Horumar aad usareeya,ayay Ciidanka Difaaca Puntland ka sameeyeen hawlgalka Argagixisada. Goobaha laga sifeeyay,waxaa ku jira…. 1.Iskuulo Tababar. 2.Geerajyo Farsamo. 3.Xarumihii samaynta Qaraxyada. 4.Xarumihii isgaarsiinta. 5.Talisyadii hogaaminta. Waxaase wax walba ka muhiimsanaa qabashada God dhererkiisu gaarayay 1-Km oo Dhulka hoostiisa ah lehna Laba Af oo ay ugu talagaleen Dadka Deegaanka in ay ku tashkiiliyaan oo wax walba ku kaydsanaayeen. Waxaa farxad weyn ah oo jabka Argagixisada qayb ka qaatay Dadkii Deegaanka ee ay qorteen oo markii hawlgalku bilowday ka baxsaday ugana baxay dagaalka. Waxaa xusid mudan in 10-Sano oo argagixisadu joogtay Deegaamadaas ay la falgali wayday Dadka Deegaanka oo ay Maanta…
Author: Jibril Qoobey.
Jamahiirta Difaaca PL oo ahayd Jamaahiirta Dimuquradiyadii Laf dhabarta u ahayd,ayaa Xaflad balaaran oo lagu taageerayo Ciidamada Difaaca PL ku qabtey Caasimada Garowe. Jamaahiirta,ayaa shaaciyay in ay Dhiig shubis bilaabanayaan iyo Adeeg kale oo Ciidamada ay usamaynayaan Maalmaha soo socda…. Xubnaha Jamaahiirta ee hawshan soo qabanqaabiyay,ayaa kala ah…. 1.Faadumo Diiriye 2.Ayaan Xasan Maxamed 3.Maxamed Cabdirisaaq ( Casaanyo) 4.Cabbdirisaaq Maxamed Warsame 5.Axmed Caafi Maxamuud 6.Xasan Gamaadiid Maxamuud 7.Maxamed Axmed Dalmar ( Maska) 8.Siciid Bare 9.Yaxye Cabdiraxmaan 10.Nashaad Maxamuud Ismaaciil 11.Axmed Muuse 12.Xildhibaan Gaani 14.Xildhibaan Dharaar 15.Xildhibaan Samatar 16.Xildhibaan Asmo 17.Cabdimajiid Idiris Maxamed 18.Sundus Cabdullaahi Siraad.
Xasan,waxaa cadaadis weyn ka haystaa Laba dhinac oo kala ah…. 1.Maraykanka oo uqabtay ugu danbayn Soonka kadib in uu la yimaado qorshe Wadankan ku badbaadi karo. 2.Damjadiid iyo Daljir Xubnihii ka tirsanaa ee Garabka u ahaa oo 70% iskaga tagay. Maraykanku,waxa uu diiday in uu ku taageero dagaalkii argagixisada oo uu Xasan codsaday in uu ku laabto,waxayna si cad ugu sheegeen xataa garaacistii Hawada in aysan ku taageerayn iskabadaa Dhaqaale iyo Saad. Kooxihii Xasan ee Damjadiid iyo Daljir,waxay ukala qaybsameen Laba Garab oo ku midaysan fashilintiisa…. B.Garab Dhulka uu boobayo wax ka rabay oo uu qadiyay. T.Garab han lahaa oo…
Sh.Shariif Warkiisu,waa Cad yahay oo waa Diyaar garoobay. Majiri doonto,wax lagu hakin doono oo waxa uu taagan yahay Doorashada Xasan qabsanayo,waa ugaar ah isaga iyo Xisbigiisa,sidaa daraadeed Anna waa qabsanayaa mid ii gaar ah. Sidoo kale,wuxuu helay Dood macquul ah oo loo hakanayo,taasoo ah…. “Doorasho PL iyo JL ka maqan yihiin macquul mahan,waxayna ka dhigan tahay in Dalku kala go’ay”. Sida aan xogaha ku helayo Shariif Ciidan ahaan si weyn,ayuu udiyaar garoobay oo taageero Milleteri,ayuu helay oo Dibada ah. Shariif,waa Siyaasiga Xasan ku qabsan kara Beesha ay kawada dhasheen kana gadmi kara Somalida kale. Halkan ka daawo muuqaalka
Sadex arimood,ayuu ka hadlay… 1.Hadal uu uduurxulayo heshiiskii Muuse iyo Abiy,wuxuuse ilowsan yahay in Xasan mid cusub lasoo galay Abiy oo hadii Nin Qaraf Saxiix iskaga siinayo arin masiiriya uu kaasi yahay Xasanka isaga Xukuma. 2.Qodobka kale ee uu sida dadban uga hadlay,waa Nidaamka Fadaraalka oo aragtidii Xasan ee Fadaraal diidka uu lasoo Shir tagay una turjumay si khaldan oo ka dhigaysa in Dalku ku kala Go’ayo. 3.Qodobka Sadexaad,waa Dhaliisha Dowladiisa oo uu ka tilmaamay… B.Musuqa. T.Diciifnimada Hay’adaha Dowlada. J.Adeeg xumada Dowlada. Sadexda arimood ee uu ka hadlay,isaga,ayay kusoo dhamaanayaan …. B.Musuqa,waxaa Caan ku ah oo Aabe iyo Hooyo u…
Cabdullaahi Cali Madoobe,waa Askari Puntlander ah oo Geesiya. Ilaa Afar jeer,ayuu ku dhaawacmay dagaal uu ku Difaaacyo Puntland. 1.Tukaraq 2.Galkacyo 3.Galgala 4.Dharjaale Dhaawacii ugu danbeeyay ee Dharjaale,waxa uu ka dhaawacmay Neef Marneenada iyo Lafta Xangulaha. Dowlada Puntland, waxay ugu kiraysay Diyaaarad khaas ah $40-kun,isla markaana daawayntiisa ka badan,ayaa gashay. Ilaahay Mahadii,waa lagu Guulaystay Qaliinkiisii Geesigaas Naftii huraha ah. Dowlada Puntland, waa ku amaanan tahay siday udaryeeshay Ciidanka Dhaawacmay oo kuwoodii ugu cuslaa deg-deg Dibada ugu qaaday. Gobanimo. JQ.
Taliska Digaale,waxa uu udanbeeyay Talisyada iyo Xarumaha argagixisada Gacanta looga dhigay. Guulaha la gaaray? 1.Waxaa la dilay 53.Argagixiso oo uu ku jiro isku xirihii Daacish ee Bariga Afrika. 2.Waxaa la gaaray Guulo w.weyn Todobaad Gudihiis. 3.Waxaa argagixisada laga nadiifiyay Dhul dhan 130-Km oo Isku wareeg ah. 4.Waxaa laga furtay 48-Talis,Warshadii Hubka,Xaruntii Dronsyada,Iskuulkii tababarada iyo Xaruntii Farsamada Qaraxyada. 5.Waxaa la Qarxiyay 14-Miino oo ay Dhulka ku Aaseen. 6.Waxaa lasoo riday oo la burburiyay 38-Drons. Khasaaraha Ciidanka soo gaaray? B.Waxaa dhaawacmay 70-Askari,iyadoo 10-ka mid ah ay culus yihiin loona qaaday Dibada. 2.Waxaa Shahiiday 23-Askari. 3.Waxaa ku burburay 5-Gaari. Ciidanka hawlgalka ku jiraa,waa…
Duqeyn xaga Cirka ah oo ay fulisay Israa’iil ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 20 qof oo ku nool magaalada Qasa, kadib markii la shaaciyay heshiiska xabad joojinta iyo siideynta maxaabiista oo ay gaareen Xamaas iyo Israa’iil. Warkan werark la xiriira waxaa laga soo xigtay hay’adda difaaca rayidka ee ay maamusho Xamaas ee Qasa. Duqeyntan ayaa dhacday xalay, dadka dhibanayaashana waxaa ku jiray 12 qof oo ku noolaa xaafad ku taal xaafadda Sheikh Radwan ee magaalada Gasa, sida ay sheegtay hay’addu. Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay militariga Israa’iil. Iyadoo lagu dhawaaqay heshiiska xabbad joojinta, weli…
The agreement is in three stages. The first will last 42 days: – The release of 33 Israeli hostages by Hamas; – Israel will release several hundred Palestinian hostages, including those convicted of killing Israelis; – Palestinians in Gaza can return to the north of the region, Israeli troops will partially withdraw. Negotiations on the next stages of the agreement will begin on the 16th day, but the continuation of the ceasefire is not guaranteed.
Dowladaha dhex dhexaadinaya Israa’iil iyo Xamaas,ayaa Arbacadi shalay magaalada Doha ee caasimadda Qatar uga dhawaaqay, in la gaaray heshiis xabbad joojin ah oo Axadda ka dhaqangeli doona Qasa. Heshiiska oo Saddex waji leh, ayaa wajigiisa koowaad uu dhigayaa.. 1.In Xabbada laga joojiyo Qasa. 2.In la sii daayo la heystayaasha Isra’iliyiinta. 3.In Xabsiyada Isra’iil laga fasaxo boqollaal Falastiinyiin ah. 4.In gargaar bani’aadannimo oo deg deg deg ah lala gaaro dadka reer Qasa. Falastiiniyiinta Qasa,ayaa warka heshiiska farxad ku soo dhaweeyay. Siidoo kale qaar ka mid ah shacabka Israa’iil ayaa aad u soo dhaweeyay heshiiskan. https://youtu.be/FFbelimiWCY?si=_mSGMvQztQkM0kIa
Shirka Golaha Wasiirada Dowladda Puntland ayaa maanta looga hadlay… 1.Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland. 2.Guulaha Ciidanku gaaray. 3.Garab istaaga iyo Gargaarka ban’aadantinimo ee dadka ku nool deegannada hawlgalku ka socdo ee buuralayda Cal-miskaad, Gobolka Bari. Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdifaarax Juxa, Wasiirka Warfaafinta Maxamuud Caydiid Dirir iyo Wasiirka Gargaarka Ubax Cabdirashiid Maxamed Xirsi, ayaa la hadlay warbaahinta . Halkan ka daawo muuqaalka
Diyaaradahan aan duuliyaha laheyn waa isku daygii Ururka Argagixisada Daacish ay ku doonayeen in ay ku hakiyaan weerarka Ciidamada Difaaca Puntland. Dooranaskan,waa Nooca Basaaska iyo Nooca Qaraxyada. Dhammaan,waa laga hortagay si xeeladaysan,waxayna Ciidanku ku guulaysteen in ay dhulka soo dhigaan. Dhanka kale wararkii ugu dambeeyay ee Cal-miskaad,waxay sheegayaan in haraagii Ururka Argagixisada Daacish ay qaybo ka mid ah gaareen Xarumihii ugu dambeeyay ee ay ku lahaayeen Deegaannada Dhaadaar, Unuun iyo Tuurmasaale. Ciidamada Difaaca Puntland,ayaa wada weerar Sadax jiho ah,waxayna ku sii siqaayaan Deegaano hor leh. Dagaalka oo socda wax ka yar Todobaad,ayay Ciidamada Difaaca Puntland ka soo hoyeen Guulo la…
Ciidanku horay,ayuu usii socday,waxayna kusii fidayaan Dhulkii argagixisada lagu arki jiray. Talisyada laga qabsaday argagixisada,waxay kala yihiin…. 1.Ceel-ileed. 2. Al-dacwa. 3.Dibqalooc. 4.Dugsigii Tababarka. 5.Warshadii usamaynaysay Qaraxyada Daacish Sidoo kale,waxaa la qarxiyay Miinooyin ay Dhulka ku aaseen oo gaaraya 8-Miino. Dhanka Ciidanka Difaaca PL,waxaa khasaare kooban kasoo gaaray Gaari.
Madaxweyne ku Xigeenka Puntland H.E Ilyas Osman Lugatoor iyo weftigii uu hogaaminayey oo ku sugan dalka Jarmalka,ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Xubno ka mid ah Baarlamaanka Dowlad goboleedka Nordrhein-Westfalens ee dalka Jarmalka. Kulanka ayaa looga hadlay sidii loo adkeyn lahaa Iskaashiga labada Maamul iyo Mataanaynta Puntland iyo Nordrhein-Westfalens. Xiriirka Puntland iyo Dowlad goboleedka Nordrhein-Westfalens ee dalka Jarmalka ayaa soo bilowday kadib markii September 2024 Madaxweyne Ku-xigeenka iyo wefti uu hogaaminayey ay safar shaqo ku yimaadeen dalka Jarmalka. Safarka waxa Madaxweyne Ku-xigeenka ku weheliya Wasiir Ku-xigeenka Qorshaynta Dowladda Puntland Maxamed Xasan Ibraahim, Senator Samiira Maxamuud iyo Madaxa La-Socodka Mashaariicda iyo…
Boosaaso, 14ka Janaayo 2025 – Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ahna Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad, Mudane Hon Mohamed Baarri Shire, ayaa si rasmi ah u daah-furay duulimaadka diyaaradda Air Arabia ee tooska ah ee isku xiraya Boosaaso iyo Shaariqa. Tallaabadan ayaa lagu tilmaamay mid taariikhi ah oo qayb ka ah horumarinta dhaqaalaha iyo isku xirka caalamiga ah ee Puntland. Guddoomiyaha oo hadal dhaxal-gal ah ka jeediyey munaasabadda ayaa ugu horreyn uga mahadceliyey Dawladda Imaaraadka Carabta iyo shacabka dalkaas kaalinta muuqata ee ay ka qaadanayaan horumarinta Puntland. Wuxuu sheegay in duulimaadka cusub uu muhiim u yahay fududeynta isku socodka dadweynaha, xoojinta…
Itoobiya sababta uu iskugu dhiibay,waa Laba Qodob oo kala ah…. 1.La dagaallanka DG-yada. 2.Hankiisa kusii fadhiga ama kusoo noqoshada Kursiga. Balse ma yaqaan Itoobiya mana akhrin karo Siyaasada. Itoobiya,way fahansan tahay in aysan jirin Dowlad Somaliyed oo Xasan matalo waxa kaliya ee uu Saxiixiisu gooyaa waa Kursiga uu ku fadhiyo ee aqoonsiga ka haysta QM. Heshiiska ay la galaan Xasan waxba kama galo SL,PL,JL iyo KG,sidaa daraadeed Kursiga Xasan iyo DG-yada,waxaa umuhiimsan DG-yada oo Asalkii ah. Itoobiya,waxay kaa saxiixaaysaa Bada,kadibna waxbay ka gowracaysaa. Xasan Aragti gaabnidiisu,waxay tustay waxuun Doorasho ku sheeg ah in uu malmaluugo kadibna Kursiga kusii fadhiyo.! Waa…
Puntland,ayaa dib u dhigtay dhammaan kalfadhiyada Golayaasha Degmooyinka, dagaalka Buuraha Calmiskaad awgiis. Halkan ka akhriso:-
Dowladda Puntland,ayaa Saaka shaacisay warbixin kooban oo ku saabsan khasaaraha Argagixisada lagu gaarsiiyay hawlgal xooggan oo ka socda Buuraleyda Calmiskaad ee Gobolka Bari. Taliska Ciidamada difaaca Puntland ayaa si rasmi ah u shaaciyay warbixin sawirro iyo muuqaallo wadata oo ku saabsan khasaaraha Argagixisada lagu gaarsiiyay hawlgal ciidan ee ka socda buuraha Calmiskaad gaar ahaanna degaannada hoosyimaada degmada Bilidhidin ee gobolka Bari. Taliska Ciidamada difaaca dowladda Puntland ayaa warbixintooda ku sheegay in hawlgalka lagu gubay Talisyadii Argagixisadu ku lahayd buuraha Calmiskaad”Ciidanka Hawlgalka ciribtirka Argagixisada ayaa gubay talisyo Argagixisada Daacish ku lahayd buuralayda Cal-miskaad,” ayaa lagu yiri Warbixinta kooban ee ka soo…
Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa si weyn u bogaadiyay howlgalada ka dhanka ah Argagixisada ee ka socda Puntland. Madaxweynaha ayaa adkeeyay ahmiyada ay leedahay in si mideysan loo wajaho dagaalka Argagixisada si dib u dhiska iyo soo kabashada dalkeennu ay u noqoto mid dhiro dhal ah. Madaxweynaha ayaa ugu hambalyeeyay ciidamada Puntland guulaha ay ka gaareen howlgalka lagu cirib tirayo kooxda Daacish isagoo tilmaamay in howlgalkan uu u leeyahay muhiimad weyn dadka reer Puntland iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed. Ugu danbayntii Madaxweynaha ayaa ugu baaqay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka inay ku garab istaagan Dowladda…
Ciidamada Difaaca Puntland,ayaa Saakay weerar ku qaaday fariisimo cusub oo argagixisadu isticmaalaysay Sanidihii lasoo dhaafay. Weerarkaas,ayay Ciidamada Difaaca PL ku burburiyeen Saldhigayadaas kana sifeeyeen argagixisada. Talisyada argagixisada laga qabtay ee ay la wareegeen Ciidamada PL,ayaa kala ah….. 1.Taliska Awaydi. 2.Taliska Wacariyaad. 3.Taliska Salnafeed. 4.Taliska Kaadilay. 5.Conqoro. 6.Digaale. Talisyadan,waxay ku yaalaan Deegaanada Dhabancado,Dubad iyo Aroorka Awaydi. Hawlgalkan,ayay Ciidamada PL ku dileen 21-Maleeshiyada Argagixisada ah. Dhanka Ciidamada PL 2-Askari,ayaa ka Shahiiday,waxaana ka Dhaawacmay Sadex kale. Khasaaraha Ciidamada PL soo gaaray,waxaa sababay Miino Gaari la kacday. Hawlgalka sifaynta argagixisada,ayaa maraya heerkii ugu cuslaa ee Gododka khatarta ah layskugu galayay,iyadoo Ciidanku isticmaalayo Awr iyo…
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/M4bu5g–JIk?si=hNf60PkV_7H37W-C
Wasiirada arrimaha dibadda iyo Diblomaasiyiinta sare ee Wadamada reer Galbeedka iyo kuwa Bariga Dhexe,ayaa Maanta oo Axad ah Magaalada Riyadh ee Caasimadda Sacuudiga kula kulmay wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda Siiriya. Kulankan,ayaa ah kii ugu horreeyay ee heer Gobol ah oo ku saabsan Siiriya tan iyo bishii hore oo xukunka laga tuuray Madaxweyne Bashaar Al-Asad. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/f_CDJTALd5E?si=KM9_yGCNzAQMRTOl
Shaqaalaha dab-damiska Gobolka California iyo kuwa Dowladda Federaalka Mareykanka,ayaa wali la halgalamaya daminta Dabki ugu weynaa uguna khasaaraha badnaa ee ka dhaca Magaalada Los Angeles ee Gobolka Califronia. Sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha, in ka badan 10 qof ayaa la xaqiijiyay in Dabkani ay ku dhinteen. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/o6Lh3seoJ0s?si=8lKHRxVNJA2prdmw
Guuladarooyinka Booqashada Xasan kasoo gaartay Somalida….. B.Waxay sii diciifisay haday jireen,wuxuun Somalidu si isku mid ah ugu hakanaysay sida Badda Difaaceeda. T.Ciidan Badeed oo Itoobiya leedahay oo salaan dhoolatus ah siiyay Madaxweyne Jamhuuriyad Somaliyed,waa fariin Daniirka Somalida taabanaysa. J.Ubax dhigid Taalada Adwa ee halgamayaasha Itoobiya oo leh macno Somalida si gaar ah usaamaynaya. Guulaha Abiy ka gaaray booqashada? B.Heshiiskii Saldhiga Milleteri ee Badda oo ugu danbayn si cad usaxiixi doono Xasan,iyadoo haatan loosii gogol xaaray. T.Isbahaysigii Masar,Eretereya iyo Somaliya oo uu Bam ku dhuftay. J.Loolanka Siyaasada Geeska oo uu muujiyayy in uu Somalida kaga adag yahay kana qaangaarsan yahay. Turkiga…
Xasan,waa danaystay,waxa uuna ka duulayaa tiisa gaarka ah. Itoobiya,waxa uu ka rabaa in ay isku soo dhawaadaan oo danihiisa Siyaasadeed ee isaga ugaarka ah ay kala Shaqayso. Itoobiya baahi ma qabto sida Xasan oo danaheeda awalba gorgortan kama aysan galayn.. 1.Amnigeeda Qaran,waxaa kow ka ah joogista gudaha Somaliya,gaar ahaan Gedo,Bay iyo Bakool xataa hadaysan qayb ka ahayn hawlgalka Midowga Afrika. 2.SL iyo PL waxay la leedahay wadashaqayn amaan iyo Ganacsi gorgortana kama galayso la Shaqayntaas. Haatan Xasan oo danaynaya xiriirka Itoobiya,wuxuu ku abaal mariyay ka mid noqoshada Hawlgalka Midowga Africa. Hal ilhaamo oo Qofka Somaliga ah dareemayo,waa in Nin sheeganaya…
Boosaaso: 11 January 2025: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta qaabilay oo kulan la qaatay Beesha Cabdi Koombe (Jambeel) .
Ujeedka Ciidamada SL ugaareen Jiidale,waa in ay culayska Milleteri ee PL ku hayso argagixisada ka khafiifiyaan. Mar walba oo argagixisada culays fuulo SL,waxay samaysaa dhaqdhaqaaq Ciidan,kaasoo ay ugu hiilinayso,si la mid ah argagixisada mar walba oo SL culays Milleteri fuulo,waxay samaysaa dhaqdhaqaaq ay ku garabsiinayso. SL,waxay la Shaqaysaa argagixisada,iyadoo Sadex ujeedo ka duulaysa…. 1.In ay PL kaga mashquuliso Gobolka Sool. 2.In ay xasiloonida Koonfurta ku burburiso. 3.In aysan waxyeelin xasiloonida gudaha SL. Si gaar ah Beesha Muuse Ismaaciil,ayaa si cad qayb uga ah argagixisada,waxaana ku milmay oo la Shaqeeya Jifooyinka…. B.Qori-jarato. T.Cabdalla Xaamud. Puntland,waxay haysaa Maxaabiis Beesha Qorijarato ah oo…
Dabaylo aad u xooggan oo riixayay dabkii qabsaday qaybo ka mid ah magaalada Los Angeles ayaa ugu dambayn hoos u dhacay habeenimadii Jimcaha, kuwaasi oo waxoogaa nasiyay kooxaha dab demiska, laakiin dabkii ugu waynaa ayaa la sheegay in uu u leexday jiho kale, taasi oo keentay amaro cusub oo daadgurayn ah. Lix dab oo isku mar ah ayaa baabi’iyay xaafado ka tirsan degmada Los Angeles tan iyo Talaadadii, waxaana ku dhintay ugu yaraan 11 qof, iyadoo uu dabku burburiyay ama waxyeeleeyay 10,000 oo guri. Waxyeellada ayaa la filayaa in ay korodho marka ay xaaladdu degto oo ay dab-demiyeyaashu sameeyaan qiimeyn…
Qatar oo dhex-dhexaadin ka wadda dagaalka Qasa ayaa sheegtay in ay Jimcihii u gudbisay ergayga Bariga Dhexe u qaabilsan Madaxweynaha dooran ee Maraykanka Donald Trump, Steve Witkoff, uguna faahfaahisay wada-hadalladii xabbad joojinta ee Qasa oo ay isla wadeen Masar iyo Maraykanka. Kulanka oo ka dhacay Doha ayaa Ra’iisul Wasaare Shiikh Maxammed bin Cabdulrahman bin Jassim Al-Thani waxa uu Witkoff kala hadlay “”xaaladihii ugu dambeeyay ee gobolka, gaar ahaan dadaallada lagu doonayo in xabad-joojin lagaga gaaro Marinka Gaza”, ayay tiri wasaaradda arrimaha dibadda Qatar. Horraantii bishaan, dhexdhexaadiyeyaasha ayaa bilaabay dadaal cusub oo lagu soo afjarayo dagaalka Gaza iyo sidii loo sii…
Ciidanka Ciribtirka Argagagixisada ee Puntland ayaa burburiyey oo gubay ugu yaraan 5-talis oo ay laheyd Argagixisada Daacish, hawlgalka ayaa ka dhacay Toga Il-cameyro ee buuralayda Cal-miskaad ee Gobolka Bari. Ciidanka ayaa gudaha u galay toga, waxayna gubeen 5-ta talis oo ay dhexyaalleen Saad iyo agab kale oo ay naflacaarigii ka carareen Argagixisadu markay arkeen Ciidanka kusoo ruqaansaday. Sidoo kale Ciidanka Ciribtirka Argagixisada ayaa soo riday oo hawada ku gubay, Diyaarado aan duuliyaha laheyn ee Drones-ka oo ay isku dayday Argagixisadu in ay isticmaalaan. Isku daygaasi Ciidanku fashaliyey waxaa uu rajo tiray Argagixisada oo hada usii cararaya xaga buurta iL iyo…
Turkiga,ayaa ku khasbay Laba Qodob oo kala ah…. 1.In uu ka baaqdo Shirka Midowga Afrika ee Uganda. 2.In uu Abiy ugu tago Adis-ababa. Berri,ayuu aadayaa Itoobiya oo kula kulmayaa Abiy,isagoo fulinaya amarka Turkiga Xasan Shiikh. Uganda,waxaa ku sugayay Xasan Madaxda Masar iyo Eretereya oo rabay in ay ka jawaab celiyaan kulankii Abiy iyo Xasan ee Turkiga. Haatan Masar iyo Eretereya,waxaa ka adkaaday Turkiga oo Xasan ku amray in uu ka baaqdo Shirka Uganda si usan ula kulmin Labadaas Dowladaood,taa badalkeedana Adis u Aado la kulanka Abiy. Abiy,waxay utahay fursad weyn oo uu ku muujinayo awoodiisa,isla markaana dhoolatus ugu dirayo Masar…
Ciidamada Puntland Saakay Salaadii Subax markay Tukaaldeen,ayay ku dhaqaaqeen hawlgal Qayb ka ah Sifaynta argagixisada. Hawlgalkaas,waxay ku burburiyeen oo Cagta mariyeen Saldhigyadii Il iyo Camayra ee argagixisada,kuwaasoo kala ahaa…. Buurta baal goray. Camayra. Dhamancado. Toga taag taag. Hoobato. Dabadhuub. Saldhigyadan,ayaa loogu tagay Kayd Raashin iyo Rasaas ah oo fara badan. Hawlgalka oo soo idlaaday Duhurkii,ayaan lagu dilin,lagu dhaawicin laguna qaban Xubno argagixisada ah.
Tirada dhimashada Dabka ka holcaya Los Angeles,ayaa kor u dhaaftay 10-Qof, sida ay masuuliyiintu sheegeen – laba jibaar tirada lagu dhawaaqay saacado ka hor. Mas‘uuliyiinta Caafimaadka ee Los Angeles,ayaa sheegay in haraadiga Dadkan weli la raadinayo. “Aqoonsigu dadka wuxuu qaadan karaa dhowr toddobaad maadaama Waaxda Baarista Caafimaadku aanay awoodin inay ka jawaabto dhammaan xaaladaha dhimashada sababo la xiriira jawiga dabka iyo welwelka oo sarreeya,”Ayaa lagu yiri war ka soo baxay mas’uuliyiinta Magaalada. Halkan ka daawo muuqaalka https://www.youtube.com/live/pMU9I9W4EFA?si=3Fw_LI7KDsXKQ0iq
Garowe: 09 January 2025: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane H.E Ilyas Osman Lugatoor ayaa caawa furay Shirweynaha horumarinta Waddooyinka Puntland, oo ah kii koowaad ee noociisa ah, Shirkan oo socon doona (9-12 January 2025) waxaa soo diyaarisay Hay’adda Waddooyinka Puntland iyadoo ay kala qeybgashay Wasaaradda Hawlaha Guud. Munaasabadda waxaa lagu soo bandhigay muuqaalo iyo warbixino ku saabsan hab u socodka dhismaha Waddooyinka Puntland iyo kharaashaadka ku baxaya, shaqooyinka dayactir, dib-u-dhis iyo hagaajin ee ku socota Waddooyinka Puntland, sidoo kale waxaa lala wadaagay madasha qorsheyaasha horumarin ee Shirkan lagu go’aaminayo. Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland ayaa xusay in Shirweynaha horumarinta Waddooyinka Puntland…
“Caalamka toos,ayaan ula macaamileynaa, Cunaqabataynta hubka hala soo celiyo, maamulka hawada dib haloo celiyo.”.Ayay tiri JL. Fasirka uu yeelanayo Warka kasoo baxay Jubaland,ayaa ah…. 1.In lasoo celiyo Cunaqabatayntii Hubka. 2.In Hawada dib loo celiyo. 3.In ay Caalamka si Madaxbanaan ula macaamiilayso. War-saxaafadeed. Halkan ka akhriso:-
Gaalkacyo: January 05, 2025: Shirkii Mas’uuliyiinta labada Dawladood ee Galmudug iyo Puntland oo Gaalkacyo ka furmay January 05, 2025, loogana arrinsanayey sidii xal kama danbays ah looga gaari lahaa dirirta iyo colaadda soo noqnoqotey ee u dhaxaysay labada beelood ee Sacad iyo Leelkase, horena looga soo saaray baaq wada jir ah oo ku aaddan xabbad joojinta labada dhinac ayaa maanta laga soo saarey go’aamada hoos ku xusan:- 1. Si loo fuliyo go’aamadii lagu gaaray wajigii hore ee gogosha nabadeynta Beelaha Sacad iyo Leelkase, waxaa la go’aamiyey in muddo 7 cisho gudahood ah lagu qabto guddiga garnaqa khilaafka labada beelood. 2.…
Caamir Axmed Saalax oo ahaa isku xirihii guud ee Daacish Bariga Afrika oo Dhalasha ahaan kasoo jeeday Ciiraaqi,ayaa lagu dilay duqayntii Xalay. Sidoo kale 13-Nin oo ay ku jiraan Saraakiil argagixisada ah,ayaa la Geeriyooday Caamir Alciraaqi. Duqayntan oo ka dhacday Godka Dulaciin ee Aaga Il iyo Camayra 2-dii Habeenimo Xalay,waxaa kaloo lagu dhaawacay 8-ka mid ah argagixisada oo Ajaanib ah. 8-Gantaal,ayaa lagu dhuftay,waxaana fuliyay weerarkan Ciidamada Maraykanka ee kaabaya kuwa PL. Bartilmaameedyada la garaacay Xalay,waxay ahaayeen kuwo muhiim ah oo Dhulka hoose ah. Dhanka kale Ciidamada PL way sii ruqaansanayaan,waxayna ilaa iyo hada ka sifeeyeen argagixisada 23-Tuulo iyo Deegaan gaaraya…
Mareykanka,ayaa ogaaday in Ciidamada fallaagada Suudaan iyo Maleeshiyaadka xulafada ah ay xasuuq ka geysteen Suudaan, waxaana uu cunaqabateyn ku soo ragau hoggaamiyaha kooxdaas kadib colaad ay ku dhinteen Kumanaan qof, Malaayiin kalena ay ku barakaceen. Cunaqabataynta,ayaa looga gol leeyahay in laga hortago hoggaamiyaha RSF iyo Qoyskiisa in ay u safraan Maraykanka iyadoo la xayirayo hantidooda. Tallaabooyinkan waxay dharbaaxo ku yihiin dadaallada RSF ee ah in ay hagaajiyaan sawirkooda iyo sheegashada sharciyadda, oo ay ku jirto dhisidda Dowladda rayid ah, iyadoo kooxda militarigau ay isku dayeyso inay ballaariso dhulka ay Gacanta ku hayso. Si kastaba ha ahaatee, RSF waxay dafirtay dambiyada…
Ugu yaraan 19-Qof oo Falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan 8-Carruur ah, ayaa lagu dilay duqeymo cirka ah oo ay Ciidamada Israa’iil habeenkii xalay ahaa ka fuliyeen koonfurta Qasa,sida ay sheegeen mas’uuliyiinta caafimaadka maxalliga ah. Wararka,ayaa sheegaya in Hooyo iyo Afarteeda Carruur ah lagu dilay markii Xero barakacayaal oo ku taal al-Mawasi la duqeeyay.Sidoo kale, qoys kale oo isugu jiray waalid iyo Carruurtooda,ayaa ku naf waayay Magaalada ku dhow ee Khan Yoonis. Militariga Israa’iil,ayaa sheegay in ay fuliyeen weerarro dhowr ah oo lagu beegsanayay dagaalyahanada Xamaas ee ka qeyb qaatay weerarkii 7-dii October 2023 ee ka dhanka ahaa Israa’iil, kaas…
Boosaaso : 08 January 2025: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta qaabilay oo kulan la qaatay Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamuud Calishire, oo ay weheliyaan Guddigii Shirkii Ceelbuh ee Gobolka Sanaag. Waa muhiim in xaalka Sanaag lagu xaliyo wada xaajood oo aan Colaad laga gelin si walba oo xaaladu tahay. Madaxweynaha iyo Suldaan Cabdisalaan wadaxaajood fiican bay ka yeesheen arinkan. SL-ta Cirro hogaaminayo xal ayay ka rabtaa Sanaag ee xumaan kama rabto. Sanaag oo Nabad lagu wada joogo,waa lama dhaafaan.
Boosaaso: 08 January 2025 : Madaxweynaha Dowladda Puntland H.E Said Abdullahi Deni, ayaa maanta qaabilay Safiirka Dowladda China ee Soomaaliya Amb. Wang Yu iyo wafdi uu hoggaaminayo. Kulanka waxaa ka qeybgalay Wasiirka Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Mudane Liibaan Muuse Boqor iyo Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Cabdifataax Maxamed Cabdinuur.
Wasaarada Beeraha PL si macquul ah ayay uga jawaabtay Cagafyada ilhaamada ah,waxayna cadaysay in aysan waxba ka ogayn,qayb ka ahayn soo iibintooda,isla markaana habka loo maamulay uu baalmarsan yahay Dastuurka Fadaraalka. $300-Milyan Mashaariic gaaraysa oo ka hor imaanaya Nidaamka Fadaraalka ayay PL iska diiday kuna adkaysatay in la waafajiyo Dastuurka Fadaraalka ah. Haatan Xamar,waxay Cagafyadan iyo Wadada Bacaadweyn uga dan leedahay xaalad abuur iyo in Bulshada iyo Dowlada PL layska horkeeno,maadaama meel kale oo PL laga soo galo la waayay. Sidoo kale Dagaalada Jiic-boore iyo Ceerigaabo, waxaa maalgelisa Xamar,waxayna uga dan leedahay fashilinta dagaalka argagixisada ee ay PL ku jirto.…
SL,waxay heshay Wasiir Arimo Dibadeed oo Maskax Degan oo Caafimaad qabta wata sida ka muuqata Waraysigan. MOU-gu,wuxuu ubaahan yahay dib u eegis oo waxaa ku jira Qodobo khataro badan leh. Caqliga ka muuqda Wasiirka ee ah… “Ictiraaf meel walba ugelimayno oo Sun ucabimayno” waa Cajiib. SL Masuuliyiinteeda,waxaa qabata in ay ka fiirsadaan waxa dantu ugu jirto oo ay Deegaankooda iyo Dadkooda udamqadaan. Xamar kuwa jooga kaliya Dulaal ayay raadinayaan ee Dan Umadeed mahayaan,sida xaqiiiqowday. Madaxda SL,iyagaa ka masuulsan kuwa Xamar uguna lexjeclo badan Deegaankooda gaar ahaaneed.
Garoowe: 05 January 2025: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane H.E Ilyas Osman Lugatoor, ayaa furay Shirka Tiknoolijiyadda Puntland oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Puntland, ayna ka qeybgalayaan Hay’adaha ku shaqo leh arrimaha Tiknoolijiyadda, Warbaahinta, Shirkadaha Isgaarsiinta iyo Khuburo Aqoon u leh Tiknoolijiyadda . Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland ayaa muujiyey muhiimada casrigan ay Tiknoolijiyadu u leedahay Dowladnimada , iyadoo nidaamka Dowladnimo ee Puntland ay qeyb weyn ka tahay, sida diiwaangelinta Ciidanka iyo Shaqaalaha, Ku maareynta maaliyadda, Adeegsiga adeegyada danabeysan, Isgaarsiinta, amniga, horumarka iyo qeybo badan oo Dowladnimada maanta ah. Wuxuu Madaxweyne ku-xigeenku ku boggaadiyey Wasaaradda Warfaafinta joogtaynta Shirkan, oo…
Madaxweynihii hore ee Soomaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaliya Xasan Cali Kheyre iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame,ayaa digniin adag u diray ganacsatada ay Xasan Shiikh Maxamuud iyo Kooxdiisa ka iibinayaan dhulalka danta guud.
Boqollaal Qof oo ku nool meel miyi ah oo 165-KM Waqooyi-bari kaga beegan Caasimadda Addis Ababa, ayaa Guryahoodii ka baxayay,iyagoo argagaxsan, kadib markii meel ka ag dhow lagu arkay Folkaanno muujinaya calaamado suurtagal ah in ay qarxi karto. Calaamadaha Folkaanada,ayaa muujinaya khatar xagga ammaanka ah,taasoo horseedday cabsi xooggan oo Dadka Deegaanka ku Khasbeysa in ay si deg-deg ah uga baxaan Guryahooda. Deegaanka ay Folkaanadu ka Qaraxday,waa Deegaanka Canfarta oo Dabiiciyan leh Taariikh Folkaano iyo Kulayl ka duwan Itoobiyada kale.
Itoobiya,waxay shaacisay in Ciidamadeedu ka qeyb qaadanayaan hawlgalka AUSSOM. Sidoo kale Labada Wadan ku heshiiyeen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga amniga. Tani ma muran ayay leedahay in ay tahay fashil Siyaasadeed 100%. Xasiloonida Geeska,waxaa Caalamka uga masuul ah Itoobiya,iyadaana kala Shaqaysa DG-yada uu ugu horeeyo kan Xamar. Waaqici in aad ku nooshahay,waa muhiim. Saakay,waa Somalidee mida isku eedayn karta jacaylka Itoobiya? Itoobiya uma baahna Nacayb iyo Jacayl oo waa awood xaqiiqiya oo jirta. Siyaasigii fahmi waaya oo aragti gaabnidiisa la dareen noqda Shacabka,sida Xasan oo kale,ayuu ceeboobaa. PL Xisaabtu kama khaldamin.
Wefti Maraykan ah oo iskugu jira CIA iyo Africom,ayaa yimid Xamar,waxayna kula kulmeen Xasan iyo kooxdiisa. Hal farin ayay soo gaarsiiyeen,taasoo ahayd.. “Ku laabo dagaalkii argagixisada”. Taageer dagaalka PL kula jirto Daacish si cad,waa muhiim. Adiga iyo Axmed Siyaasada waa halkeeda lkn kawada Shaqeeya dagaalka argagixisada. Kadib kulanka Xasan,waxay weftigu tageen Kismaayo oo ay kula kulmeen Axmed Madoobe,waxay gaarsiiyeen fariin ahayd…. “Dagaalkii argagixisada sii wad oo ha joojin,sababtoo amaanku mahan wax Siyaasad geli kara,wax walbana,waa nooga muhiimsan yahay,Siyaasada in aad ka heshiisaan idinkay idin wanaagsan tahay”. Axmed,waa aqbalay 100% soo jeedintooda,waana ballan qaaday in uu deg-deg ubilaabayo hawlgallada. “Waxaan uhakanay…
Uma qalanto Somaliyada Maanta jirta in la siiyo Kursigaas,sababtoo ah iyadii,ayaa heshiin wayday oo wada noolaan wayaday,isla markaana wada samaysan wayday Nidaam. Somaliyada jirtaa,waa mid 40-Sano burbursan oo aan lahayn….. 1.Siyaasad Amni. 2.Siyaasad Dhaqaale. 3.Dastuur iyo Xeerar. Somaliyada Maanta jirta,waa mida Ninka QM u aqoonsan tahay Madaxweynaheeda ku mashquulsan yahay Dhul boobka,Qabyaalada,Eexda iyo Musuqa aan Xishoodka lahayn. Maxay kusoo kordhin kartaa Bulshooyinka Caalamka oo laga dugsan karaa Somalida Kursigaas ku fariisatay? Sida Rwanda Dal soo maray colaad sokeeye oo hadana soo kabtay mudan in laga faa’idaysto oo haya wax uu usharaxo Caalamka,ayaa ku haboonaa Kursigaas. Waa khasaaro iyo wakhti lumis…
Wefti Itoobiyaan ah oo isku jira Siyaasiyiin iyo Saraakiil Milleteri,ayaa tagay Muqdisho. Ujeedka socdaalkooda,ayaa lagu sheegay wada xaajood dhexmari doona Kooxda Xasan oo lagu Lafa gurayo sida Ciidamada Itoobiya hawlgalka Midowga Afrika qayb uga noqon lahaayeen. Xamar,waxay Maalmo ka hor sheegaysay in Ciidanka Itoobiya aysan ka mid noqonayn hawlgalka. Ma cada,waxa isbadalay iyo waxa ay ku badalatay. Itoobiya kama laaban heshiiskii ay la gashay SL? Itoobiya ma bixin raaligelintii ay ka dalbatay kooxda Xasan Shiikh? Itoobiya ma joojin taageeridii JL? Itoobiya hoos uma dhigin wada Shaqayntii DG-yada? Kaliya,waxaa ucadaatay kooxda Xasan Shiikh in aysan Itoobiya ka saari karin Somaliya haday…
Dhaawacyadii cuslaa ee Ciidanka Mujaahidiinta PL,waxaa loo qaaday Wadanka Dibadiisa,iyadoo Diyaarad khaas ah loo keenay. Tani,waxay dhiirigelinaysaa Ciidanka,waxay kaloo muujinaysaa diyaar garowga PL ee dagaalkan sida uu usareeyo. Askartan la qaaday,waa kuwii ka hortagay oo fashiliyay Kooxdii Ajaanibka ahayd ee aadka udiyaarsanayd,isla markaana lahayd tababarka sare. Raga la laayay ee Ajaanibta argagixisada ahaa,waxay wada ahaayeen kuwo lawada baadigoobayay oo muhiim ah. Waxaa cajiib noqotay sida Ciidan kooban oo ilaalo Madaxeed ah ay ucaabiyeen una fashiliyeen qorshahoodu ahaa in ay burburiyaan Taliska kuna laayaan Askar fara badan,kadibna dib ugu laabtaan Buuraha,iyagoo duubtay khasaarihii ay gaarsiiyeen Ciidanka PL.
Puntland,waxay ka codsatay Dowladaha Ingiriiska,UAE iyo Itoobiya in ay cadaadis saaraan SL si ay wax uga qabato argagixisada isticmaasha Dhulka ay maamusho ee usoo gudubta Buuraha Bari ee PL. Ujeedka PL,waa in la hakiyo oo loo diido fursad ay kusoo gaarto argagixisada Buuraha Bari. SL maxay ufududaysaa Argagixisada? 1.Waxay isticmaashaa Garoomada SL. 2.Waxay ka dhex samaysataa Basaboorada. 3.Waxaa udegan Xaasaskooda. 4.Waxay ku daawaysataa Dhaawacyada. 5.Sirdoonka SL Sanadkii,waxa uu siiyaa argagixisada Lacag dhan $300-kun si aysan gudaha SL uga fulin Dilal iyo Qaraxyo. 6.Waxay kasoo gudubtaa argagixisadu Sanaag marka ay soo galayso Buuraha Bari. Somaliland,waxay u aragtaa in ay isku cadow…
Daylaan iyo Toga IL Ceelka Ileed,ayaa la garaacay,waxaana lagu burburiyay Saadkii argagixisada. Toga Gaalkeeno iyo Hoobato,ayay ka dhacday duqaynta 1-Aad,waxaana lagu dilay 12-Argagixisada ah. PL,awood ayay muujisay iyo in ay udiyaar garowday dagaalkan dhan walba.
Hanbalyo Nugaal oo ku Guulaysatay Koobka Kubada Cagta Gobollada Puntland. PL,waxay muujisay awood,iyadoo dagaal kula jirta argagaxisada ayay hadana wadaa horumarka dhan walba. Halkan ka daawo muuqaalka
Gacantii ugu horaysay ee dagaalka,ayaa Saakay dhacday. 30-Maleeshiyaad kuwa Ajaanibka ah ee aadka utababaran oo Qaraxyo ku xiran yihiin,ayaa isku soo miidaamiyay Furimaha hore ee Ciidanka. Jilibka ayay u asteen Ciidanku,wayna laayeen dhamaantood,marka laga reebo Laba ku fakaday Mooto. Khasaaraha argagixisada? 1.30-Maleeshiyaad ah oo wada Ajaanib ah kuli Qaraxyo ku xiran yihiin oo Maydkooda weli laga furfurayo Qaraxyo,taasoo keentay xataa kii isdhiiba in aan la aamini karin oo uu isqarxinayo. 2.In ay ku guuldaraysteen hadafkoodii oo ahaa Saadka iyo Saraakiisha. Dhanka Ciidanka Mujaahidiinta PL…. 1.Talis,waxay ku dhufteen Gaari Qarax. 2.Labo Gaari oo Qaraxya sidana fadhi Labo Urur ayay isku qeybsheen.…
SL ilaa iyo hada Xisaabtu,waa ka khaldan tahay. Cirro,waxaa ka muuqda Jileec,inkastoo uusan fursad uhelin talada fariisinteeda. SL xaaladaha ka jira,waxa ugu daran,waa Shacabka oo wacyigoodu hoos udhacay. Shacabka SL ee caadiga fahamkoodu,waa sarayn jiray lkn haatan,waxaa muuqata hoos udhac weyn iyo caadifad Nacayb ah oo ay xakamayn la’a yihiin. Waxaa la yaab noqotay in ay dagaal ka galaan xuduuda Itoobiya oo dhan walba oo laga eegaba u ah Nolol. Kilinkii colaad,ayaa uga furantay. Barigii colaad,ayaa uga furantay. Jabuti Nolol iskugumana xirna. Hadii Colaada ay uraacdo Abaar,waa bas. SL,waa in ay mid samaysaa? Colaada Beesha Daarood,waa in ay iska damisaa…
Gaadiidka ka imaanaya Dowlad Deegaanka in laga dhaafo Canshuurta,waa loo baahnaa,waana talo ay qaadatay Wasaarada Maaliyada Puntland. Ganacsigii Deegaanka Somalida Itoobiya,waxa usoo wareegay 100% Dekedaha Puntland. Horay,waxaa uga soo wareegay Dadkii isticmaali jiray Garooomada Diyaaradaha Somaliland. Garoomada Diyaaradaha Garowe iyo Bosaso ayay usoo wareegeen Macaamiishii. Somaliland,waxay ku lumisay colaadaha Xuduudaha Itoobiya iyo PL Ganacsi balaaran oo ay ka heli jirtay Canshuur. Colaadaha Xuduuduhu,waxay khatar ku yihiin xasiloonida Gobolka,isdhexgalka,Ganacsiga iyo Nolosha caadiga ah. Halkan ka akhriso:-
Dowlad Deegaanku,wuxuu ka kooban yahey 11-Gobol. 7-Gobal oo kamid ah,waxaa ku Aadan oo udhow Dekeda Garacad oo durba adeegeedu gaaray… 1.Gobalka Doollo/Wardheer 2 Gobalka Qoraxey/Qabridahar. 3 .Gobalka Shabelle/Godey 4 Gobalka Nogob/Ceelweyne. 5.Gobalka Afdheer/Hargeele. 6.Gobalka Liibaan/ Filtu. 7.Gobal Dawa/Mooyaale. Magaalada Qabridahar,waxaa Dekeda Garacad laga siiyay Dhul balaaran oo laga dhisayo Hangaro waa weyn oo lagu kaydinayo Shixnada Dekeda kasoo dega si Gobollada Todobada ah ay uga sii adeegtaan. Dekeda Berbera? Gobalada DDSI ee Dekeda Barbara udhow waa Afar Gobol oo kala ah….. 1.Gobalka Faafan/Jig-jiga. 2.Gobalka Jarar/Dhagaxbuur. 3.Gobalka Erar/Fiiq. 4.Gobalka Siti/Shiniile. Ganacsigu,waa Tartan. JQ.
Dhawaan,waxaa laga maarmi doonaa in Gaaska laga keeno Dibada,waxaana laga samayn doonaa Gudaha PL Warshad soo saarta. Warshadaas,waxaa maalgashanaya Ganacsato reer PL ah iyo Shirkad Norwegian ah oo lagu Magacaabo antecbiogas. Hirgelinta Mashruucan oo ku kacaya la $25-Milyan,waxaa la Saxiixayaa Bisha Janaayo ee Sanadka cusub,waxaana xiriiriye ka ah Axmed Gabax oo ka mid ah Qurba joogta PL. Gaaska Dabiiciga ah Haantiisa 20-kiilo ah,waxaa lagu kala iibsadaa gudaha PL $40,waxaase la rajaynayaa hirgelinta Mashruucaas kadib in lagu kala iibsan doono $10. Warshada Gaaska soo saari doonta,ayaa ka dhalin doonta Gaaska Qashinka caadiga ah ee la daadsho. Bulshada haatan isticmaasha Gaaska ee…
Garoowe: 30 December 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland H.E Said Abdullahi Deni oo safar shaqo maanta kusoo gaaray Caasimada Puntland ee Garoowe, ayaa dhagax dhigay Isbitaalka ugu weyn Puntland ee International Healthcare System (IHS). Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa boggaadiyay dhismaha Isbitaalkan casriga ah oo noqonaya kii u horeeyey ee noociisa ah islamarkaana laga hirgeliyo deegaaanada Puntland isaga oo dabooli doona baahiyihii Caafimaad ee loo aadi jiray dalka dibediisa. Madaxweynaha ayaa muujiyey sida ay dowladda Puntland uga go’an tahay garab istaaga, soo dhoweynta iyo dhiirigelinta cid walba oo maalgashanaysa dalkooda, isaga oo si gaar ah ugu mahadceliyey Dr. Darman Aden, MD, FACP…