Author: Jibril Qoobey.

Maanta oo ay taariikhdu tahay 21/10/2021 waxaa la daah furay Qanadaraaska JPLG ee Degmadda Garowe. Sanadkan mashruucan Degmadda Garowe,waxay uga faaidaysanaysaa dhismaha xarunta dowladda hoose degmada. Furitaanka Qandaraaska waxaa kasoo qayb Galay masuuuliyiin ka socday wasaaradaha bah-wadaagta la ah mashruucan oo ay ka mid yihin Wasaraadaha Arimaha Gudaha,Howlaha guud,Hay’adda Qandaraasyada iyo wakiilada shirkadihii soo xareeyay Qandaraaska.

Read More

Boosaaso October,21,2021:-Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dilmuquraadiyeynta Dowladda Puntland ayaa magaalada Boosaaso kusoo dhaweysay qaxooti u dhashay Dalka Yemen iyo Soomaali ka soo cararay colaadaha Yemen. Waxaana dooni siday ay maanta kusoo xiratay Dekedda magaalada Bosaaso. Dadkan Qaxootiga ah iyo Soomalida dib ugu soo Labatay Puntland ayaa u badanaa haween iyo carruur Waxaa loo daabulay Xarunta Qaabiladda iyo soo dhowaynta Qaxootiga Boosaaso, waxaana Xarunta lagu siiyay adeegyo ay ka mid yihiin cunto bisil, biyo iyo adeegyo caafimaad oo degdeg ah Xaaladdaha bani’aadamnimo iyo dagaal ka socda wadanka Yaman ayaa horseeday Qulqulka Qaxootiga badan ee soo gaaraya Puntland.

Read More

Wasiirka Warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa sheegay in maamulkiisu si farsameyn oo aan dadka rayidka ah wax ku gaarin kula wareegi doonaan Guriceel. “Ciidamada Dowladda kaabiga ayey ku hayaan, waxay dowladda ku howlan tahay in si farsameyn oo dadka rayidka ah waxba u gaarin markaa in dhawaan guul laga gaaro ayaa la rajeynaya,” ayuu yiri Wasiir Falagle. Falagle oo hadalkiisa sii wata,ayaa yiri“Dowladda waxay ku howlan tahay dhan walba oo lagu yareyn karo in shacbiga wax gaaran haddey noqon laheyd hab beeleedka, aqoonta iyo hadday noqon laheyd dhan walba oo arrimahaas lagu fududeyn karo wey ku howlan tahay, marna…

Read More

Taalibaan ayaa Arabacdii ogolaatay inay dalalka Ruushka, Shiinaha iyo Iran kala shaqeyso amniga gobolka, kadib markii Kremlin-ka uu ka digay halisaha kooxda Daacish iyo ka ganacsiga daroogada. Ruushka iyo Shiinaha ayaa ka mid ahaa dalalka ugu dhow Taalibaan tan iyo markii ay dib u qabsatay Afghanistan bishii August, halka Iran ay leeyihiin xuduud. Baaqan ayaa kasoo baxay shir ka dhacay Moscow oo ay ka qeyb-galeen dalalkii horey uga tirsaan Midowga Soviet ee xuduudda la leh Afghanistan, Shiinaha, Ruushka iyo Iran. Intii ay socdeen wada-hadallada oo ay goobjoog ka ahaayeen 10 dal ayaa waxaa lagu baaqay gargaar bani’aadaminimo oo deg deg…

Read More

Cali Xarbi Cali oo ah 25 jir Somali-British ah ayaa si rasmi ah loogu soo oogay dacwad ah inuu toorey ku dilay xildhibaan David Amess oo ka tirsanaa baarlamanka UK, waxaa sidaas maanta sheegay Adeegga Xeer-ilaalinta Boqortooyada iyo booliska UK. Cali oo Jimcihii tagtay lagu xiray isla goobta uu dilku ka dhacay ee magaalada Leigh-on-Sea ee bariga London, ayaa sidoo kale wajahaya dacwad labaad oo ah diyaarinta ficil argagixisanimo. Waxaa lagu waday inuu maanta kasoo hor muuqdo Maxkamad ku taalla bartamaha London. Xildhibaan Amess, oo ahaa 69 jir dhalay shan caruur ah, ayaa la dilay isaga oo kulan la lahaa…

Read More

Mesfin Injineerin oo ku taal Bartamaha Mekelle Caasimada Tigreega iyo meel kale oo ujirta Magaalada 50km ayay shalay dukheeyeen Diyaaradaha Abiy. 9-Qof oo shacab ah,ayaa ku geeriyootay,waxaana ku dhaawacmay 30-kale. Tigreegu waxay balan ku qaadeen in jawaab adag oo dhagaha faraha la gashan doono ay ka bixin doonaan,waxayna Waraaqo ukala direen Beesha Caalamka. Sida la fili karo Tigreegu waxay garaaci doonaan Caasimada Amxaarada ee Bahardar,waxaana durba ka bilowday Qax iyo qaylo Amxaaradu ay ku leedahay dhulkayagii intii hartay,ayaa burburaya. Dagaalkii Lugta Abiy banaan baa lagu mariyay,waana looga adkaay xalayna waxay TDF gacanta ku dhigeen Kaydkii ugu weynaa ee Ciidamada Itoobiya…

Read More

Hotelkan oo ku yaal duleedka caasimada Tigreega ee Makele,ayaa waxaa weerar dhanka Cirka ah ku qaaday Diyaaradaha Drons-ka ee Abiy. Sida aan xogta ku helay Ciidamada Cirka Abiy,ayaa lagu wargeliyay in Hotelka ay ku shirayaan saraakiisha ugu saraysa Tigreega. Balse xogtaas waa beenowday oo maba jirin Saraakiil joogtay Hotelka,cida joogtayna waxay ahayd shacab caadiya. Abiy dukhayntaas waxay ku noqotay jab kale oo ugashay diiwaanka xasuuqa shacabka Tigreega uu ku sameeyay. Jibril Qoobey.

Read More

Baaritaan,ayaa lagu bilaabay xiriirka dhow ee xildhibaankii la dilay ee Barlamaanka Ingiriiska uu la lahaa Dawladda Qadar iyo dilkiisa. Booliska Ingiriiska,ayaa bilaabay baaritaan ku saabsan in uu jiri karo xiriir ka dhaxayn kara Dilka Xildhibaanka iyo xiriirkiisa Bariga Dhexe. Xildhibaanka la dilay,ayaa todobaadkii hore kasoo laabtay Qatar. Sidoo kale Xildhibaanku,waxuu ka mid ahaa Gudiga uqaabilsan Baarlamaanka Wadamada Khaliijka. Bogga hore ee Daily Telegraph iyo The Times oo ah labo jaraa’id oo waa weyn aadna loo akhristo Dalka Ingiriiska,ayaa lagu daabacay sheekadan. Sababta loola xiriirinayo ee shakiga abuurtay Dilka Xildhibaanka Qatar,waa Wiilka Somaliga ah ee dilay Xildhibaanka oo Aabihiis ka shaqeeyo…

Read More

HOBYO SULTANATE; A Historical Reflection. Osman AidarusJust now·14 min read DISCLAIMER: While reading this piece, you’ll at several occasions come across the names of some Somali clans. The sole reason of mentioning them is for EDUCATIONAL PURPOSES. Founded in 1867, the Sultanate of Hobyo is one of the historic Somali realms that predate the era of colonialism. It is named after its capital city, the coastal town of Hobyo. The town of Hobyo is located in the Mudug province, in the central part of Somalia. Inception It was established by Yusuf Ali Yusuf Boqor, nicknamed Keenadiid. The future Sultan Yusuf…

Read More

Update Report reaching from Amhara region indicates that TDF have taken over a strategic town of Chifra which is located in the border between Afar and Amhara region. Chifra town is only 100 km from Mile an important junction that connect the road between Djibouti and Ethiopia. From Chifra TDF can proceed to Mile or Bati and Dessie. This new offensive could be a strategic maneuver to secure Dessie from all directions before waging the final takeover of Dessie and Kombolcha. Reportedly, TDF secured Wegal Tena, Ambessel and Hayke areas and bulky of their forces are now surrounding Dessie and…

Read More

Qarax xooggan ayaa goordhoweyd ka dhacay magaalada beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Wararka laga helayo magaalada ayaa sheegaya in qaraxa lala beegsaday saldhigga booliiska magaalada. Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay saddex kalana waa ay ku dhaawacmeen qaraxaasi oo ay sababtay miino ku qaraxday gudaha saldhigga booliiska Baledweyne. Sida ay VOA u sheegeen mas’uuliyiin goobta gaartay oo codsaday inaan magacooda la sheegin, waxaa dadka ku dhintay qaraxa ka mid ah Duqqii degmada Feerfeer ee Soomaaliya Khaliif Garaad Rooble iyo gabar ciidanka booliska ka mid ahayd. Waxaa sidoo kale la sheegayaa in ay qaraxaas ku dhaawacmeen dad uu ka mid…

Read More

Waxaa si rasmi ah magaalada Gaalkacyo uga furmay Gaalkacyo Peace Book Fair. “Bandhig nabadeedka Buugaagta Gaalkacyo”, Bandhigan waxaa martigelisay Madasha Dhallinyarada Is -dhexgalka Bulshada Gaalkacyo,waxaana gacan dhaqaale ku bixiyay Interpeace iyo PDRC. Bandhigga waxaa ka soo qaybgalay dad badan oo bulshada magac ku leh. Sidoo kale waxaa lagu soo bandhigay Buugaag si loo dhiiri geliyo akhriska.

Read More

Go’aanka Maxkamadda Qaramada Midoobay (ICJ) ee ku aadanaa muranka Badda ee u dhexeeyey Somaaliya iyo Kenya. Dacwadda Kenya: Inuu jiro heshiis iyo is afgarad ka dhexeeya Soomaliya iyo Kenya.In Xariiqda si toosan (Parallel) looga jiido Raaskambooni Soomaaliya: Ma jiro wax heshiis ah oo Kenya Nagaland dhexeeyaWaa in Xariiqda loo weeciyaa si waafaqsan halka dhulku ku dhaamdo, lana raaciyo dhererka dhererka balaca (Equidistant) ah sida sharciga Aduunku qabo. Maxkamadda ICJ oo adeegsanaysa: Sharciga Badaha Aduunka (Convention of the Law of the Seas) ee loo yaqaan UNCLOS oo la meel marine sanadkii 1982Khuburo Caalami ah oo booqatay halka Dacwaddu ka jirto Maxkamadda…

Read More

Cumar Cabdirashiid oo qoraal uu soo dhigay twitter-ka ku beeniyey hadalkii Shariif ee ahaa in uusan waxba ka ogayn heshiiska. Sh.Shariif oo xalay ka hadlay munaasabad ka dhacday Muqdisho, oo loogu dabaal-degayey go’aanka ay Maxkamadda ICJ ka gaartay kiiska badda,ayaa sheegay inaanu la socon heshiiska,islamarkaana Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu u sheegay qorshaha safarka subaxii uu u aadayey Nairobi. Balse Cumar wuxuu shaaca ka qaaday inuu wax ka ogaa heshiiska Sh.Shariif. “Madaxweyne Shiikh Shariif qeyb,ayuu ka ahaa hanaanka go’aanka looga gaaray in la teegeero heshiiska MOU ee hadda farqiga ka sameeyey kiiskeena. Halista ay leedahay in la inkiro, waa inay furi karto waddo…

Read More

Ayada oo Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) ay shalay xukuntay kiiskii baddan ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa noo suurto-gashay inaan waraysano Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Sharmarke oo xilligii uu jagada hayey soo shaac-baxay muranka badda ee Soomaaliya iyo Kenya. Xukuumaddii Cumar Cabdirashiid ayaa Is-fahamka caanka noqday ee Memorandum of Understanding la gashay dawladda Kenya kaasi oo ku saabsanaa badda Soomaaliya. Halkan ka dhagayso

Read More

Odowaa waxuu tagay Dhuusamareeb shalay. Tagidiisa kadib waxuu la hadlay Sh.Shaakir oo ku yiri… “Gaariga Beebaha ah igu soo wareeji,kaasaan ubaahanahay,” Sh.Shaakir dhankiisa waxuu ugu jawaabay… “Rag baa meesha ku dhintay adiguna Gaari,ayaad ka hadlaysaa ee hadaad xal kale hayso keen”. Kadib Odowaa waxuu uyeeray Mascuud Ninka xukumay Ciidamadii Ahlusuna lagala wareegay ee hada Fadaraalka udiwaangashan. Odowaa waxuu usheegay Mascuud in laga rabo in uu soo Fayliyo 2000 oo Askari oo uu Mushahaar ku qaadan jiray,kuwaasoo Ahlusunna ka mid ahaan jiray. Sida muuqada Mascuud mahayo xataa 200 oo heegan ah iyo Qalabkooda. Dhuusamareeb xaalkeedu ma sahlana. Jibril Qoobey.

Read More

“Statement by H.E. Hon. Uhuru Kenyatta, CGH, President of the Republic of Kenya and Commander in Chief of the Defence Forces on the International Court of Justice judgement in Maritime Delimitation Case” Hanjabaadiisa iyo diidmadiisa go’aanka Maxkamada waa hab uu ku mashquulinayo Shacabkiisa. Uhuru siyaasiyan gudaha Kenya Dhulkuu yaalaa, mana jeclaysan in go’aanka Maxkamadu kusoo aado mudo xileedkiisa. Dhanka kale caalamka waxaa looga arkaa Nin isagoo Maxkamad Caalami ah haysato Madaxweyne noqday,hadana la saaray Maxkamadaas,isagoo Madaxweyne ah,isla markaana haatan xilku ka dhamaanayo isagoo la diriraya Maxkamada Cadaalada Aduunka. Waa muuqaal taariikheed foolxun oo lagu xasuusan doono Uhuru,kuna ah Kenya sumcad…

Read More

Go’aanka ICJ Soomaaliya maxuu uga dhiganyahay? Soomaaliya waxay u tahay guul taariikhi ah go’aanka Maxkamadda ay gaartay maanta. Codsiyada Soomaaliya ee Maxkamadda ay u gudbisay inta badan waa la aqbalay, halka la diiday kuwa Kenya badankood, waxaa kamid ahaa codsiyada Soomaaliya. In si dhamaystiran loo kala xadeeyo Xadka Kenya iyo Soomaaliya, taas oo ay Maxkamadda aqbashay, una xadeysay si dhameystiran.In la cadeeyo halka dhulka uu ku dhamaanayo ee laga qaadayo Cabirka, taas oo ay Maxkamadda aqbashay, go’aamisayna in PB-29 ay tahay halka laga qaadayo cabirka.Soomaaliya waxa ay codsatay in cabirka badda loo raaco xariiqa loo yaqaano equidistance line kaas oo…

Read More

HAMBALYO UMMADA SOOMAALIYEED Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash “Waxaan Rabbi mahadiis ah go’aanka taariikhiga ah ee guusha u wada ah dhammaan ummada Soomaaliyeed, anoo ku hadlaya magacayga, kan Dowladda iyo kan Shacabka Puntland waxaan boggaadinaya go’aanka ka soo baxay Maxkamadda Adduunka ee ICJ. Badda, Berriga iyo Hawada Soomaaliya illaalinteeda iyo sugiddeedu waa waajib lama taabtaan ah oo ay tahay inay wada illaashadaan Soomaali oo idil, ka Puntland ahaanna markasta waa aragti aan u taaganahay. Waa dharaar farxadeed maalinta xuska Calankeenna iyo go’aanka muddada soo socday ee ka soo baxay ICJ waa dhacdo…

Read More

Kenya ayaa maanta sheegtay inay diiday sharciyadda ay Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) u haysato inay qaado kiiskan, waxayna sheegtay inay ka baxday maxkamadda. “Ka sokow inay ka baxeyso ka qeyb-galkeeda kiiskan, Kenya waxay sidoo kale kula biireysa dalal kale oo xubno ka ah QM kala noqoshada aqoonsiga sharciyadda qasabka ah ee Maxkamadda,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa sidoo kale sheegtay in Kenya aysan aqoonsan doonin xukun kasta oo kasoo baxa Maxkamadda. Qoraalka ayey sidoo kale Kenya kaga cabatay in Maxkamadda ay dhinac u janjeerto, islamarkaana aysna ku habooneyn inay xaliso…

Read More

Doorashooyinka Soomaaliya ayaa u muuqda kuwa dib uga sii dhacaya wakhtigii loogu talagalay ee ku qornaa jadwalkii horay loo soo saaray, iyadoo sidoo kalana uu jiro khilaaf aan weli xal loo helin oo u dhexeeya madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iul Wasaare Maxamed Xuseyn Rooble. Tobanka bishan,ayuu qorshuhu ahaa in la qabto doorashada Madaxweynaha, laakiin waxaanba weli la billaabin doorashadii golaha shacabka ee Baarlamaanka. Bulshada rayidka ah iyo aqoonyahanka ayaase walaac ka muujinaya xaaladda hadda uu dalku wajahayo.

Read More

Fiqi waa iskaga dagay Doontii Qoor-qoor er sii quusaysay. Si cad,ayuu iskaga diiday in uu qayb ka noqdo dagaal sokeeye oo ka dhex qarxa Habargidir. Arinka Fiqi isku casilay Wasiiro kale,ayay ubadan tahay in ay saamayso oo ay Xukuumada Qoor-qoor iskaga baxaan. Fiqi Mudug,ayaa tabi doonta doorkiisii wada shaqaynta labada dhinac ee Puntland iyo Galmudug. Hadii Fiqi ka tagay la shaqaynta Qoor-qoor Puntlsnd,waxaa la gydboon in ay dib uga degto. Jibril Qoobey.

Read More

Guriceel Caawa,waxaa ka jira Xiisad lagu sheegay in Ciidan Qoor-qoor ka amar qaata kusoo wajahan yihiin. Ciidamada Ahlusunna,ayaa si weyn udiyaar garoobay,iyadoo heegan sare la galiyay. Qoor-qoor Waxgarad usoo jeediyay in uu wada hadal la furo Ahlusunna,ayuu ku gacansayray,waxuuna shuruud ka dhigay in marka hore ay ka baxaan Guriceel kuna soo celiyaan gacantiisa.

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa maanta ku dhowaaqay gole wasaaradeed oo cusub oo ka kooban 22 xubnood, isaga oo kusoo daray xubno mucaarad ah. Wasiirada ayaa waxaa ku jira Demeke Makonen oo sii haynaya jagadii ahayd Ra’iisul Wasaare ku xigeen iyo wasiirka arrimaha dibedda. Sidoo kale waxaa jagadiisii wasiirka maaliyadda dib loogu magacaabay Axmed Shide. Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa jagooyin u magacaabay laba xubnood oo kasoo jeeda mucaaradka, sidoo kale waxa uu wasiirka gaashaanhdigga ka dhigay siyaasiga Abraham Belay oo kasoo jeeda Gobolka Tigray. Hoos ka aqriso liiska Golaha Wasiirada 1. Demeke Mekonnen Hassen – Ra’iisul Wasaare ku-xigeen iyo…

Read More

Maxkamadda racfaanka ee Puntland ayaa ayidday go’aan hore loogu riday siddeed qof oo horey maxkamad milatari ugu xukuntay dil toogasho kadib markii lagu helay inay ka tirsan ururka Al-Shabaab. 8-Dhalinyaro ah,ayay Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Puntland horay ugu xukuntay Dil,balse Racfaan ayay ka qaateen. Puntland waxay horay Dil ugu fulisay 18-kamid ah argagixisada Alshabaab oo Dad fara badan oo gaaraya 90-Qof ku laayay Gaalkacyo. Talaabadan Maxkamada Racfaanku ku ayiday Xukunkii hore ee Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Dilka ahaa,ayay soo dhaweeyeen Bulshada Puntland. Todobaadkii lasoo dhaafay ayay Maxkamadaynta Xubnahan dib uga bilaabatay Gaalkacyo xarunta Gobolka Mudug.

Read More

Facebook, iyo baraha kale ee shirkadaas ay leedahay ee Instagram, WhatsApp iyo Messenger ayaa hawada ka wada maqan ayada oo balaayiin qof oo adeegsan jiray ay dareemayaan saameynteeda. Ciladdan ayaa billaabatay muddo hadda ku dhow laba saac kahor, welina waa ay socotaa, waxayna saameysay caalamka oo dhan “Waxaan ka war haynaa in qaar ka mid ah dadka ay dhibaato ku qabaan inay galaan baraheena,” waxaa sidaas yiri afhayeen u hadlay facebook Andy Stone oo qoraal soo dhigay barta twitter-ka. Dadka isku dayaya inay galaan facebook ayaa waxaa ka hor-imanaya farriin dhaheysa “Waxbaa qaldan. Waan ka shaqeyneynaa, waana xalin doonnaa, sida…

Read More

Qabqabashada dadka kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya ee magaalada Laascaanood ayaa socota maalintii saddexaad inkastoo xawliga ay ku socoto uu gaabis yahay marka loo eego labadii maalmood ee lasoo dhaafay. Mas’uuliyiinta amniga Somaliland oo la hadlay warbaahinta dawladda Somaliland ayaa iyagana difaacay tallaabooyinka ay qaadayeen oo dhaliyey cambeeryn xooggan. dhanka kale waxgaradka Gobolka Sool oo shir ku yeeshay Laascaanood saakay,ayaa iska fogeeyay in ay talo ku leeyihiin raafka lagu hayo Dadka reer Koonfurka ah,inakstoo dad badan oo Somalida kale ah dhaliileen sida ay uhadleen odoyaashaas. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Baarlamanka maamulka HirShabeelle ayaa soo dhameystiray doorashada Aqalka Sare, ayada oo caawa la doortay labadii kursi ee ka harsaneyd sideedda kursi ee maamulka kasoo galaya. Labada Senator ee caawa la doortay ayaa kala ah; Cali Shacbaan Ibraahim, iyo Zamzam Cabdullaahi. Cali Shacbaan oo ku guuleystay kursiga 7-aad ayaa wareeggii saddexaad ka adkaaday Cabdulqaadir Xanafi Sheekh Bashiir, isaga oo helaya 62 cod, halka Cabdulqaadir Xanafi uu helay 24 cod. Kursiga ay ku guuleysatay Zamzam Cabdullaahi ayaa waxaa horey ugu fadhisay oo ay ka adkaatay Senator Naciimo Ibraahim. Zamzam ayaa heshay 77 cod, halka Naciima ay ka heshay 8 cod. Maamul goboleedka…

Read More

Urur Siyaasadeedka Mideeye,ayaa Maanta isu soo bax balaaran oo qayb ka ah Olalaha Doorashada 3-Degmo ee hordhaca u ah Doorashada Golayaasha Deegaanka Puntland kusoo bandhigay Cudud xoog leh. Degmooyinka Ufeyn,Qardho iyo Eyl ayay taageerayaasha Ururku kusoo bandhigeen cududooda. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

U.S. Air Force aircraft take off from Kabul airport, Monday, August 30, as the US’ two-decadeslong presence in Afghanistan comes to an end. 👉 The last planes left the Kabul airport at 3:29 p.m. EST, one minute before midnight in Kabul, said Gen. Frank McKenzie, head of U.S. Central Command. A senior Taliban official told VOA, “All foreign occupation forces withdrew from the country moments ago.” Word of the final U.S. flights came even as the White House and the Pentagon promised they would continue to help evacuate Americans and vulnerable Afghans from Kabul up until “the very end,” describing…

Read More

Dagaal-yahanada kooxda Al-Shabaab ayaa maanta dib u qabsaday deegaano dhowr ah oo ka mid ah gobolka Mudug, oo ay ka mid yihiin Bacaadweyne iyo Camaara. Al-Shabaab ay qabsashadan u suurta-gashay kadib markii deegaanadaas ay ka baxeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa daraawiishta Galmudug. Dadka deegaanka ayaa sheegaya in halkaas ay hadda ku sugan yihiin maleeshiyo badan oo aad u hubeysan oo kooxdan ka tirsan. Al-Shabaab ayaa war ay soo saartay ku sheegatay in deeganada ay qabsadeen aysan ku koobneyn oo kaliya Bacaadweyne iyo Camaara, balse ay sidoo kale la wareegeen gacan ku haynta deegaanada Qaycad, Shabeellow, Sabeena, Gowraca, Gaadaay iyo…

Read More

Jaaliyadda Puntland ee gobolka Ohio ee cariga Maraykanka ayaa qabtay munaasabad lagu maamuusayay 23 guuradii ka soo wareegtay aasaaskii dowladda Puntland ee Soomaaliyeed Waxaa ka soo qeybgalay qeybaha kala duwan ee Bulshada iyada oo fankuna kaalin muuqata ka ciyaarayay. Inta Baddan dadkii ka hadlay ayaa siyaabo kala duwan uga sheekeeyay marxaladihii ay Puntland soo martay iyo Halka ay manta joogto. Qurba joogta ayaa isku booriyay in dalka dib loogu laabto lana sameeyo maal gashi dhan walba ah. Ganacsato dhawaan booqatay Puntland ayaa ka sheekeeyay isbadalka jira iyo halka ay tahay in la gaaro. Bulsho walba waxaa laf dhabar u ah Nabadda…

Read More

Waa la filayay in Cabdikariin Guuleed soo dhawaynayo Shirka Wadatashiga Qaran iyo waxa kasoo baxa. Cabdikariin waxuu aad iskugu halaynayaa Rooble in uu kala shaqeeyo hankiisa Madaxweyne. Sida aan xogta ku helay Rooble waa ka dhab u olalaynta Cabdikariin,warkaas Xantiisana aadbay suuqa ugu jirtay Todobaadyadii lasoo dhaafay. Midowga Musharaxiintu isku dan mahan,waxaana la joogaa xiligii ay kala xiriir furan lahaayeen. Jibril Qoobey.

Read More

Xalay kulan aad udheeraa oo saacado badan qaatay,waxaa ku kulmay Wasiirka Maaliyada Puntland Xasan Shire Abgaal iyo Rw hore Khayre. Kulanka,ayaa ka dhacay Hotelka Khayre ka degan yahay Muqdisho,iyadoo Abgaal ugu tagay Hotelkiisa. Sida aan xogta ku helay Xasan Wakiil kama ahayn Puntland mana jirin qorshe Dowladu ku ogayd oo uu Khayre kula kulmay. Balse waxaa horay suuqa ugu jirtay in Xasan uyahay Khayre Olaleeyihiisa Puntland uqaabilsan. Lama oga in Madaxtooyada Puntland kulankaas ka hadli doonto iyo in kale. Kaliya waxay Dadku fahansan yihiin in Xasan yahay Wasiir ka mid ah Golaha Wasiirada Puntland oo uusan ahayn Qof iska caadiya.…

Read More

Doorashadu waxay ubadan tahay in ay dib udhacdo ilaa 8-bilood oo danbe,markay ugu soo horaysana ay qabsoonto Sanadka cusub Bishiisa Afraad ama 6-aad. Rooble wax deg-deg ah kuma jiraan oo waxuu danaynayaa in mudo xileedkiisu sii jiro. Madaxweyne Deni wax deg-deg Doorasho ah kuma jiraan oo waxuu qorshaystay in uu buuxsado 4-sano ka hor intuusan isku sharixin Fadaraalka. Qoor-qoor wax deg-deg ah kuma jiraan,waxuuna ku dooodayaa in dagaal argagixiso la dirir ah uu ku jiro. Guudlaawe deg-deg kuma jiro,waxuuna ku mashquulsan yahay xaalada Beledweyne. Axmed Madoobe iyo Laftagareen,sidoo kale dood kama qabaan dib udhaca la saadaalinayo. Jibril Qoobey.

Read More