Beelaha ay kasoo jeedaan Kuraasta 10-ka ee Gudiga Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Puntland,ayaa Beeluhu ukala heleen sida tan… HOP#128 Carab SaalaxHOP#144 Reer BicidyahanHOP#166 LeelkaseHOP#196 DhulbahanteHOP#200 Ciise MaxamuudHOP#249 DhulbahanteHOP#094 DhulbahanteHOP#232 LeelkaseHOP#235 DhulbahanteHOP#223 Awrtable
Author: Jibril Qoobey.
Hadaan ahaan lahaa Ninka Maanta ku fadhiya Kursiga miisaanka leh ee Madaxtooyada Puntland ma taageereen Rooble iyo qorshihiisa. Xataa hadaan han siyaasadeed leeyahay si kalaan umaarayn lahaa ee Rooble kama dhex raadiyeen rajadayda. 1.Rooble mawado xal Somali ay ku gaari karto Dowladnimo. 2.Rooble mahan Nin laysku halayn karo oo hadaf iyo go’aan leh. Si kasta oo ay uyar yihiin fursadaha jira hadana aragti aan ahayn Rooble iyo Farmaajo oo Dalka badbaado unoqon karta,ayaan ku dhaqaaqi lahaa. Markaad tahay siyaasi kasoo jeeda Puntland oo ugu yaraan boqolkiiba Afartan damiir ku jiro oo uhakanaya qiyamka guud Rooble kama dhex goobeen dan gaar…
Madaxweyne Deni,waxaa laga rabaa laba arimood in uu xaqiijiyo oo uusan ku deg-degin kana sameeyo talo wadaag…. 1.Dagaalka Farmaajo lagula jiro in uu yeesho xuduud iyo jiho fadhida. 2.In Doorashada Xildhibaanada ay noqoto mid xor ah oo xalaal ah oo aan dhalin xaalad cusub oo kacdoon ah. Si gaar ah,waxaan Madaxweyne Deni uga digayaa in aysan Aaran-,jaan markale dhex istaajin Guri ceebeed oo aysan Shacabka ka hor keenin. Madaxweyne ku quus qaado waxii ka dhacay Bosaso oo Aaran yaysan kugu tartarsiin in aad Doorashada boobto. Puntland xasilooni siyaasadeed ayay ubaahan tahay xiligan.
19-kii Kursi ee hadhsanaa Kuraasta Gobolada Woqooyi (Somaliland) oo Raysalwasaare Rooble amar ku bixiyay in la soo saaro si doorashada loo dedejiyo ayaa hadda lagu dhawaaqay. Madaxweyne Farmaajo,ayaa xalay sheegay in Raysalwasaare Rooble ku fashilmay sii wadista geedi socodka Doorashada.
Wareegto uu soo saaray Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayuu Wasiirka Gaashaandhigga JFS ugu magacaabay Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ( Jaamac) oo horay u ahaa Wasiirka Caddaaladda. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale Mudane Xasan Xuseen Xaaji oo horay ahaa Wasiirka Gaashaandhigga XFS u magacaabay Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda JFS. Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray labada wasiir ee la isku baddelay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan xilalka ula kala wareegaan.
Puntland oo shaacisay Doorashada 10-Kursi oo Xildhibaanada Golaha shacabka Fadaraalka ah. Halkan ka akhriso Warqada
“Waxa uu xalay Farmaajo soo saaray waali waaye, dulqaadka loo dulqaanayey ayuuna u maleeyaa dayuusnimo cid ka aqbaleysana malahan”,Ayuu yiri Xasan.Shiikh. Halkan ka daawo muuqaalka
Jubaland oo taageertay Shirka RW Rooble iclaamiyay” Dowlada Jubaland mar walba waxay diyaar u tahay dardar galinta howlaha doorashooyinka oo fursad weyn u ah shacabka Soomaaliyeed inay kaga baxaan xaaladan adag ee dalku ku jiro. Waxaa meel wanaagsan maraya dadaalada ay Guddiga Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubaland ay ku bilaabayaan doorashooyinka xubnaha golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka ah oo si wanaagsan uga socda Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ah ee Jubaland. Jubaland waxay diyaar u tahay, kana qeybgalaysaa shirka Golaha wadatashiga qaran ee arimaha doorashooyinka ee garwadeenka uu ka yahay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, oo aan rajo weyn…
KGS kama qeybgalayso shirka uu iclaamiyay Ra’iisul Wasaaraha” Baydhabo, 26ka Diseembar 2021: Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) wuxuu caddeynayaa in uusan kasoo qeybgali doonin Shirka uu iclaamiyay Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble. Go’aankan wuxuu ka dhashay keddib markii lagu xadgudbay madaxbannaanida Guddiga Xallinta Khilaafaadka oo 7 xubnood laga saaray iyo Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka ee Federaal oo shalay la kala qeybiyay. Koonfur Galbeed Soomaaliya waxay diyaar u tahay ka qeybgalka baaqa Madaxweynaha si looga tashado sidii lagu samatabixin lahaa geeddiga socodka doorashooyinka dalka.
Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubaland SEIT ayaa musharax Xildhibaan Xamze Cabdi Barre oo u tartamaya kursiga tirsigiisu yahay HOP 203 gudoonsiiyay shahaadada musharaxnimo. Musharax Xamse Cabdi Barre ayaa noqonaya musharaxii ugu horeeyey ee qaata shahaadada musharaxnimo.
Dowladda Puntland waxay diyaar u tahay ka qaybgalka shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee uu hogaamiyo RW Maxamed Xuseen Rooble. Dowladda Puntland waxay kaloo caddeynaysaa in ay diyaar u tahay qabashada doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka si waafaqsan heshiisyadii Golaha Wadatashiga Qaranka oo uu gundhig u yahay heshiiskii 17 September 2020.
Codsi kaga yimid Dowladda Soomaaliya awgiis, ayay Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay xirtay xarunteeda halwgallada rakaabka (ee loo yaqaano MOVCON) ee garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde, laga billaabo 24ka Diseembar 2021. Qaramada Midoobay waxay Soomaaliya uga shaqeysaa iyadoo si buuxda u ixtiraamaysa sharciga Soomaaliya iyadoo la raacayo shuruudaha Heshiiska Hawlgalka iyo heshiisyada kale ee labada geesoodka ah ee la xiriira ee ay saxiixeen hay’adaha, sanaadiiqda iyo barnaamijyada Qaramada Midoobay iyo sidoo kale Axdiga Qaramada Midoobay iyo Heshiiska Xuquuqda iyo Xasaanadaha Qaramada Midoobay. Waxaan si dhab ah u qaadaneynaa walaac kasta oo ay Dowladda Federaalku ka muujin karto hawlgallada…
“Siyaad Barre,ayaa Nin dalacsiiyay markaasuu yiri Madaxweynoow dalacsiintayda Csli Samatar ma og yahay,marka waxaan leeyahay Deni Ragii talada lalahaa ma og yihiin warkuu ku hadlay”Ayuu yiri Jeneral.Siciid Dheere. Halkan ka dhagayso Codka Talye Siciid Dheere
Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Dowladda Puntland Ahna Safiirka Dowladda Soomaaliya ee South Sudan, Mudane Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey.
Gudoomiyihii Gudiga Doorashooyinka ee xilka laga qaaday,ayaa soo saaray Warqad uu ku fasaxayo Kursi horay Gudigu uhakiyay.
Wasiirka Amniga C/llaahi,ayaa ku amray Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya in aanu safri karin Sarkaalka lagu magacaabo Cabdixamiid Maxamed Dirir oo ah Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya.
Musharrax gaar ah lagama aqbalayo in uu doorashada ku takri falo. War saxaafadeed Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxa uu aad uga xun yahay qoraalka saaka aroortii kasoo baxay Xafiiska Madaxwaynaha. Qoraalkaas waxa uu ahaa mid si ku talo-gal ah uu Madaxwaynuhu ugu carqaladaynayo hannaanka Doorashada Dalka oo maraya marxalad aad xasaasi u ah. Sida ka muuqata waqtiga lagu soo beegay qoraalkan oo ah xilli loo balansanyahay Kulanka Golaha wadatashiga Qaranka oo la doonayo in lagu dardargaliyo howlaha Doorashooyinka, iyo ilaalinta hufnaanta doorashada, waa qorshe uu Madaxwaynuhu ku doonayo in uu uga hortago kulanka Golaha taas…
FARMAAJO OO AFGEMBIYEY VILLA SOMALIA 21 SANO OO DAWLAD-DHIS AH KA DIB Waxaa xalay 26/12/21 saqdii dhexe Maxamed Cabdullaahi Farmajo soo saaray wareegtadii 1-aad ee Afgembiga oo uu ku laalayo heshiiskii iyo Hannaankii Doorashooyinka Soomaaliya iyo RW Rooble labadaba, taas oo ahayd waxa keli ah oo xilligan heshiis lagu yahay. Waxaa si buuxda u istaagay Hannaankii Dastuuriga iyo Dawlad-dhiska Soomaaliya ee ka soo bilowday CARTA 2000-2017, waxaana bilowday bog cusub oo Taariikhdu MAGAC GAAR AH u bixin doonto. Maanta waxaa keli ah oo jira FARMAJO oo muddo-xileedkiisu dhamaaday sannad kahor oo VILLA SOMALIA dhex fadhiya iyo Dawlad-goboleedyo badankoodu kala aragti…
Inqilaabka Farmaajo waa nabar la filaayey naxdin ma laha, waxaanse u baahannahay in aan isla garanno shantaan qodob; 1- In uusan Farmaajo dalka Madaxweyne ka ahayn, 10 bilna uu xafiiska sharci darro ku fadhiyo, ayna tahay in uu ka soo baxo Villa Somalia. 2- Golaha Wadatashiga Qaranka, wuxuu shiri jiryay, Farmaajana shaqo kuma lahayn shirkooda. 3- Sixitaanka iyo socodsiinta doorashada waa hawl madasha uu Ra’iisul Wasaare Rooble hoggaamiyo u taalla. 4- Muddo xileedkii Golayaasha Dawladda wuu dhamaaday, Aqalka Sare waa la soo doortay, Golaha Shacabka ayaa dhiman, Ra’iisul Wasaaraha ayaa leh awoodad xil-gaarsiinta ee ay ugu horreyso dhamaystirka doorashada iyo…
BAAQ KU SAABSAN DHAB-U-JIHEYNTA DOORASHOOYINKA Diseembar 26, 2021. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo; Markuu dib u eegay Xeerkii Madaxweyne ee uu ku magacaabay Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble taas oo lagu faray in uu dhiso Xukuumad tayo leh oo dalka u horseedda doorasho nabdoon; Markuu arkay heshiiskii 17kii Sebteembar 2020 ee ay wada gaareen Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir kaas oo uu Barlamaanka labadiisa Aqal ansixiyay, Madaxweynuhuna uu kusoo saaray Sharciga Lam. 30 (Law No. 30), Markuu arkay habraacyadii hirgelinta doorashooyinka iyo xeerarkii lagu dhisay guddiyada heer Federaal, Heer Dowlad Goboleed iyo…
Shirkii Madasha Wadatashiga Qaran ee la filayay 27-bishan inuu ka furmo magaalada Muqdisho,ayaa dib u dhac ku yimid, kaddib codsi ka yimid Madaxweynaha Puntland Saciid Deni. Madaxweyne Deni,ayaa codsaday in la siiyo muddo todobaad ah oo lagu dhammeynayo shaqaaqadii ka dhacday Bosaso.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Isimada Gobolka Mudug oo uu hoggaaminayo Islaan Bashiir Islaan Cabdulle.
Magacyada sgaqsiyaadka loo wado Kuraasta Aqalka-hoose ee Baarlamaanka Fadaraalka lagu dhawaaqay doorashadooda ee Jubaland. 1.HOP#217 Hassan Abdi ismaaciil (Hassan Firinbi). 2.Hop#203 Hamze Abdi Bare Gudoomiyahii Doorashada. 3.Hop#082 Abdirashid Jire Qalinle,Wasiirka Madaxtooyada Jubbaland. 4.Hop#028 Cabdinuur Cali aadan. 5.Hop#134 Sahra Jaamac Ali (Sahra Qoorsheel). 6.Hop#113 Maryan Aweis Jamac (Wasiiradda Gaadiidka Vadda) 7.Hop#136 Omar Yusuf Galadiid. 8.HOP#072 Cabdirashiid Maxamed Xidig. 9.HOP#219 Rooda Carab (Jinni Boqor) ama Koojaar.
Hoos ka dhagayso hadalka hadal haynta xooga leh dhaliyay ee uu bixiyay Madaxweynihii hore ee Puntland Faroole. Waraysigan,ayuu Faroole BBC-da siiyay Maalmo kahor,waxuuna uga hadlay dagaalkii Bosaso. Faroole,ayaa sheegay in Isimadiii Lixda ahaa ee soo saaray go’aamada ay uga dareen Xaalka Bosaso. Halkan ka daawo muuqaalka
Boqorka iyo Isimadii kaleba,waa dhibsadeen hadalkii Madaxweyne Faroole uu BBC-da siiyay markii uu ka hadlayay dagaalkii Bosaso. Haldoorka Bulshada Puntland,ayaa qaba in uu Madaxweyne Faroole ka bixiyo raaligelin buuxda hadalkaas. Hadalka Faroole,ayaa ahaa mid toos loogu weeraray Isimada,isagoona ku tilmaamay in ay iyagu baasiin kusii shubeen xaalada oo go’aankoodii keenay dagaalka. Madaxweyne Deni,ayaa go’aankaas Isimada dhankiisa soo dhaweeyay sheegayna in uu tixgelinayo oo uu ahaa mid wax lagu badbaadinayay. Halkan ka daawo Muuqaalka Boqorka
“Farmaajo wuxuu u socdaa wejigii labaad ee muddo kororsiga, Farriintiisana wuxuu soo dhexmariyey Maxamad Mursal. Feegijnaan dheeri ah iyo isdhigasho la’aan ayaa la iska rabaa”Ayuu yiri C.C Warsame. Halkan ka daawo muuqaalka
Halkan ka daawo muuqaalka
“Waxaan aaminsanahay in Ra’iisulwasaaraha iyo madaxda dowlad-goboleedyadu wax badan qabteen,doorashada dadban iyadaaba muran ku dhisan,heshiiskii 17-Septemper waan saxiixay meel buuna yaallaa wuxuu ahaa mid laga fakaray waa in la iska ilaaliyaa in wax lag baddalo,” Ayuu yiri Farmaajo. Bishan 27-keeda,ayaa waxa qorshaysan in Muqdisho uu ka dhaco Shir ay iskugu imaanayaan Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran oo looga arinsanayo Doorashada iyo habsami usocodkeeda,waxaana warar hordhaca oo soo baxayaa sheegayaan in lasoo yarayn doono goob Doorashooyinka laguna soo koobi dooni hal Magaalo. Farmaajo,ayaa aad udhibsanaya wax ka badal lagu sameeyo heshiiskii 17-Sep. Sida muuqata maalmahan,waxaa jira kala fogaansho soo kala dhexgalay Farmaajo…
Shirkii Jaraaid ee isimadu qabteen Galabta. 1-Waxay sheegeen In ay ka xun Yihiin Dhacdadii Foosha xumayd ee ka Dhacday Magalada Bosaso maalmihii Lasoo Dhaafay. 2- Waxay Soo dhoweyeen una Mahad celiyeen Go’aan kii madaxweynaha Dowlada Puntland Uu ka qaatay Arintii Dhacday. 3-Waxay Ku Baqeen in Magalada lagu soo laabto dadkuna Isdejiyaan oo Guryohooda kusoo Laabtaan. 4-Waxay ku Baaqeen In Loo Gurmado Dadkii ka Barakacay Magalada iyo Dadkii Waxyeeladu Gaartay Dhamaantoodba. 5-In khasarihii ka dhacay Magalada la baaro dhinacnackasta oo Ay tahayba. 6-Maadaama Ciidamada Dowlada Madaxweynuhu Amray in ay Goobo Hooda Jogaan Anagana Waxaan Amraynaa In ciidama kale Ay Meelohoodii Ku…
Gudiga Doorashooyinka ayaa hadda xilka ka qaaday Gudoomiyihii Gudigaasi Maxamed Cirro. 18 xubnood ayaa fadhiyay, 15 ayaa ogolaatay in xilka laga qaado, sadaxna waa ay ka hortimid. Waxaa lagu eedeeyey xil-gudasho la’aan iyo inuu horay u wadi waayay socodsiinta doorashada. Go’aanka loo cuskaday xil ka xayuubinta iyo eedaymihii loo jeediyay Guddoomiyihii hore ee Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka (FEIT) Maxamed Xasan Cirro,ayaa sida tan udhignaa.
Halkan ka daawo muuqaalka
Garoowe: 25 December 2021: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kulan gaar ah iyo Qado sharaf u sameeyay Ra’iisalwasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake, Madaxweynihii hore ee Puntland Sanatar Mudane Cabdiraxmaan Faroole, Ra’iisalwasaarihii hore ahna Madaxweynihii hore Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas. Kulanka oo ahaa is xogwareysi waxaa ka qeybgalay Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Ra’iisalwasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake, Madaxweynihii hore ee Puntland Sanatar Mudane Cabdiraxmaan Faroole, Ra’iisalwasaarihii hore ahna Madaxweynihii hore Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi la socda. Waxaa ka warbixiyay Afhayeenka Ahna Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Mudane Jaamac Yuusuf Dabaraani. Halkan ka daawo muuqaalka
Iyadoo laga duulaayo Amarka Madaxweynaha Dowladda Puntland H.E Said Abdullahi Deni waxa ay ciidamada PMPF maanta guryo noqosho iyo gargaar caafimaad u sameeyeen shacabka ku barakacay tuulooyinka iyo banaanka magaalada Boosaaso.
Wafti balaaran oo uu hogaaminayo Islaan Bashiir Islaan Cabdille oo Mudug ka yimid,qaybna ka noqon doona xalka PSF,ayaa soo gaaray Garowe goor dhawayd. Suldaan Siciid iyo Islaan Bashiir ,ayaa hogaamin doona dhaqanka Qaybta ka noqon doona dhamaynta arinka PSF. Shaqadu si wacan ayay usocotaa oo hawsha PSF Dhaqanka iyo Siyaasiga Puntland ee miisaanka leh uma kala harayaan.
Waftigii Nayrobi oo aad ubalaaran isaguna goor hore,ayuu yimid,waxuuna ugudbay Madaxtooyada. Hada waxaa kulan gaar ah kuwada jira Madaxweyne Deni iyo Madaxdii hore. Saakay 7-Subaxnimo ayay Nayrobi kasoo duuleen. Waftiga,waxaa hogaaminaya Madaxdii hore,waxuuna ka kooban yahay… 1.RW Cumar Cabdirashiid. 2.Madaxweyne Faroole. 3.Madaxweyne Gaas. 4.Xildhibaan Dhaashane. 5.Xildhibaan Shaaciye. 6.Xildhibaan hore Shiike. 7.Siyaasi Salwe 8.Talya hore Saacid Shaqadu si wacan ayay usocotaa oo hawsha PSF Dhaqanka iyo Siyaasiga Puntland ee miisaanka leh uma kala harayaan.
Ujeeddo: Shaacinta Guddiga Xulista Ergooyinka. Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubaland SIT waxay halkan kusoo gudbinayaan Guddiyada. Xulista Ergooyinka kuraasta 6-da ah ee aan shaacinay 23/12/2021 kuwaasoo kamid ah 43-da kursi ee ku asteysan Dawlad Goboleedka Jubaland.
Halkan ka daawo muuqaalka
Beri 7-Subaxnimo ayay Nayrobi kasoo duulayaan waftiga dhamayn doona xaajada PSF. Waftiga,waxaa hogaaminaya Madaxdii hore,waxuuna ka kooban yahay… 1.RW Cumar Cabdirashiid. 2.Madaxweyne Faroole. 3.Madaxweyne Gaas. 4.Xildhibaan Dhaashane. 5.Xildhibaan Shaaciye. Garowe ayay kusoo hormari doonaan si ay ula kulmaan Dowlada,kadibna waxay usii gudbi doonaan Bosaso. Hawsha PSF waa soo gabagaboobaysaa hadii rabo idmo.
Guddigii loo saaray baarista aflagaaddadii uu Taliyaha Ciidamada Badda u geystay RW Rooble ayaa gaaray go’aano aad uga nixiyey Farmaajo iyo Odowaa oo hadda cadaadis ku haya guddigaas! Xubnaha Guddigaan oo ka koobnaa Shan Generaal oo ka tirsan Ciidanka Xoogga ee Dalka, ayaa isku raacay in Falka uu ku kacay Taliyaha Ciidanka Badda uu ahaa:- Mid baalmarsan Anshaxa Ciidanka.waxa ay soo jeediyeen in xilka laga qaado Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliyeed sida ku cad war ku taariqeysan XTCC/2084/12/21 taas oo loo diray Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Odawaa yuusuf Raage taas oo ku sheegay in aanay waxba ka jirin hadalkii dacaayadda ahaa…
Madaxweyne Deni khudbad taariikhiya,ayuu jeediyay,waana hadlay hadii hadal waxtarayo. Waxii dhacay dareen xun buu ka muujiyay,waxuuna soo jeediyay in xalay dhalay laga noqdo oo hada laga wada shaqeeyo Nabada iyo Midnimada. Waxuu amar ku bixiyay in Ciidamadu aysan Xabad ridi karin xataa hadii lasoo weeraro. Waxuu amar ku bixiyay in beri dib loo furo Xarumaha Dowlada oo dhan ee Magaalada Bosaso. Madaxweynuhu,waxuu soo dhaweeyay Isimada,haldoorka iyo Siyaasiyiinta horay uga hadlay uguna istaagay dhacdada Bosaso,waxuuna ku booriyay in ay sii laba jibaaraan. Waxuu si gaar ah uxusay Boqor Burhaan oo uu sheegay in uu aqoonsan yahay oo uu Boqorkiisa yahay. Go’aamadii…
Cilmi baarist uu diyaariyay Jey Bahadur oo ku saabsan kalluumeysiga sharci darrada ah ee Somaliya,ayaa lagu daabacay @GI_TOC’s Risk Bulletin #22. Wsrbxintan waxa ay faah faahin ka bixisay dhaq-dhaqaaqyada maraakiibta Liao Dong Yu, oo ah raxan Maraakiibta Jariifka ah ee Shiinaha kuwaas oo ka dhacayay biyaha Waqooyiga Somaliya ilaa horraantii 2020-ka. Warbixintan,waxaa Udub dhexaad u ah Daahir Ayaanle oo ka mid ah Seneterada dhawaan la doortay ee Puntland ku matali doona Dowlada Fadaraalka. Daahir waa Ganscsade Saami qayb ka ah Ganacsi balaaran oo ay wada leeyihiin Madaxweyne Deni. Waxaa kaloo jira Maraakiib door ah oo kuwa warbixintu sheegtay ah in…
Halkan ka daawo muuqaalka
Cumar Cabdirashiid iyo Gaas,ayuu la hadlay Madaxweyne Deni oo ka codsaday in ay yimaadaan oo qayb ka qaataan xalinta arinka Bosaso. Sida aan xogta ku helay isku duubni ayay Siyaasiyiinta iyo Isimadu uwada galayaan arinka PSF ee Bosaso. Balse Deni wuxuu rabaa inuu isimada meesha ka saaro,lkn Cumar iyo Cabdiweli waa fahansan yihiin muhimadda Isimada u leeyihiin Puntland. Waa talaabo bogaadin mudan oo uu Madaxweynuhu sameeyay in uu haldoorka miisaanka leh arinka ugacan geliyo.
PSF waxay si buuxda ubilaabeen uqaybinta Biyo iyo Raashin Shacabka caadiga ah ee Bosaso. Ciidamada oo wata Gaadiidkooda dagaal oo Raashin iyo Biyo sifaysan ay ka buuxaan ,ayaa Xaafadaha Magaalada wareegaya. Shacabka oo markii horeba Sxb dhow la ahaa Ciidamada PSF,ayaa talaabadan Deeqsinimada iyo damiirka wanaagsan ah uriyaaqay. Bosaso baahi kama jirto,balse barakac,ayaa dhacay Qof walba Ganacsigiisii iyo Gurigiisii ka saaray. Madaxweyne Deni waxaan leenahay Bosaso dagaal kale ma qaadi karto ee dib udag!!
Madaxweyne Deni waxa uu Urursanayaa Wasiirada Istaafyadooda iyo Tiknikadooda mar 4-aad,ayuuna rabaa in uu dagaal rido. Maxamuud Shido,ayaa kula talinaya in uu markale gacan qaado oo waxuu leeyahay markan waa jiiri karnaa PSF oo waa jilceen,sida ilo muhiim ah noo xaqiijiyeen. Hadii la rabo in xaaladu caadi kusoo noqoto oo shacabka dayacan Guryahooda ku soo laabtaan,waa in Madaxweynuhu Shir jaraa’id qabtaa iyo Isimada waa weyn. Inta laga soo sheegayo Deni in uu Qaracan yahay oo Dhiigi ku karsan yahay Ciilna qabo Dadku kuma soo laaban karaan Guryahooda. Bosaso dagaal kale ma qaadi karto ,waxayna noqon doontaa in aysan dib usoo…
Guddiga Golaha Wasiirada ah ee ka shaqeynaya Gurmadka iyo Garab istaaga dadkii kasoo barakacay Boosaaso,ayaa saaka booqday xarumaha ay dadkaasi kaga suganyihiin Carmo. Madaxweyne Deni ayaa faray Guddigan in dhakhso loo garab istaago dadkaasi, loo kuurgalo xaaladooda, la gaarsiiyo gurmad degdeg ah, isla markaana laga caawiyo dib-u-laabashadooda. Guddiga Wasiirada ah ayaa hadda u gudbay deeganada kale ee u dhow Boosaaso .
Wafti ka socday Dowlad Goboleedka Jubbaland oo uu hogaaminaaye Madaxweyne ku xigeenka 1aad Mudane Maxamuud Sayid Adan oo uu ka mid ahaa Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiiboyinka Mudane C/raxmaan Cabdi Axmed iyo lataliyaha sare Dr. Cali Axmed oo maalmahan safar shaqo u joogay dalka Kenya ayaa maanta kulan kula qaatay xafiiskiisa Gavanaha ismaamulka Garissa Cali Bunow Qorane. Waxaa laga wada hadlay iskaashiga arimaha Amniga, Abaaraha iyo maareeynta arimaha qoxootiga oo labada dhinacba masuuliyad ka saarantahay. Arimahaas ayaa si fiican la iskugu afgartay waxaana jiri doonaa booqashooyin laba dhinac lagu sii hormarinayo qodobada laga wada hadlay.
Ciidamada Itoobiya ayaa amar lagu siiyay in ay ku ekaadaan gobolada Cafar iyo Amxaara oo deris la ah gobolka Tirgree, kadib markii goboladaas laga saaray dagaalamayaasha TLPF. Madaxa warfaafinta Itoobiya Dr Legesse Tulu ayaa sheegay in go’aankani yahay mid kumeelgaar ah. “Ololaha midnimada qaran waa laga gaaray hadafkii koowaad ee laga lahaa, taas oo ahayd in TPLF laga xoreeyo meelihii an qabsadeen” ayay yiri Dr Legesse. Wuxuu sheegay in marka ay ku habboontahay uun la qaadi doono wax talaabo ah, inta ka horeysana ciidanka laga illaalinayo in uu wax dhib ah soo gaaro. Dhanka kale wuxuu sheegay in kooxda TPLF…
Guddiga Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubaland SEIT ayaa Shaaciyay jadwalka qabashada doorashada 6-kursi oo kamid ah 14-kii kursi ee la shaaciyay 13/12/2021.
Waxaan uga digaynaa dhallinyaradda ciidamadda kala duwan ka tirsan eella soo marin habaabinayo inaysan naftooda u biimayn shaqsi aana garanayn culayska ay leedahay masuuliyadu” Halkan ka akhriso warka kasoo baxay PSF
Warsaxafadeed ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in dowladu wakhti siinayso dadaalada loogu jiro in si nabad ah lagu dhammeeyo xaalada Bosaso, islamarkaana ay qaadayso talaabooyin lagu fududaynayo dadaalada. madaxtooyada waxay ku eedaysay in Agaasimaha PSF inuu hurinayo colaad ka dhacda Bosaso. Warsaxafadeedka madaxtooyada ayaa imaanaya ka dib dagaal hub culus la isku adeegsaday oo xalay ka dhacay magaaladda. Ciidamada PSF ayaa sheegay inay iska difaaceen weerar ay dowladu ku soo qaaday. Warar ka imaanaya Bosaso waxay sheegayaan in Ciidamadu dowladu ay ka baxeen aagagii uu dagaalku ka socday ee Xaafadaha Suweyto, wadada hor marta xarunta dr axmed…
Reached by VOA Somali, the United States Africa Command said it did not have a formal relationship with the PSF and did not provide direct support to the PSF. AFRICOM described PSF as Puntland’s “most capable counterterrorism force” and said it was concerned about how the clashes could affect the PSF’s ability to fight multiple militant groups. “Both al-Shabab and ISIS likely consider the PSF a substantial obstacle to gaining territory and revenue in Puntland and are likely closely monitoring the situation,” AFRICOM spokesperson Kelly Cahalan told VOA Somali. “We are concerned that these clashes will diminish the counterterrorism capabilities…
Ciidamada PSF si karaamo leh ayay iskagaDifaaceen weeraradii xalay saq dhexe iyo kuwii saakay Aroortii. Ciidamada Badda,ayaa xalay kasoo weeraray dhanka Bada Xarunta PSF,waase lagu jabiyay oo khasaare baaxad leh,ayaa la gaar siiyay. Sidoo kale dhanka Madaxtooyada iyo Suweyto,waxaa kasoo weeraray Daraawiishta,iyagana waa iska caabiyeen PSF oo waxay riixeen ilaa Jidka Sodonka. PSF markay iska riixeen Ciidamadii soo weeraray oo ay fogeeyeen ayay si Istiraatiijiya dib ugu laabteen Difaacoodii rasmiga ah. PSF wax weerar ah masoo qaadin,waxayna weli ku taagan yihiin xabad joojintii.
Fariinta aan Isimada udiraynaa,waxay tahay in aysan soo bixin oo aysan wax hawl ah oo ay galaan aysan jirin ilaa Deni Afkiisa shir Saxaafadeed ugaga dhawaaqo Xabad joojin. Sababtoo ah waxii hada ka danbeeya lama aamini karo,mana ahan masuul laysku halayn karo warkiisa. Saakay,ayuu soo baxay warka sheegaya in Deni uusan nabad rabin iyo wada xaajood ee uu Rasaas urursanayo dibna usoo diyaar garoobayo,Xabad joojinta uu ku dhawaaqayna ay tahay kaarto-bax.
Goor dhawayd,ayaa waxaa la hadlay Isimadii hawsha ku jiray,waxay usheegeen in ay soo gaarayaan xogo in Ciidan cusub iyo Rasaas Bosaso la galiyay oo weerar Dowladu qaadayso. Madaxweyne Deni,waxuu ku yiri Isimada igu kalsoonaada majirayo weerar Dowladu ay qaadayso oo balantii ayay ilaalinaysaa. 10-daqiiqo kadibna,waxaa bilaabatay Rasaas xoog badan,marka su’aashu waxay tahay … Yaa dalka xukuma? Muxuu Deni rabaa? Maxay tahay sababta uu uqadarin waayay Umada haldoorkeedii? Maxay tahay sababta isagoo Xabad joojin ku dhawaaqay uu weerarka uqaadayo? Walaahi waa nasiib daro.
Madaxweynuhu,waxuu markale xaqiijiyay in aysan Dowladu wax weerar ah qaadayn oo ay ku joogto Xabad joojintii ay ku dhawaaqday. Isimada iyo haldoorka wada xaajoodka loo xushay,waxay ku jiraan diyaar garow oo ilaa beri Garowe ayay soo galayaan. Islaanka iyo Suldaanku waxay tagidooda Garowe,kadib ugudbayaan Bosaso. Dhaqdhaqaaqa Bosaso ka jira ee Dowladu samaynayso,waa sugid amni oo caadiya. Dadku ha isdajiyaan.
Waxaa goor dhawayd Nayrobi kusoo gabagaboobay Shir jaraa’id oo lagu taageerayo Xabad joojinta. Shirka,waxaa fadhiya Masuuliyiin miisaan culus… 1.Madaxweyne Faroole.2.Madaxweyne Gaas.3.RW Cumar Cabdirashiid.4.Xildhibaan Dhaashane.5.Xildhibaan Shaaciye. Halkan ka akhriso baaqa ay soo saareen Odoyaasha
PSF-Warqad walba oo ay soo saaraan u fiirso waxaa ku yaala Barcode toos ugu dhacaysa AFRICOM. Gallan in Aragaxiso lagu sheego waa u diiwaan gashan tahay (Eeg calaamada Barcode). PSF waa Astaan utaagan la dirirka argagixisada nooc walba oo ay tahay iyo Shaati walba oo ay soo qaadato. Halkan ka akhriso Warqada kasoo baxday PSF