Author: Jibril Qoobey.

Abiy in uu salaamo xataa ma’ahayn,iyadoon Sadex arimood la samayn….. 1.In Saldhigii Milleteri meesha laga saaro. 2.In isfahankii loo badalo Ganacsi. 3.In uu Abiy ka laabto MoU oo bixiyo raaligelin. Hada,waxaa dhaboobay hadalkii Abiy ee ahaa Badda,waxaan ku gaarayaa xoog ama xeelad. Abiy,waa ka adkaaday Xasan Shiikh Sanad iyo Bar kadib,waana karbaashay oo isagoo dulaysan,ayuu isa soo hor fariisiyay. Waxa iswaydiinta mudan waxay tahay… Xasan isbahdilida uu isbahdilay muxuu ka faa’idayaa xiligan? Haduuba Abiy hor fariisanayo oo utanaasulayo mar hore in uu sameeyo ayay ahayd oo uusan la daahin si uu uxakameeyo taageerada Itoobiya ay siinayso JL. Itoobiya,waxay JL siisay…

Read More

Si dhamaystiran,ayaa loo sugay guud ahaan Raaskanbooni iyo Aageeda. Maleeshiyadii ku go’doonsanayd Garoonka iyo Magaalada Buur udhaxaysa,waxaa loo furay Wado ay ku baxaan,waxayna galeen Kenya. Tirada la xaqiijiyay ee Kenya isku dhiibtay ilaa iyo hada,waa 650-Maleeshiyada Xamar laga keenay ah. 60-kale ilaa Saakay ayay si habqan ah isku soo dhiibtay. Maleeshiyada Xamar laga keenay iyo kuwii ugoostay,waxay isku ahaayeen 1250 marka laga jaro 650-ka Kenya xaqiijisay in ay usoo galeen inta hartay,waxay noqdeen,wax dhintay,wax dhaawacmay iyo wax Ciidanka JL isku dhiibay. Sidoo kale,waxay Ciidanka JL Gacanta ku dhigeen Rasaas iyo Saad fara badan oo ay uga carareen Taliskoodii. Waxaa kaloo…

Read More

Xasan Shiikh hadalkiisu,waa mid caadiya oo aysan ku jirin wax cusub oo xiiso leh.. “Itoobiya,waxaan nahay Walaalo waxa ay ku kala duwan yihiin ay ka badan tahay,waxay ka midaysan yihiin”Ayuu yiri Xasan. Sidoo kale,waxa uu Xasan ka Mahadceliyay Ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah hawlgalka Midowga Afrika oo uu ku tilmamay kuwo Dhiiga ushubay xasiloonida Somaliya. Waxa uu kaloo dul istaagay in Gobolka Geeska Afrika yahay fawdo aan ubaahnayn xasarado cusub oo ay tahay in Labadayada Wadan aan wada Shaqayno kana wada faa’idaysano fuemrsadaha aan haysano. Abiy marka laga soo tago Mahacelinta Erdogan,waxa uu xusay in Somaliya iyo Itoobiya yihiin…

Read More

Marka la fasiro hab Dhaqanka muuqda ee Erdogan,waa bahdilay MW Somaliya,wuxuuna ula dhaqmay si hoose oo yasmo ah,isla markaana,wuxuu karaamayn weyn umuujiyay RW Itoobiya. Maanta ma ahayn in uu Abiy la kulmo oo cadaadiska Erdogan yeelo Xasan ee waxay ahayd in uu ka war wareego kulanka Turkiga. Sidaanoo kale MW Cabdullaahi Yuusuf ayay ku dhacday oo Kenya,ayaa ula timid markii la doortay in uu heshiis kala gaaro khilaafkii Bada,balse,waa ka cudurdaartay oo hadal gar noqday,ayuu ku yiri oo ahaa….. “Anigu ma hogaamiyo Dowlad rasmi ah ee waxaan ahay Dowlad Kumeel gaar ah marka ma geli karo heshiiskaas ee aan gaarno…

Read More

Somaliya Shirka ? Shirkan,wax qiimo ah uma lahayn Somalida,waxa kaliya ee la oran karo,waa ku jireen ee loo hakan karo,waa… B.In Itoobiya xiriirkeeda la caadiyeeyo,taasoo keenaysa in Labada dhinac aysan si cad iskugu xadgudbin,waxayna xakamaynaysa Itoobiya in aysan isfahankii SL ay la gashay ubadalin heshiis rasmi ah. Xasan Shiikh iyo Shirka? Maanta Laba Dharbaaxo oo Taariikhiya,ayaa ku dhacay Xasan…. 1.Siyaasada Dibada,waxaa kasoo gaaray dhaawac weyn,kadib markii uu hor fariistay Abiy shuruud la’aan. 2.Siyaasada Gudaha,waxaa kasoo gaaray jab weyn kadib dagaalka Raaskanbooni ee looga adkaaday Ciidankiisa. Erdogan iyo Abiy? Waa heshiis ka badin waa ah,waxaana ka faa’iiday… B.Abiy,waa loo hiiliyay,waana loo…

Read More

1.MW Erdogan oo ka hadlayay madasha shirka jaraa’id ayaa sheegay in ay ka filayaan labada dhinacba in ay heshiiska ixtiraaman oo ay qadariyaan, wuxuu ka mahadceliyey in la heshiiyey, sida uu ka sheegay madasha. 2. MW Erdogan ayaa si cad u sheegay in uu ka rajeynayo Madaxweyne Xassan Sheekh in uu Itoobiya ka caawiyo, doonisteeda ah sidii ay bad u heli lahayd. 3.Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa sheegay in kheyraadka ay kala haystaan 2da dhinac uu ka badan yahay oo la wadaagi karro, wuxuuna sheegay in ciidanka Itoobiya, ay dadaal badan galiyeen Nabadda Soomaaliya uuna ka mahadcelinayo. 4.MW Xassan Sheekh wuxuu…

Read More

“Erdogan says he hopes Somalia will take steps after this meeting to provide sea access to Ethiopia”. Waxaa cajiiba oo aan fasiraad loo hayn hadalka kasoo yeeray Erdogan ee ah inuu Somaliya karajaynayo in ay qaado talaabooyin suurta galinaya sidii Itoobiya ku gaari lahayd Bada. Waxaa halkaas nooga cad Ethopia inaysan Tanaasulin. Sida Ilo xog ogaal ah xaqiijinayaan Xasan iyo Abiy ka fool ka fool ayay ukulmeen,iyadoo uu la joogo Erdogan ka hor intaan Saxaafada la hor imaan. Shirkaas Somaliya,ayaa lagu Shirqoolay oo ugu yaraan Xasan maslaxad shaqsiya,ayuu ka qaatay qadiyadii Somaliya. Erdogan hadalka kasoo yeeray ayay wax kasta ku…

Read More

Maleeshiyaadkii Xamar laga soo daabulay oo isku dhiibay Dowlada Kenya oo ay soo bandhigtay Qaybta la dagaallanka argagixisada ee Kenya. Waxaa lagu qiyaasaa in ay dhan yihiin ilaa Dhowr Boqol Maleeshiyaadka ka gudbay Xuduuda kadib jabkii ka raacay Maanta Dagaalkii Raaskanbooni. Waa nasiibdaro Xasan sababay in Wiilal Somaliyaboo islaynaya ay magangalaan Shisheeye. Wax lagu farxo mahan,waase lagu khasbanaa in la badbaadiyo Dastuurada iyo Qaranimada Somaliyed. JL,way badbaaday. Somaliya way badbaaday. JQ.

Read More

Si buuxda ayay JL umaamulaysaa Magaalada Raaskanbooni. Fanax oo ahaa Talyihii Maleeshiyada Xamar laga keenay,isagoo dhaawac ah oo ay weheliyaan ku dhawaad 80-Nin oo la qabtay,waxaa la keenayaa Kismaayo. Maleeshiyo ku dhiw 300 oo kuwa Xamar laga keenay ahna,waxay isku dhiibeen Ciidanka Kenya ee Xuduuda. Ku dhawaad ilaa 300 oo kale,waa lagu hareeraysan yahay,waxayna ku jiraan Talis ay lahaayeen, waxaa socda wada hadal ah in ay si Nabad ah isku dhiibaan oo ay wadaan Odoyaal Nayrobi jooga oo Maamulka lasoo xiriiray. Ciraaqi Ninkii lagu Magacaabi jiray oo aan lahayn meel uu jaan iyo cirib dhigay oo xataa Maleeshiyada Xamar aysan…

Read More

MadaxweyneSh.Shariif,RW Khayre iyi Cabdiraxmaan Cabdishakuur,ayaa Woraal Wadajir ah kasoo saaray dagaalka Raaskanbooni. “Waxaan ku baaqaynaa in degdeg loo joojiyo dagaalka, khilaafkana miiska wada hadalka lagu xalliyo, lagana heshiiyo doorasho aan shaatigeeda cid gaar ah u tolnayn”Ayay yiraahdeen Sadexda Oday. Waxay ksloo yiraahdeen..“ Waa ayan-darro aad u weyn in Madaxweyne Xasan Shiikh ku adkaysto in uu khilaafka isaga iyo Axmed Madoobe ku xalliyo awood Ciidan iyo dagaal dhiig ku daato”. Halkan ka akhriso:-

Read More

Ciidanka JL,waxay Gacanta ku dhigeen… 1. Garoonka Diyaaradaha Raaskanbooni. 2.Fariisinkii Odoow. 3.Fariisinkii Ciidamada Kenya ay ka baxeen ee ay joogeen Maleeshiyada Xasan. Waxay hataan Xabadu ka socotaa Taliskii Maleeshiyada Xasan ee Xamar laga keenay. Waxaa Gacanta lagu dhigay Saraakiishii wadatay Ciidanka Xasan oo kala ah…. 1.Talyihii Haramcad Fanax. 2.Cali Gardhuub. Saadaasha Dagaalka,waa in Duhurkii ugu danbayn lasoo afjaro firxadka Maleeshiyada Xasan. Khasaaraha Ciidamada JL ee difaacaya Dastuurada Sharciga ah,waa…… 1.Sadex Dhimasho ah. 2.Todobo Dhaawac ah. Guul Dastuurka Jubaland. Guul Dastuurka Fadaraalka. Guul Badbaadinta Qaranimada. Daawo Maleeshiyada isdhiibtay ee Xasan

Read More

Dacaayad raqiis ah oo aan waxba ka jirin aadna uhoosaysa,ayay soo tuurtay Maamulka fashilmay ee Xasan Shiikh. Dagaalka,waxaa soo qaaday Maleeshiyaadka Xasan ee Muqdisho laga keenay,waxayna ku bilaabeen Diyaarad Drons ah oo ay markii hore Sahanka u isticmaalayeen. Waxa iska caabiyay ee jabiyay,waa Ciidanka Dowlada JL ee Xubinta ka ah DFS. Argagixisada hadii Garab ku xiran yahay ama xiriir lala yeelan karo,waa dhanka DFS oo xogaha la helayo ay sheegayaan in Lacag dhan Hal Milyan oo Dolar ah iyo Rasaas ay ugudbisay argagixisada. JL waxay ku sugan tahay Xuduudeeda Sharci,waxayna Difaacanaysaa Dastuurkeeda. Somalida JL iyo tan Guud ee Jamhuuriyada,waxay Qalbiyan…

Read More

80% Raaskanbooni iyo Aageeda,waxaa Gacanta ku dhigay Ciidamada JL. Maleeshiyada Xamar laga keenay,waxay hada Madaafiic kasoo ridayaan hareeraha Magaalada. Ilaa Sadex fariisin oo ay joogeen,waa laga saaray oo waa laga qabsaday. 80-Askari oo Maleeshiyada Xamar ah,ayaa isa soo dhiibay. Gudoomiyihii hore ee Raaskanbooni iyo Maleeshiyaad uu wato,waxay ugaleen Kenya oo Xuduuday ka talaabeen. Saacadaha soo socda 100% ayay JL Gacanta ugu dhigaysaa Raaskanbooni iyo Aageeda. Dagaalka,waxaa soo qaaday oo Gacanta ku horeeyay DFS,waxayna adeegsatay Drons-kii Turkigu bixiyay. Waa talaabo muujinaysa hadii Xasan haysan lahaa awood intaas ka balaaran in uu isticmaali lahaa sidii 1988-dii iyo Dowladii Milleteriga. BC in ay…

Read More

Maxamed Al-Bashiir,ayaa loo Magacaabay ku-simaha ra’iisul wasaaraha Siiriya. Al-Bashiir,ayaa Madax ka ahaa Maamulka Xayaat Taxriir al-Shaam ee Gobolka Idlib. Al-Bashiir,ayaa hogaamin doona Dowlad KMG ah ilaa 1-da March, 2025. Magacaabistiisa kadib Al-Bashiir,waxa uu la kulmay Xubno ka tirsan Xukuumadii al-Assad. Afhayeenka Arimaha Dibada ee Maraykanka,ayaa sheegay in aysan si gaar ah u aqoonsanayn Jamhada Xayaat Taxriir,balse ay Siiriya u aqoonsan yihiin Dowlad. Wuxuu kaloo Afhayeenku taabtay in Maraykanku la soconayo sida ay ufuliyaan balamihii ay qaadeen Jamhadaha galay Dimishiq. JQ.

Read More

Isbadalka ka dhacay Dimishiq,waxaa faa’idada ugu weyn helay Israa’iil… 1.Talis loolan kula jiray oo wood lahaa oo meesha ka baxay. 2.Awoodihii Shiicada ee khatarta ku ahaa ee Iran taageeraysay oo soo afjarmay. Sidoo kale,waxaa iyaguna Shaqadii ay qabanayeen ku guulaystay Turkiga iyo Qatar. Waxaa ku khasaaray isbadalka Dimishiq Wadamada kala ah…. B.Ruushka. T.IRAN. Labadan Dal,ayaa lumiyay SXB muhiim u ahaa iyo saamayntoodii Gobolka,isla markaana ay muuqatay sida loo diciifiyay.

Read More

Israa’iil, waxay fulisay 48-dii Saac ee lasoo dhaafay weeraradii ugu balaarnaa Taariikhdeeda,kuwaasoo gaaraya 500. Bartilmaameedka garaacista Israa’iil oo gudaha Siiriya ku wajahnaa,ayay ku ekaysiisay Sadex Garoon Diyaaradeed iyo Laba Saldhig Badeed oo Ciidamada Siiriya ay leeyihiin. Waxay ku burburisay Diyaaradihii dagaalka,Maraakiibtii dagaalka,Hubkii Kiimikada iyo Hubkii Kale ee cuslaa. Ujeedka Israa’iil,ayaa ah in Hubkaas iyo Xarumaha aysan Gacanta ugalin Jamhadaha talada la wareegay,islamarkaana ay naafayso Cududa Milleteri ee Siiriya. Israa’iil,waxay gudaha ugashay Xuduuda Siiriya,iyadoo ujirta Caasimada Dimishiq 35-km,waxayna ka gudubtay Dhulkii lagu heshiiyay kadib dagaalkii 1973-dii in Ciidamada uu ka Caaganaado oo QM ay ilaaliso,iyadoo marmarsiiyo ka dhigatay in heshiiskaas burburay…

Read More

Safiirka UK qoraalka uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka,waxa uu si cad u khilaafsan yahay,warbixinta la soo dhigay barta FB ee XRW (OPM). Safiirku,wuxuu Qoraalkiisa ku sheegay in UK taageerayso Guud ahaan Somaliya Qorshe Wadar-ogol ah oo ku dhisan xasilooni iyo Midnimo. Si gaar ah xaalka JL,ayuu Safiirku dul istaagay oo sheegay in loo baahan yahay Xal Nabdoon oo lagu maareeyo. Hadalka Safiirka,ayaa udhigma in UK aysan ku raacsanayn DFS qorshaheeda abuuray xasiloonidarada ee JL. Xaafiiska RW,waxay ku tahay Tani ceeb iyo fashil. JQ.

Read More

Garowe: 10 December 2024: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyas Osman Lugatoor, ayaa galabta furay tartanka koobka kubadda cagta Gobolada Puntland oo ah kii 10-aad ee la qabto, oo sanadka ay martigelinayso caasimadda Garoowe. Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland ayaa muujiyey muhiimadda ay Dowladdu siisay in joogto loo qabto tartanka Ciyaaraha Gobolada Puntland, maadaama ciyaaruhu ay ka qeyb-qaataan nabadgelyada, isdhexgalka bulshada iyo horumarka, wuxuuna boggaadiyay doorkooda saliim ka ah ee qabsoomidda koobka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Xiriirka kubadda cagta, Gobolada , Shirkadda Isgaarsiinta Golis Telecom oo maalgelisey Koobka, Ciyaartooyda iyo dhammaan taageerayaasha. -DHAMMAAD- -XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADA PUNTLAND-

Read More

Safiirka UK ee Somaliya oo kulan gaar ah la qaatay Xamse.,ayaa ugudbiyay dareenka Wadankiisa ee ku aadan xaalka JL. “Deganaanshaha iyo Xasiloonidu,waa furaha Mustaqbalka Somaliya,waxaana loo baahan yahay in xal Nabadeed loo helo xaalka JL”Ayuu yiri Safiirka UK ee Somaliya. Kulankan,waxa uu daba socdaa kii Xalay ee ay Wadajir Safiirada BC ugu sheegeen Xasan in aysan ku raacsnayn xaalka JL in lagu wajaho xoog. Safiirka,ayaa qoraal usoo dhigay bartiisa Twitter-ka,waxa uu kusoo afmeeray .. “#GoFarGoTogether”Oo la macno ah haddii aad rabto inaad hore u socoto Wadar Ogalka waa in aad aqbashaa.

Read More

Si adag,ayuu uga hor yimid Safiirka Maraykanka ee Somaliya qorshaha Xasan Shiikh ee Jubaland. ‘Waa la soconaa oo waa daawanaynaa sida BC ee kale waxa ka socda JL,waxayna nagu leedahay dareen”Ayuu yiri Safiirka. Safiirka,ayaa erayo adag u adeegsaday diidmada in JL colaad laga huriyo oo waliba DFS ay khaladkaas gasho. Safiirku,waxa uu dul istaagay cida kaliya ee ka faa’idaysa dagaal ka dhaca JL in ay tahay Shabaab. “Waa khalad weyn in dib loo galo khaladkii la galay 2019’Ayuu yiri Safiirka Maraykanka ee Somaliya. Si guud BC,waa ku diiday Xasan colaada Raaskanbooni oo kulan Xalay dhacay,ayay si cad ugu sheegeen in…

Read More

Itoobiya oo ka faa’idaysanaysa khilaafka JL iyo Villa Somaliya,ayaa si deg-deg ah Hub iyo Saanad kale ugu daabushay Kismaayo. Waxaa la xaqiijiyay ugu yaraan Afar Diyaaradood oo Sida Hub noocyo kala duwan leh in Itoobiya Gacanta ugalisay Maamulka JL. Sidoo kale Itoobiya 4000-Askari ayay soo gelisay Gudaha Gobolka Gedo. Waxaa kaloo uqorshaysan Itoobiya in Kismaayo ay keento Ciidan cusub oo ilaa 2000-Askari ah. Dhamaan dhaqdhaqaaqa Itoobiya,waa mid aan hoos imaan Atmis,isla markaana looga helin idan DFS. Balse badalka midaas Itoobiya,waxay kula loolamaysaa Villa Somaliya dhaqdhaqaaqa ay ka wado JL. Mar walba oo khilaafka gudaha Somalidu sii xoogoobo,waxay dan utahay Dowladaha…

Read More

Galabta Sagaal Saac Bariga Afrika,ayuu aadayaa Xasan Shiikh Wadanka Turkiga. Turkiga,waxaa qorshaysan in uu kula kulmo RW Itoobiya Atto.Abiy. Saraakiisha Villa Somaliya,waxay leeyihiin kulanku ma dhacayo ilaa Abiy si cad uga laabto isfahankii uu la gaaray Muuse Biixi. Hadii Abiy ka laaban waayo isfahankaas,waxay kulamadu noqonayaan kuwo aan toos laysku soo hor fariisan oo loo kala dabqaado,sida ay leeyihiin Saraakiisha Gacanyaraha u ah Xasan. Kulankan,waa Laba mid…. 1.In Xasan guulaysto oo Abiy ka laabto si cad oo aan qarsoodi ahayn isfahankii Muuse Biixi. 2.In Xasan guuldaraysto oo Abiy la kulmo,isagoon ka laaban isfahankaas. Walwalka haldoorka Somaliyed ay qabaan,waa in Xasan…

Read More

Caawa Beesha Caalamka iyo Xasan,waa kala dhinteen. BC,waxay usheegtay in uu joojiyo dagaalka JL soona celiyo Ciidamada Raaskanbooni uu ka dajiyay. Balse,Xasan,waa ka diiday Safiiradii Beesha Caalamka,wuxuuna kusoo idlaaday kulankii fashil. Kala taga isaga iyo BC,waxay badbaado utahay Somaliya. Sida muuqata Albaab walba,waa kasoo xirmay Xasan.

Read More

Qof walba oo argti leh kama gudbi karo helida Qaran utaagan Sinjiga Somaliga ee Geeska Afrika,balse,waxaa hadana aan layska daawan karin arimahan taagan ee kala ah…. 1.Siyaasiga ku abtirsada USC oo Laba Qodob ka dhigtay Yool…. B.Ciilqab iyo waxtirsasho si walba oo USC unoqotay RW Maamulkii KMG ahaa ee Maxmiyada,MW Jamhuuriyadii ugu horaysay ee Somaliyed iyo Sadex Madaxweyne oo 91-dii kadib ah. T.Siyaasadii oo ay ufahmeen Siyaasiyiinta ku Abtirsada USC wax Dhaqaale laga sameeyo oo kaliya. 2.Beesha Direed oo taladeeda Siyaasadeed ay Gacanta ugashay Siyaasiga Beesha Isaaq kasoo jeeda,kaasoo ku qancay in uusan MW iyo RW ka noqon karin Wadanka,dantiisuna…

Read More

Wasiir Balcad in uu soo xasuusto ridistii Siyaad Bare ma xuma oo waa Taariikh lkn,waxaa iyaduna mudan in lasoo xasuusto hab Dhaqankii USC ee ka danbeeyay. USC,waxay ahayd in ay nidaamka ilaaliso oo sugto amniga Muwaadiniinta iyo Xarumaha Maamulka,balse waxay ku dhaqaaqday Bililiqaysiga Hantidii Danta Guud iyo tii gaar ahaaneed,isla markaana,waxay layn ku bilowday Shacabkii caadiga ahaa ee ku haybta ahaa hogaamiyihii Taliskii Milleteriga. Maamulka Balcad haatan ka yahay Wasiirka,waxa uu 34-Sano kadib Wadanka ku celiyay isla Dhaqankii USC ee 91-dii. Kooxaha la wareegay Dimishiq ilaa iyo hada ma muujin Dhaqankii USC oo waxay dhawreen Xarumihii Qaranka,Amnigii Muwaadiniinta,waxayna cafiyeen Ciidankii…

Read More

Netanyahu oo aad ufaraxsan,ayaa Shir jaraa’id ku qabtay Aagagii ay isku horfadhiyeen Ciidamada Israa’iil iyo kuwa Siiriya ee Xuduuda Labada Dal. 50-kii Sano ee udanbeeyay. “Waa Maalin Taariikhi u ah Bariga dhexe burburka Taliska Asad,waa fursad Dimishiq heshay, laakiin waxaa ku gadaaman khataro la taaban karo”.Ayuu yiri Netanyahu. Isagoo hadalkiisa sii wata,ayuu yiri “Waxaan u diraynaa Gacan Nabadeed dhammaan kuwa Xuduudka Siiriya ku jira,haday ahaan lahaayeen Druze, Kurdiyiinta, Masiixiyiinta, iyo Muslimiinta doonaya in ay nabad kula noolaadaan Israa’iil”. Ciidamada Israa’iil, ayaa si KMG ah ubuuxiyay Aagagii Xuduudka oo ay fadhiyeen Ciidamadii Siiriya ee burburay. Si gaar ah Netanyahu,waxay ugu tahay…

Read More

U.S. Central Command (CENTCOM) forces conducted dozens of precision airstrikes targeting known ISIS camps and operatives in central Syria, Dec. 8. The strikes against the ISIS leaders, operatives, and camps were conducted as part of the ongoing mission to disrupt, degrade, and defeat ISIS, in order to prevent the terrorist group from conducting external operations and to ensure that ISIS does not seek to take advantage of the current situation to reconstitute in central Syria. The operation struck over 75 targets using multiple U.S. Air Force assets, including B-52s, F-15s, and A-10s. Battle damage assessments are underway, and there are…

Read More

TV-ga Chanel 1 ee Ruushka oo soo Xiganaya Masuuliyiinta Madaxtooyada Ruushka,ayaa sheegay In Madaxweynihii Siiriya Bashaar Asad uu soo gaaray Magaalada Moscow . Madaxweynaha Xilka laga tuuray waxaa la socda Xaaskiisa iyo Xubno kale oo Qoyskiisa kamid ah . Masuuliyiinta Aqalka Kremnlin,ayaa sheegay in ay Madaxweyne Bashaar Asad Siiyeen magangelyo Siyaasadeed oo dhamaystiran . Warka ay shaacisay Madaxtooyada Ruushku wuxuu meesha ka saarayaa warar sheegayey in Bishaar uu ku dhintay Shil Diyaaradeed,kadib markii la waayey meel uu jaan iyo cirib dhigay . Bashaar Al-Asad,ayaa dhankiisa xaqiijiyay in uu nool yahay waxa uuna yiri….. “Waxaan Joogaa Ruushka, Xukunkiina waan wareejiyey. Waxaan…

Read More

Hoggaamiyaha Mucaaradka Talada Suuriya la wareegey,oo la hadlay dadweynaha Suuriya ayaa sidan yiri . “Alle ayaa mahad leh, dalku waa innaga dhexeeyaa waana lama taabtaan, wax walba waa inay sidoodii ahaadaan, waxa inoo bilaabanaysa Suuriya cusub oo ku dhisan caddaalad, xorriyad iyo rabitaanka shacabka . Booliiska,ayaa ammaanka guud sugaya, amarka guudna waxa leh Raysal wasaaraha, Maxamed Al-Jalali ilaa amar dambe . Boob,dhac iyo fowdo annagu uma iman,Waxaanu ku nimid dalabkiina,inaan dalkeena dhisano,Dawlad iyo kala dambayn.

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Siiriya,ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in uu la shaqeeyo Dowladda KMG ah. Bariga Dhexe,waxaa harsan Wadaada xagjiriinta ah ee Iran haysta in laga hor leexiyo Shacabka. Sidoo kale Boqortooyooyinka Khaliijka ee Qoysasku iska dhaxlaan in lasoo afjaro oo lagu khasbo in ay Dimuqraadiyad uguuraan oo furaabln Xisbiyo,isla markaana qabtaan Doorashooyin hufan. Danaha R.Galbeedka xataa sidaas,ayaa ufiican oo ay ku ilaalsan karaan oo ay Bulshooyinka Islaamku uga jeensanayaan. Caalamka,waa uga dhamaatay hogaamiye Kursiga isa siiya oo iska fadhiya,waxaana rajaynayaa in Geelaha Jabuti raaco Bishaar.

Read More

Bishaar waa isaga baxay Siiriya ugu danbayn. Caasimada Dimishiq,waxaa Gacanta kuwada dhigay mucaaradka. Madaxtooyada,Garoonka diyaaradaha iyo Xaruntii TV ga,ayaa ka mid ah Goobaha Mucaaradku qabsaday. Dhamaan Wasaaradihii waxay Gacanta ugaleen mucaaradka,iyadoon wax iska hor imaada ka dhicin. Shacabka,ayaa soo dhaweeyay Mucaaradka,iyagoo Wadooyinka uga hortagay Saraakiisha Mucaaradka. Xukunkii reer Asad ee mudada 50-ka Sano kasoo talinayay Siiriya,ayaa sidaas kusoo afjarmay. Dhanka kale,waxaa ku haray Bariga Dhexe Quwad Israa’iil iyo danaha Galbeedka khalkhal gelin karta Iran oo iyadana la saadaalinayo dhawaan in ay ka bilowdaan Kacdoono Shacab oo la abaabulay. JQ.

Read More

Waxaa la dhamaystiray qorshihii Dagaalka Duufaanta Silsilada Golis. Is gaarsiinta,ayaa maalmo kooban khadka laga saarayaa. Puntland iyo Hogaanka Ciidanku waxay isticmaali doonaan is gaarsiin gaara oo isku xiraysa 3-da Talis ee Hawlgalka galaysa. 250-Gaadiidka Gaashaaman ee Ciidamada,ayaa diyaar ah oo soo wada xarooday. Ciidanka hawl galka galaya oo dhan 8200-Askari,ayaa qaadanaya astaan ugaar ah inta hawlgalku socdo. Saacada iyo Maalinta hawlgalku bilaabanayo,ayaa la cayimay,iyadoon loo bandhigin bulshada Puntland. Unugyo sigaar ah loo tababaray,ayaa dhanka Xeebaha Qandala ka galaya Buuralayda. Dadka iyo Xoolaha,ayaa laga saaray dhamaan Dhulka Buuralayda ah. Hadaba Shacabka,waxaa loogu baaqayaa feejignaan gaar ah inta Hawlgalku socdo. Dhaliin yarada…

Read More

Ciidanka Mucaaradka Siiriya in ay gudaha ugaleen Caasimada Dimishiq oo ay la wareegeen Kayntaroolka Koonfureed ayay Wararku sheegayaan. Haday dhab noqoto,waxaa halkaas kusoo gaba gaboobay Xukunkii reer Xaafidul Asad iyo Taliskii Qoyska Calaawiyiinta laga tirada badan yahay ee Shiicada. Ciidanka Mucaaradka Suniga Carabta ah oo aad utira badan kuna qalabaysan nooc kasta oo saanada Ciidan ah,ayaa Hujuumka hormuud u ah. Sidoo kale Jamhada Kurdida ee Bariga Siiriya oo ka kooban Ciidan xoog leh oo Maraykanku taageero,ayaa iyaguna qayb ka ah Ciidanka Mucaaradka. Waxaa kaloo jira dhawr Jamhadood oo Carab ah oo qiyaastii gaaraya 5000 ilaa 10.000 oo dagaal yahan,ayaa Qayb…

Read More

Abu Mohammed Al-Julani.waa hogaamiyaha Mucaaradka ku dhow in ay soo afjaraan Xukunka Asad 25-Sano kadib. Mucaaradku,waxay ka kooban yihiin Sagaal Kooxood oo kala Diin iyo Dan ah,waxayse kuwada socdaan tuurista Asad. Dowlado kala duwan,ayaa taageeraya kooxaha Mucaaradka ah,waxaase loo sameeyay qorshe ay kuwada socdaan oo habaysan. CIA iyo Mosad,ayaa abaabulay hawlgalkan,isla markaana Gacanta ku haya,waxayna uga gol leeyihiin soo afjarida taageerada Iran ee Xisbullaah iyo Xamaas. Sida muuqata Shiicada wakhtigeedii la caylinayay,waa lasoo dhaafay,waxaana la gaaray markii la wiiqi lahaa. Waxaa la dilay MW-nihii Iran. Waxaa la dilay hogaamiyihii Xamaas. Waxaa la dilay hogaamiyihii Xisbullaah. Waxaa la dilay hogaamiyihii Xamaas.…

Read More

Guryaha Amal ay Garowe ka dhisayso,waa maalgashi waxtar ah oo waliba dhiirigelinaya Maalgashiyo kale. Balse,waa Qaali oo Dadka caadiga ah ma iibsan karaan. Garowe,waxay ubaahan tahay Guryo raqiis ah oo Qofkii ay soo gasho $300 iibsan karo. Guryahaas,waa kuwa laga dhisay Rwanda iyo Masar oo ay Dowladuhu qayb ka yihiin. Guriga ugu qaalisan,waa in uu noqdaa $30-kun oo lagu bixinayo 10-Sano. 10-kun oo Guri hadii la dhiso,waxaa soo baxaysa Xaafad balaaran,qurxoon,casri ah oo ay ku nool yihiin ugu yaraan 50-kun oo Qof. Dowlada Hoose,waxaa laga rabaa in ay dhiirigeliso maalgashiga oo ay Dhul Diyaariso,isla markaana gaarsiiso… 1.Wadooyin. 2.Biyo. 3.Koronto. 4.Saldhig.…

Read More

Maraykanka iyo Israa’iil,ayaa isla qaatay in Asad la tuuro,iyagoo ka duulaya Laba arimood oo kala ah…. 1.Soo afjarida Xisbulaah iyo Xamaas. 2.Wiiqida awooda Shiicada. Ruushka oo quudaraynaya in Maraykanku dagaalka Ukrain ka qaboojiyo,ayaa ka gaabsaday difaaca Asad. Sidoo kale Iran,waxay walwal weyn ka qabtaa Kacdoono Shacab oo Gudaha Wadankeeda ka bilaama,kuwaasoo ay ka danbeeyaan Maraykanka Israa’iil. Siyaasada Maraykanka ee Bariga Dhexe,ayaa salkeedu yahay in Muslimiinta Sunnida iyo Shiicada midba mar la Ciyaarsiiyo. Haatan,waxaa la gaaray markii Shiicada la Wiiqi lahaa oo 15-kii Sano ee udanbeeyay la kobcinayay si loo burburiyo Dowladihii xooganaa ee Sunniyiinta,kuwaasoo Dhulka lala simay. Xisbullaah iyo Xamaas,waa…

Read More

Diyaarad khaas ah,ayaa ka qaaday Maxamuud Sayid Aadan Kismaayo,waxayna ka dajisay Adis-ababa. Diyaarada qaaday,waxaa lahaa Dowlada Itoobiya mana jirin wax khalkhal gelin ah oo uga yimid Dowlada Somaliya,taasoo muujinaysa sida aysan awood ulahayn Somalida hadii laga gudbo xeerinta xeerarka Caalamka. Maxamuud Sayid,waxa uu heshiis Adis kula soo galayaa IItoobiyaanka,kaasoo JL ay ku helayso Hub,Qalab Milleteri iyo taageero Ciidan. Itoobiyaanku si waadix ah ayay ugarab istaageen Maamulka JL iyo dib udoorashada Axmed Madoobe. Ku dhawaad 4000-Askari ayay soo geliyeen Itoobiyaanku Gobolka Gedo maalmihii lasoo dhaafay.

Read More

“Siyaasiyiinta kasoo jeeda Beesha Daarood,waa Argagixiso”. Caalamku,waa kala yaqaan Somalida oo Daaroodku ma’ahan Dadka argagixisada ku milmay,isla markaana Hay’adaha amaanka ee Wadamada Shisheeye Beelaha ay iska ilaaliyaan ee udiwaangashan kuma jirto Beesha Daarood. Tusaale” PL oo ah Dhulka Beesha Daarood ee Jamhuuriyada ku jira kan ugu balaaran argagixisada,waa Il iyo aragti in lagu toogto,isla markaana Maamulka PL Xubno kama noqoto argagixisada. Taa badalkeeda,90% Dhulka Beesha Hawiye,waxaa Gacanta ku haya Argagixisada. Sidoo kale Ganacsatada iyo Siyaasiyiinta Beesha Hawiye,waa kuwa ugu badan ee la Shaqaysta argagixisada. Waxaa kaloo xusid mudan Xasan Shiikh in Maamulkiisa ay Wasiiro iyo Saraakiil Ciidan ka yihiin Xubnihii…

Read More

Xasan hal mar masoo qaadin Ciidamada Itoobiya ee kusoo xadgudbay Madaxbanaanida Wadanka,halka uu khudbad socotay Nus Saac uu ku maagay Maamulka JL,isla markaana Diyaarado uqafaalanayo daadguraynta Maleeshiyaad uu ku weeraro JL. Kusoo qul-qulka gudaha Somaliya ee Ciidamada Itoobiya,waa fariin cad oo tilmaamaysa in aysan jirin Dowlad Somaliyed. Itoobiya, waxay si buuxda ula wareegtay Gobolka Gedo,iyadoo meesha ka saartay Maamulkii DFS aqoonsanayd. BC,waa ka aamustay mana jiro cadaadis muuqda iyo mid qarsoon oo ay Itoobiya ku samaysay. Nidaam aad ujilicsan,islamarkaana awoodiisu kooban tahay oo kaliya haysta aqoonsiga QM in uu Somaliya ka jiro,ayuu xaqiijinayaa xadgudubka Itoobiya. Warqad umuuqatay in ay Caalamka…

Read More

Al-Julani oo ah hogaamiyaha Jabhadda maanta daafta ka gashay Caasimadda Syria ee Dimishiq, wuxuu muddo koobaan ka diga rogtay, Al-qaacida, Islamic State ama ( Daacish). Al-Julani 2017 ayaa Mareykanku lacag dhan $10M dulsaareen xogtiisa. Al-Julani, ayaa hadda isku duba riday Jabhadda Xoreynta Shaam, mowaaqiftiisii horana dabciyey, halgankiisana ku ekeeyay Syria. Wuxuu soo saarayaa warsaxaadeedyo uu ku sheegayo in loo turo dadka laga tirada badanyahay, lana amaan geliyo shisheeyaha, ciidanka isdhiibayana dhib aan loo geysan. Al-Julani, wuxuu dhashay sanadkii 1982, magaciisa rasmiga ahna waa Ahmed Hussien Al-sharia. Maanta Al-Julani, waxaa taageera dowlado reer galbeed ah, kuwa carab ah, ayadoo lagu kufinayo,…

Read More

Dhamaan Goobaha ay joogaan Ciidamada ATMIS ee Gobolka Gedo,waxay Itoobiya keentay Ciidan kale oo aan hoos imaan hawlgalka ATMIS. Ku dhawaad 4000-Askari oo cusub ayay soo gelisay gudaha Somaliya Dowlada Itoobiya. Ujeedka dhaqdhaqaaqeedan,waa ka hortaga Ciidamada Masar oo Xasan Shiikh rabay in uu geeyo Gedo oo lagu badalo kuwa Itoobiyaanka ah Magaca ATMIS ku jooga haatan. Waa talaabo muujinaysa sida aysan Itoobiya ukala jeclayn Sharciyada iyo ilaalinta Madaxbanaanida Somaliya oo ay teeda ka raacanayso. Sida xoguhu sheegayaan Ciidamada cusub ee Itoobiya,waxay kusoo galeen Gudaha Gobalka Gedo codsiga Jubaland,waxayna toos ula Shaqaynayaan Maamulka Gedo. Wadanka sidaa fowdada u ah,ayuu Xasan leeyahay,waxaan…

Read More

RW Xamse,waxaa Beri uqorshaysan in uu aado Raaskanbooni. Dadku,waxay iswaydiinayaan,haduu Axmed la loolamayo Afmadow muu tago,iyadaa ah Magaalo camiran oo Saldhig u ah loolanka isaga iyo Axmed ? Raaskanbooni maxaa yaala oo laga tagayaa,waa meel cidlo ah oo geeri go’an ah? Aadistiisa Raaskanbooni, waxay muujinaysaa sida uusan wax saamayn ah ugu lahayn Beesha uu kasoo jeedo oo Axmed ugaga miisaan culus yahay. Halka Degmo ee Beeshu sida khaaska ah uga degto Jamhuuriyada ee Afmadow,isagoo RW JFS ah,waxaa uga xoog badan Axmed Madoobe. Ilaa iyo hada BC wada dadaal ay ku baajinayso si aan xaaladu usii fogaan,waase ku adkaysanayaa Xamse. Kulan,waxaa…

Read More

Bosaso,waxaa Saakay 10:00-kii Subaxnimo soo gaaray wefti kale oo Milleteriga Maraykan ah. Weftiga yimid,ayaa ah kii kal hore oo ka kooban Talyaha Africom,Saraakiil,Askar iyo Turjumaano. Ujeedka imaanshahooda,waa oofinta ballan hore iyo heshiis hore,waxaana laga xaajoon doonaa sida looga wada qaybgali karo hawlgalka PL uqorshaysay Labada Buurood. Sidoo kale kulamada dhici doona,waxaa layskula dajin doonaa qorshaha Maraykanka ee ka hawlgalidiisa PL Mustaqbalka. Weftigu,waxay ugu tagi doonaan Carmo MW Deni,waxayna soo qiimayn doonaan Ciidamad PL udiyaarisay hawlgalka. Shalay,waxaa iyaguna tagay Carmo wefti iskugu jiray Maraykan iyo Itoobiyaan,iyagoo la kulmay MW Deni. Maalmaha soo socda,waxaa la rajaynayaa wufuud Amaan oo Wadamada Shisheeye ah…

Read More

Dooda Dowlad Dhiska iyo Nidaamka Fadaraalka ee Garowe ka socota,waa mid loo baahnaa oo xiligeedii timid. Su’aalo iyo Jawaabo muhiim ah,ayaa lays waydaarsaday,waxaana la dul istaagay xaalada Wadanka. Xaqiiqdu,waxay tahay danaha Dowladaha Shisheeye ay ka leeyihiin Dalkeena,waxay khatar ku yihiin Dowlad Dhiskeena iyo Midnimadeena,waxayna khatar galinayaan amnigeena iyo mustaqbalkeena fog. Doodan,waa loo baahnaa in Garowe Martigeliso. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/QWJWzk2I1Ek?si=-gTVNhQJIhDENdDS

Read More

Garoowe: 04 December 2024: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane H.E Ilyas Osman Lugatoor , ayaa maanta furay Bandhigga Buugta Puntland (Puntland Bookfair) oo saddex maalin ka socon doona caasimadda Garoowe. Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa boggaadiyay Bandhigga oo ay ka qeybgeli doonaan boqolaal qof oo ay ku jiraan Qoreyaal, Siyaasiyiin, Sugaanyahano iyo Aqoonyahano isaga yimi dal iyo dibed, wuxuuna soo dhoweeyay mowduuca sanadka looga hadlayo ee ku saabsan Federaalisim-ka, isagoo madasha la wadaagay in mowqifka Puntland ee Federaalka uu weligiis ahaa mid cad oo aan isbedelin. Halkan ka daawo muuqaalka -DHAMMAAD- -XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND-

Read More

Garowe, 04 Diseembar 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Mudane Hon Abdirisak Ahmed Said, oo uu wehliyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad, Mudane Hon Mohamed Mahamud Esse, ayaa shir-guddoomiyey fadhiga 21-aad, Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada. Fadhiga maanta oo ay soo xaadireen 49 Xildhibaan, ayaa Goluhu warbixin ka dhegeysteen Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha & Xisaabaadka Golaha Wakiillada oo gacanta ku hayey Miisaaniyadda sannadka 2025. Guddigu akhrinta 2aad ku sameeyey isla markaana la tashi la yeeshay Hay’adaha kala duwan Dawladda iyo shacabka sida uu qabo Dastuurka Dawladda Puntland, Qodobada 135aad, 136aad iyo xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada Qodobada 58aad Iyo 63aad. Intaa kadib, Xildhibaannada ayaa cod…

Read More

Israa’iil ayaa sheegtay inay Isniinti beegsatay bartilmameedyada Lubnaan, kadib markii ay wacad ku martay inay ka aar gudan doonto weerar ay Xisbullah ku qaaday xarun milatari, iyadoo labada dhinac uu midba midka kale ku eedeynayo inuu burburiyay heshiiskii xabad joojinta ee la gaaray todobaadkii la soo dhaafay. Ugu yaraan sagaal qof ayaa lagu dilay duqeymaha Israa’iil eel aba tuulo oo ku yaala koonfurta Lubnaan, sida ay shegtay wasaaradda caafimaadka Lbnaan. Ciidamada milatariga Israa’iil, ayaa sheegay inay beegsadeen bartilmaameedyada Xisbullah iyo kaabayaasha dhaqaale ee “guud ahaan Lubnaan”, iyadoo ku celceliyay sida ay uga go’antahay heshiiskii la gaaray. Xisbullah ayaa sheegtay inay…

Read More

Mucaraadka ay hoggaaminayaan Islaamiyiinta ah ee dagaalka kula jira Ciidamada dowladda Talaadadii ayaa ku sii siqaya magaalada Xamaa ee bartamaha Siiriya, sida ay sheegtay koox kormeerta dagaalka. Kooxda Xayaat Taxriir Al-Shaam iyo xulafadeeda ayaa mid ka mid ah “dagaalladii ugu cuslaa” ciidamada kula galay aagga, tan iyo markii ay weerarka billaabeen toddobaadkii tegay, sida ay sheegtay kooxda Kormeerayaasha Xuquuqda Aadanaha ee Suuriya. Tan iyo markii ay duullaanka billaabeen toddobaadkii hore, waxa ay ka qabsadeen dowladda Suuriya dhul ballaaran oo ay ku jirto magaalada labaad ee Xalab. “Isku dhacyo ayaa ka dhacay baadiyaha waqooyiga ee Xamaa, halkaas oo kooxaha mucaaradka ay…

Read More

Shirweynahii 6aad ee deegaanka iyo isbedelka Cimilada oo socdey muddo Labo cisho ah ,ayaa maanta soo dhammaaday. Shirka,ayaa lagu gorfeyey arimo muhiim ah oo diiradda lagu saaray ilaalinta Deegaanka iyo Bulshada. Shirka,ayaa laga soo saaray warmurtiyeed muujinaya xaaladda Deegaanku wajahayo oo ku saabsan isbedelka cimilada, caqabadaha iyo baaqyada khuburadii ka soo qayb gashay shirka ay ku biirisay bulshada.

Read More

انا لله وانا اليه راجعون Allah haunaxariisto Mohamed Ali Yusuf (Gaagaab) oo mardhaw ku geeriyooday Istanbul Turkey. Dhammaan ehelka iyo Familka samir iyo iimaan Allaha ka siiyo. Gaagaab Jannatulfardawsua rabi haka waraabiyo.

Read More

Garowe: 02-Dec-2024: Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee dawladda Puntland Mudane Daa’uud Maxamed Cumar ayaa kulan la tashi ah la qaatay qaar kamida khuburada sare ee Puntland. Kulanka waxaa looga wada-hadlay sidii khubaradu talo iyo tusaale ugu biirin-lahaayeen diyaarinta Qorshaha 4-aad ee Horumarinta Puntland (Puntland Development Pland4) oo dhawaan Wasaaradda Qorsheyntu daah-furtay. Kulanka oo ay Wasiirka kala qaybgaleen Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Mudane Maxamed Xasan Ibraahim iyo saraakiil Wasaaradda katirsan waxaa goob-jooga ahaa khubarada kala ah: 1. Dr. Ali Abdullahi Warsame 2. ⁠Prof. Mohamed Said Samatar 3. ⁠Drs Hodan Said Isse 4. ⁠Dr. Ahmed Hassan Mohamed 5.…

Read More

Garoowe: 02 December 2024: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane H.E Ilyas Osman Lugatoor, ayaa maanta furay Shirweynaha deegaanka ee Puntland kaasi oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Puntland, isla markaana socon doona muddo labo maalmood ah. Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Dowladda Puntland, ayaa furitaankii Shirka kusoo bandhigtay warbixino maqal, muuqaal iyo qoraal isugu jira oo ku saabsan xaaladda deegaanka ee Puntland iyo dadaalka aan kala joogsiga laheyn ee ay wado Wasaaradda Deegaanka si loo illaaliyo daaqa iyo duunyada. Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland wuxuu la wadaagay Shirka in Dowladu ahmiyad gaar ah siinayso deegaanka, maadaama ay nolosha…

Read More

Laba wefti oo Sare kana kala yimid Maraykanka iyo Itoobiya,ayuu MW Deni ku qaabilay Carmo oo uu hada ku sugan yahay. Labadan wefti,waa dhanka amaanka iyo taageerada PL ay ka siinayaan hawlgalka qorshaysan. Maraykanku, waxa uu hawlgalka ku taageerayaa Diyaarado,Qalab iyo Ciidan la hawlgala kuwa PL. Itoobiyaanku,waxay hawlgalka uga qayb qaadanayaan Sahanka,Wardoonka iyo tababarada. Sidoo kale,waxaa ilaa 5-ta Bisha aimaanaya wefti sare oo Ingiriiska ka socda,kuwaasoo iyaguna qayb ka ah taageerada hawlgalka. PL,waxay hawlgalkan ku heshay taageero caalamiya. JQ.

Read More

Maanta oo bishu tahay 01/12/2024, waxaan Wasaaradda Caafimaadka Puntland ku wareejinay Warshaddii Ogsijiinka oo ka kooban:- 1. Warashadda dhalisa (Oxygen plant). 2. Haamaha lagu shubo Ogsijiinta (Oxgen cylinders) 480 xabbo. 3. Ogsijiin cabbiraha isku xira haanta iyo qofka (Oxygen regulator). 4. Filtaro iyo qalab spare parts ah. 5. Labo jirigaan oo hydraulic oil ah, oo min 20 litir ah. Waxaan u rajaynaynaa Wasaaraddu in ay si habsami leh u waddo Shaqada Warshadda. Halkan ka daayo muuqaalka

Read More

WD:-Cabdirisaaq Jubba. Ummadi marka ay ka tagaan ama aysan lahayn han iyo mabaadi’i ay illaalsato waxaa fuddudaato faragelinta dowladaha shisheeye. Wali ma iswaydiisay siyaasiga Soomaaliyeed muxuu illaalsadaa maanta ? Ummad kasta waxaa lagu qiimeeyaa hanka ay leeyihiin. Waligaa hala yaabin faragelinta dalalka shisheeye ee marka hore waxaad iswaydiisaa sababta keentay faragelintaas ? Dowlad kasta oo dunida ka jirta waxaa jirta waxyaabo ay illaalsanayso ama ay u taagan tahay oo ay halgan adag ugu jirto helideeda. Tusaalle: Ruushku wuxuu u taagan yahay matelaadda isirka Islaafka ee Yuuraasiya (Eurosia), Iiraan waxa ay u taagan tahay matelaadda dunida Shiicada,inay ahaato dawladda ugu xoogan…

Read More

Nin lagu Magacaabo C/risaaq Xuseyn Maxamuud Carcar oo mar ahaa Talye xigeenkii hore ee howlgalinta Ciidanka PMPF,ayaa Warqadan udiray Yemen. Waxaa la og Agaasimaha Guud ee Wasaarada Kalluumaysiga PL oo markaan wax ka waydiiyayna bixin waayay jawaab cad. Ujeedka Warqadan,waa in Doonyaha Kalluumaysiga laga qaado Lacag lagu sheegay Diiwaangelin Amni mar walba oo ay galayaan ama kasoo baxayaan Yemen. Cida Lacagta qaadaysa,waa Shirkad ay wada leeyihiin Agaasimaha Guud ee W.Kalluumaysiga PL iyo Ninkan Car-car. Wasiirka iyo Ku xigeenkiisa Wasaarada Kalluumaysigu waxba kama oga Warqadan,isla markaana Diiwaanka Wasaarada kuma jirto. Sidoo kale Wasaarada Amniga PL oo aan la xiriiray,waxay ii cadaysay…

Read More

Garoowe, Diseembar 01, 2024: Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Waxbarshada iyo Tacliinta Sare ee Puntland Mudane Cabdisalan Cali Faarax oo ay weheliyaan Agasimaha Guud Mudane Maxamed Cali Nuur Jubba iyo Agasimaha Tacliinta Sare Mudane Cabdirisaaq Maxamed ayaa daahfuray shirka Wadatashiga Dib u- eegista Xeerka Tacliinta Sare ee Puntland. Wasiir Cabdisamad ayaa tilmaamay muhiimadda xeerkan uu u leeyahay horumarinta iyo tayeynta Tacliinta Sare isagoo kula dardaarmay Bahda Tacliinta Sare ee Puntland in ay ku saleeyaan baahiyaha iyo duruufaha waxbarasho ee dalka. Bahda Jamacadaha iyo khubarada Tacliinta Sare ayaa falan-qeeyey wax kabeddelka iyo dib u habaynta xeerka, iyadoo la isla qaatay; 1. Qab-dhismeedka Guddiga Tacliinta…

Read More

Damaca waalan ee Xasan Qabri-faagte iyo Doqonimada/Dadnimo la’aanta Marxuumka,waxay sababaysaa in Labada Nin isla degaan. Xasan isticmaalka xeerin la’aanta ah ee damiirka iyo Shaqsiyada Xamse isticmaalayo,waxay keenaysaa in xataa la xasuusan waayo in uu Qof jiro yahay Xamse. Sidoo kale Doqonimada xad dhaafka ah ee Xamse,waxay sababaysaa in Xasan waayo Qof wax ka qabta oo khaladaadka ka joojiya,sida muuqata. Xaqiiqdii Wadanku meel adag,ayuu marayaa,waxaana sii libdhaysa kalsoonidii yarayd ee dhisantay. Dalku,wuxuu usii kala jajabayaa Qaybo oo horay SL,ayaa gaar unoqotay,waxaa si aan ku talagal ahayn usii tagaysa PL,waxaa iyaguna noqon doona Qaybo kale JL iyo KG. Khatarta ugu weyn ee…

Read More

MW Shariif Doorasho Qof iyo Cod ah sida ay ku qabsoomi karto,ayuu dul istaagay,isla markaana in aan la diidanayn ee loo baahan yahay in laga heshiiyo.. 1.See uqabsoomi kartaa? 2.Halkee ka qabsoomi kartaa? 3.Gudiga Maamulaya waakee? 4.Goormay qabsoomi kartaa? Dadka Somaliyed in ay toos udoortaan Madaxdooda,waa muhiim,lkn lama gaarin xiligaas oo wax badan,ayaa ka horeeya in la gaaro. Xasan,isagoo ka faa’idaysanaya Doorasho Qof iyo Cod ah,ayaa Wadanku ubaahan yahay,ayuu rabaa in uu tiisa dhexmarsado. Dal iyo Dad aan ku midaysnayn Siyaasad,Dhaqaale iyo Amni oo aad unugul,isla markaana aan weli ka doogsan colaadii Qabiilka,ayuu ku Ciyaarayaa Xasan. Qar iska xoornimada Xasan,waxa…

Read More