Wasiirka warfaafinta Eritrea Yemane Meskel ayaa faafaahin ka bixiyay heshiiskii sida wadajir ah ay u kala saxiixdeen Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo madaxweynaha Eritrea Isaias Afewerki. Wuxuu sheegay in heshiiska ay ku xusan yihiin qodobo dhowr ah oo ay kamid yihiin iskaashi dhanka gaadidka, ganacsiga iyo xiriirka dublumaasi. Wasiirka warfaafinta Eritrea ayaa bartiisa Twitter-ka sidoo kale ku sheegay in heshiiska lagu soo afjari doono colaadda xadka, ka shaqaynta nabadda iyo horumarka gobolka. ”Joint Declaration: … iii) Transport, trade and telecommunication ties will be resumed; diplomatic ties & activities renewed; iv) Border decision will be implemented; v) Both countries…
Author: Jibril Qoobey.
Xogahayaha arrimaha dibadda dalka Ingiriiska Boris Johnson ayaa xilka iska casilay iyadoo ismar-waa siyaasadeed ay ka horseedday dalkaasi istraatiijiyadda ka bixitaanka Midowga Yurub. Waa wasiirkii labaad oo xil sare ka hayay Ingiriiska oo iscasilay saacado uun kaddib markii uu isna iscasilay David Davis oo ahaa xoghayihii uu qaabilsanaa arrimaha ka bixidda Midowga Yurub. Iscasilaadda Boris Johnson ayaa imaanaysa xilli daqiiqo kaddib la filaya Ra’iisul wasaaraha UK inay khudbad ka jeediso baarlamaanka oo ku aadan qorshaha cusub ee ka bixitaanka Midowga Yurub.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta xilka ka qaaday Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Soomaaliya Xasan Macallin Xuseen. Lama sheegin sababta rasmiga ah ee ka dambeysa xil-ka-qaadista wasiirka. Wasiir Xasan ayaa Wasaaradda Awqaafta loo magacaabay 24-kii May ee sanadkan, isagoo xilkaasi hayay muddo aan ka badneyn bil iyo bar. Durbaba lama magacaabin cidda beddeli doonta wasiirkan. Muddooyinkan waxaa jiray muran weyn oo ka dhax taagnaa wasaaradda iyo sharikadaha ka shaqeeya arrimaha Xajka. Dowladda Soomaaliya ayaa 5 shirkadood hore u siisay ruqsad la xiriirta daabulidda xujeyda Soomaaliya. Waxaa jira hardan dhanka suuqa ah oo ka jira arrimaha xajka iyadoo…
Wararka ka imanaya Gobolka Gedo ayaa sheegay in maleeshiyada Al-Shabab ay hoobiyaal is xigxiga la beegsadeen saldhig ay ciidamada AMISOM ee ka socda dalka Kenya ku leeyihiin Baardheere. Dadka degaanka ayaa sheegay in khasaare uu soo gaadhay askarta Kenya hase yeeshee waxaa arrintaasi beeniyey mas’uuliyiinta gobolka,hoos ka dhagayso codka. Halkan ka dhagayso codka warka dagaalka
Hogaamiyaasha dalaka Eritrea iyo Ethiopia ayaa maanta kulan taariikhi ah ku yeeshay magaalada Asmara ee caasimadda Eritrea, si ay usoo gaba gabeeyaan mid ka mid ah colaadihi ugu qaraaraa ee soo mara Africa. Madaxweyne Isaias Afwerki ayaa si diirran ugu soo dhaweeyay garoonka Asmara Ra’iuslwasaaraha cusub ee Ethiopia Abiy Ahmed, kadibna usii kaxeeyay qasriga madaxtooyada. Kulanka hogaamiyaasha labadani waddan ku dhexmaray magaalada Asmara, ayaa ah kii ugu horreeyay oo si fool-ka-fool ah ay isu arkaan madax ka socota Ethiopia iyo Eretria tan iyo sannadki 2000, markaas oo ay Afwerki iyo Ra’isulwasaarihi hore ee Ethiopia Meles Zenawi saxiixeen heshiiskii Algeria ee…
Agaasimihii hore ee Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda Wasaardda Maaliyadda Dawladda Puntland Maxamuud Saalax Axmed (Caato) ayaa Xilkii uu hayay ku wareejiyay Agaasimaha dhowaan loo magacabay ee Cabdi Fataax Cali Jamac Xilwareejintan ayaa ka dhacaday hoolka Shirarka iyo Xafladaha Wasaaradda Maaliyadda Puntland ee Garowe Xafladan Xilwarejinta,waxaa kasoo qaybgalay Agaasime ku xigeenka Guud Maamulk Wasaaradda Maaliyadda, lataliyaha dhanka wasiirka ee dakhliga, Agasimaha waxaad qorshaynta, Madaxqaybeedyada Wasaaradda Maaliyadda iyo shaqale ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Puntland Agaasimihii hore ee Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda Maxamuud Saalax Axmed (Caato) oo ugu horayn hal kaasi ka hadlay ayaa sheegay in uu aad ugu farax sanyahay in uu…
Afhayeenka Wasaaradda Amniga Qaranka ee Xukuumadda Federalka Somalia. C/casiis Cali Ibraahim “Xildhibaan” oo ka hadlay Munaasbaad ka dhacay magaalladda Muqdisho waxa uu si kulul uga hadlay qaabka ay ku suurto-gashay inay Alshabaab ka gudbaan Kontoroolka Ammaanka ee la dhigay Isgoyska Sayidka, isla markaana lagu guul-daraystay Ballanqaadkii Sugidda Ammaanka. “Suurto-gal ma aha inay Alshabaab si fudud uga gudbaan Kontoroolka, iyadoo la og yahay in Hooyada foosha haysa iyo Ardayda loo diido inay ka gudbaan Waddooyinka” ayuu yiri Afhayeenka, oo intaasi ku daray in loo baahan yahay inay Jenraaladda ka tirsan Ciiddanka Dalka ka hadlaan sida looga soo gudbay Kontoroolka Zoonka…
Prof-ka caanka ah ee wax ka dhiga jaamacadaha maraykanka Axmed Ismaaciil Samatar ,ayaa gaaray jiida hore ee Gooja-cade ee duleedka laascaanood,halkaas oo ay isku hor fadhiyaan Ciidamada Puntland iyo Somaliland. Laama garan karo sababta ku khasabtay in Prof aqoontiisu heer sare gaarsiisan tahay magacna ku dhex leh bulshada Somaliyed uu qayb ka noqdo dagaal gardara ah oo ay soo qaadeen beel kuna soo qaadeen Beel kale. Prof Samatar,ayaa waayahan danbe u olalaynayay gooni goosadka Somaliland kadib markii uu kusoo fashilmay hankiisii raadinta kursiga ugu sareeya Somaliya ee Madaxweynaha Fadaraalka ah. Fagaaryaal badan oo layskugu yimid iyo saxaafada…
Madaxweynaha Dowlada Fedraalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ku wajahan dalka Turkiga halkaas uu kaga qeyb gali doonaan caleyma saarka Madaxweyne Erdogan oo markale loo doortay xilka Madaxweynenimo ee dalkaasi. Caleyma Saarka madaxweynaha Turkiga ayaa la filayaa inay dhacdo maalinta berri ah waxaana ka qeyb gali doono madax kala duwan oo ka socda wadamada saaxibtimada ay kala dhaxeyso Turkiga. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo oo maalmihii dambe booqasho ku joogay dalka Jabuuti ayaa halkaas ugu sii gudbay wadanka Turkiga.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo maanta kormeer hawleed ku tegay wasaaradda Maaliyadda ayaa kulan la qaatay wasiir Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo uu kala hadlay dardar gelinta shaqada Wasaaradda iyo Qorshaha Kobcinta dhaqaalaha dalka. Wasiirka Maaliyadda Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa intii kulanku socday waxa uu Ra’iisul Wasaare Khayre uga warbixiyay horumarka ballaaran ee dhanka maaliyadda laga gaaray iyo meesha ay marayaan arrimaha cafinta deymaha lagu leeyahay Soomaaliya. Ra’iisul Wasaaraha ayaa Wasiirka faray in uu laba jibbaaro dadaalka ay wado ee qorshaha cafinta deymaha lagu leeyahay dalka si loo xaqiijiyo hadafka guud…
Dowladda Puntland ayaa faahfaahin rasmi ah ka bixisay hadal maalinimadii shalay ahayd ka soo yeeray Soomaaliland oo shaaca ka qaaday in ciidanka Puntland ay dileen taliye sare oo katirsan ciidanka Soomaaliland ayna dhaawacday gudoomiyihii degmada Taleex,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka https://youtu.be/WAzyxuyJprw
Ra’isal wasaaraha Itoobiya, Dr Abiy Axmed, ayaa gaadhay magaalo madaxda dalka Eritrea ee Asmara. Booqashadan Ra’isal Wasaaruhu waxay jawaab u tahay kulan ay hore u yeesheen isaga iyo wafti heer sare ah oo ka tagey Eritrea oo ka wada xaajooday sidii loo debcin lahaa xiisadda ka taagan soohdinta lagu muransan yahay ee labada dal udhexaysa. Dr Abiy waxa uu la kulmi doonaa madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki, waxaanay labada dalba ku tilmaameen booqashadaas iyo shir madaxeedkaas ba kuwo lagu soo af jari doono colaaddii mudada dheer taagnayd. Wuxu noqonayaa hogaamiyihii u horreeyey ee Itoobiya ee booqasho ku taga Eritrea markii ugu…
Asmara caasimada Eretereya waxaa ka socda diyaar garow xoog leh oo lagu soo dhoweynayo booqashada taariikhiga ah ee Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed. Calamada labada wadana ee Eritrea iyo Itoobiya,ayaa la suray waddooyinka magaalada ,Asmara sidoo kale halku dhigyo ka turjumaya soo dhoweynta Abiy Ahmed ayaa lagu xardhay faras magaalaha Asmara. Tani ayaa bilow u ah xiriirka labada dal oo bog cusub u furmay, tan iyo markii Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya uu qaaday tallaabooyin is bedelo leh oo dhinaca Nabadda ah. Wafdi sare oo ka socday Eritrea ayaa dhowaan tagay Addis Ababa, waxayna ahaayeen waftigii ugu horeeyay ee ka…
The prime minister of Ethiopia, Abiy Ahmed is expected to visit Asmara, the capital of Eritrea on Sunday, Eritrean officials confirm. According to sources in Asmara, preparations to welcome PM Abiy Ahmed and his delegation to Eritrean soil are going on in most of the major cities of Eritrea, the flags of both Ethiopia and Eritrea are seen along the main streets of the towns. “Asmara, Massawa & Keren are instructed to make extensive preparations to welcome Ethiopia‘s PM Abiye Ahmed who is expected to visit Eritrea on Sunday. Government institutions informed their employees to come out to the streets of…
Xulka England ayaa marki ugu horreeysay tan iyo sannadki 1990-ki gaaray semi-finalka Koobka Aduunka kadib marki ay galabta 2-0 uga badiyeen Sweden. Labada gool waxaa Ingiriiska madaxa ugu dhaliyay ciyaartooyda kala ah Harry Maguire iyo Dele Alli kuwaasoo ka farxiyay taageerayaasha England gaar ahaan kuwi ku jiray garoonka Samara. Maguire ayaa daah-furay goolka koowaad daqiiqadii 30-aad ee qeybti hore ee ciyaarta, halka Alli uu labeeyay waxyar kadib marki ay dib u billaabatay ciyaarta qeybteedii labaad. Dhalinyarada macallin Gareth Southgate waxay hadda sugayaan mid ka mid ah xulalka Russia iyo Croatia oo ciyaartooda ay billaaban doono wax ka yar laba saacadood.…
Beesha Isaaq waxay rabtaa in ay hesho Jamhuuriyad madaxbanaan oo iyagu ay ka yihiin Dadka ugu badan,sidoo kale ay leeyihiin caasimadeeda iyo isha dhaqaalaheeda. Hadii ay waayaan Jamhuuriyadaas waxaa qorshahooda labaad yahay in ay helaan wax qaybsi laba Jamhuuriyadood ama laba dhinac oo Somaliya oo midoobay. Tusaale” Hadii Koonfur ay qaadato Madaxweynaha Jamhuuriyada in Waqooyigu helo Ra’isalwasaaraha Jamhuuriyada . Sidoo kale Awoodaha dalka sidaa iyo si la mid aha loo qaybsado. Beesha isaaq hadafkeedu waa in ay awood dheeriya iyo sad bursi hesho,iyadoo labadaa qorshe midkood adeegsanaysa. Beesha Isaaq walwalka ugu badan ee haysta ayaa ah hadii beel beel wax…
Ugu yaraan 10 ruux oo ay ka mid ahaayeen shaqaale ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Askar ka tirsan ciidamada dowladda iyo kooxihii weerarka geystay ayaa ku dhintay weerarkii Ismaaminta ahaa ee maanta lagu qaaday Ex xaruntii hore ee Oto Oto oo hadda ah Wasaaradda arrimaha gudaha. Ciidamada ammaanka ugu danbeyntii soo afjarayay weerarka xarunta oo ay ku ay wadda degan yihiin Wasaaraddaha arrimaha Gudaha iyo Amniga. Xaruntan ayaa markii hore lagu weeraray gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, iyadoo dabley hubeysan oo gaarayay saddex dagaalame ay gudaha u galeen. Wararka ayaa sheegaya in is rasaaseyn muddo saacad ka badan socotay…
Ciidanka amaanka Soomaaliya ayaa sheegay in ay soo gabagabeeyeen hawlgal ay dib ugu qabsanayeen dhismaha Otto Otto oo xarun u ah wasaaradaha arimaha gudaha iyo amniga kadib markii saaka koox hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ay dhismaha weerar ku galeen. Dad goobjoog ah ayaa waxay sheegeen in ugu yaraan 10 qof ay ku dhinteen qaraxyada iyo rasaastii xigtay ee ka dhacay dhismaha. Madax gaadiidka gurmadka degdeg ah ee Aamin Ambulance, Dr Cabdiqaadir Cabdiraxmaan Xaaji Aden, ayaa sheegay in 21 qof oo dhaawac ah oo 5 kamid ahi yihiin haween ay ka qaadeen goobta weerarku ka dhacay. Al-Shabaab…
Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Xadhigga Ka Jaray Hospital Cusub. Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa galabta oo taariikhdu tahay 06-july 2018 xadhiga ka jaray Hospital casri ah oo laga hirgaliyey magaalada Garoowe. Madaxweynaha Dowladda Puntland waxaa ku wehelinayey xadhig jarka Hospitalka Wasiirka caafimaadka Puntland, qaar kamida goloyaasha Dowladda Puntland, Saraakiil katirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland, dhakhaatiir, isimo iyo bulshada qaybeheeda kala duwan. Hospitalkan casriga ah ayaa waxaa lagu magacaabaa Carafaad Hospital waana Hospital si casriya loo dhisay lehna adeegyo baahi wayn ay u qabeen shacbka Puntland, wuxuuna kakoobanyahy qaybaha qaliinka, shaybaarka , hooyada iyo dhalaanka iyo qayba badan…
Ra’iisul Wasaaraha oo ay wehliyeen wasiirrada difaaca iyo amniga, abaanduulaha Ciidanka iyo saraakiil kale oo ka tirsan CXD ayaa kahor inta uusan ciidanka tababarka usoo xirin waxa uu kormeer ku sameeyay xarunta ciidanka isla markaana la qadeeyay ciidanka, isagoona xog warastay qaar kamid ah askarta si uu wax badan uga ogaado noloshooda, tababarkii ay soo qaateen iyo sida ay heeganka ugu yihiin difaaca dalka iyo la dagaalanka kooxaha nabad diidka ah. “Dal buburay waxaa dhisi kara ciidan, nabad la waayay waxaa soo celi kara ciidan, dawlad taag daran waa quwad iyo xoog u yeeli kara ciidan. Cawdawga dibadda iyo gudaha…
Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyay shacabka Carta martigalintii ay u sameeyeen ergadii Soomaaliyeed ee ka qeyb qaadatay dhismaha dowladnimada Soomaaliya, wuxuuna sheegay in dadka Soomaaliyeed ay abaal weyn uga hayaan hiilka walaaltinimo ee ay dowladda iyo shacabka Jabuuti u fidiyeen walaalahooda Soomaaliyeed. “Magaaladan waxay quluubta shacabka Soomaaliyeed uga taallaa meel wayn. Waa magaalo soo celisay rajadii shacabka Soomaaliyeed. Waa magaalo astaan u noqotay Soomaalinimo iyo deeqsinimo.” “Waxaan guud ahaan reer Jabuuti iyo gaar ahaan reer Carta uga mahadcelinaynaa sidii niyadsamida lahayd ee ay shacabka Soomaaliyeed u garab istaageen xilli adduunyada oo idil ay kasii jeesatay.” Ayuu yiri Madaxweynaha. Madaxweynaha ayaa…
Dowlada Jubbaland ayaa Dowladda Fadaraalka Soomaaliya u qortay warqad cabasho ah oo ku aadan dhibaatooyinka amniga iyo Siyaasadda halista ku ah ee laga wado degaamada Jubbaland, kuwaasoo ay ku eedeeysey in ey waddaan xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka Fadaraalka Somaliya. Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday in hub ay wadeen Xildhibaano ka tirsan labada Gole ee dowlada Somaliya uu ugalay gacanta Al-Shabaab. Maamulka ayaa sheegay in hubkaas loogu tallo galay lagula dagaalamo al-shabaab balse hadda uu iyaga gacanta u galay, iyagoo xusay in arintaas ay ku timid la tashi la’aan. Qodobada cabashada ah ee kasoo baxay Jubbaland ayaa…
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa canshuur 25% ah kusoo rogay in ka badan 800 oo ah badaceedo ay China soo saarto. Canshuurtan ayaa dhaqan gashay jimcihii, markii saacadda ay hal daqiiqo dhaaftay 12-kii aroornimo, xilliga Washington. Beijing ayaa ka digtay inay si xooggan uga aargudan doonto canshuurtan la saaray alaabha ay sameyso, oo gaareysa 34 bilyan oo dollar. Afhayeenka wasaaradda ganacsiga China, Gao Feng ayaa weriyayaasha u sheegay khamiistii in China aysan ridi doonin xabadda koowaad, hase yeeshee aysan u furnaan doonin wax aan ka ahayn inay difaacdo danta China iyo dadkeeda. Gao waxa uu sheegay in China aysan madaxa…
Degmada Moyale oo ku taalla xadka Ethiopia iyo Kenya waxaa lagu soo warramayaa inay ka dhaceen dagaallo iyo qul-qulatooyin dhexmaray Soomaalida iyo Oromada. Wararka ayaa sheegaya in dagaalladan ay dhaliyeen barakac. Haddaba sida ay wax u dhaceen iyo xaaladdu siday imiaka tahay, ayaa weriyaheena Ibraahim Daanduray wuxuu ka wareystay nin cod-saday inaan magaciisa la sheegin oo ku sugan gudaha Moyale,hoos ka dhagayso codka. Halkan hoose ka dhagayso codka warka
Baarlamaanka Midowga Yurub ayaa toddobaadkan meel mariyay qaraar ku saabsan xaaladda Soomaaliya. Qaraarkan ayaa waxyaabaha ku qornaa waxaa ka mid ah mowqifkii dhex-dhexaadnimo ee ay Somalia ka istaagtay xiisadda Khaliijka oo lagu sheegay uu dhaliyay in dalalka Imaaraadka iyo Sacuudigu ay joojiyeen lacagtii ay siin jireen Somalia, iyagoo ku ciqaabaya go’aanka Somalia. Baarlamaanka ayaa dhinaca kale dowladda Imaaraadka ku booriyay inay joojiso falal xasilooni-darro ka abuuri kara Somalia, sidoo kalena ay ixitiraanto madaxbannaanida dhuleed iyo qaranniamada Somalia,hoos ka dhagayso codka. Halkan hoose ka dhagayso codka warkaas
Shirweynaha ururka ONLF ee Asmara ayaa weli ka socda magaalada Asmara ee caasimadda dalka Ethiopia. Shirka oo la filayo in dhowaan lasoo geba gebeeyo, ayaa waxaa mar kale guddoomiyaha ururka loogu doortay Mohamed Omar Osman, oo xilkaasi hore u hayay. Shirweynaha ayaa sidoo kale wax looga baddalay qaab dhismeedka JABHADDA. Wararkii ugu dambeeyey ee shirka iyo arrimo kale oo quseeya ururka ONLF ayaa Axmed Cali Shiikh waxa uu ka wareystay afhayeenka ONLF Caddaani Hirmooge oo ku sugan Asmara,hoos ka dhagayso codka. Halkan ka dhagayso codka Ciilmooge
Maxkamad ku taalla dalka Pakistan ayaa 10 sanno oo xarig ah ku xukuntay Ra’iisul wasaarihii hore ee dalkaasi Nawaz Sharif oo loo haysto eedeymo musuq maasuq. Waaxda la dagaalanka musuq maasuqa Pakistaan ayaa in badan dib u dhigtay dacwdaha loo haysta Nawaz Sharif. Sharif ayaa horraan dacwad uu ka codsanaya in dib loo dhigo go’aanka u gudbiyay maxkamadda isagoo ku sugan magaalada London halkaaso looga dawaynaya cudurka Kansarka. Nawaz Sharif ayaa ku tilmaamay dacwadaha ka dhanka ah isaga kuwo la siyaasadeeyay.
Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed will travel to the United States at the end of July to meet with members of the Ethiopian diaspora, state-affiliated media Fana said, citing the foreign minister. The statement did not mention whether Abiy would meet with U.S. government officials. Since taking office in April, the 41-year-old former intelligence officer has announced plans for sweeping economic and political reforms. He came to power after his predecessor resigned earlier this year amid protests against abuses by security forces and public anger over perceived ethnic marginalization of many groups in the racially diverse country.
Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda Itoobiya Birtukan Ayano ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed uu la kulmi doono Mas’uuliyiinta ka tirsan dowladda Mareykanka, Wakiilada ururada caalamiga iyo jaaliyaddaha Itoobiya oo ka mid ah kuwo ugu ballaaran ee Mareykanka ku nool Bulshada Itoobiyaanka ee ku nool Mareykanka ayaa ahaa kuwo ugu badan mucaaradka ku ahaa dowladda Itoobiya iyo qaabkii dalkaas u xukumeysay 20-kii sano ee u dambeeyay. Safarka Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ku tagayo Mareykanka ayaa la filayaa inuu xoojiyo wada hadalo dhex mara dowladda iyo bulshada Itoobiyaanka oo lagu tilmaamo kuwo ugu badan ee ku nool dalka Mareykanka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa gaaray magaalada Jabuuti halkaas oo uu ka furmay Shirka Madasha iskaashiga Afrika iyo Shiinaha. Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa Garoonka Diyaaradaha kusoo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Cabdiqaadir Kaamil Maxamed iyo Diblomaasiyiin ka tirsan Safaaradda Soomaaliya ee dalkaas. Shirkan oo soconaya inta u dhaxaysa 5-7 bishan Luuliyo ayaa looga wada xaajoonaya hirgelinta ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika, xoojinta maalgashiga, kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo xaqiijinta hiigsiga horumarineed ee 2030-ka ee ajendaha caalamiga ah. Dhanka kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa ka qayb galay saaka furitaanka Aaga Caalamiga ah ee…
Halkan ka akhriso
Qaraxan oo ahaa miino Wadada dhinacaceeda lagu aasay ayaa waxa uu ka dhacay agagaarka Isbitaalka Guutaale oo ku yaalla Wadada aada degmada Deeyniile ee ka tagta Kulliyada Jaale Siyaad ee degmadaas. Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen in xilliga qaraxa uu dhacayay ay goobta marayeen gaari ay wateen ciidamada dowladda Fadaraalka Soomaaliya balse aysan gaarin wax khasaaro ah. Qaraxa kadib ayaa waxaa Ciidamadii saarnaa gaariga waxay fureen rasaas fara badan,iyadoo ay goobta gaareen markii danbe Ciidamo kale kuwaas oo haatan howlo baaritaano ah ka wada halkii uu qaraxa ka dhacay.
Al-shabaab ayaa Madaafiic ku garaacay degmada Baardheere ee gobalka Gedo. ku dhawaad ilaa 10 Hoobiye ayaa ku soo dhacay deegaanka Fax Fax-dhuun ee duleedka degmada Baardheere. Majirto xog dhab ah oo laga hayo inta uu la egyahay Khasaaraha ka dhashay Duqeyntaasi. Al-shabaab ayaa sheegtay in ey dukheeyeen Saldhig ay leeyihiin Ciidamada Kenya ee qaybta ka ah Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ayna Gaarsiiyeen Khasaaro..
Xubnaha Baarlamaanka ayaa si aqlabiyad leh u meel mariyay qaraarka liiska Argagixisada looga saaro Ururada Ginbot 7, OLF iyo ONLF. Tallaabadan ayaa ka dambeysay, markii maalin ka hor Golaha Wasiirada Itoobiya isku raaceen in liiska argagixisada laga saaro ururadaas, taasoo qeyb ka ah qorshaha is bedelka uu qaaday Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed. Boqolaal maxaabiis oo u xirnaa siyaasadda ayaa dhowaan laga sii daayay xabsiyada Itoobiya, kuwaasoo u badnaa siyaasiyiinta mucaaradka. Itoobiya ayaa horay u aqoonsatay ururada Ginbot 7, OLF iyo ONLF inay yihiin ururo argagixiso ah oo qatar ku ah Ammaanka Qaranka Itoobiya.
Nin iyo Naag is-qaba ayaa ku jira xaalad khatar ah dalka Britain, kadib markii loo adeegsadey sun la mid ah tii lagu weeraray nin hore uga tirsanaa Sirdoonka Ruusha iyo gabadhiisa. Warkan ayaa laga soo xigtey sarkaal sare oo ka tirsan la dagaalanka argagaixisada ah dalka Britian. Ninka iyo naagtan ayaa loo aqoonsadey Dawn Sturgess oo 44 sano jir ah iyo Charlie Rowley oo 45 jir ah, kuwaasoo saxiibadood ay heleen ayagoo miyir doorsoon meel 13 KM u jirto Salisbury oo aheyd halkii lagu waxyeeleeyey Sergei Skripal iyo gabadhiisa Yulia oo la helay bsihii March. Hay’adda la dagaalanka argagixisada ayaa…
Waxaa dalka Koonfur Afrika lagu qabtay carwo lagu kireynayo xabsigii uu mudada dheer ku xirnaa madaxweynihii hore ee dalkaas Nelson Mandela, waxaana habeenkii lagu seexanayaa lacag dhan $250,000 ama rubuc malyuun doolar. Waxaa halkii habeen ku hoyanaya xabsigan illaa 67 qof , halkaas oo ahayd xabsi si weyn loo illaaliyo. Mandela ayaa 18 sano ku jiray xabsiga, isaga oo wadarta guud xirnaa 27 sano, muddooyin kalena kusoo qaatay xabsiyo kale. Hay’ad lagu magacaabo CEO Sleepout , taas oo doonaysa in ay xusto maalinta Mandela oo ku beegan 18-ka bishan . Mandela oo u xirnaa, lana dagaalamay…
Warbixin cusub oo la soo saaray ayaa faafaahin ka bixinaysa sida ciidamada Ammaanka Itoobiya ay jirdilka ugu gaystaan islamarkaana ay u kufsadaan maxaabiista siyaasadda ee gobolka Soomaalida Itoobiya. Warbixinta oo ka kooban 88 bog islamarkana ay soo saartay hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa ku eedeeynaysa tacadiyo saraakiisha Itoobiya iyo booliiska deegaanka ee loo yaqaano Liyuu ay ka geysteen “jeel ogaadeen” . Inta badan maxaabiista ayaa xabsiga la dhigay iyaga oo aan wax maxkmad ah la soo taagin sida ku cad warbixinta. Hay’adda Human Rights Watch ayaa warbixinteeda ku sheegtay in inta badan dadka lagu xiro…
Wasiirka Kalluumeysiga iyo kheyraadka dalka ee dowladda Fadaraalka Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Cabdi Xaashi ayaa magaalada Nairobi heshiis horudhac ah kula gaaray Madaxa shirkaddaha Kalluumeysiga dibadda ee dalka Shiinaha. “Waxaa maanta heshiis kalluumeysi oo hal sano ah la saxiixannay madaxa ugu sarreyo shirkadaha dibadda ee dalka shiinaha mr Davy Chen, si aan ugu faa’ideysano kheyraadka baddeena waxaanan si dhaw ula socon doonaa kalluumeysiga shirkadaha dalka shiinaha ee imaanaya dalkeenna”ayuu yiri Wasiirka Kalluumeysiga. Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in shatiyada kalluumeysiga la siinayo shirkadaha dalkaasi shiinaha ee ka shaqeeya kalluumeysiga, isla markaana ay si dhow ula socon doonaan kalluunka ay…
Illaa 11 Wasiir ayaa isku shaandheynta ay saameysay, waxaa qaar ka mid ah loo kala bedelay wasaaradaha, halka kuwo kalena ay waayeen. Wasiir Aadan Ibraahim Aw Xirsi oo ka mid ahaa xubnaha aadka ugu dhow Axmed Madoobe ayaa loo magacaabay Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga, waxaa uu horay u ahaa Wasiirka Dastuurka. Halkan ka akhriso wareegtada:-
Cabdikariim Sh.Muuse Qalbi dhagax oo ay horey DF Soomaaliya ugu dhiibtay Itoobiya August 2017, lagana sii daayay Xabsiga Itoobiya 26-kii June 2018 ayaa goor dhaw ka dagaya Magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Boqolaal kamid ah taageerayaashiisa ayaa dhooban wadooyinka Garoobka diyaaradaha ee Jomo kenyata, Xildhibaano katirsan baarlamaanka Fadaraalka Soomaaliya oo aad u diidanaa dhiibitaankiisii ayaa kusugan garoonka qaybna ka ah sood haweyntiisa.hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/ju15-UQK4r8
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko oo tababarkaasi ka hadlay, ayaa u mahad celiyey Taliska Ciidanka AMISOM oo tababarka bixinayo, isaggoo xusay in la kordhin doono tababarada noocaan oo kale ah, si kor loogu qaado aqoonta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, isbadalna loogu sameeyo habka shaqo ee Ciidanka. “Si kor loogu qaado aqoonta Ciidanka Booliska, ayaa maanta waxaa tababar u furay Saraakiil iyo Askar ka tirsan Ciidanka ilaalada nabad gelyada wadooyinka ee Taraafiko,waxaan kordhin doonnaa tababarada kala duwan ee Ciidanka ay qaataan, taasi oo aan ku dooneyno in isbadal aan ku sameyno habka shaqo ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed”…
Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa digniin kama dambeys ah ka soo saaray Xoolaha ku nool magaalada Muqdisho ee wareegaya Suuqyada, Wadooyinka iyo Xaafadaha Muqdisho kuwaas uu sheegay in ey wax u dhimayaan Nadaafadda iyo Bilicda Gobalka Banaadir. Wareegto ka soo baxday Xafiiska Guddoomiyaha ayaa lagu sheegay in Talaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono Milkiilayaasha Xoolaha ee aan ka ilaalin Gudaha magaalada isagoo kula taliyay iney Guryahooda iyo xeryaha gaarka ee loogu talagalay ay ku heestaan Xoolaha ay mulkiyadooda leeyihiin. Arintaan ayuu ku sheegay in ey tahay mid wax looga qabanayo Nadaafadda Muqdisho…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa daah-furay kulanka wadatashiga Qorshe wadaagga guddiga wada xaajoodka iyo Hey’adaha ku shaqada leh siyaasadda loo dhanyahay oo maanta ka furmay magaalada Muqdisho. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay in Shirkaan uu muhiimmad gaar ah u leeyahay ummada Soomaaliyeed lagana doonayo ka qeyb galayaasha in ay la yimaadaan wax qabad muuqda, si natiijo wanaagsan uga soo baxdo. “Howsha aad isugu timaadeen waxa ay ka tarjumeysa mustaqbalka ummadda Soomaaliyeed. Waa bud-dhigga qaranimada Soomaaliya. Waxa aad isugu timaadeen sidii ummadda Soomaaliyeed aad ugu sameyn lahaydeen mustaqbal ka duwan kan aan hadda heysanno”…
Waxaa xalay la soo gabagabeeyay ciyaartii u dambeysay ee wareega 16-ka, iyadoo xulka Ingiriiska uu rigoorayaal ugu soo baxay wareegga 8-da , kaddib markii uu ka adkaaday xulka Colombia. Ciyaartii dhex martay xulalka Ingiriiska iyo Colombia ayaa la isla dhaafi waayay 90-kii daqiiqo 1-1, waxaana lagu daray 30 daqiiqo dheeraad ah, hase ahaatee wax goolal ah ma aanay iska gelin. Intaas kaddib ayaa waxaa loo dhigay rigoorayaa, waxaana Ingiriiska uu rigoorayaashii la dhigay ku badiyay 4 iyo 3, waxaana xulka Colombia iska lumiyeen fursad soo martay oo ay kaga faa’ideysan lahaayeen rigoore ay iska khasaariyeen Ingiriiska, balse Colombia…
Wiilka hogaamiyaha kooxda Daacish Abu Bakar al-Baghdadi ayaa ku dhintay howlgal ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Homs ee galbeedka dalka Syria, sida ay baahisay warbaahinta Daacish ee al-Nashir News. Ayada oo soo bandhigtay sawirka wiilka yar oo lagu magacaabo Hudhayfah al-Badri, ayaa warbaahinta waxa ay sheegtay inuu ku dhintay howlgal ka dhan ahaa ciidamada Russia iyo kuwa dowladda Syria ee jooga Homs. “Hudhayfah al-Badri (Allaha aqbalee), wiilka khaliifka (Allaha xifdiyee), waxaa lagu dilay howlgal ka dhan ahaa ciidamada Russia iyo kuwa Syria ee jooga Wilaayada Homs” ayaa lagu yiri qoraalka al-Nashir. Si madax banaan looma xaqiijin karo dhimashada Hudhayfah…
Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Malaysia Najib Razak, ayaa maanta si rasmi ah loogu soo oogay dacwado lala xiriira fadeexad musuq-maasuq oo balaayin dollar ah. Najib ayaa waxaa maanta lasoo taagay maxkamad hosoe ayada oo lagu eedeeyey saddex kiis dambiyeed oo ku saabsan inuu lumiyey kalsoonidii lagu aaminay iyo hal kiis oo musuq maasuq ah. Najib ay shalay gurigiisa ay ku xireen wakiilada guddiga ka hor-taga musuq-maasuqa dalka Malaysia. Najib ayaan qiran wax dambi ah markii maanta maxkamadda la horkeenay. Waxaa lagu sii daayey damaanad ah 250,000 oo dollar, waxaana lagu amray inuu dhiibo laba baasaboor oo uu haystay. Maxkamadeyntiisa…
Ugu yaraan 10 qof oo ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab iyo dad tuulo-joog ah ayaa ku dhintay weerar ay maleeshiyada xagjirka ku qaadeen degaanka lagu magacaabo Caad oo galbeed ka xiga magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug. Weerarkan ayaa wararka ka imanaya dadka degaanku sheegayaan inuu ka dambeeyay markii dadka degaanku diideen codsi uga yimid Al-Shabaab oo ahaa inay keenaan wiilal ka mid noqda ururka Al-Shabaab. Halkan ka dhagayso warbxinta dagaalka
Waxaa isa soo taraya tirada dalalka danaynaya in ay maamulaan dekada Soomaaliya , taas oo mararka qaar horseeday xasarad dublamaasiyadeed maadaamaa dalalka ka mid ah kuwa dekadaha raba aad isugu dhacsanyihiin. Dalkii ugu dambeeyay ee soo bandhigay damaca ay uu ka qabo dekedaha waa Qatar, kaas oo wafti heer sare ah oo wasaaradda dekadaha ka socday usoo diray Soomaaliya, kuwaas oo kulamo la qaatay Ra’isulwasaare Xassan Cali Kheyre. Sida lagu faafiyay warbaahinta dowladda, socdaalka waftiga ayaa ahaa mid kormeer ah kadib heshiisyo ay horey u wada galeen madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxda dowladda Qatar mar uu madaxweynaha…
Wasiiro iyo saraakiil katirsan Puntland ayaa duleedka deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ku soo dhoweeyey cutubyo katirsan ciidanka difaaca oo ka soo kicitimay deegaamo katirsan gobolada Bari iyo Nugaal,hoos ak daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/eVFcIE97flA
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 04 july 2018 waxaa uu xafiiskiisa ku sagootiyey madaxa UNFPA Puntland mudane Bakhtior Kadirov, kadib markii loo bedaley dalka Bakistan. Hay’adda UNPFA ayaa Puntland shaqoyin baaxad leh ka fulisa sida, daryeelka Hooyada iyo dhalaanka, taageerada Hospitalada shaybaarka DNA iyo shaqooyin kaloo farabadan oo muhiim ah. Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Hay’adda UNFPA iyo mudane Bakhtior Kadirov ku ammaanay ugana mahad celiyay Shaqada wanaagsan ee ay dalka ka fuliyeen intii uu xafiiska UNFPA madaxda ka ahaa Mudane Bakhtior, isla mar’ahaantaana madaxwaynayaa ayaa sheegay inuu…
Wararka ka imanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in uu halkaa ka soconayo dibadbax ballaaran oo looga soo horjeedo diidmada Shilinga Soomaaliga. Banaanbaxa ayaa waxaa soo qabanqaabiyay Bulshadda kunool Magaalada Gaalkacyo, waxaana ay sheegeen in maalmihii lasoo dhaafay ganacsatadda magaalada ay diideen in ay qaataan lacagta Shilinga Soomaaliga. Qaar kamid ah Ganacsatada haweenka ah ayaa hormuud u ahaa dadka dibaxa dhigayey kuwaasoo muujinayey sida ay uga xunyihiin diidmada shilinka Soomaaliga ah gudaha magaalada Gaalkacyo. Maamulka Gobolka Mudug ayaa arinkan ka hadlay,shir jaraa’id oo uu qabtay Gudoomiyaha Gobolka Mudug Xasan Abgaaloow ayuu ku shaaciyay amaro uu soo saaray,hoos…
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 3 July 2018 xafiiskiisa Madaxtooyada Dowladda Puntland ee Garoowe ku qaabilay wafti ka socdey hay’adda ICRC oo uu hoggaaminayey Madaxa ICRC Soomaaliya MR. Simon Brooks. Wafdiga hay’adda ICRC ee uu hoggaaminayey MR. Simon Brooks ayaa waxaa ka mid ahaa kuxigeenka madaxa ICRC Mr. Gauthier John Lefevre, isu duwaha hay’adda ICRC Soomaaliya Peter Lick iyo Madaxa hay’adda ICRC xafiiskeeda Puntland Abdifatah Fandhaal. Kulanka Madaxweynha iyo hay’adda ICRC oo ka dhacay xafiiska madaxweynaha ayaa waxaa looga hadley halka ay marayaan mucaawinooyinka bani’aadaminimo iyo mashaariicda kale ee ay Hay’adda ICRC ka fuliso deegaanada Puntland…
Ugaaska Mareexan ugaas Mohamed wali oo farmaajo ugu baaqay inuu is casilo wuxuu yiri Farmaajow waad fashilantay ee xilkaan iskaga tak waxan kuu maleenenay inaa tahay kii Somalia Samata bixin lahaa lkn waxad noqotay kii ugu liitay Ugaaskii Ku qabiilka ahaa Farmaajo haduu qarin waayya qaladadkiisa soo lama dhihi karo Farmaajo waa ku fashilmay Hogaanka dalka,Hoos akd aaow muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://www.facebook.com/habargidirnews/videos/1875962015759525/
Muran ayaa ka dhashay hub ay dawladda Soomaaliya 22-kii bishii aynu soo dhafanay kasoo dejisay garoonka diyaaraha ee Muqdisho. Hubkan ayaa ka kooban qoryaha AK47 oo la ii sheegay inay gaadhayaan 300 qori iyo bastoolado iyaguna gaadhaya 300, rasaas iyo qalab kale oo milatari. Warar xogogaal ah ayaa sheegaya in hubkan la geeyey kayd hub oo aan ahayn kii dawladda, isla markaana aysan keenistiisa ka wada warqabin laamaha dawladda. Dhinaca kale warar lagu kalsoon yahay ayaa VOA u sheegay in hubkan keenistiisa aan lagu wargelin Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay sida uu dhigayo qaraarka cunqabataynta Soomaaliya. Waxaa kale oo su’aali…
Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Malaysia Najib Razak, ayaa maanta la xiray ayada oo lala xiriirinayo fadeexad musuq-maasuq oo balaayin dollar ah. Ilo-wareedyo ayaa sheegay in Najib ay maanta gurigiisa ku xireen wakiilada guddiga ka hor-taga musuq-maasuqa dalka Malaysia. Xarigiisa ayaa waxa uu xiriir la leeyahay lacag lagala baxay hay’adda horumarinta dhaqaalaha dalkaas ee 1MDB. Ra’iisul wasaaraha hore ayaa waxaa la filayaa in si rasmi ah dacwad loogu soo oogo maalinta arbacada. Waaxda cadaaladda Mareykanka ayaa horey u sheegtay in 4.5 bilyan oo dollar laga xaday hay’adda 1MDB, ayada oo qeyb ka mid ah lacagtaas ay ku dhacday sanduuqyada lacageed…
Waxaa jira ceelal shidaal ah oo aysan wax war ah ka hayin Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, sida uu sheegay madaxweynaha Cabdi Maxamuud Cumar. Muuqaalkan oo baraha bulshada dhex socda ayuu madaxweynuhu ku qirayaa in uu jiro aag shidaal dhooban yahay oo uusan waxba kala soconin hawsha ka socota. Isaga oo arrintaas ka hadlaya ayuuna yiri “gobolka Jarar oo cobole ah akabaabigeeda (waa eray Amxaari ah oo macnihiisu yahay agagaarkeeda) mid baa iska haysta Tewadhros la dhoho, mooji kaasu”. Madaxweynaha ayaa intaas sii raaciyay “haddase waa la isaga daba yimid” mana cadda waxa uu ula jeedo. Madaxweynaha ayaa hadalkaas ka jeediyay…
Waxaa la nasakhay dhammaan heshiisyadii lagu bixiyay dhulka Jardiinooyinka ee magaalada Muqdisho, sida uu shaaciyay Duqa magaalada Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan oo ku magac dheer Injineer Yariisow. Dhulka jardiinooyinka ayaa ah dhul ay dawladdu u qoondaysay in ay magaaladu ku kala neefsato, shacabkuna ku nastaan oo indhaha u roon. Dhulkaas ayaa ku kala yaala isgoysyo badan, balse maamulladii xukuumadda hadda jirta ka horreeyay ayaa shaqsiyaad ku wareejiyay. Dhulkaas ayaa laga dhigtay, kaalimo shidaal, makhaayado iyo dhismeyaal. Duqa Muqdisho ayaase hadda u qabtay muddo 30 maalmood ah si ay hantidooda uga daldashaan maadaama oo la joogo wakhti…
Dagaal xooggan ayaa la sheegayaa inuu ka socdo gudaha magaalada Baabili oo maamul ahaan hoos timaadda gobolka Oromada ayna wada degaan qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada. Dagaallada oo maalmahanba ka socday tuulooyin ku hareereysan magaalada baabili ayaa wuxuu ku sii ballaartay magaalada gudaheeda. Ilaa iyo hadda waxaa dagaalkaasi ku dhintay 6 qof dhaawac tira bandanna uu jiro waxaana burbur xooggan loo geystay huteellada iyo ganacsiga kale e ay Soomaalida ku lahayd magaalada baabili. Maamulka deegaanka Oromada, kan Soomaalida iyo kan Federaalkaba kama aysan hadalin. Dagaalladaasi ayaa waxay maalmihi la soo dhaafay ka socdeen tuulooyinka Erer iyo Biisidiimo maantana waxay ku fideen…