Author: Jibril Qoobey.

Waxaa si habsami leh u socda dhismaha jembiga labaad ee Dekedda Garacad. Shubka la dhigayo jembiga oo ka soo bilowday gunta hoose ee badda ayaa biyaha banaanka uga soo baxay. Jembiga labaad ayaa la filayaa in la soo gabagabeeyo bilaha soo socda. Horay,waxaa loo dhamaystiray Janbigii 1-aad Dekeda oo ay kusoo xiran karaan Maraakiibta qaada 10-ka Kun ee Tan. Garacad waxay noqon doontaa mid ka mid ah Dekedaha ugu balaaran Geeska Afrika oo Ganacsato Maxali ah Maalgashatay.

Read More

Dhamaan Golihii Wasiirada,waa kasoo qaybgaleen Shirka,waxayna si aqlabiyad leh iskugu raaceen canbaaraynta Afgenbigii dhicisoobay. Wasiiradii lagu xamanayay in ay ugu dhow yihiin Farmaajo,ayaa qayb ka ahaa canbaaraynta Inqilaabka,waxayna garab umuujiyeen Rooble. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseyn Rooble,ayaa Guddoomiyay shirka Golaha Wasiirrada oo lagu cambaareeyay isku daygii Afgambi ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Xarunta Golaha Wasiirradda. Shirka,waxaa kaloo lagu taageeray Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee ku saabsan doorashooyinka. Sidoo kale,waxaa lagu ansixiyay Xisaabxirka Miisaaniyaddii 2020. Golaha,ayaa ka mahad celiyay taageerada Shacabka Somaliyed iyo Beesha caalamka ee Xukuumadda iyo hoggaaminta Ra’iisul Wasaaraha ee arrimaha doorashooyinka.

Read More

Dagaal u dhaxeeya ciidan uu wato sarkaal lagu magacaabo Nuur Dheere oo Hirshabeele ka soo horjeeda iyo Gudoomiyaha Hiiraan ayaa Baladweyne ka socda. Dagaalku waxuu ku fiday xaafada Cilmi Loos, dhimasho iyo dhaawacna waa laga soo sheegayaa. la soco waxii kasoo kordha.

Read More

Madaxweyniyeyaashii hore ee Puntland Faroale iyo Gaas oo uu wehliyo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar C/rashiid iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland C/rashiid Yuusuf,ayaa hoygiisa ku booqdey Boqor Burhaan Boqor Muuse. Waftiga Madsxweynayaasha iyo Boqorka,ayaa kawada hadlay xalinta khilaafka hogaanka PSF. Dhanka kale Madaxweyne Faroole,ayaa ka bixiyay raaligelin hadalkii Gefka ahaa ee uu Isimada umarsiiyay BBC-da. “Boqor waa kasoo hoyday hadalkaas,waxaana tihiin Isimadaydii oo aan xushmad iyo qadarin uhayo”Ayuu yiri Madaxweyne Faroole. Faroole oo waraysi siinayay BBC-da,isagoo ka hadlaya dagaalkii Bosaso,ayuu Isimadii go’aanka kasoo saaray Bosaso ku tilmaamay in ay Baasiin kusii shubeen xaalada. Sida wararka laga helayo Bosaso ay xaqiijinayaan…

Read More

Sharma Boy ayaa sanadkan hantay abaalmarinta fannaanka soo baxaya ee sanadka 2021-ka – dhanka waddankiisa – kaddib markii uu fannaaniin kale oo Afrika kasoo jeeda uga adkaaday tartan sanadle ah oo ka dhacay dalka Mareykanka. Abaalmarintan oo lagu magacaabo “African Entertainment Awards USA”(Billadaha Madadaalada Afrika ee Mareykanka) ama AEAUSA ayaa munaasabaddeeda lagu qabtay magaalada gobolka New Jersey ee dalka Mareykanka. Magacyada musharraxiinta u tartamayay billadaha heerarka kala duwan ayaa la shaaciyay 1-dii bishii November ee sanadkan 2021-ka. Sharma oo matalayay Soomaaliya ayaa kaalinta koowaad ka galay billadda fannaanka Afrika ee ugu wanaagsan hobalada kasoo ifbaxaya waddankiisa. ~ BBC

Read More

Laftagareen,waxuu imaanayaa Muqdisho oo uga qaybgalayo Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee uu horay udiiday ka qaybgalkiisa. Madaxweyne Lafta-gareen,waxaa la hadashay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka ee Arrimaha Afrika, Mary Catherine Phee. Laftagareen oo horay usoo saaray Warqad diidma ah,ayaa cadaadis Marsykanka aegiis wax ka badalay go’aankiisii.

Read More

Qoor-qoor,waxaa loo sheegay in uu Shirka ka qaybgalo awoodiisana iskugu geeyo dhamaystirida Doorashada oo ah xalka kaliya ee jira. Muhiimada kulanka Safiirada iyo Madaxweyne Qoor-qoor,waxaa lagu soo koobi karaa iska ilow in aad Farmaajo ku taageerto qorshihiisa ee Shirka tag qaybna ka qaado sixida Doorashada. Laftagareen,ayaa isna sidoo kale fariimahaasi gaareen.

Read More

Fariinta la gaar siiyay Farmaajo,waxay tahay.. 1.In uu joojiyo qorshihiisii inqilaab ee uu ku abuuray xaalada taagan. 2.In uusan Ciidamada u adeegsan danihiisa Siyaasadeed. 3.In uu si buuxda ula shaqeeyo Ra’isalwasaaraha. Sidaanoo kale Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf oo ay isqabteen Ra’isalwasaarihii xiligaas Nuur Cadde,ayaa loo sheegay in uu wax walba oo qorshe ugaar ah oo uu watay joojiyo lana shaqeeyo RW. Balse Madaxweyne Yuusuf ,ayaa fariintaas ucuntami wayday una arkay la shaqaynta Nuur Cade in aysan uqalmin,waxuuna go’aansaday in uu iscasilo. Hadaba su’aashu waxay tahay Farmaajo ma qaadan doonaa go’aankaas mid la mid ah mise waxuu aqbali doonaa in uu Rooble…

Read More

Fahad Yaasiin,waxuu isku dayay maalmihii lasoo dhaafay in uu ka baxo Dalka oo udhaafo dhanka Itoobiya. Balse,waxaa hor istaagay Maraykanka,gaar ahaan CIA,waxaana la galiyay Xabsi Guri. Maamulka Madaxweyne Biden,waxay qorshaynayaan in ay kusoo rogaan cunaqabatayn Fahad Yaasiin. Fahad waa mid ka mid ah Jaajuusiintii ugu khatarta badnaa Geeska Afrika ee Taariikhda soo mara.

Read More

Madaxweyne Deni xataa haduu dagaal galay oo Doorashana ku jiro weli,waxuu daba socdaa Aaran-jaan. Waxaa layslahaa wahab baa ka duulay dagaalkii Bosaso ka dhacay kadib. Balse,waxaa muuqata in ay weli saamayntii xooga badnayd ay ku leeyihiin Nimankaas khatarta geliyay Wadanka. Wasiirada uu Maanta magacaabay kuligood waa Dad Ragaas ku xiran oo ay keeneen. Dijaana,ayaa ugu culus,waana Nin Niyad fiican oo shaqsiyadiisu wanaagsan tahay lkn ka mid ah Kaydka Aaran isticmaalaan markii ay waayaan Dadkale. Madaxweyne Deni,waxaa laga sugayay isbadal kan ka badal oo macno leh.

Read More

Inta badan waxaa la qaaday maalmihii lasoo dhaafay Bar Kayntarooladii yaalay Wadada dheer ee isku xirta Bosaso ilaa Gaalkacyo. Sababta loo qaaday,waa arimo Ciidan oo waxaa dib usoo guuray Ciidamadii Dowladu horay Bosaso ugu rartay. Hadaba,waxaa khatar kale ka jirta argagixisada in ay ka faa’idaysato maqnaanshaha Bar Kayntarooladaas oo ay Baabuur Qaraxyo ah ugudbiyaan Magaalooyinka. Waa muhiim in Dowladu dib uhawlgeliso Kayntaroolada si deg-deg ah.

Read More

Si weyn ayay Shacabka Bosaso usoo dhaweeyeen Madaxweynayaashii hore iyo RW Cumar Cabdirashiid oo hogaaminaya wafti balaaran. Madaxweyne Gaas,Ra’isalwasaare Cumar Cabdirashiid iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Abwaan Jibril,ayaa toos ugugu tagay salaan Boqor Burhaan Boqor Muuse,markay soo galeen Magaalada. Waxaa salaanta Boqorka ka baaqday Madaxweyne Faroole. Waxaa xusid mudan in waftigan ay usocdaan dhexdhexaadin ku aadan khilaafka PSF

Read More

Rooble waa guulaystay,waana ka adkaaday Farmaajo,iyadoon Xabadi dhicin. Inta badan Shacabka Somalidu waa ka hor yimaadeen Warqadii Farmaajo soo saaray. PL iyo JL si cad ayay ugarabgaleen Rooble,halka Guudlaawe si qarsoon utaageeray. Beesha caalamka si weyn ayay hiil ugu muujisay Rooble oo waxay xataa gaarsiisay in ay hanjabaad dadban maqashiiyaan Farmaajo. Rooble,waxuu iska diiday in uu la kulmo ergo ka timid Farmaajo,waxuuna ku adkaystay go’aankiisa. KG iyo Galmudug Beesha caalamku waxay saartay cadaadis ah in ay ka qaybgalaan Shirka Rooble shaaciyay. Sida wararku sheegayaan Xamar,waxaa gaaray Waftiyo hordhac u ah Deni iyo Axmed Madoobe. Ilaa Saadanbe,waxaa la filayaa in Shirka…

Read More

MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY WASIIRO, WASIIRU DOWLEYAAL IYO WASIIR KU-XIGEENO. Garoowe: 29 December 2021: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 48 ee December 29, 2021 kuna magacaabid Wasiiro, Wasiiru Dowleyaal iyo Wasiir ku-xigeeno ka tirsan Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad faqradiisa 5aad. Marku arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo Waayo-aragnimadooda shaqo. Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo dhamaystirka Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland. Markuu garawsaday: Shaqada baaxadda weyn ee shacabka Puntland ka sugayo xukuumadda. Marku la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland. Wuxuu xeeriyay : Waxaa Axmed Yuusuf Qahar loo…

Read More

Goor dhow ayay baxayaan haldoor door ah oo ay hogaaminayaan Cumar iyo Gaas oo kusii jeeda Bosaso si ay qayb uga noqdaan xalinta khilaafka PSF. Horay,waxaa ugaaray Bosaso Isimadii ay hormuudka u ahaayeen Islaan Bashiir Islaan Cabdille iyo Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan. Ilaa iyo hada dadaaladu meel wanaagsan ayay marayaan,waxayna labada dhinac muujiyeen dabacsanaan iyo rabitaan ah in xal laga gaaro arinka.

Read More

Taliska Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa ka soo jawaabay warbixiintii uu ka dalbaday Wasiirka Amniga ee ku saabsaneyd xaalada Mukhtaar Roobow. Warqad uu ku saxiixnaa Kusimaha Taliyaha NISA Yaasiin Farey ayaa lagu sheegay in xaalada caafimaad ee Mukhtaar Roobow ay wanaagsan tahay, isla markaana uu leeyahay dhaqaatiir si joogto ah ula socota xaaladiisa caafimaad, waa Arday dhigta Jaamacad heerka labaad ee Master Degree, xiriir joogtana la leh Macalimiintiisa. “Mukhtaar Roobow noloshiisa waxaa bil walba NISA uga baxda 7,000 oo dollar si loo maareeyo noloshiisa iyo midka qoyskiisa, maadaama uu xubin ka noqday Al-Shabaab, isla markaana uusan buuxin shuruudaha soo dhiibaha…

Read More

War Qoraal ah oo kasoo baxay Taliska Africom,ayaa ku baaqay in la qaboojiyo xiisada siyaasadeed ee Somaliya,islamarkaana aan Ciidamada Dowlada laga leexin dagaalka ay kula jiraan argagixisada. “Waxaan ku baaqaynaa in la dejiyo xiisadaha siyaasadeed ee Somaliya, Ciidamada Somaliya waa inay diirada saaran khataraha amni ee ay ugeysanayaan kooxaha argagixisada ah shacabka aan waxba galabsan,”Ayaa lagu yiri qoraalka.

Read More

Marxalada hadda la jooga waa marxalad aad u xasaasi ah oo ay tahay in awoodeena iskugu geyno dhameystirka doorashooyinka, lana saxo khaladaadka ka jira iyo mugdiga, taas waddo aan aheyn oo furan majirto, wado kasta oo taas kasoo harta waxay horseedi kartaa burbur iyo dhibaato, diyaarna uma aha dadka Soomaaliyeed inay galaan mugdi siyaasadeed iyo dhiig daata,” ayuu yiri. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Fadaraalka ee 11-aad oo Maanta lagu doortay Jubbaland,ayaa kala ah.. 1.Xamse Cabdi Barre Cabdirashid Jire QalinleXasan Cabdi Ismaaciil (Xasanyare)Maxamed Cabdi Cumar (Caanonuug)Maryan Aweys JaamacSahra Jaamac Cali (Sahra Qorsheel)

Read More

Saddex Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed,ayaa maanta xasaanadda lagala laabtay. Xildhibaanadan,ayaa dhawaan Maamulka Laftagareen ku eedeeyay in uu ku fashilmay arrimo ay ka mid yihiin… 1.Amniga. 2.Cadaaladda 3.Arrimaha Bulshada, 4.Musuq maasuq 5.Ku tagri fal awooddaha maamulka. Xildhibaannada xasaanada lagala noqday,ayaa lagu kala magacaabaa.. 1.Xildhibaan Ismaacil Axmed C/llaahi, 2.Xildhibaan Xasan Maxamed Guudow 3.Xildhibaan ibraahim Macalin Cali.

Read More

Wasiirka Amniga gudaha ee xukuumadda Fadaraalja Cabdullaahi Maxamed Nuur,ayaa ka dalbaday Yaasiin Farey oo ah kusimaha NISA in uu soo gudbiyo warbixin dhammeystiran oo sheegaysa sababta uu u xiran yahay Mukhtaar Roobow. Wasiirka Amniga Cabdulaahi Maxamed Nuur ayaa 48 u qabtay Kusimaha Taliyaha Nabadsugida inuu ku keeno macluumaadka la xiriira Mukhtaar Rooboow iyo sababta uu u xiran yahay. Rooboow,ayaa maxkamad la’aan Muqdisho ugu xiran dhowr sano. Ciidamada Itoobiya,ayaa bishii December 2019 Mukhtaar Roobow ka qabtay Baydhabo, kaddib amar ka yimid Dowladda Somaliya. Waxaa loo arkaa Warqadan in ay tahay fariin ku socota Madaxweyne Laftagareen oo si cad ula saftay Farmaajo…

Read More

Ilhaan Cumar oo kusoo biirtay fariimaha adag ee loo dirayo Farmaajo,waxayna dheer tahay Seneterada kale in ay toos u abaartay oo magac dhabtay. “Farmaajo sanad ayaa ka soo wareegatay muddo xileedkiisa, waxaa la jooga waqtigii uu meesha ka bixi lahaa”Ayay tiri Ilhaan oo ah Seneterad saamayn leh. Gabadhii sida tooska ah Cabdullaahi Yuusuf ula hadashay,waxaa badashay Ilhaan Cumar.

Read More

Rooble,waxaa lagula taliyay in uu sameeyo isku shaandhayn kooban oo Dastuurku u ogol yahay. Isku Shaandhayntaas,ayaa udhici karta sida tan…. 1.Wasiirka Arimaha dibada oo loo badalo Xanaanada Xoolaha. 2.Wasiirka Maaliyada oo loo badalo Waxbarashada. 3.Wasiirka Qorshaynta oo loo badalo Kaluumaysiga. Taasi waxay Rooble kasoo afjaraysaa saamayntii Wasiiradaas,waxayna fursad usiinaysaa in uu ka adeegto Wasaaradshaas oo geysto Wasiiro uu ku kalsoon yahay.

Read More

Liiska masuuliyiin lagu eedeeyay qaska taagan oo loo gudbiyay Beesha caalamka. Masuuliyiintan,waxaa lagu eedaynayaa in ay xataa dhex galeen oo laaluusheen Shaqaale ka tirsan Unsom,Amisom iyo EU si ay uga hor tagaan go’aamada ka dhanka ah Farmaajo ee soo baxa. Intooda badan,waxay haystaan Dhalashooyin Shisheeye,waxaana toos ula xiriiri doona Safaaradahooda ka hor intaan la shaacin,sida xoguhu sheegayaan. Farmaajo oo safka hore uga jira Dadka la eedaynayo,ayay ubadan tahay marka hore in baalaha laga rifo oo aan toos loo abaarin. 1.Wasiirka Maaliyada Beyle2.Wasiirka Qorshaynta Jamaal.3.Wasiirka Arimaha Dibada Cabdi Siciid.4.Wasiir Balal5.Wasiir Aadan Cismaan Qoryooley.6.Agaasime Cabdinuur7.Danjire Cali Fiqi8.Xildhibaan Cabdiraxmaan Kulmiye Xirsi9.Xildhibaan Cabdishakuur Cali…

Read More

Muqdisho – Saaxiibada beesha caalamku* waxay iyagoo aad uga walaacsan si dhow ula socdaan xaaladda taagan iyo waxyaabaha ku soo kordhay siyaasadda. Waxaan madaxda Soomaaliya ugu baaqaynaa inay danta dalka ka hormariyaan wax walba, ayna dejiyaan xiisadda siyaasadeed ee kacsan, iyo inay ka joogsadaan daandaansiga ama adeegsiga xoogga oo wiiqi kara nabadda iyo xasilloonida. Saaxiibada beesha caalamku waxayn marar badan ku celceliyeen walaac isa soo taraya ay ka muujiyeen wax isdaba marin xagga habraaca iyo dib u dhaca hannaanka doorashada Soomaaliya. Waxa lagama maarmaan ah in degdeg ah loo hirgeliyo heshiisyadii 17 Sebtembar 2020 iyo 27 May 2021, ee saldhigga u…

Read More

“Maraykanku wuxuu diyaar u yahay in uu tallaabo ka qaado kuwa carqaladda ku ah waddada nabadda ee Soomaaliya. Isku dayga lagu joojinayo MohamedHRoble waa wax laga naxo waxaana taageeraynaa dadaalkiisa doorasho degdeg ah oo lagu kalsoonaan karo. Dhammaan dhinacyadu waa in ay ka waantoobaan ficillada iyo oraahyada kicinta ah.” Si toos ah,ayaa loo weeraray Farmaajo,waxaana lagula hadlay luuqad Diblomaasi tii ugu adkayd. Erayadan waa kuwii loo isticmaalay Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf oo sida hoose loogu sheegay. Balse Farmaajo si qaawan oo xurmo daro ah loogu soo gudbiyay. Sidoo kale Seneter ka mid ah Guddiga Xiriirka Dibadda ee Senate-ka Mareykanka,ayaa isna yiri……

Read More

Mogadishu – International partners* are following with deep concern the current situation and political developments. We call on Somalia’s leaders to put the country’s interests first, to de-escalate rising political tensions, and to refrain from provocation or use of force that could undermine peace and stability. International partners have repeatedly expressed growing concern over procedural irregularities and delays in the Somali electoral process. It is imperative that the 17 September 2020 and 27 May 2021 agreements, which are the basis for the elections, be implemented immediately without further distraction or disruption. A meeting of the National Consultative Council as soon as possible,…

Read More

Maamulka Gobalka Bari, kan degmada Boosaaso, Saraakiisha ciidanka, odayaasha, dhalinyarada iyo haweenka ayaa galabta magalada kusoo dhaweeyey wafti isimo ah uu hogaaminayaan Islaan Bashiir oo uu qayb ka ahaa Suldaan Siciid. Socdaalkaan,ayaa ku aadan nabadeynta magaalada Boosaaso kadib xilka qaadis sababtay in dawladda iyo ciidan PSF ku dagaalamaan xarunta ganacsi Puntland.

Read More

Maanta,waxaa loo baahan yahay in si Daaroodnimo ah loo fakaro oo Farmaajo laga badbaadiyo dalka iyo Naftiisa. Hab dhaqankiisu mahan caadi,waana mid saamayn dhinacyo kala duwan reebaya. 1.Taariikh ahaan,waxuu ka tagayaa mid foolxun oo Daarood oo dhan si gaar ah usaamaynaysa. 2.Amni ahaan,waxa uu ka tagayaa Aano Daarood oo dhan si gaar ah usaamaysa. 3.Han,ahaan,waxuu ka tagayaa mid niyad jab ku noqonaya haldoor walba oo kasoo jeeda Daarood. Waxaa Somalida kale iyo caalamkuba aqbalayaan in Daarood khatar ku yahay Dowladnimada oo ay tahay in laga ilaaliyo. Taariikhdii wanaagsanayd ee Beesha Daarood ku lahayd Qaranimada Dalka,ayaa foolxumaanaysa oo aasmaysa. Dadaalkii Daarood…

Read More

Rooble si buuxda,ayuu taladii ula wareegay Dalka. Talyayaashii Ciidamada,ayaa raacay oo uhogaansamay u arkana Ra’isalwasaaraha Jamhuuriyada. Dowlad Goboleedyadii intoodii badnayd,ayaa raacay,kuwa isgaabinayana cadaadis baa ku socda. Beesha 6-aad,ayaa garab ustaagtay oo ku taageertay Doorashada iyo socodsiinteeda. Farmaajo siriq uu horay uga baxsaday,ayuu dib ugalay,markii uu si baalmarsan Dastuurka uyiri,waxaan shaqadii ka joojiyay Ra’isalwasaaraha. Saakay Siyaasiyiintii Muqdisho ee ay ka xirantay fursada Rooblena horay ugu dhabar jabiyay,ayaa helay fursad.

Read More

Wixii saaka ka dhacay Xafiiska Raisalwasaaraha Farmaajo wuxuu yiri amarkaas aniga ma bixin. Dusha,waxuu ka saaray Talyaha Ciidanka Madaxtooyada Gaashaanle Xasan Dhicis oo kasoo jeeda Beesha Biyamaal. Balse warka rasmiga ah ee jira,waa in uu isagu amray Ciidanka markii Talyayaashii Ciidamada ay gacantiisa ka baxeen oo ay raaceen Rooble,ayuu uga siibtay Talyaha Madaxtooyada. Farmaajo,waxaa wacay Talyayaasha Ciidamada oo waydiiyay cida bixisay amarka lagu hir istaagay Xaafiiska RW,markaas,ayuu yiri anigu ma bixin waxna kama ogayn. Jibril Qoobey.

Read More

Saddex Jiho ayuu hadda abaabulka Ciidan ee ka dhanka ah Farmaajo ka socdaa. Jihada koowaad: Wasiirka Amniga Cabdulaahi Maxamed Nuur,ayaa xirtay wadada Ceelgaab ilaa Aaga Nisa Jihada Labaad: Madaxweynihii hore Xasan Shiikh Iyo Senator Muuse Suudi Yalaxow ayaa goostay Jidkii Mariinaayo kana wada abaabul Ciidan. Jihada Saddexaad: Beelaha Habar-Gidir Iyo Murarsade,ayaa isku balaariyay Aaga Sayidka, Bakaaraha, 15-May. Waxaana hogaaminaya Senator Abdi-Qeybdiid Iyo Madaxweyne hore Abdikariin Guuleed, Xassan Cali Khayrre. Xigasho:-Il xog ogaal ah.

Read More

Isgoyska Ceelgaabta oo ah halka laga galo Villa Somaliya, waxaa la dhigay Ciidamo ka amar qaata Wasiirka Amniga oo saakay loo diiday in uu galo Madaxtooyada. Jidadka gudaha villa-da,waxaa lagu gooyey Carro. Ciidanka Dowladda,ayaa ka gadooday dhacdadii saakay uu Farmaajo ku dhaqaaqay ee uu Rooble kaga hor istaagay in uu Xaafiiskiisa galo. Dhamaan Talyayaasha Ciidanka marka laga reebo Yaasiin Farey,waxay uyimaadeen Rooble,iyagoo ugalbiyay Xaafiiskiisa. Mahdi Guuleed oo diidan talaabada Farmaajo,waxuu si dadban uraacay Rooble,isagoo ku gabanaya dhex-dhexaadin Odaytinimo. Farmaajo, markuu waayay wax tallaabo ka qaada, isagaa tallaabo iska qaaday. Ha u fahmin in Dad kale tallaabo ka qaaday ee isaga…

Read More

Hadii Qof lagu soo eedaynayo xatooyo Qaran,waxaa ku kacay Madaxweynihii hore Farmaajo. Sababtoo ah,wax laysku amaanaysto oo Hanti Qaran ah,waxaa ugu weyn uguna qiimo badan sharciga Dalka,si cad,ayuuna uxaday oo ugu xadgudbay. Si joogta ah,ayuu usameeyaa Xatooyo Dastuurka Qaranka ee lagu aaminay Farmaajo. Dad badan,ayaa qaba in Farmaajo ka khatar badan yahay Rooble oo ka khaa’insan yahay marka la qiimeeyo sida uu udhaqmay 4-tii sano ee uu xukunka hayay.

Read More

Warka ka soo baxay Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee khuseeya shaqada Ra’iisul Wasaaraha iyo isku daygiisa in uu ciidan kula wareego xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, waa tallaabooyin baal marsan dastuurka iyo sharciyada dalka, mas’uuliyadda wixii ka dhashana waxaa qaadaya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidii caadiga ahayd u wataa shaqo maalmeedkiisii, waxaana ka go’an in uusan cidna uga heybeysan gudashada waajibaadkiisa Qaran, si uu dalka u gaarsiiyo doorasho horseedda in awoodda lagula kala wareego si nabad ah.

Read More

Waa la isticmaalay markii hore oo Rooble,ayaa lagu karbaashay,waxaana laga dhigtay Wadada lasii maray Jeneral Dirir. Mar labaadna waa la isticmaalay waana lagu Kaarta baxay oo Rooble iyo isagii,ayaa laysku hagaajiyay. Xoolaha,waxaa jira markii Neef kaligii la kaxaynayo oo uu dhaqaaqi diido mid loogu daro ku hagaajin ama ku kaxayn. Haatan Jeneralkii awood qaybsiga ku joogay waxuu la mid noqday Neefkaas lagu hagaajinayo Neefka kale. Waa maqaam daro iyo taariikh fool xun oo Cabdixamiid uqormaysa.

Read More

Shaydaan wax Habrtiis jiida waayahay,Habar Shaydaana wax la jiido waa tahay!! Waa la filayay in uu ismiidaamintan samaynayo Farmaajo,balse lama sugayn in uu toos Warqad usoo saaray ku yiraahdo waa uga joojiyay Shaqada Rooble. Ugu yaraan,waxaa layslahaa,waxuu soo noolayn doonaa dood Sharci oo waxuu adeegsan doonaa Baarlamaankii dhacay. Madaxweynuhu kama qaadi karo RW xilka ama kama joojin karo shaqada,xataa hadii muda xileedkiisu nool yahay,waabase Madaxweyne mudaddiisii sharcigu u ogolaa hogaaminta Dalka ay dhamaatay 10-bilood ka hor,haba yaraateena aan loo samayn wax sharciyad KMG ah oo uu kusii joogo marka laga soo tago in dalka laga ilaaliyo meel banaan in uu…

Read More

AMAR SHAQO KA JOOJIN TALIYAHA CIIDANKA BADDA SOOMAALIYEED S/GUUTO CABDIXAMIID MAXAMED DIRIR Muqdisho, Diseembar 27, 2021: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo aya faray Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Odowaa Yuusuf Raage in uu shaqada ka joojiyo Taliyaha Ciidanka Badda Sarreeye Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir, si waafaqsan anshaxa iyo xeerka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa tilmaamay muhiimadda ay tallaabadani u leedahay dhammeystirka Gal-baaritaanka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku aaddan tuhunka ku takrifal dhul dan guud ah oo ay leeyihiin Ciidanku. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa faray dhammaan Ciidamada Qalabka Sida in ay si waafaqsan sharciga iyo…

Read More

SHAQO KA JOOJIN WASIIRKA KOOWAAD KEDDIB MARKUU SOO GALAY TUHUN MUSUQMAASUQ IYO KU TAKRIFAL DHUL DAN GUUD Muqdisho, Diseembar 27, 2021: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo; Markuu arkay qodobka 87aad ee Dastuurka KGM ah ee dalka kaas oo tilmaamaya inuu yahay ilaaliyaha iyo horumariyaha mabaadii’da asaasiga ah ee Dastuurka; Markuu tixraacay wareegtadii uu soo saaray 18kii Jannaayo 2018 ee la xiriirtay ilaalinta dhulalka danta guud si waafaqsan qodobka 43aad ee Dastuurka KMG ee dalka; Markuu arkay xeerkii uu ku mamnuucay ku takrifalka iyo musuqmaasuqa dhulalka danta guud ee xilliyada doorashada ee soo baxay 27kii Oktoobar 2021; Markuu…

Read More

Khudbadii uu jeediyay Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Fadaraalka Maxamed Mursal waxaa laga dareemayay in uu RW xasuusinayo in wali Baarlamaankii hore shaqaynayo ilaa iyo inta Baarlamaanka cusub lasoo dhamaystirayo lana dhaarinayo. Sidoo kale,isla khudbadaas waxuu ku sheegay hashiiskii siyaasadeed ee la saxiixay ee 17-Sep in uu ahaa 2020/202,taasoo micnaheeda yahay in hashiiska uu ku dhacayo inta bishan ka dhiman. Waraaqda uu soo saaray Madxweynaha mudo xileedku ka dhamaaday 10-bilood ka hor Farmaajo,waxaa ka muuqatay fariimo u Eg in Raysal Wasaare cusub oo wadanka doorashadiisa hagi kara loo baahan yahay. Ciyaarta soo socota waxay dad badan saadaalinayaan in lagu cuni doono…

Read More

Madaxtooyada Puntland,ayaa xaqiijisay in Madaxweyne Deni berrito Muqdisho u socdaalayo. Madaxweynaha iyo waftigiisa waxay uga qaybgalayaan Muqdisho Shirkii Madasha Wadatashiga Qaran ee 27-Dec 2021. Inta badan haldoorka reer Puntland ee uu kala tashtay Madaxweyne Deni Shirkan iyo arimaha taagan,waxay kula taliyeen in uusan aadin oo ka gaabsado. Balse Madaxweyne Deni isagaa ku adkaystay oo go’aankiisa tagida Shirka ugaar noqday. Siyaasiyiinta reer Puntland,ayaa qaba in jiho cusb oo Umada udan ah la baadi goobo meeshii wakhtiga lagu lumin lahaa Farmaajo iyo Rooble oo aan wax badan is dhaamin. Deni,ayaa umuuqda mid danihiisa gaarka ah ka dhex arkay la shaqaynta Rooble. RW…

Read More

Waxaan maanta casumaad qado sharaf ahayd loo sameeyey weftigii Dhaqanka ee Gobolka Mudug oo uu hogaaminayo Islaam Bashiir Islaam Cabdulle – duleedka Magaalada Garowe. Kulankan qadada ah,ayaa waxaa looga hadlay arimo ay ugu waa waynaayeen…. Doorka Issimada iyo Nabadeynta BoosaasoXal u helidda khilaafka Boosaaso oo ku ah xanuun weyn dhamaan Dadka reer Puntland iyo Dadka SoomaaliyeedbaXog wareysi arrimaha Gobolka Mudug sida: Abaaraha, Amniga iyo Qiimeynta Horumarka jira iyo wixii dhiman. Shirka waxaa soo xiray Islaam Bashiir Islaam Cabdulle oo warbixin kaddib u duceeyey Dadkii ka soo qeyb galay xafladda.

Read More

Mareykanka,ayaa sheegay in uu sii wadayo taageerada baaqii Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee todobaadkan uu iclaamiyay RW Rooble. Beesha caalamka waxay umuujisay Rooble garab markay Maanta wada hadleen. Puntland iyo Jubaland ayay Beesha caalamku xiriir ay la sameeyeen ugu sheegeen in ay tagaan Shirka oo aysan ka baaqsan. Warar kale,ayaa sheegaya in Beesha caalamku ,sidoo kale xiriir la samaynayso Maamulada kale oo ugu danbayn lagu cadaadin doono tagida Shirka 27-ka la iclaamiyay.

Read More