Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Puntland oo dib ugu celisay Dalkooda boqolaal Itoobiyaan ah
    Somalia

    Puntland oo dib ugu celisay Dalkooda boqolaal Itoobiyaan ah

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 29, 2025No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Boqolaal kamid muwaadiniinta Itoobiya, oo sifo sharci darro ah kusoo galay, kuna joogay deegaanada Puntland ayaa maanta dib looga celiyay dalkooda, kaddib go’aankii Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Puntland ee ka dhanka ahaa dadka Ajaanibta ah ee aan sharciga ku joogin deegaanka.

    Itoobiyaanka oo maalmihii lasoo dhaafay laga aruuriyay magaalooyinka waa weyn ee Puntland iyo jidadka xiriiriya deegaanka – ayaa gaadiid xamuul ah oo ay korkacayaan ciidamada Amniga Puntland lagu qaaday, waxaana la geyn doonaa xadka ay la wadaagto Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

    Tallaabada ayaa ka dambeysay kaddib wada-hadallo dhexmaray Puntland iyo Itoobiya, kuwaas oo ku wajahnaa xaalada dadka iyo siddii dib loogu celin lahaa dalkooda.

    Dhanka kale, Puntland ayaa beenisay warar been abuur ah oo ay qoreen qaar kamid ah warbaahinta dalka Itoobiya, kuwaas oo sheegay in 3 muwaadin oo Itoobiyaan ah lagu dilay gudaha deegaannada Puntland.

    “Ciidanka Booliska Puntland wuxuu beeninayaa wararka sheegaya in dad Itoobiyaan ah lagu dilay gudaha Puntland, wuxuuna caddeynayaa in aysan jirin wax dil ah. Waxaa jiray dhacdo yar oo ay dad dhagxaan ku tuureen muhaajiriin, waxaana la qabtay eedeysanayaashii ka dambeeyay. Puntland waxay ka go’an tahay in la sugo badqabka dhammaan dadka ku nool, iyadoo aan la kala soocin” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay Booliska Puntland.

    Itoobiyaanka soo gala Puntland ayaa ku lug yeeshay Ajaanibta qeybta ka ah kooxaha argagixisada ah, waxaana intii uu socday howlgalka ciribtirka argagixisada Daacish ee buuraleyda Cal-miskaad ee gobalka Bari lagu dilay xubno Itoobiyaan ah, kuwaas isugu jiray Rag iyo Dumar, halka gacanta lagu dhigay qaar kale.

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Akhriso: Puntland oo war kasoo saartay maleeshiyaad soo galay xaduudkeeda, oo la qabtay

    September 21, 2026

    DEGDEG: Puntland oo qabatay maleeshiyaad loo wadday Xananbuure

    September 21, 2026

    Shirweynaha PDRC: Siyaasiyiin iyo aqoonyahano Soomaaliyeed oo caawa ku hoyanaya Garoowe

    September 20, 2026
    Latest Posts

    Akhriso: Puntland oo war kasoo saartay maleeshiyaad soo galay xaduudkeeda, oo la qabtay

    DEGDEG: Puntland oo qabatay maleeshiyaad loo wadday Xananbuure

    Shirweynaha PDRC: Siyaasiyiin iyo aqoonyahano Soomaaliyeed oo caawa ku hoyanaya Garoowe

    Puntland oo bilowday howlgal lagula dagaalamayo Burcad-badeeda

    UPDATE: Cutubyo kamid ah Ciidanka Puntland oo lagu daabulay Calmadow

    Turkey oo Muqdisho kasoo dajiyay Soomaali uu soo tarxiilay

    Maxaan ka naqaan Safiirka cusub ee Trump u soo magacaabay Soomaaliya?

    π€π‘π“πˆπ‚π‹π„| The Heaven of the Earth: A Journey Beyond the Horizon into the Spirit of Ras Caseyr

    Xaawo Aadan Camey oo geeryootay

    FAALLO: Ganacsiga Turkiga oo xaalka Somaliya sii cakiray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.