Read More

Taageerada Dhallinyarada Puntland ee Dowladda Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni Anaga oo ah dhallinyarada reer Puntland, kana dambeeya Jamaahiirta Difaaca iyo Dimuqraadiyadda Puntland, waxaan si cad oo aan gabasho lahayn u caddeyneynaa in mar walba aan garab iyo gaashaan u nahay Dowladda Puntland ee uu hoggaamiyo Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni. Taageeradayada waan muujiyey horay, maanta iyo berri dambena diyaar ayaan u nahay in aan mar walba garab istaagno dowladda iyo hoggaankeeda wanaagsan. Anagoo ah dhallinyaro aqoon leh, wax ku soo bartay gudaha dalka iyo dibaddaba, weli waxaan sugaynaa fursadihii iyo kaalintii ay dhallinyarada Puntland xaqa u lahaayeen…

Read More

Nuxurka Khudbada Mw Deni ee furitaanka Kalfadhiga 56-Aad? 1.Wuxuu ka xog waramay hawlgalka Calmiskaad… B. Ciidamada,Shacabka iyo hay’adaha Maamulka ee wada fuliyay,ayuu bogaadiyay. T. Wajigii Afraad ee hawgalka oo noqonaya sifayn guud,ayuu ku dhawaaqay. J. Wadamada hawlgalka ka taageeray PL,ayuu umahadceliyay oo uu ku xusay Imaaraadka,Maraykanka,Itoobiya,Kenya iyo Uk. 2.Wuxuu ka xog waramay Dhaqaalaha iyo maalgashiga PL ee kobcaya,isagoo dul istaagay…. B.Mudug oo ay Ganacsato ka wado hirgelinta Warshado iyo Maxjaro. T.Nugaal oo ay Ganacsato ka hirgelisay Warshad Kalluun. J.Bari oo ay ka wadaan Ganacsato Kaydadka Shidaalka iyo Xargaha Intarnedka ugu balaaran guud ahaan Somaliya. Kh.Sanaag oo ay Ganacsato ka wado…

Read More

Waxaa looga wada hadlay…… PL,ayaa ayiday soo jeedinta BC ee oranaysa in la qabto Shirweyne Somaliyed oo loo dhan yahay. Shalay ayay BC udirtay Xasan Sh.Warqad Luuqad adag ku qornayd oo loogu sheegay in uu joojiyo Shirka Berri,taa badalkeedana uu raadiyo PL,JL iyo Siyaasiyiinta Xamar,hadii kale uu macno beelayo. Warqadaas,ayaa loo qabtay in uu kaga soo jawaabo 48- Saac. Kulankan,wuxuu ahaa mid loo baahnaa oo wakhtigiisii yimid.

Read More

Dowladaha Imaaraadka Maraykanka,Kenya,Itoobiya iyo UK,ayaa garab istaag weyn umuujiyay Ciidamada Difaaca PL ee ku hawlgalka la dagaalanka argagaxisada. Gurmad dhinacyo badan leh ayay ku garab istaageen Ciidamada oo iskugu jira….. 1.Xogta.2.Garaacista.3.Saadka. Waxaa ugu danbeeyay Raashin iyo Saad kale oo ay Hawada uga daadiyeen Ciidamada ku baacsanaya firxadka argagixisada Baallade. Tani,waxay muujinaysaa in caalamku la jaanqaaday PL oo aqbalay dagaalka ay kula jirto argagixisada. Ciidamadan Wadamada Shisheeye ee kaabaya kuwa PL,waxay fariisin ku leeyihiin Garoonka Diyaaradaha Bosaso.

Read More

Ninka la qabtay,waa Turki wata Waraaqo Magaciisu ku cad yihiin. Ciidamada PL ma shaacin Magaciisa,sababo baaris iyo xog dhamaysasho awgeed ah. Saacadaha soo socda,ayaa laga soo dajinayaa Bosaso. Ninkan,waa Sarkaal sare oo gaaray Lataliye iyo Tababare kooxda dhexdeeda ah. Xogo muhiim ah,ayuu bixiyay oo wax weyn ka taraya hawlgalka iyo xogta kooxda. Hawlgalkii Daacish in uu gabagabo marayo,ayay umuuqata marka laga tusaalo qaato xogaha hordhaca ah ee laga helay Ninkan. “Tiro aad uyar oo silic kunool baa ka haray,waxaana Maatadii Afduub ahaan nooga haysta ina Faahiye oo Niman Beeshiisa ah uu uxil saaray si uu noogu khasbo in aan sii…

Read More

BC,waxay Xasan uqortay Warqad adag oo Saxaafada laga qariyay. Warqadaas,waxay xanbaarsanayd erayo Luuqad adag loo isticmaalay,waxaana loo sheegay Xasan.. ” In uu hakiyo Shirka 15- ka Bisha oo raadiyo PL,JL iyo Mucaaradka Saldhiga ay utahay Muqdisho,hadii kale oo uu kooxihiisa taabacsan iskugu keeno in uusan macno yeelan doonin”. Warqadan,waxaa loo qabtay 48- Saac in uu kaga soo jawaabo Xasan Shiikh ka hor inta uusan qaban Shirkaas.

Read More

1.Mid waa PL uu kusoo laabtay socdaalo uu ku kala bixiyay Wadamada ,Itoobiya,Imaaraadka iyo Kenya. Hawlgalka Calmiskaad? Waa hawlgal guulaystay oo taariikhiya laguna dhawaaqi doono Wajigiisa Afraad oo noqon doona baadigoobka firxadka. Muhiim ayay ahayd in Mw ufadhiisto Bosaso la socodka hawlgalkan,sababtoo ah sidan uma miradhaleen. Safarka Dibada? Waa mid guulaystay oo laga gaaray natiijadii laga rabay…. Mw Deni 15-ka Bishan,ayuu furayaa kalfadhiga Baarlamaanka PL. Gudaha iyo dibada PL,waxaa aad loo sugayaa khudbada Mw Deni ee furitaanka Baarlamaanka uu ka jeedin doono.

Read More

Weerar celiska Iran ka yimid uma dhigmo weerarkii Israa’iil ee aadka u abaabulnaa. Mudada ay ku qaadatay Iran in ay kaga soo jawaab celiso weerarka,ayaa muujinaya awoodeeda hoosaysa. Sidoo kale Gantaalada ay isticmaalayso iyo halka ay kasoo hawlgalayso oo aan udhigmin kuwii Israa’iil. Waxaa kaloo mudnaan yeelan doona khasaaraha ay gaarsiiso Israa’iil marka xogta rasmiga ah la helo. Israa’iil way ka diyaar garowday mar horaba,waana haysaa xogta awooda Iran ee falcelinta. Reer Galbeedku,waxay heegan ku yihiin Hawada Israa’iil si ay ugarab siiyaan hadii ay ku filnaan waydo difaaca.

Read More

Weerarka Israa’iil ee Iran ma’ahan mid Diimeed ee waa mid ku qotoma Juquraafi,Siyaasad iyo Dhaqaale,waxaana qayb ka Xulufo kala Diin iyo dano ah. Israa’iil,waxay abaartay Sadex qaybood oo Iran ay ku taagan tahay ama muhiim u ahaa,waxayna burburisay dhismayaal,Qalab iyo Dadkii Aqoonta lahaa oo ay laysay…. 1.Ciidamada.2.Siyaasada.3.Aqoonta iyo Agabka Niyuukleerka. Ciidamada? B. Talyihii Guud ee Ciidamada Iran,waa dishay. T. Talyihii ilaalada Kacaanka,waa dishay. J. Talyihii xaalada deg- dega ah,waa dishay. Siyaasada? B. Waxay dishay Ninkii ugu dhawaa hogaamiyaha sare oo lahaa awooda ku xigta loona filayay in uu badali doono. Niyuukleerka? B. Xaruntii Bacriminta,khasaare ayay gaarsiisay. T. Xaruntii ubadalida Hub…

Read More

3000- km Dhul ujira ayay Israa’iil ka fulisay weerar aan caadi ahayn. Waxay weerartay Caasimadii iyo Magaalooyin muhiim ah oo Wadanka Iran ah. Waxay ku dishay Talyeyaal sare oo Militari iyo Saynisyahano Nukliyeer ah oo ay ku jiraan… 1.Talyihii Militariga Iran Maxamed Bagheri. 3.Madaxii Niyuukleerka Iran. Waxaa Dhulka hoostiisa la galiyay oo dhuumanaya hogaamiyihii sare ee Wadanka. Ilaa iyo hada khasaare masoo gaarin Israa’iil. Weerarkan markale,wuxuu caalamka tusay awood yarida Iran ee Milateri iyo Diblomaasiyadeed. Wuxuu kaloo muujiyay awooda Israa’iil ee ay Bariga Dhexe ku leedahay iyo sida ay uga adag tahay Iran oo ay awoodo in ayba disho hogaamiyaha…

Read More

Friday, the 13th of June 2025, proved deadly for Tehran, as the Islamic Republic of Iran suffered a catastrophic blow when Israeli strikes devastated the capital and other cities, assassinating top military commanders and nuclear scientists—including Iranian military chief Mohammad Bagheri and IRGC Chief Commander General Hossein Salami. The scale, precision and brazenness of the attack shocked observers worldwide. However, a closer look at Iran’s trajectory leading up to the strike suggests the country may have invited its own devastation through a posture of overconfidence.

Read More

Ramesh Viswashkumar, the only known survivor out of the 242 people onboard an Air India plane that crashed in Ahmedabad on Thursday, had been sitting near an emergency exit of the London-bound flight and managed to jump out, police said. Speaking from his hospital bed, the 40-year-old told Indian media that he was a British national and was travelling to Britain with his brother after visiting family in India. “When I got up, there were bodies all around me. I was scared. I stood up and ran. There were pieces of the plane all around me. Someone grabbed hold of me and…

Read More

Diyaarad xamuul ah oo ay leedahay Shirkadda diyaaradah Air India oo nooceedu yahay Boeing 787-8 Dreamliner,ayaa ku dhacday Magaalada Ahmedabad ee dalka Hindiya. Diyaaraddan oo siddey in ka badan 200 oo rakaab ah, kuna sii jeedey Magaalada London,ayaa soo dhacday wax yar ka dib markii ay ka kacday Garoonka Diyaaradaha Ahmedabad. Diyaaradda oo summadda duulimaadkeedu ahaa AI171, ayaa u muuqata in ay ku dul habsatay deegaan lagu nool yahay. Wasiirka Duulista hawada ee Hindiya Kinjarapu Ram Mohan Naidu,ayaa sheegay in ay socdaan hawlaha gurmadka degdegga. Illaa hadda lama hayo khasaaraha ka dhashay shilkan diyaaradeed, waxaase meesha diyaaraddu ku dhacday ka…

Read More

Shaqo wanaagsan ayay PL iyo SL qabsadeen si wadajir ah… 1.Waxay Warqad kawada qoreen Hubka kusoo qulqulaya Somaliya. 2.Waxay Wadajir uga hor yimaadeen Villa Somaliya iyo qorshayaasheeda,waxayna soo jeedin wada gaarsiiyeen BC. 3.Waxay talo soo jeedin ku gudbiyeen in Wadada iyo qaabka ay ku socoto ama ku dhisan tahay DFS aysan kusii shaqayn karin oo laga maarmaan ay tahay in dib loo eego Somaliya. Soo jeedimaha PL iyo SL oo wada socda,waxay Baasiin kusii shubeen dareenkii BC,waxayna sababtay….. B.In BC si cad uga hor timaado Xasan Shiikh. T.In dib dareen gaar ah laga muujiyo Hubka Gacanta Xasan galaya ee ugudbaya…

Read More

Laba Qodob oo QM ay wado Todobaadkan in loo helo ajiibid,waxay uwanaagsan tahay Somalida. Labadaas Qodob,ayaa kala ah…. Qorshahan,waxaa gadaal ka riixaya Maraykanka iyo Ingiriiska,sida xoguhu sheegayaan. Tan,waxay ka dhigan tahay in Swan si buuxda unoqon doono Mw Somaliya oo QM 100% la hoos tagi doono. Iyadoo la diyaarinyay in Xaafiiska QM ee Somaliya awoodihiisa la yareeyo laguna soo koobo si la mid ah Wadamada kale ( Country Office) in dib u eegis lagu sameeyo oo kor loosii qaado,waxay la macno tahay Somalidu in aysan weli Siyaasad ahaan isku filnayn oo qaangaar ahayn una sii baahan tahay Gacanta QM.

Read More

The United States and China have agreed on a framework to implement their trade truce, officials on both sides said Wednesday, after concluding two days of talks in London to defuse tensions and ease export restrictions that threaten to disrupt global manufacturing. American and Chinese negotiators agreed “in principle” to a framework on how to implement the consensus reached by the previous round of talks in Geneva last month and a phone call between the two countries’ leaders last week, China’s trade negotiator Li Chenggang told reporters in London, according to Chinese state broadcaster CGTN. President Donald Trump on Wednesday said in a Truth Social…

Read More

Austraria,waxaa ka dhacay weerar ay ku naf waayeen 9- Qof oo Lix Dumar tahay,Sadexna Rag,isla markaana,waxaa ku dhaawacmay 12- Qof oo kale. Qofka falka gaystay waxaa la sheegay in ahaa nin reer Austria ah oo 21 jir ah kana soo jeeda deegaanka Graz, sida ay booliiska deegaanka xaqiijiyeen. Booliisku waxay sheegeen in ninkaas isdilay,isagoo ku jira musqusha dugsiga. Wali waxay wadaan Boolisku baaritaanka ku saabsan sababta uu u sameeyey weerarkan. Shir jaraa’id oo ka dhacay Graz,ayaa hadda dhammaaday, balse intii su’aalo laga weydiinayay saxaafadda, booliisku waxay xaqiijiyeen in ninkii weerarka geystay uusan horey ugu diiwaangashayn booliiska ilaa maanta. Booliska ,ayaa…

Read More

“Wasiir 3-Sano,ayaa la idinka waayey walaalayaalooww talada dhulka dhiga dalkaan waan wada leenaheye, dastuurka dalka iyo dowladnimada Kufsiga ka daaya, jidkaad ku socotaana ka jooga horaa loogu jabaye.”Ayuu yiri..Wasiirka Cadaalada PL oo ujawaabay Wasiirka Dastuurka DFS. Isagoo hadalkiisa sii wataWasiirka Cadaalada PL,ayuu yiri”Maanta cid idin la fariisaneysa ma jirto illaa aad ku soo noqotaan xayndaabka sharciga iyo dowladnimada oo ah:- Qoraalkan oo Wasiirka Cadaalada Puntland Maxamed Cabdiwahaab ku shaaciyay Bartiisa Facebook,ayaa jawaab u ah hadal kasoo baxay Wasiirka Dastuurka DFS X.Macallin. Dowlada taagta daran Muqdisho ee haysata aqoonsiga Qaramada Midoobey,ayaa Todobaadkii lasoo dhaafay shaacisay in ay dhigtay gogol wada xaajood…

Read More

Garowe: June 10, 2025: Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland iyada oo ixtiraamaysa Xeerka Maamulka Gobolada, Degmooyinka iyo Dhismaha Goleyaasha Deegaanka LR.7. Qodobkiisa 44-aad, Farqaddiisa 2-aad. Iyada oo la xeerinayo duruufaha jiray ee keenay in ay baaqdaan kalfadhiyadii hore, waxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL soo saartay jadwalka kalfadhiyada Goleyaasha Deegaanka Degmooyinka Puntland. XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL. Website: moifad.pl.so Facebook: https://www.facebook.com/Moifad. Twitter https: https://x.com/MOIFAD. Tiktok: https://www.tiktok.com/@moifad1. Instagram:https://www.instagram.com/moifad_dpl..

Read More

Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan dhowrista xaquuqda aadanaha dhulalka la haysto ee falastiin, Francesca Albanese, ayaa ku boorrisey kooxaha doonleyda ah ee u halgamaya jabinta cuneqabateynta Israa’iil ay ku hayso Qasa in ay sii wadaan dadaalkooda. “Ayadoo la dalbanayo in doonta Madleen si degdeg ah loo sii daayo, haddana waxaa loo baahan yahay in la sii wado gurmadka lagu tiigsanayo dadka tabaaleysan. Deked kasta oo ku taal badda Mediterranean-ku waa in ay dirtaa doomo la isku garab taagayo Qasa, haddii ay garbo siman u shiraacdaan lama joojin karo” ayey ku tiri Albanese hadal kooban oo ay ku…

Read More

Mudahaarad rabshado wata oo looga soo horjeeda siyaasadda Madaxweyne Donald Trump,ayaa Maalintii 3-aadka socda Magaalada Los Angels ee Gobolka California. Mudaharaadkan looga soo lagu diidan yahay amar ka soo fulay Madaxweyne Trump, kaas oo Ciidamada laanta socdaalka iyo furdooyinka Mareykanka ee loo yaqaan ICE lagu faray in ay galaan magaalooyin u kal nugul dadka soogalootiga ah oo Los Angels ka mid tahay. Rabshadaha,ayaa la sheegaya in ay billowdeen markii Ciidamada ICE ay ku qamaameen goobo shaqo iyo Guryo lagu tuhmayey in ay ku dhuumanayeen dadka aan diiwaanka dowladda ku jirin. Dadweyne ka careysan tillaabooyinka lagu beegsanayo dadka shisheeyaha ah oo…

Read More

Milleteriga Sudan oo ka baqanaya awooda Ciidamada RSF,ayaa la qaxay Diyaaradihii dagaalka. Sida ay xaqiijinayaan ilo lagu kalsoonaan karo,waxay Diyaaradaha geeysteen Wadanka Eretereya. Milleteriga Sudan,waxaa ku khasbay in ay la qaxaan Diyaaradaha,waa RSF oo la timid Drons awood badan oo gubi kara Garoomada iyo Saldhigyada Ciidamada. Diyaaradaha ay qaxiyeen Milleteriga Sudan,waa kuwa dagaalka oo waliba casriya oo uu siiyay Ruushka,waxaana lagu sheegaa in ay yihiin kuwii ugu danbeeyay oo haatan dagaalka Ukrain lagu galay. Tani,waxay muujinaysaa awooda RSF iyo diciifnimada Milleteriga Sudan ee haysta aqoonsiga QM. Sidoo kale Eretereya,ayaa Lugaha toos ula gashay dagaalka Sokeeye ee Sudan,halka Itoobiya ay ku…

Read More

Buuraha firxadka argagixisadu ku dhuumaalaysanayaan ee aan Wadadu gelin,waxaa kasoo qaada Dhaawaca Awr. Awrtaas,waxay keentaa halka ugu dhow ee Gaadiidka Caafimaadku joogo ama tagi karo. Gaadiidka Caafimaadku,wuxuu usoo qaadaa halka ugu dhow ee Diyaaradaha Caafimaadku ka qaadi karaan. Diyaaraduhu,waxay ka dajiyaan Garoonka Diyaaradaha Bosaso. Kadib,waxaa loo qaybiyaa Laba qaybood dhaawaca…. B.Mid fudud oo Bosaso lagu daaweeyo,iyadoo inta dawadu usocoto Dowladu noloshiisa hayso isaga iyo Qof ehelkiis ah. T.Mid culus oo dibada loo qaado oo loo kireeyo Diyaarad kale,iyadoo la geeyo Isbitaal loosii diyaarshay. Marka ay soo Caafimaadaan dhaawacyadu,waxaa loo kala maamulaa…. B.Kuwa gudaha jiscin,ayaa la siiyaa uu ku galo fasax…

Read More

Hawlgalka Calmiskaad si la yaab leh,ayaa loo maamulay oo muujisay qaangaarnimada Nidaamka Puntland. Si gaar ah MW Deni,waxay ku ahayd tijaabo hogaamintiisa dhanka Ciidanka,waase ku baasay imtixaankaas. Xasan Shiikh oo haysta aqoonsiga QM,waa ku filnaan waayay in uu isku dubarido hawlgalkii Gobollada Dhexe oo kaliya,waana ku ceeboobay ugu danbayn. PL,waxay xagsatay doorkeedii curadnimo ee Somalida ay ku dhex lahayd dhan walba…. 1.Maamul wanaag.2.Dimuqraadiyad.3.La dagaallan argagixiso.4.Diblomaasiyad.5.Xasilooni iyo tanaasul.6.Horumarsamaynta. WQi:-JQ.

Read More

Qodobbada Isfahamka & Wada-shaqeynta Puntland & Somaliland? B. In si wadajir ah loogu midoobo la-dagaalanka kooxaha argagixisada, gaar ahaan Al-Shabaab, kuwaas oo ku sugan Buuraha Calmadow iyo nawaaxigeeda. B. In labada dhinac ay si siman u wadaagaan fursadaha maalgashi ee caalamka ka imaanaya, si loo dardargeliyo horumarka dhaqaalaha Labada dhinac. B. In la isku furo dekadaha,garoomada diyaaradaha, iyo jidadka si loo xoojiyo isku socodka ganacsiga, lana abuuro dhaqdhaqaaq dhaqaale oo dheelitiran. B. In la isdhaafsado xogaha la xiriira amniga, gaar ahaan kuwa khuseeya kooxaha argagixisada ama cid kasta oo halis ku ah xasilloonida Gobolka. B. In si mideysan looga hortago…

Read More

Ninka la dilay,wuxuu kasoo jeeda Beesha Leelkase,Jifida Reer Maxamed Xasan. Gabadha la dilay,waxay kasoo jeedaa Beesha CM,jifida Guled Shirwac. Gabadha dhimatay,waxay guur ku heshiiyeen oo Arooskoodu diyaarsanaa Nin hore oo laga dilay oo ka soo jeeday Beesha Carab Saalax. Ninkaas,waxaa horay udilay Nin kasoo jeeday Beesha Leelkase,Reer Maxamed Xasan. Way dhici kartaa Ninkan Caawa la dilay ee Leelkase,Reer Maxamed Xasan in loogu aaray Ninkaas oo Gabadhu qayb ka ahayd Shirqoolka oo Xabado Ninka lagu istaajinayay ay ku dhaceen,sababtoo ah Ninka,waa lala soo degay oo Madaxa Xabado looga dhuftay. Sidoo kale,way dhici kartaa in Gabadhu aysan qayb ka ahayn oo Ninkan…

Read More

“Maraykanku,waa ka maarmaa Qof walba Aniga maahee” Ayuu yiri Trump. Mar la waydiiyay Qandaraasyada Dowliga ah ee Elon uu haysto hadii laga joojiyo in Maraykanku udhitinayo,ayuu Trump jawaabtaas ka bixiyay. Waa hadal ku digasho ah oo toos ugu socda Elon Musk oo sabab u ahaa Trump in uu noqdo Madaxweynaha Mareykanka,isagoo ku taageeray dhaqaale gaaraya $ 277- Milyan. Elon oo ah Ninka ugu taajirsan caalamka oo leh Shirkada soo saarta Baabuurta ku shaqaysa Korontada ee Tesla iyo XSpace,ayaa haduu lumiyo Qandaraasyada uu ka helo Dowlada,waxaa la hubaa in uu wajahayo xaalad adag. IDIL NEWS.

Read More

Makhribkii,ayuu dhacay dagaal kale oo kharaar,waxaana lagu nadiifiyay Sadex God oo kale. Dagaalkaas danbe,waxaa lagu dilay 42- Xubnood oo argagixisada ka mid ah. Dhanka Ciidamada Difaaca Puntland,waxaa ka shahiiday Lix Askari,waxaana ka dhaawacmay 13 kale. Godadka laga nadiifiyay argagixisada,waxaa loogu tagay Dawo,Rasaas iyo Hub fara badan. Hawlgalka,ayaa Maanta oo Sabti ah halkiisii kasii socda,waxaana la filayaa ilaa Gelinka danbe ee Maanta in Ciidamadu war soo saaraan. Idil News.

Read More

Israa’iil ayaa dhowr duqeymo cirka ah ku qaadday xaafadaha koonfureed ee Beyruut gelinkii dambe ee Khamiistii shalay, waana markii afraad tan iyo markii xabbad-joojin looga dhawaaqay Lubnaan iyo Israa’iil bishii November ee la soo dhaafay. Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in ay aqoonsadeen cutub ka tirsan ururka Xisbullah oo soo saara kumannaan diyaaradood oo aan duuliye lahayn, kuwaas oo maalgelin ka helaya Iran, sida lagu sheegay bayaan. Duqeymahan oo dhacay bilaabashada Ciidul Adxaa ayaa waxaa ka horeeyay digniino ay Israa’iil u jeedisay dhowr magaalo oo ku yaalla duleedka koonfureed ee Beyruut. Afhayeenka Milatariga Israa’iil Avichay Adraee ayaa ugu baaqay dadka deggan…

Read More