Author: Jibril Qoobey.

Go’aanka Trump ee Nabada Ukrain,waxa uu ku fadhiyaa Laba aragti oo macno uleh Cadaanka iyo Maraykanka…. 1.Colaada Ruushka iyo Ukrain,waxaa ku jabaya Dadka iyo Dhaqaalaha Qofka Cadaanka ah. 2.Yurub haday Ruush ka adkaato,waxay ka xaroobaysaa Maraykanka. Ruush iyo Maraykan,waa in ay heshiiyaan oo Sadexda Qodob oo Ruushku rabo loo fuliyaa,kuwaasoo kala ah… 1.Nato in aysan imaan Bariga Yurub. 2.Midowga Yurub in uusan saamayn ku yeelan Ukrain. 3.Gobolada Ukrain ee Ruushku haysto in aan looga daba imaan. Wadamada Yurub,waa diidan yihiin joojinta dagaalka,balse hadii Maraykanku ka baxo ma difaaci karaan Ukrain iskamana dhicin karaan Ruush. Maraykanku ma rabo in Ruush burburo…

Read More

Urur uu hogaaminayo Talyaha Qaybta Booliska Gobolka Bari Col.Cabdiqaadir Jaamac Dirir,ayaa Maanta,waxay heleen in ka badan 15-Nin oo firxadkii argagixisada ah. Ciidanku,waxay ka dileen Unugtaas 5-Maleeshiyada ka mid ah,waxay kaloo ka reebteen Dameerihii Saadku ugu rarnaa iyo Soolarkii. Sarkaalka aan xogtan kasoo xigtay,ayaa ii xaqiijiyay in Unugtan ay ahayd kuwii ugalay Gaariga Anbalaaska Wadada,waxayna ucarareen dhanka Miiraale. Hawlgalkan ay Caiidamadu kawadaan Buuralayda usoo jeeda dhanka Bosaso,waxaa barbar socday digniino ay Dadka Deegaanka ugu sheegayaan in ay ka guuraan Aaga hawlgalku ka socdo ee firxadka argagixisadu soo galay.

Read More

Sahanka Ciidanku,waxa uu galay Dhasaan oo ujirta Dhadaar 8-km ahna halka ugu danbaysa ee hawlgalka sifaynta ee Toga-jeceel iyo Dhulkii Xarumaha u ahaa argagixisada ee ay isa siisay. Dhasaan Sahanku,waxba uguma tagin si la mid ah Dhadaar. Argagixisada 500-ka mid ah,waa la dilay,wixii haray oo xogaha la helayo ay sheegayaan 180-350,waxay ufirxadeen….. 1.Buqo Caleed 2.Biyo-kulule 3.Miraale 4.Sixna. 5.Daanyo. Curaar,xalay,waxaa looga dilay ku dhawaad 20 Maleeshiyadooda ah,waxaana xogaha la helayo sheegayaan in ay ka baxeen una gudbeen Biyo-kulule. Argagixisada Carabta ah,waxay ufirxadeen Buqo-caleed,halka kuwii Somalida ubadan reer Koonfurka iyo Afrikaanka ay ufirxadeen Biyo-kulule. Ciidamada Difaaca Puntland oo si xirfadle udaba socda…

Read More

Waa laysku awood sheegtay mana jiri doonto meel ay uga baxsan doonaan Bad iyo Bariba Quwadaas dul hoganaysa argagixisada. Markaan,waxaa noo dhiman inaan Xeebaha Ciidanka jooga xoojino si Ragaas baxsadka ah aysan Yemen inoogaga fakan. Dhamaan Ciidanka PMPF iyo Doomaha Dagaalka,waa in ay Laba Jibaaraan Shaqadooda. Nolol Ama Geeri,waa in Madaxdii argagixisada lagu soo qabtaa oo waa in Deg-Deg loo qaadaa dhowr Talaabo…. 1.Waa in Mudo 3-Todobaad ah la joojiyaa Dhamaan Doomaha Kaluumaysatada ah ee Xeebaha Puntland. 2.Doontii ama Markabkii Kaluumaysi ee lagu arko Xeebaha hawlgalku ka socdo,waa in Ciidanku la wareegaa. 3.Xeebaha ka fog Dhulka Hawlgalku ka socdo ee…

Read More

Oromadan,waxaa lagu qabtay Aaga Qardho,iyagoo lagu daadshay.. Gawaari,ayaa looga soo qaaday Laascaanood agteeda,waxaa lasoo marsiiyay Dhulka Hawdka ah,kadibna,waxaa lagu daadiyay Deegaan Baadiyaha ah oo udhow Laamiga isku xira Bosaso iyo Qardho. Koox Tahriibin ah,ayaa ka dilaacday Laascaanood,kuwaasoo Oromada PL celisay ee dib usoo laabanaya ururiya oo meel duleedka Magaalada ah iskugu geeya kadibna tahriibin ku geliya Bosaso. Ciidanka Booliska,ayaan xogtan la wadaagay Laba Maalmood ka hor,waana laga hawlgalay,waxaana la qabtay 500 oo Oromo ah,iyadoo Qardho Gawaari laga saaray oo Wadankoodu lagu celiyay. Raafka Oromada ee ay PL bilowday,ayaa abuuray fursad Lacag laga samayn karo Tahriibintooda,waxaana Mashruucaas ku dhaqaaqay Dhalinyaro hubaysan…

Read More

15-kii KM ee ka harsanaa hawlgalka sifaynta argagixisada Buuraha Calmiskaad,waxaa la dhamaystiray kala bar oo waxaa la dagay Dhadaar oo ahayd Xaruntii Madaxda Daacish. Waxaa harsan gaarida Dhasaan oo ah Saldhiga ugu weyn Calmiskaad ay ku lahayd Argagixisada. Dhanka kale si guud in Cagta la mariyo ku dhawaad 500-KM oo isku wareeg ah,ayaa bilaamay. Qiimaynta jirta ah,ayaa ah in Khamiista ama Jimcaha lagu dhawaaqikarao in hawlgalku soo gabagaboobay oo Madaxweyne Deni tagi karaa Calmiskaad.

Read More

Waa Guul la taaban karo oo lagu faani karo. 15-ka KM ee harsan argagixisadu ma joogto oo way ka carareen sida xogaha Wardoon xaqiijinayaan. 15-kaas marka la gaaro ilaa Saadanbe hadii rabi idmo,waxaa soo xirmaya Wajiga Labaad ee hawlgalka. Sida ay tilmaamayaan xogaha sirdoon argagixisada,waxaa ka harsan qiyaastii 150-xubnood oo firxad ah oo uwada socda ugu badnaan 14-Qof. Buuraha firxadkoodu gaari karo oo sifaynta Guud ubaahnaan doona,waxaa ka mid ah….. 1.Xabley. 2.Geesa-qabad. 3 Tasjiic. 4.Curaar. 5.Ina Cidoole. Wax fudud mahan 300-km in laga sifeeyo argagixiso si weyn u abaabulan oo heshay Dhul ku wanaagsan dagaalka. Xaqiiqdii Puntland,waxay muujisay awood Ciidan,mid…

Read More

Sheebaab qabashadeedu,waxay ka dhigan tahay oo kale in la sifeeyay Dhadaar,Dhasaan iyo Tuulooyinka kale oo Toga-jeceel ku faafo. Sheebaab markaad taagan tahay,waxba kuuma jiraan ama waaba aad joogtaa ilaa Dhasaan oo waa Dooxo banaan oo Tiknikada Ciidanku ku wararacaynayso. Sheebaab Ninka laga qabsaday ma joogi karo Dhasaan iyo Tuulo kale oo waa banaan Taayirka lagu laynayo. Argagixisada firxadkeeda oo ubadan Madaxdoodii inta hartay iyo Ilaaladoodii,way kala yaaceen,waxaana lagu sifaynayaa Wajiga Sadexaad. Maanta,waa lagu dhawaaqi karaa in Buuraha Calmiskaad laga saaray argagixisada. Toga-jeceel dib looma dayacayo oo,waxaa degi doona Guutooyin Ciidamada Difaaca Puntland ah. PL jiritaankeeda lama baayici karo.

Read More

Si buuxda,ayaan Gacanta loogu dhigay Sheebaab iyo Deegaamadii ku teedsanaa oo uu ku jiro Fariisinkii Argagixisada ee Gaatir-Oodan. Gacan ku dhigida Sheebaab,waxay ka dhigan tahay in lasoo afjaray Toga-jeceel oo dhan 300-km dherer ah. Qabashada Sheebaab,waxay kaloo ka dhigan tahay in argagixisada fadhigeedii,Madaxtooyadii iyo Taliskeedii lasoo afjaray Gacantana lagu dhigay. Sidoo kale,waxay ka dhigan tahay in Wajigii Labaad ee hawlgalka lasoo afmeeray. Guushan,waxaa lagu xaqiijiyay Dhiig iyo Dhaqaale door ah oo loo huray,waxaana Cagta la mariyay ku dhawaad 500-Xubnood oo argagixisada ah. Wajiga Sadexaad ee hawlgalka oo ah sifaynta Guud ee firxadka,ayaa ku xigi doona oo Maalmo kadib bilaaban doona.…

Read More

Askariga Xabada ridaya,marka laga soo tago Mushahaarkiisa,waxa uu qaataa $15 Maalin walba,waxaana siisa Dowlada Puntland. Si la mid ah Askariga Dhaawacma,waxa uu qaataa $8 Maalin walba,waxaana siisa Dowlada Puntland. Saadka Ciidanku makala joogsado haday ahaan lahayd….. B.Rasaas. T.Shidaal. J.Dayactir Gaadiid. Talis si weyn loo diyaariyay oo Saraakiil khibrad leh Gacanta loo geliyay oo MW Taleefoon ku dul taagan yahay,ayaa hogaaminaya Dagaalka. Dagaalkaas,waxa laga gaaray Guul weyn oo Deg-deg ah,waxaana argagixisada Dhulkii ay joogtay ka harsan 28-KM. Dagaalkan ma carqaladayn Bixinta Adeegii Dowladnimo oo Mushahaarka Shaqaalaha joogto ayay uqaataan Rayd iyo Ciidanba. Sidoo kale Mashaariicdii horumarineed sidii loogu talagalay ayay ufulaan.…

Read More

Jeneral Aadan Cabdi Xaashi,waa Talyaha Ciidamada Difaaca Puntland. Waa Sarkaalka hogaanka uhaya hawlgalkan sifaynta argagixisada ee guulaystay. Aadan Cabdi Xaashi,waa Dhulyaqaan iyo Dad yaqaan. Waa mid ka mid ah Saraakiishii Madaafiicda Goobta SSDF oo la qirsan yahay in uu yahay Saraakiisha Naadirka ah ee Somalida Geeska Africa. Guusha deg-dega ah ee Puntland gaaraysaa,waa Saraakiisha Aqoonta leh ee Dagaalka kujirta oo Dhulka Geed Geedka iyo Taako Taakada utaqaan.

Read More

Ciidamada Difaaca Puntland Saakay horay ayay uguureen,waxayna gaareen Daramadoobe iyo Afka hore ee Toga Curaar. Ciidanku,waxa uu halkaas ugu tagay khasaare baaxad leh oo Duqayntii lagu gaarsiiyay argagixisada,kaasoo iskugu jira…… 1.Gaari Qori saaran yahay oo gubtay. 2.Mootooyin Gubtay. 3.Fariisinkoodii oo la gubay. 4.Maydad. Si laga fiirsaday,ayay Ciidanku uguurayaan,iyadoo dhibka la yaraynayo lana xaqiijinayo Guusha.

Read More

Madaxweyne Donald Trump ayaa joojinaya malaayiin doollar oo Mareykanku ku bixiyo dhiirrigelinta dhaqanno ka hor imanaya diinta & caadooyinka dadka dalalka – kuwaa oo ay kamid yihiin; 1. $849,535 – Waxaa lagu bixiyaa carwo shaqo-abuur dalka Bangladesh lagu qabto oo la isugu keeno shaqo doonka jinsigooda beddelay iyo loo shaqeeyaha. 2. $2 Milyan – Waxaa kharashka Qaliinka lagaga bixiyey dad u dhashay Guatemala oo jinsigooda beddelaya. 3. $1.3 Milyan – Woqooyiga Macedonia, dadka isku jinsiga ah ee wax-iska-daya in loo abuuro jawi ay ku noolaan karaan. 4. $18,793 – Barnaamijyo wacyigelin ah oo dadka isku jinsiga ah ee is qaba…

Read More

10-Tuulo oo si gaar ah ay udegto Beesha Harti Abgaal,ayay argagixisadu la wareegtay Maalin ka hor. Sidoo kale,waxay argagixisadu khafiifisay Canshuurtii Ganacsatada Xamar ay ka qaadi jirtay. Waxay kaloo joojisay argagixisadu Qaraxyadii aan kala sooca lahayn ee Shacabku ku dhamaan jireen. Si la mid ah arimahaas,waxay dhisayaan Gudi Siyaasadeed oo diyaariya Siyaasad ay kula xaajoon karaan Caalamka sidii Daalibaan. Ujeedka ay usamaynayaan Sadexdan Qodob,waa… 1.In ay Shacabka soo jiitaan oo yareeyaan culayska iyaga uga taga. 2.In ay udiyaar garoobaan la wareegida Maamulka Xamar. Markaad aragto dhaqdhaqaaqa argagixisada ee soo xoogaystay iyo qorshayaasha isbadal ee ay Bulshada kula dhaqmayaan oo aad…

Read More

Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Somaliya, Danjire.Michael Nithavrianakis iyo wefti uu hogaaminayo,ayaa yimid Bosaso. Weftigan,waxay la kulmeen Madaxweynaha iyo Golaha Wasiirada,waxayna kala hadleen….. 1.Bogaadin weyn oo ay usoo gudbiyeen Shacabka,Ciidanka iyo Maamulka Puntland. 2.Taageero dhinacyo badan leh oo ay ku darsanayaan dagaalka. Michael Nithavrianakis,waa socdaalkiisii ugu danbeeyay,waaana la badalay oo waxaa imaanaya Safiir cusub oo UK ku matalaya Somaliya. UK,waxay ka mid tahay Dowladaha dhanka Wardoonka ka taageeray hawlgalka sifaynta argagixisada ee Puntland.

Read More

Argagixisada? Maalin ka hor ayay qabsadeen 10-Magaalo oo Xamar ku hareeraysan,waana ku fashilmay Dagaalkii uu ku qaaday Sanad ka hor. Saldhiga Dayax-Gacmeedka? Turkiga,ayaa qorshaynaya in uu ka dhisto Saldhig Dayax-Gacmeed Somaliya,kaasoo uu rabo in uu sii kireeyo,mahan wax Somali leedahay ama dan ugu jirto kaliya,waa wax Xasan xoogaa Shaaha ka helayo. Dayn qaadasho? Dayn qaadashada ufuran Somaliya mahan Lacag Cadaan ah ee waa Mashaariic,waxayna ku xiran tahay Siyaasad midaysan iyo Amni laysku halayn karo. Doorasho Q&C? Somaliya Doorasho Q&C ay ka dhacayso majirto,balse,waa qorshe Xasan Kursiga kusii joogayo oo ku samaysanayo mudo kotorsi 2-Sano ah. Dastuurka? Somalidu,waxay heshiis ku ahayd,waa…

Read More

Argagixisada,waxay Difaacooodu ku ururiyeen Gaatir-Oodan oo ah goob muhiim u ah dagaalka oo leh Difaacyo dabiiciya. Ciidamada Difaaca Puntland iyo garab istaagooda weyn ee Imaaraadka,waxay wadaan duqayn joogta ah oo Caawaba socota,taasoo diciifinaysa,isla markaana burburinaysa dhufaysyada argagixisada. Ciidanku halka uu Caawa ku sugan yahay,waxay ujirtaa Gaatir-Oodan 8-Km,waana inta ugu muhiimsan hawlgalka sifaynta argagixisada Wajigiisa Labaad. Marka Gaatir-Oodan la galo,waxaa haraya 20-km oo Sheebaab ah oo aysan argagixisadu ku hakan karin oo durduro lagu gaarayo Dooxada. Maalmo kooban kadib,waxaa lagu dhawaaqi doonaa in uu guulaystay Wajigii 2-Aad ee hawlgalka oo ahaa Turmasaale-Dhasaan,waxaana loo gudbi doonaa Wajigii 3-Aad oo ah sifayn Guud…

Read More

By:-✍️ Dr. Liban Cigaal. Puntland waxay si geesinimo leh u hoggaamineysaa dagaalka lagula jiro Khawaarijta ISIS, iyada oo aan wax taageero ah ka helin Dowladda Federaalka. Halka ciidanka Puntland ay dhiiggooda u hurayaan difaaca dalka, madaxda Villa Soomaaliya waxay doorbideen inay sheegasho iyo iska indho-tir xaqiiqada dhabta ah isku mashquuliyaan. Wasiir Fiqi ayaa dhawaan sheegay in Dowladda Federaalka laga hor istaagay taageerada Puntland, balse su’aasha dhabta ah waxay tahay: Yaa idinka hor istaagay inaad booqataan ciidamadii Soomaaliyeed ee dhaawaca ahaa, kuwaas oo Addis Ababa lagu dabiibayay, meel aan ka fogeyn xaruntii aad shirka u joogteen ? Waaba haddii aad aaminsan…

Read More

Maanta ma dhicin wax dagaal ah kaliya Ciidanku horay,ayuu uruqaansaday Shido la’aan. Shalay,waxaa dhacay dagaal guul weyn lagu gaaray hadana dhibka soo gaaray Ciidamada Difaaca Puntland uu koobnaa. Afar Askari oo Shahiiday iyo 6-Dhaawac ah,ayuu noqday dhibka lagu hantay Guushii Shalay ee Ciidamada Puntland. Muhiimada,waa sifaynta fariisimaha kala ah… 1.Gaatir-Oodan 2.Curaar. 3.Sheebaab. Sida muuqata Ciidamada Difaaca Puntland si khibrad sare leh ayay ugalayaan dagaalka xiligan.

Read More

Fiqi waxa uusan fahansanayn hadalkan in MW Deni uyahay faa’ido weyn oo Shacabka Puntland usoo jiidaya,isla markaana uxaqiijinaya in uusan Villa-da waxyar oo dabac ah umuujin. Maanta reer Puntland Siyaasiga ka gadmaya ee ay u istaagayaan,waa kan aan Xamar uwadin oo ka fog si adgana ula Xisaabtama. Deni,waxa uu muujiyay adayg Villa-da ka dhan ah iyo Xisaabtan loo baahnaa,waana mida usoo jiiday Shacabka oo uu kagaga adkaaday Siyaasiyiintii kale ee reer Puntland. Mar walba oo Villa-da iyo Dadkeedu hadlaan Deni ayay utahay fursad iyo faa’iido sida hadalkan Fiqi oo Deni ka dhigay Wiil la holin waayay oo diiday sandareerto iyo…

Read More

Saldhigyada Toga-jeceel ee ku harsan Gacanta Argagixisada,waa …. 1.Gaatir-Oodan. 2.Curaar. 3.Sheebaab. Sadexdan Saldhig,waxay ku fadhiyaan 26-km,waxaana qiyaastu tahay Laba Maalin Dagaal oo min 10-Km la guuro. Galabta Ciidanku Guul weyn,ayuu gaaray,waxaana argagixisada ku dhacay Gacan fiican,iyagoo Ciidanka kusoo rogaal celiyay oo Xabadu socoto,ayaa Diyaaradaha duqayntu kor uga bilaabeen,waxaana isku raacay Xabadii Dhuka iyo garaacistii Cirka. Ciidanka Difaaca Puntland ruqaansi fiican ayay sameeyeen Maanta.

Read More

Sheebaab oo ahayd Madaxtooyada Argagixisada,waxay noo jirtaa 25-Km Caawa. Ciidanka Difaaca Puntland,waxay soo nadiifiyeen Dhul gaaraya 250-km oo ah Dhul adag oo leh Togag,Buuro,Jeexyo iyo Boholo. Waxay ku waayeen Ciidanka Difaaca Puntland xaqiijinta guushaas weyn ee Taariikhiga ah ku dhawaad 200-Askari oo isku jira Dhimasho iyo Dhaawac. 64-Askari oo Shahiid ah. 117-Dhaawac ah oo ay 78 fududahay oo 58 ka mid ah Dib ugu laabatay Dagaalka,halka 18 Dibada loo qaaday. Dowlada Puntland,waxay ku bixisay dagaalkan socda 2-Bilood Dhaqaale ku dhow $17-Milyan. Dhiiga iyo Dhaqaalaha ku baxay dagaalkan,waxa uu xaqiijiyay in 1-kii Km oo Dhulka reer Puntland ah uu ka Qiimo…

Read More

Maanta Garaacistii Labaad,ayay fuliyeen Diyaaradaha Drons-ka Imaaraadka. Garaacistii saakay,waxaa lagu dilay 20-Maleeshiyada argagixisada ah. Kan Goor dhawayd dhacay weli ma cada khasaaraha lagu gaarsiiyay argagixisada. Dowlada Imaaraadka si hagar bax ah ayay Qayb uga qaadatay hawlgalka sifaynta argagixisada ee PL. Sadexdii Beri ee ugu danbaysay,waxay Imaaraadku fuliyeen 4-Duqayn oo muhiim ahaa,isla markaana argagixisada lagu gaarsiiyay khasaaro weyn,waxaana lagu dilay ku dhawaad 80-Xubnood oo argagixisada ah. Imaaraadku,waxa uu kasbaday quluubta Shacabka Puntland.

Read More

Ciidanka Difaaca Puntland,waxay Gacanta ku dhigeen Deegaanka Qurac iyo Dandamale oo ujirta Taliska Guud ee argagixisada ee Sheebaab 34-KM. Ciidanku Maanta,waxay sifeeyeen 10-KM. Saakay argagixisada,waxaa la garaacay,waxaana looga dilay garaacistaas 20-Nin. Dagaal toos ah oo dhexmaray argagixisada iyo Ciidanka Difaaca PL,waxaa looga dilay argagixisada 28-Nin. Waxaa jiray Niman Guri isku qariyay oo damacsanaa in ay Ciidanka isku qarxiyaan,waase la ogaaday oo waa lagu dumiyay,waana kuwa Sawiradooda lasoo bandhigay. Khasaaraha soo gaaray Ciidanka Difaaca P L,waa Gaari kuwa hawlgalka ah oo Miino la qaraxday,waxaana ku dhintay Hal Shihiid,iyadoo Lix kalena ku Dhaawacmeen. Ciidanka haatan halka uu ku sugan yahay marka laga…

Read More

Ciidamada Difaaca Puntland,waxay bilaabeen weerarkii soo afjarida argagixisada. Waxay Cagta mariyeen Talal ilaa Dhasaq. 13-Miino ayay qarxiyeen Ciidanku inta ay ku jireen hawlgalka Saakay ay ku dhaqaaqeen. Majirin Ciidan wax ku noqday Miinooyinkaas la qarxiyay. Argagixisada xogaha laga helayo,waxay sheegayaan in ay diyaariyeen… 1.Laba Gaari oo Qarax ka buuxo. 2.Mootooyin Qaraxyo ka buuxaan. 3.Rag isqarxinaya oo ay uyaqaanaan (Inqimaasi). Dhanka Toga Ina Cidoole firxad iyaga ah,ayaa lagu sheegay,waxaase dhici karta in ay yihiin kuwo mashquulin Ciidanka ah.

Read More

Kenya,waxay Qayb ka noqotay Quwadaha Gacmaha kula jira Sudan. Si cad,waxay uga Shaqaynaysaa burburinta Dowladnimada Sudan oo hadaba wiiqantay. Wadankeeda,waxaa ka dhacaya oo waliba ku qabanaysaa xarunta Shirarka ee KCC Shir Mucaaradka RSF iyo xulafadoodu ku dhisanayaan Dowlad barbar taala mida QM aqoonsan tahay ee Khartuum. Dowladaas,lagu dhudi doono Nayrobi,waxaa qorshuhu yahay in Galbeedka Sudan looga dhigo Xarun. Waxay xoguhu sheegayaan Kenya in Quwado Dibada Qaarada ah ku riixayaan taageerada Mucaaradka. Hab dhaqanka Kenya,waxay sii murginaysaa xaalka cakiran ee Bariga Afrika,waxayna Seenyaale udiraysaa in Wadamo kale oo Gobolka ah ay ka samaysmi karaan Dowlado iska soo horjeeda.

Read More

Bosaso : 19 February 2025: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Amar Madaxweyne kusoo saaray in la joojiyey Ajaaniibta Sharci la’aanta kusoo gelaysa deegaannada Puntland, waxaana la faray dhammaan Hay’adaha Dowladda ee ay khuseyso in ay ka hawlgalaan. Ku: Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland. Ku: Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Ku: Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Dowladda Puntland Ku: Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda Puntland Og: Hay’adda Socdaalka Ujeeddo: Joojin Ajaanibta Degaanada Puntland soo gelaysa Waxaa dhammaan Hay’addaha ay warqadani ku socota lagu wargelinaya in la joojiyey laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay…

Read More

Somaliya iyo Itoobiya,ayaa yeeshay wareeggii ugu horreeyay ee wadahadallada farsamo ee kadib heshiiskii Baaqa Ankara, oo lagu doonayo in lagu xoojiyo xiriirka labada dal iyo nabadda gobolka. Wadahadalladan, oo Talaadadii ka dhacay Magaalada Ankara,ayaa waxaa martigeliyay wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan, iyadoo wafdiyada ay hoggaaminayeen Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya, Dr. Gedion Timothewos, iyo Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Somaliya, Cali Maxamed Cumar.

Read More

Duqayn kale,ayaa ka dhacday Buuraha Cal miskaad. Duqeyn,waxaa lagu dilay 11-xubnood oo ka mid ah Maleeshiyada Argagixisada Daacish,sida ay xaqiijisay Dowlada Puntland. Duqaynta,ayaa ka dhacday God ku dhow Sheebaab oo ka tirsan Cal miskaad. Dowlada Imaaraadka Carabta oo garab ugu ah Puntland dagaalka argagixisada,ayaa fulisay. Maalmaha soo socda Ciidamada Difaaca Puntland,waxay qaadi doonaan weerar Dhulka ah oo xoog badan,kaasoo ka dhan ah argagixisada

Read More

Wadadan,waxay muhiim utahay loolanka Gobolka Sanaag ee Puntland iyo Somaliland,waana mida ku aadan Wadada Burco-Ceerigaabo. 60-kii Sano ee Somaliya ay xorta ahayd Sanaag nasiib uma yeelan Kaabayaal Dhaqaale oo macno leh. 26-kii Sano ee ay Puntland jirtay Sanaag,waxaa ka hirgalay Mashaariic door ah oo laga xusi karo….. 1.Wadadan dhismaheedu socdo. 2.Jaamacada Badhan. 3.Garoonka Diyaaradaha Badhan oo la dayactiray. 4.Xarumaha Maamulka oo la hormariyay. 5.Ceelal Biyood door ah. Sanaag,waa Wadnaha Puntland. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Marco Rubio ayaa Isniintii shalay gaaray dalka Sacuudiga, isagoo madaxda Boqortooyada Sacuudiga kala hadlaya xabbad-joojinta Israa’iil iyo Xamaas iyo masiirka Marinka Qasa haddii dagaalka la soo afjaro. Diblomaasiga sare ee cusub ee Mareykanka ayaa la kulmay dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Faysal Bin Farxaan. Wadahadalka mas’uuliyiinta ayaa ka dambeeyay kadib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku baaqay in 2.3 milyan oo Falastiiniyiin ah laga raro Gaza lana geeyo dalalka deriska la ah, iyadoo Mareykanka uu markaas dib u habeyn ku sameynayo dhulka ciriiriga ah ee ku teedsan badda Mediterranean-ka. Qorshahaas…

Read More

Waxaa la yaab leh in Safiirka Somaliya ufadhiya Sacuudiga uu hayo Magacyada Dadka xiran ee la Tooganayo. Safiirku arinkaas kama hadlin,mana ogaysiin ehelkooda mana samayn wax ficil ah oo uu ku difaacayo Dadkaas ku xiran Sacuudiga. 45-Qof oo Somaliya in ay Dil uxiran yihiin oo DDowlada haysata Aqoonsiga QM aysan ka hadlin,waa wax muujinaya sida ay utahay Qayra masuul. Xasan Shiikh,waa Ninka ugu socodka badan Madaxweynayaasha Caalamka,sidaas oo ay tahay,waa garan waayay in uu Safardiisa ku darsado uqareemida Dadkaas xiran. Diinta Islaamku ma qabto in Daroogo Qof loo dilo. Sidoo kale Xeerka Somaliya ma qabo in Daroogo Qof loo Toogto.…

Read More

DFS,waa Magac haysta Aqoonsiga QM,intaasaa keenaysa in la xuso ee wax saamayn ah iyo wax tala ah oo ay ku leedahay Garaacista PL ka dhacda majirto. Goobaha la garaacayo,waxaa bixiya PL,isla markaana wakhtiga garaacistu dhacayso,iyada,ayaa lala soo wadaagaa. Sadex duqayn,ayaa Xalay dhacay oo ay kala fuliyeen Imaaraadka iyo Maraykanka. Laba,waxaa fuliyay Imaaraadka,halka midna uu fuliyay Maraykanka,waxaana xoog badnayd mid ka mid ah kuwa Imaaraadku fuliyay Sxb-da Caalamka ee PL,waxay mudan yihiin bogaadin,gaar ahaan Imaaraadku,waxa uu umuujiyay PL Dhiig shubid.

Read More

Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Bari G/sare, Cabdiqaadir Jaamac Dirir oo ka warbixiyay Hawlgallada Amni ee ka socda magaalooyinka Gobolkaasi ayaa sheegay in ay Boosaaso ku qabteen xubno badan oo dakhliga u ururin jiray kooxaha Daacish. Gaashaanle sare, Cabdiqaadir Jaamac Dirir oo faahfaahin ka bixiyay Hawlgalladii laga sameeyay Boosaaso ayaa tilmaamay in Ciidamadu gacanta ku dhigeen xubno badan oo ka tirsan Kooxda ISIS, oo ay ku jiraan kuwii dakhliga ururin jiray iyo kuwii qaabilsanaa qaraxyada la aaso. “Waxan rabaaa in aan idinku bishaareeyo dagaalka buurta laga wado mid ka xooggan baan gudaha ka wadnaa, waxaan qabanay kuwa badan uu dakhliga u…

Read More

Saraakiil sare oo ka kala socda Ruushka iyo Mareykanka,ayaa Talaadada ku kulmi doona Sucuudiga si ay uga wadahadlaan hagaajinta xiriirka labada dal, suurtagalnimada xabbad-joojin ka dhacda Ukraine, iyo kulan la filayo in uu dhex maro madaxweynayaasha labada dal Vladimir Putin iyo Donald Trump. Wadahadalladan,ayaa imaanaya,iyadoo dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu xallinayo colaadda Ukraine ay sare u kacayaan. Talaabadan ayaa daba socota markii Madaxweynaha Mareykanka uu toddobaadkii hore telefoon kula xiriiray Putin iyo Volodymyr Zelensky, isaga oo labada Madaxweyne ku cadaadiyey inay joojiyaan dagaalka. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka, Sergei Lavrov, iyo lataliye sare oo ka tirsan xafiiska Putin, Yury Ushakov, ayaa…

Read More

The rise of ISIS in Puntland was not inevitable, it was preventable. These terrorists did not appear overnight; they slowly built their presence, exploiting Puntland’s lack of immigration control, fragmented security forces, weak financial oversight, and international isolation. Puntland did not fail because it lacked the will to act but because it lacked the institutions to detect, monitor, and eliminate the threat early on. Puntland reserved for the Federal Government of Somalia to establish these four key institutions: immigration, defense, financial oversight, and foreign relations. These were the only institutions Puntland agreed to reserve for the federal government under the…

Read More

The United States and the United Arab Emirates have carried out airstrikes targeting areas in the Calmiskaad Mountains, located in the Jaceel Valley. These joint operations took place today, February 16. In the afternoon, the UAE launched an airstrike on Xaankooki, near Dhasaan. Later in the evening, USAfricaCommand  warplanes bombed GodkaKunle, near Daramodow. The operation, codenamed “Hilaac”, is part of Puntland’s ongoing offensive against #ISIS fighters in the region, which has been active since the beginning of the year. The government has confirmed that it has reclaimed territories previously controlled by the group and inflicted casualties during the battles. Somalia…

Read More

Sxb-da Caalamka ee Puntland,ayaa fuliyay Sadex duqaymo Galabta ilaa Caawa. Xakookil oo udhow Dhasaan ah iyo Godka Kunle oo udhow Darin Madoobe ah,ayay ka kala dhaceen Duqaymaha. Bartilmaameedka Duqaymahan,ayaa ahaa hogaamiyayaasha ugu sareeya argagixisada Daacish. Maalmaha soo socda,ayaa la helayaa xaqiijinta rasmiga ah ee khasaaraha la gaarsiiyay argagixisada. Sxb-da Caalamka ee PL,waxay muujinayaan garab istaag weyn oo ay usamaynayaan Ciidamada ku jira hawlgalka sifaynta argagixisada Hillaac.

Read More

Dowladda Puntland oo kaashanaysa Saaxibada Imaaraadka ayaa galabta fulisay duqeymo lagu beegsaday Boholaha Xankookib oo u dhaw deegaanka Dhasaan ee Buuralayda Cal-miskaad, waxaa lagubay kaydkii hubka Argagixisada iyo gaadiid iyadoo lagu dilay halkaasi xubnihii ku sugnaa ee ka tirsana Argagixisada Daacish. Dowladda Puntland waxay Saaxibada Imaaraadka uga mahadcelinaysaa gacanta joogtada ah ee ay ka geysanayso dagaalka ay Puntland kula jirto Argagixisada Daacish/ISIS. -DHAMMAAD – -XAFIISKA WARFAAFINTA EE HAWLGALKA CIRIBTIRKA ARGAGIXISADA DAACISH-

Read More

By:Prof.Kaynaan. The first litmus test for Mr. Mohamoud Youssouf’s leadershio and vision for Africa will be what he says or doesn’t say about the threat posed by #ISIS to Africa. #ISIS is making its last and most vicious stand in the strategic mountains of #Puntland, Somalia. If the newly elected Chairperson of the #AUC fails to immediately address the ISIS menace so close to his homeland, the only conclusion that could be drawn is that #Peace, #security and #prosperity for the Horn, Africa and the world are not among Mr. Youssouf’s topmost priorities. The ISIS menace imperils African peoples and…

Read More

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa ka hadashay dagaalka ciidamada geesiyaasha ah ee Puntland kula jiraan argagixisada caalamiga ah ee Daacish, iyo weerarkii talaadadii todobaadkii ay kusoo qaadeen maleeshiyaadka argagixisada furimaha hore ee Togga Jeceel, kaas oo si ba’an loogu jebiyay Daacish, loogana dilay 89 xubnood. “Waxaan cambaareyneynaa weerarkii argagixiso ee ISIS ee ka dhanka ah Ciidamada Difaaca Puntland ee dhacay 11ka Febraayo. Waxaan tacsi u diraynaa qoysaska geesiyaasha ciidamada amniga Puntland ee askarta ku waayey naftooda weerarka.

Read More

Maxamuud Cali Yuusuf oo 58-jir ah waxa uu wasiirka arimaha dibadda ka yahay Dal yar oo istiraatiijiyad muhiim ah ugu fadhiya geeska Afrika, waxa uuna xilka wasiirka arimaha dibadda Jabuuti hayay tan iyo sannadkii 2005-tii “Hadafkeyga ugu weyn haddii la i doorto waa inaan joojiyo shiishka saaran qaaradda”Ayuu u sheegay wakaaladda wararka ee AFP wareysi uu bixiyay bishii hore. Waxa uu sheegay in Guddiga uu u baahan yahay dib u habeyn, waxaana uu intaa ku daray in dib u habeyntaasi ay ka soo bilaabaneyso hoggaanka iyo mas’uuliyiinta sare. Marka laga soo tago ilaalinta Nabadda iyo amniga Qaaradda, waxa uu sheegay…

Read More

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf,ayaa ku guuleystay doorashada xilka Guddoomiyaha Midowga Afrika oo Maanta ka dhacday Magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya. Maxamuud Cali Yuusuf oo soo ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti ilaa 2005-tii ayaa tartan adag kala kulmay Raila Odinga oo ah Ra’iisulwasaarihii hore ee Kenya, kaasi oo Dowladdiisu ay si adag ugu ololeysay. Ilaa Lix wareeg oo codeyn ah oo dhexmartay Yuusuf, Odinga, iyo Richard Randriamandrato oo ka socday Madagascar,ayaa ahaa mid qaatay ilaa Toddobo wareeg. Musharraxa Madagascar,ayaa tartanka ka haray ka dib wareeggii Saddexaad. Wareeggii Lixaad,ayaa kala reebta noqotay waxayna ku qasabtay in…

Read More

Madaxweynaha Dalka Angola João Lourenço,ayaa loo doortay Guddoomiyaha Midowga Afrika isaga oo beddelaya hoggaamiyaha hadda jagadaas haya oo ah madaxweynaha dalka Muritaaniya. Madaxda Midowga Afrika,ayaa la filayaa in ay sidoo kale dooran doonaan qofka noqonaya guddoomiyaha Fulinta ee Midowga Afrika. Kursigaas,waxaa ku loolamaya Wadamada Jabuti iyo Kenya oo ay kala metalayaan Raila Odinga iyo Maxamuud Cali Yuusuf.

Read More

Shir Madaxeedka 38-aad ee Madaxda Wadamada Midowga Afrika,ayaa ka furmay Addis Ababa ee Xarunta Midowga Afrika. Arimaha looga xaajoonayo,waxaa ugu waa weyn Doorashada Guddoonka cusub ee Midowga Afrika. Shirka,ayaa soconaya Sabtda iyo Axada,waxaana lagu dooran doonaa Guddoomiyaha iyo ku-xigeenka Midowga Afrika,iyadoo Guddiga fulinta horayba loo doortay. Xilka Gudoomiyaha,waxaa u tartamaya…. 1.Wasiirka arrimaha dibadda ee Jabuti, Maxamuud Cali Yuusuf. 2.Ra’iisul wasaarihii hore ee Kenya, Raila Amolo Odinga. 3.Wasiirkii arrimaha dibadda ee Madagascar Richard Randriamandrato. Musharrax walba,waxaa khasab ku ah in uu helo taageerada Saddex-meelood Labo Codadka Wadamada Qaaradda si uu Guushiisa uxaqiijiyo. Xilka Guddoomiye ku-xigeenka waxaa isna u tartamaya Madax kasoo…

Read More

Haduu qiimo lahaa garab istaag Boqor Buurmadow,ayaa umuujiyay Puntland. “Hadii Somalinimo jirto oo waxuun laysku taageeri karo PL halagu garabsiiyo la dagaalanka Cadowgaas soo duulay ee kuligeen khatarta ku ah”Ayuu yiri Boqorku. Erayadaas Hal Nin oo ka mid ah Dhaqanka Somalida kale ah uma oran Puntland. Sidoo kale taariikhda iyo hanka reer PL,ayuu Boqorku uqiray si Gobanimo ah. Wuxuu kaloo ku baaqay wax wada qabsi Siyaasadeed oo ay yeeshaan reer PL iyo reer SL sidii udhacdsy 60-dan maadkii. Boqor Buurmadoow,waa Jookar iyo Geed fadhiga Dhaqanka iyo Siyaasada SL iyo  Beesha Direed si Guud. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/4DAfxk3TQzk?si=4aJIrtMk9RU8ag3V

Read More

Xamas,ayaa Khamiista maanta ah ku dhawaaqday in ay sii dayn doonto Saddex Qof oo Israa’iili ah sida qorshuhu ahaa, taasoo xal u horseedi karta muran weyn oo hareeyay Xabbad-joojinta ka jirta Marinka Qasa. Xamas,ayaa hore ugu hanjabtay in ay dib u dhigi doonto sii daynta Maxaabiista, iyada oo ku eedeysay Israa’iil in ay ku guuldareysatay fulinta ballanqaadyadeeda, oo ay ka mid yihiin oggolaanshaha gelitaanka teendhooyin iyo hoy, iyo sidoo kale jebinta Qodobbada Xabbad-joojinta. Israa’iil, oo taageero ka helaysa Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa iyaduna ku hanjabtay in ay dib u billaabi doonto howlgalladeeda militari haddii aan la sii deynin maxaabiista.…

Read More

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump,ayaa Arbacadii ku dhawaaqay in isaga iyo hoggaamiyaha Ruushka Vladimir Putin ay ku heshiiyeen in ay “si degdeg ah” u bilaabaan wada-xaajood ay Madaxweynaha Ukraine kala yeelanayaan soo afjarista colaadda u dhexeysa Ruushka iyo Ukraine. Trump,ayaa dhanka kale sheegay in isaga iyo Madaxweyne Putin ay yeelan doonaan kulamo, iyadoo kan ugu horreeyana uu sheegay in uu ka dhici doono dalka Sacuudiga. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/-7gvQck95iE?si=S8dltOGjDuGDLp03

Read More

DRC Dalka Aduunka ugu qanisan hadana Dadkiisu ugu gaajaysan yahay. Congo,waxaa rabi ku manaystay…… 1.Waxay leedahay 80-Milyan oo Hegtar oo Dhul Beereed ah,kaasoo quudin kara 2-Bilyan oo Qof,waxaa xusid mudan in Afrika tirada Dadkeedu dhan yahay 1.3-Bilyan. 2.Waxay leedahay Macdan lagu qiyaasay $24-Trilyan. 3.Waxay leedahay Wabiyo,Harooyin iyo Laagag iyo Roob joogta ah. 4.Waxaa laga samaynayaa Biyo xireen 9-jibaar ka weyn kan Itoobiya oo soo saari kara 45-kun MW,waxaana Korontada laga dhaliyo dabooli kartaa Baahida Koronto ee 40% Qaarada Afrika. Wadankaas 1998 ilaa hada,waxaa dagaalo ku salaysan khayaraadkaas ugu Geeriyooday 6-Milyan oo Qof.

Read More

Hawlgalka sifaynta argagixisada Hillaac,waa guulaystay,ayaa la oran karaa marka lagu qiimeeyo Guulaha la gaaray. 70% Dhulkii Argagixisadu ku suganayd,waa la sifeeyay. 70% Awoodii argagixisada,waa la burburiyay. 70% Xubnihii argagixisada,waa la laayay. Ciidamada Difaaca Puntland,waxay Caawa joogaan Qurac oo ahayd Talis adag oo argagixisadu lahayd,balse ay ka carareen. Dhulka haray ee argagixisada laga sifaynayo,waa 30-km oo Dhasaan ugu fog tahay,waxayna xogaha laga helayo argagixisada dhexdeeda sheegayaan in walaahoow,baqdin iyo burbur ay ku jiraan. Argagixisada,waxaa la yaab ku noqday Geesinimada,Dhiiranaanta iyo Wadaniyada Ciidamada Difaaca Puntland. Hawlgalkii Hillaac,waa Guulaystay.

Read More

Trump qorshihiisii rarida reer Falastiin,waa ku dhaqaaqay,waxa uuna uyeeray Madaxdii Carbeed ee kala Shaqayn lahayd. Hada,waxaa la jooga Boqorka Jordan,waxaa imaan doona Sisi-ga Masar iyo Boqorka Sacuudiga. Kulamadaas kadib,ayaa si rasmi ah loogu dhawaaqi doonaa halka loo rarayo Falastiniyiinta. Wadamada loo rarai doono ee uu Afka ku dhuftay Trump,waxaa ka mid ah… 1.Urdun. 2.Masar. 3.Meelo kale. Sida muuqata Trump,waa ka dhabaynayaa hindisihiisa mana jirto cid uu ujoojinayo,waana ka furaystay Dhagaha Qaylo walba oo yeeraysa. Madaxda Carbeed ee Laba Wajiilaynayay maraduu ka fayday si cadna,wuxuu ugu amray in ay ka Shaqeeyaan fulinta qorshihiisa. Qaabka uu ula qabtay Shirka jaraa’id Boqor Cabdalla…

Read More

Markab dagaal oo laga leeyahay Dalka Hindiya,ayaa qabtay Burcad Badeed hubaysan oo dhawaan Xeebaha Degmada Eyl ee Gobolka Nugaal ka Af-duubtay Doon Kalluumeysi oo Yemen laga leeyahay. Burcad Badeeda Gacanta lagu dhigay oo ka soo wada jeeda PL,ayaa Subaxnimadii hore ee saaka goob ka baxsan Biyaha Somaliya ku weeraray Doon Kalluumeysi oo Hindiya laga leeyahay taasoo dalbatay gurmad deg-deg ah,kadibna uu usoo gurmaday Markabkan dagaal. Sidoo kale Doontii Kalluumeysi ee ay horay u qabsadeen Burcadan,ayaa iyadana laga furtay oo hada ku jirta Gacanta Ciidamada Hindiya.

Read More

In coordination with the Federal Government of Somalia, U.S. Africa Command conducted airstrikes against ISIS-Somalia on Feb. 01, 2025. The joint airstrikes targeted senior ISIS-Somalia leadership in a series of cave complexes approximately 50 miles southeast of Bosaso. Mareykanka,ayaa sheegay in duqayntii uu ka fuliyey Puntland, uu ku diley 14 ka tirsan IS oo uu ku jiro Madixii hawlgallada dibedda & Qorista Dagaalyahanada Dunida”. The command’s current assessment is that approximately 14 ISIS-Somalia operatives were killedand no civilians were harmed.  Among those killed was Ahmed Maeleninine, a key ISIS recruiter, financier, and external operations leader responsible for the deployment of…

Read More

In coordination with the Federal Government of Somalia, U.S. Africa Command conducted airstrikes against ISIS-Somalia on Feb. 01, 2025. The joint airstrikes targeted senior ISIS-Somalia leadership in a series of cave complexes approximately 50 miles southeast of Bosaso. The command’s current assessment is that approximately 14 ISIS-Somalia operatives were killedand no civilians were harmed.  Among those killed was Ahmed Maeleninine, a key ISIS recruiter, financier, and external operations leader responsible for the deployment of jihadists into the United States and across Europe. Degrading ISIS and other terrorist organizations’ ability to plot and conduct attacks that threaten the U.S. homeland, our…

Read More