Askari ka tirsan ciidamada dowladda, ayaa dil toogasho u geystay askari ka mid ahaa ciidamada ilaalinta nidaamka waddooyinka ee taraafikada, xilli la sheegey in uu shaqadiisa ku guda jiray askariga la dilay. Dilka ayaa ka dhacay goob mashquul badna oo ciidanka nabad gelyada waddooyinka Muqdisho ay howl ka hayeen.
Author: Jibril Qoobey.
Kulan laba maalmood qaatay ee ka socday magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose ayaa lagu go’aamiyay in dhawaan Howlgal milatari oo ka bilaawdo deegaanada Maamulkaasi. Madaxweyne ku Xigeenka maamulka Jubbaland ayaa Warbaahinta u sheegay in maalmo kadib deegaanada maamulkaas waxaana ka qeyb qaadan doono Ciidamada AMISOM oo markii hore ku koobnaa difaac oo kaliya. Jubbaland ayaa deegaano badan waxaa ka hesyta dagaalamayaasha Al-shabaab waxaana xusid mudan In Al-shabaab ay si buuxda u maamulaan Gobalka Jubada Dhexe.
Maraykanka ayaa isaga baxay Golaha xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay, isaga oo ku tilmaamay “mid aan dhexdhexaad ahayn”. Golahan “munaafaqa ah ee danahiisa uun eegta xuquuqda aadanaha ayuu ku jeesjeesaa”, ayay tiri Nikki Haley oo ah safiirka Maraykanka u fadhida Qaramada Midoobay. Haley, ayaa sannadkii hore ku eedaysay Golaha “inuu si caado noqotay Israa’iil uga eexdo” waxay sheegtay wakhtigaas in Maraykanku ka fiirsanayo xubinnimadiisa golahaas. Golahan waxaa la sameeyey sannadkii 2006-dii waxaana lagu dhaleeceeyaa in ay xubno ka yihiin dalal heerka ay xuquuqal insaanka ka taaganyihiin calaamatu su’aal saarantahay,hooska daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo…
Gudoomiyaha Gobolka Nuugaal Cumar Cabdullaahi Faraweyne,oo saxaafada kula hadlayay Xaafiiskiisa maanta,ayaa jawaab adag siiyay maamulka Jeegaanta ee kusoo duulay Dhulka Puntland. Gudoomiyaha gobolka Nugaal Corneal Cumar Cabdullaahi Faraweyne ayaa sheegay in kooxda Jeegaantu ay hadda nafla caari kujirto islamarkaana ay cagta ladhacayso dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan.hoos ka daawo muuqaalka shirka jaraaid ee Cumar Faraweyne. Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 21-ka bishan Magaaladda Addis-ababa uga qeyb galaya shir aan caadi ahayn oo madaxda waddamada IGAD ay isugu imaanayaan. Shirkan IGAD oo ka baxsan shirarkoodii caadiga ahaa ayaa waxaa madaxda ururku ay uga hadli doonaan xaaladda amni ee Koonfurta Suudaan oo ay ka soo korortay xaalad amni xumo, kadib markii ay markale is faham la’aan soo dhex gashay dowladda South Sudan iyo kooxaha mucaaradka ku ah. Madaxda urur goboleedka IGAD ayaa qatar xoog leh u arka xaaladda hadda ka taagan Koonfurta Suudaan oo haddii la xalin waayo keeni karta dagaalo cusub oo dalkaas…
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 19 June 2018 xafiiskiisa kasoo saaray wareegto uu ku Magacaabay Garyaqaanka Guud ee Dowladda Puntland Xeer Madaxweyne Lr. 83 June 19 2018, kuna saabsan Magacaabid Garyaqaanka Guud ee Dowladda Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland. Markuu tixgaliyey: Aqoon tiisa iyo khibradiisa Shaqo Wuxuu Xeeriyey: 1.Waxaa Maxamed Yuusuf Maxamuud loo Magacaabay Garyaqaanka Guud ee Dowladda Puntland 2.Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu. =DHAMMAAD= XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.
Xisbiga Demoqraadiga ayaa aqbaley soona dhaweeyey in kursiga Congress-ka oo uu baneynayo Keith Ellison oo Minnesota laga soo doorto ay u tartanto Ilhan Omar oo ka mida congress-ka Gobolka Minnesota. Keith Ellison ayaa kursiga baneynaya wuxuuna u ordayaa inuu noqdo xeer-ilaaliyaha guud ee gobolka Minnesota. Halkan hoose ka daawo muuqaalka https://youtu.be/cAIbSjjhUhU
Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa laamaha ammaanka ee dalkiisa ku eedeeyay in ay gaystaan falal argagixiso iyaga oo si sharci darro ah dadka u xira una jir dila. Abiy ayaa xilka loo dhaariyay labo toddobaad ka hor isaga oo ballan qaaday in uu isbadallo waawayn samayn doono. Kumannaan ruux oo ay ka mid yihiin dad siyaasad u xirnaa ayaa la sii daayay, bishan horraanteediina wuxuu shaqada ka tiray taliyihii ciidammada iyo midkii sirdoonka. Billo ka hor wax aan la filan karin ayay ahayd in qof masuul ah uu dawladda Itoobiya ku eedeeyo falal argagixiso. Balse arrintaas ayuu…
Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Dr. Maxamed Cabdi Waare ayaa waxa uu ka hadlay heshiisyadii dowldaha Soomaaliya iyo Itoobiya ay magaalada Muqdisho ku kala saxiixdeen 16-kii bishan, heshisyadaasi waxaa qeyb ka ahaa in la maalgelinayo Afar Dekedood. Wuxuu sheegay Madaxweyne Waare in heshiisyadaasi ay yihiin kuwa waxtar badan u leh labada dowladood, isaga oo Madaxda labada dhinac ku ammaanay ka guul gaarista heshiiskan. “Annaga hadaanu nahay Hirshabeelle xuduud ayaan ku naalnaa, aad ayaan u soo dhaweyneynaa heshiisyada Dekedaha ku saabsan, si ay u timaado isdhexgal, waxaa imaanaya in la helo shaqooyin iyo mustaqbal, hadii laga mira dhaliyo heshiisyadan.” Ayuu yiri Madaxweyne Waare.…
Halkan hoose ka daawo muuqaalka https://youtu.be/lQc2QKBcHZY
3-Bilyan oo dolar ayay Imaaraadku usoo dhiibeen Itoobiya si ay si dadban gacanta ugu soo dhigto Dekedaha Somaliya. Imaaraadku qorshahan uu Itoobiya usoo dhiibay waxaa gacantiisa kusoo galaya ugu yaraan labo Dekadood oo muhiim ah. Itoobiya,ayaa qorshahan waxay ku helaysaa dhawr qodob oo muhiim u ah,kuwaasoo kala ah…… 1.19% heshiiska maalgashiga. 2.Itoobiya oo loo dhisi doono Ciidan badeed xoog badan oo qandaraaska ilaalada Dekedaha la siiyay. 3. Wadooyin isku xiri doonta dalkeeda iyo Somaliya. 4.Ciidamada Amisom oo loogu dari doono Ciidamo qayb ka noqda hawlgalka nabad ilaalinta Somaliya. Sidoo kale Itoobiya waxay heli doonto shaqaale xoogsato ah oo ka shaqayn…
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir, iyo ergo ka kooban qareeno iyo diblumaasiyiin ayaa gaaray Maxkamadda Calaamiga ee Garsoorka (ICJ) ee magaalada Hague. Ergadan ayaa waxaa ka mid ah qareenno ay garwadeen ka tahay Dr. Muna Al Sharman iyo DanjiMraha Soomaaliya ee Midowga Yurub Dr. Cali Said Faqi, waxana ay uu gudbinayaan jawaabta gal dacwadeedka muran badda ee Soomaaliya iyo Kenya Maxkamada Caalamiga ah ee ICJ. Maxkamadda ICJ ayaa sanadkii aynu ka soo gudubnay go’aamisay inay qaadi doonto Muranka Badda ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya. Sidoo kale waxaa Maxkamada ku sugan ergo ka…
Halkan hoose ka daawo muuqaalka https://youtu.be/bis58LHSzpU
Anniga oo ku hadlaya magacayga iyo magaca jaalliyada reer Melbourne ee Australia waxaanu tacsi u dirayaa qoyskii uu ka geeriyooday addeer Saciid Cusmaan Cali Jagaf oo ku geeriyooday magaalada Melbourne ee dalka Australia 16/6/2018. S Saciid Cismaan wuxuu ifka kaga tegay 42 qof oo isugu jira wuxuu dhalay iyo waxay sii dhaleen iyo laba xaas. Saciid oo ka mid ahaa tababaraayaashii ciidamadii qalabka siday ee ka hor burburkii qaranimada, Saciid wuxuu sumcad wanaagsan ku lahaa ciidanka dhexdiisa,wuxuu waxbarashadiisa ku soo qaatay dalka Masar iyo dalka Sacuudi Carabiya. Adeer Saciid wuxuu ahaa Nin oday ah, degan oo aad uga fogaada wax…
Bartamaha magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa waxaa ka dhacay dibad bax ay shacabka kunool magaalada Garoowe uga soo horjeedaan dhibaatada shacabka Laascaanood kala kulmaan Soomaaliland sidoo kalena lagu taageerayey ciidanka difaaca dowladda Puntland,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka https://youtu.be/cT5_2wfpsWo
Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle oo faah faahin ka bixinayay heshiiskaasi ayaa waxaa uu sheegay in uu ku saabsanaa dhinacyada iskaashiga amniga, diblomaasiyadda, iyo arrimo kale. Wuxuu sheegay Wasiir Daahir Geell in heshiiskan uu mudo soo socday oo dowladihii midan ka horeeyay ay soo wadeen, wuxuuna tilmaamay in labada dalba ay heysteen fursado badan. Laakiin waxaa uu meesha ka saaray hadalkii ka soo yeeray ra’iisal wasaaraha Itoobiya ee ahaa in labada dal isku noqonayaa hal wadan, isaga oo sheegay in Itoobiya iyo Soomaaliya yihiin labo dowladood oo kala madax-bannaan laakiin yeelanaya iskaashi iyo wax wada qabsi. “Heshiiskani…
Halkan hoose ka daawo muuqaalka https://youtu.be/ps5vkrWwgK8
The former University professor and Prime Minister of Ethiopia, Engineer Haile Mariam Desalegn once said the Ethio-Somali region has massive underground reserves of water. The newly elected Prime Minister, Dr. Abiy Ahmed, in his meetings with the local people and the region’s representatives reiterated the importance of the region’s potential to feed East-Africa. Historically like most regions in Ethiopia, this region had been deprived of the very basic infrastructures and it was a war zone for many years. The region had suffered successive droughts as well. As a result of the droughts, people had to move from place to…
Halkan hoose ka daawo muuqaalka https://youtu.be/9J2Foa1YaJY
Ra’isalwasaaraha Itoobiya oo booqasho qaadatay saacado ku gaaray xarunta hay’adaha fadaraaliga ah Somaliya ee Muqdisho,ayaa saxaafada la hadlay markii uu ku laabtay dalkisa. “Hal dal oo mid ah ayaan noqonaynaa annaguna Dekad la’aanta ayaan ka baxaynaa,iyaguna dakadahooda halka Markab uu ka muuqdo ayay dhaqaale ka helayaan,weligeen inaan Siyaad Barre iyo Mengistu wixii dhex maray ka sheekeyno ma aha”,ayuu yiri Attoo Abiye. Dhanka kale ra’isalwasaare Abiye,ayaa lasoo galay Villa Somaliya heshiis ay dan weyn ugu jirto Dalkiisa oo ku saabsan maalgashi Dekedaha Somaliya. Itoobiya,ayaa heshiiskaas ku helaysa dhawr qodob oo muhiim u ah,kuwaasoo laga tilmaami karo… 1 . 19% 2. Ilaalada…
Ra’isalwasaaraha Dowlada Fadaraalka Xasan Cali Khayre iyo wafti uu hogaaminayo,ayaa u anba baxay Dalka Norway. Ra’isalwasaare Khayre,ayaa u tagaya Norway shirweyne looga doodi doono sida ugu haboon ee loo adkayn karo amaanka caalamka. Shirkaas ayaa ka socon doona Oslo mudo labo maalmood ah,waxaana kasoo qaybgali doona madax hore iyo kuwo hada xil haya oo ka kala socda Caalamka oo idil. Sidoo kale shirkaas waxaa khudbad ka jeedin doona Xoghayaha guud ee Qaramada midoobey. Khayre,ayaa shirkaas ka jeedin doona khudbad sida la filayo. Dhanka kale sida wararka lagu helayo waxaan soo raaci doonin waftiga khayre Wasiirka arimaha dibada Dowlada Fadaraalka Axmed…
Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa khaladaadkii hannaanka hab maamuuska ee la hareer maray:- 1- iyadoo la dhowrayo xilka, heybadda iyo hab maamuuska qaranka ee Madaxweynaha JFS waxaa haboon in laga soo kaxeeyo Madaxweynaha qolka nasiinada VIP-da garoonka kadib marka diyaaradda wafdiga ay istaagto barta loo asteeyay, hayeeshee Madaxweynaha ayaa maanta cadceedda la istaajiyay muddo shan daqiiqo kahor soo caga dhigashada diyaaradda. 2- Marka la fidinayo rooga cas ee loogu tala galay in ay madaxdu kudul socoto, lama wada fidiyo oo waxaa la reebaa qeybta loogu tala galay in lagu fidiyo ilaa jaranjarada diyaaradda iyadoo lala meel dhigayo saraakiisha…
Booqashadii ra’isalwasaaraha itoobiya Attoo Abiye Ahmed uu kusoo gaaray Muqdisho ma ahayn wax lala yaabo ama mucjiso taariikhda gashay noqon kara. Abiye ayay si gaar ah ugu ahayd markii ugu horaysay ee uu yimaado Somaliya isagoo ra’isalwasaare ah,balse in ra’isalwasaare Itoobiya xukumaa uu yimaado Somaliya waa wax iska caadi ah oo in badan dhacday,iyadoo waliba xaalku sida hada uu yahay uu kasii adkaa. Sidoo kale heshiis qurux badan oo qodobo door ah ka kooban in lawada galo oo lakala saxiixdo mahan iyaduna wax cusub.. Balse Qodobka soo jiidashada lahaa lana oran karo booqashada Abiye ee Muqdisho way daarnayd,ayaa ahaa… 1.Qodobka…
June 16, 2018 Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr: Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Tacsi u diray dhammaan Umadda Soomaaliyeed, Gaar ahaan Shacabka Puntland, Qoyska iyo Eheladii uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdirsaaq Nuur Maxamed {Hantiile}oo ahaa Agaasimihii guud ee Wasaaradda Haweenka Puntland oo maanta ku geeriyooday magalada Garoowe ee Caasumada Dowladda Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa si gaar ah ugu Tacsiyeeyay dhammaan bahda Wasaaradda Haweenka geerida ku timid Marxuun Cabdirsaaq Nuur Maxamed {Hantiile} wuxuuna Madaxweynuhu Allaah uga baryey Marxuumka inuu Jannadiisii Fardowso ka waraabiyo Aamiin Aamiin, uuna daris uga dhigo Suubbanihii Rasuulkeennii CSW Amiin Amiin Amiin
Ethiopia has agreed on a joint investment in Somali ports in what could be seen as Premier Abiy Ahmed’s move to legitimise logistical deals initially questioned by Mogadishu. After a meeting in Mogadishu on Saturday, President Mohamed Abdullahi Mohamed ‘Farmaajo’ and PM Ahmed said they will be investing in major infrastructure projects including ports and roads. “In an effort to attract and retain foreign investment to the two countries and the Horn of Africa Region, the leaders agreed on the joint investment in four key sea ports between the two countries, and the construction of the main road networks and…
The United Arab Emirates pledged a total of $3 billion in aid and investments to Ethiopia on Friday, an Ethiopian official said, a major show of support for the new prime minister, Abiy Ahmed. The UAE will deposit $1 billion in Ethiopia’s central bank to ease a severe foreign currency shortage, government spokesman Ahmed Shide told Reuters at a palace in Addis Ababa after Abiy met with Abu Dhabi’s crown prince, Sheikh Mohamed Bin Zayed. No officials from the oil-rich Gulf state briefed journalists, but the UAE and its Gulf allies, in particular Saudi Arabia, regularly give large sums to cooperative governments in the…
Foreign travel advice’ Somaliland Any British nationals in Hargeisa or Berbera who are not on essential travel should leave. The Foreign and Commonwealth Office (FCO) advise against all travel to Somalia, including Somaliland except for the cities of Hargeisa and Berbera to which the FCO advise against all but essential travel. Any British nationals in areas of Somalia to which the FCO advise against all travel should leave. Any British nationals in Hargeisa or Berbera who are not on essential travel should leave. Any British national visiting Hargeisa or Berbera should exercise a heightened level of…
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Britain ayaa uga digtay muwaadiniinta u dhashay Britain in ay u safraan Soomaaliya, oo ay ku jirto Somaliland, marka laga reebo magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera oo wasaaraddu ay sheegtay in iyaguna muwaadiniintu ka baaqsadaan ilaa safarro muhiim ah mooyee. Bayaan kasoo baxay waaxda arrimaha dibadda Britain, ayaa sidoo kale loogu baaqay dhammaan muwaadiniinta u dhashay Britain ee jooga Soomaaliya in ay ka baxaan. Sidoo kale kuwa Hargeysa iyo Berbera u jooga socdaallada aanan muhiimka ahayn, ayaa iyaguna loogu baaqay in ay ka baxaan. Dhamaan dadka British-ka ah ee booqanaya Hargeysa ama Berbera ayay Dowladda Britain kula talisay…
Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa ka dhoofay magaalada Muqdisho, waxaana sagootiyay Ra’isul Wasaaraha Somalia Xasan Cali Kheyre. Hadaba hoos ka daawo sida ay dhacday sagootinta Ra’isalwasaaraha Itoobiya,hoos. Halkan hoose ka daawo muuqaalka https://youtu.be/XYfJ_dansLg
Kadib kulan muhiim ah oo maanta muqdisho ay ku yeesheen madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo wafdigii uu hoggaaminayay raiisul Wasaaraha Itoobiya ayaa waxaa lagu heshiiyay ilaa 16 qodob oo muhiim u ah xoojinta iskaashiga iyo xiriirka ka dhexeeya wadamada Soomaaliya iyo Itoobiya. 1.Hoggaamiyaasha labada dhinac waxay ka wada hadleen arrimo badan oo quseeya labada dal,Gobolka iyo guud ahaan caalamka,intii kulankoodi u usocday ayaa labad mas’uull waxay dib u soo cusboonaysiiyeen balanqaadyadii ahaa xoojinta xiriirka ku dhisan walaltinimo,dhaqanka,derisnimada iyo istixgelinta labada dal. 2.Waxaa lagu heshisyay in dib loo soo cusboonaysiiyo xoojinta xiriirka ku dhisan wadasheynta guud,xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhexeeya Soomaaliya…
Safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa ah booqasho rasmi oo hal maalin ah, waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhoweeyay Madaxweyne Farmaajo, Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada, Duqa Muqdisho, Diblomaasiyiin, Kooxda Hidaha iyo Dhaqanka. Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka Itoobiya, waxaana loo garaacay astaanta Calanka Itoobiya, iyadoo labada Calan ee dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya la suray Garoonka Diyaaradaha Muqdisho iyo waddooyinka faras magaalaha. Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa loo galbiyay Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya, halkaasoo wada hadalo labo geesood ah uu ka dhici doono, iyadoo lagu wado in heshiisyo ay kala saxiixdaan labada dowladood. Ra’iisul…
Ra’isalwasaaraha Dowlada Fadaraalka Xasan Cali Khayre iyo wafti uu hogaaminayo,ayaa kusii jeeda Dalka Norway maamlmaha nagu soo aadan. Ra’isalwasaare Khayre,ayaa u tagaya Norway shirweyne looga doodi doono sida ugu haboon ee loo adkayn karo amaanka caalamka. Shirkaas ayaa ka socon doona Oslo mudo labo maalmood ah,waxaana kasoo qaybgali doona madax hore iyo kuwo hada xil haya oo ka kala socda Caalamka oo idil. Sidoo kale shirkaas waxaa khudbad ka jeedin doona Xoghayaha guud ee Qaramada midoobey. Khayre,ayaa shirkaas ka jeedin doona khudbad sida la filayo. Shirkaas,ayaan macnow eyn ulahayn Somaliya marka laga soo tago sida…
Dib u dhac ayaa ku yimid shirkii Biljim ee looga xaajoonayay amniga Somaliya. Shirkaas ,ayaa loo balansanaa 26-ka bishan,balse dib u dhac ayaa ku yimid,kadib markii ay sidaa codsadeen madaxda Somalida oo isu diyaarinaya Todobaadakan dabaaldegyda maalmaha xoriyada guud ahaan Somlida. Shirka ,ayaa dib loo dhigay ilaa 16-bisha danbe,iyadoo ay kasoo qaybgali lahaayeen guud ahaan madaxda Dowlada Fadaraalka iyo madaxda Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka Somaliya. Shirka Biljim,ayaa looga xaajoon doonaa sida ugu macquulsan oo loo dhisi karo Ciidan Qaran oo ay Somaliya yeelato,waxaana qayb ka ah wafuud sarsare oo ka kala socda Wadamada daneeya arimaha Somaliya.
Sofiya marka ay dhaqdhaqaajineyso indhaheeda iyo sunniyaheeda, oo bushimaheeda xamuuradda lagu qurxiyeyna ay kala furto, oo ay ilkaheeduna bannaanka yimaadaan, shaki ayaa kaa galaya iney tahay dad samee, adiga ayaaba naftaada la doodaya. Sofiya waa mashiin sida qof ahaan gaar ahaanna jinsiga dumarka loo sameeyey. Wariyeyaal badan ayaa wareysi ku casuumay, magac weyn ayay dunida ku yeelatay ilaa iyo hadda, sida mashiinta sofiya ay dadka u soo jiidatay mid la mid ah horay looma arag. Waxaa horay casuumado ugu fidiyey jilaaga caanka ah ee Mareykanka u dhashay Will Smith iyo Jilayaal kale oo caan ah. Mar…
PRESS STATEMENT 06/2018 The UN Secretary-General’s Special Representative for Somalia, Michael Keating, sends his warm greetings to all Somalis as the holy month of Ramadan begins. “On behalf of the entire United Nations family in Somalia, I extend best wishes for a peaceful holy month of Ramadan to Somalis in the country and around the world,” said Mr. Keating. “This is an important time in the year when families and communities can be together, reflect on what really matters in life, and offer their prayers and support for those who are less fortunate. It is also a time for healing…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa saaka subax nimadii 15 June 2018 La tukaday salaadii ciidul fidriga shacabka ku dhaqan caasimada Dawladda Puntland ee Magaalada Garoowe. Salaada Ciida oo Lagu tukadey garoonka kubada cagta Mire Awaare ayaa waxaa Madaxweynaha kala qayb galay Madaxweyne kuxigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey, Gudomiyaha Baarlamaanka Puntland Mudane. Axmed Cali Xaashi iyo kuxigeenadiisa, masuuliyiin ka tirsan goloyaasha dawladda Puntland, saraakiisha ciidamada Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, isimo, cuqaal, nabadoono, waxgarad, siyaasiyiin, aqoon yahano, Culumo iyo shacab weynaha Casimada Dawladda Puntland. Gudoomiyaha Baarlamanka Puntland Axmed Cali Xaashi oo munaasabada…
Denmark has an undisclosed agreement with Somalia to return individuals to the Northeast African country, according to reports. The agreement provides for up to 12 people to be returned to Somalia by Denmark annually, Politiken reported last year, but it has not been officially confirmed and details of individual cases have not been disclosed. But one of the deportations that may have been carried out under the arrangement was reported by TV2 on Wednesday. A woman from the Vollsmose neighbourhood in Odense told TV2 that she had been subject to attempted extortion by one or more immigration officers in Somalia over the deportation of her son…
Shirkii Golaha Xukuumadda Dawladda Puntland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas. Shirkii Golaha Xukuumadda Dawladda Puntland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Looga hadlay arrimaha Amniga Puntland, Dhibaatada Tahriibta iyo Xeerka Biyaha Puntland. Amniga Puntland: Golaha xukuumadda Dawladda Puntland oo Warbixin Ka dhageystay Wasaaradda Amniga ayaa Sheegay in Amniga guud heerkiisu sarreeyo, waxayna Golaha Xukuumada Dawladda Puntand oo dood dheer ka yeeshay arrimaha Amniga ay xuseen in si dhow loola socdo tacadiga iyo caburinta joogtada ah ee loo gaysanayo birimagaydada iyo Waxgaradka Gobalka Sool gaar ahaan Magaalada Laascaanood. Sidoo…
Halkan ka daawo muuqaalka https://www.youtube.com/watch?v=K0ZDak1DQI8&feature=youtu.be
Xaaladda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool,ayaa maanta aad u kacsan kadib iska hor imaad dhexmaray Maleeshiyada maamulka Jeegaanta iyo dad shacab ah. Iska hor imaadkaas,ayaa waxaa ku dhaawacmay labo ka mid ah haweenka ku ganacsada Suuqa magaalada Laascaanood. Iska hor-imaadkaan ayaa waxa uu ka dhashay kacdoon ay sameeyeen dad shacab ah oo ka carooday dhaawac Maleeshiyada Jeegaanta dhaawac ay gaarsiiyeen haweeney ganacsato ah oo ku sugnayd suuqa weyn ee magaalada. Kacdoonka shacabka ayay ku dhaawaceen laba kamid ah maleeshiyada Jeegaanta ah,sidoo kale waxay shacabku kala hareen maleeshiyada 2 qori oo nooca fudud ah. xaalada magaalada ayaa aad ukacsan dadkuna…
Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, Mike Pompeo ayaa sheegay in cunaqabateynta saaran Kuuriyada Waqooyi aan lagaqaadi doonin ilaa iyo inta ay ka burburinayso hubka Nukliyeerka ah. Pompeo oo magaalada Seoul ee dalka Kuuriyada koonfureed uu kula kulmay dhigiisa dalkaasi iyo Japan ayaa waxaa uu sheegay in xukuumadda Pyonyang ay ka go’antahay inay fuliso arrintaasi. Xoghayaha arimaha dibedda ee Maraykanka, Mike Pompeo waxa uu u tegay Seoul oo ah caasimadda Kuuriyada Koonfureed si uu ugu qanciyo dalkaasi iyo Japan in heshiiska taariikhiga ahaa ee dhex maray Trump iyo Kim Jong-Un uu dan uu yahay dhinacyada oo dhan. Waxa…
Sida ay qortay Wakaaladda Wararka ee Associated Press, Xisbiga TPLF ee qowmiyadda Tikreyga dalka Ethiopia ayaa ku baaqaya in kulan degdeg ah la iskugu yimaaddo. Xisbiga ayaa sheegay in isbeddelada toddobaadkii uu Ra’iisal Wasaaraha dalku ku dhawaaqay ay meel mareen iyada oo si wadajir ah looga tashan. Dhinaca kale, Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed ayaa dalal dhowr ah booqasho ku tagey. Haddaba isbeddeladan dhinaca siyaasadda iyo cabashada ka timid iyo waliba ujeedada booqashooyinkii u dambeeyey ayaa Maxamed Cabdi Sandhere uu ka wareystay Maxamed Ismaaciil Shiikh Cumar oo ah Guddoomiyaha Isbahaysiga Caddaaladda Deegaanka Soomaalida, kuna sugan gobolka MN ee dalka…
A statement released by the Tigray People’s Liberation Front (TPLF), the ruling EPRDF’s oldest member, called Ethiopia’s recent decision to accept fully the Ethiopia-Eritrea Algiers Agreement and the subsequent decision by the boundary commission and to partially and/or wholly privatize major state-owned companies have “fundamental flaws”. The statement also called for the executive and the council of ruling party EPRDF, led by the new Prime Minister Abiy Ahmed, to hold an emergency meeting to review these and other issues of importance. In an unprecedented move after a day-long meeting by the 36 Executive Committee members of the ruling…
Madaxweynaha Dowlada Puntland Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta wareegto uu soo saaray waxa uu xilkii kaga qaaday agaasimayaashii hay’addaha sirdoonka Puntland ee PIA Cabdirsaaq Ciise Xuseen (Khaatumo) iyo Agaasimaha Guud ee Hay’ada kale ee Amniga ee Cabdulaahi Aadan Maxamed (Cabdulaahi Ulle). Cabdirsaaq Ciise Xuseen (Khaatumo) aagaaismaha PIA ee xilka laga qaaday, ayaa ka hadlay xilka qaadista lagu sameeyay isagoo waraysi siinaya idaacada Afka Somaliga ee VOA.hoos ka dhagayso codka. Halkan hoose ka dhagayso codka Khaatumomaawi
Dalalka Mareykanka, Canada iyo Mexico oo wada-jir ah ayaa ku guuleystay marti-gelinta koobka kubadda cagta adduunka ee 2026, kadib codbixin maanta ka dhacday dalka Ruushka, oo berri uu ka furmayo koobka adduunka. Saddexdan dal ayaa ka adkaaday dalka Morocco, oo ah kan kaliya ee la loolamayey. Waxay haleen 134 cod oo ka mid ah codadka guddiga wakiilada xiriirada dunida ee doorashada sameynayey, halka Morocco ay ka heshay 65 cod. “Tani xaqiiqdii waa daqiiqad muhiim u ah kubadda cagta Waqooyiga America” waxaa sidaas yiri guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta Mareykanka Carlos Cordeiro. Koobka kubadda cagta adduunka ee 2026, ayaa waxaa markii ugu…
Wasiir Qarjab ayaa sheegay in Puntland aysan cidna duulaan ku ahayn ayna ka go’antahay difaaca xuduudeheeda dastuuriga. Wasiirka warfaafinta Puntland oo kahadlayey isu socdka shacabka labada dhinac ayaa sheegay in qofkaasta oo Soomaali ah uu si xorriyad ah ugu noolaan karo Puntland aysana cidi wax kuyeeli doonin ciidda Puntland. Ugu dambayntiina Cabdi Xirsi Cali Qarjab Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa beeniyey in Puntland ay wadahadalo kula jirto Somaliland si loo kala qaado ciidamada ku sugan Tukaraq, isagoona sheegay inaysan wax gorgortan ah kugeli doonin dhulka Puntland,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka https://youtu.be/gaxvAh4fAB0
Shirqoolka_CAMUUD waxa u ugu dambeeyay Sil-silad Shirqoolo go’doomin ah oo horay #AWDAL loogu maleegay. Shalay, Xalay illaa saaka arday badan oo reer #Puntland ah ayaa Boorama kadareeray kiiyo waliba imtixaankii Jaamacadu u usocdo….Go’doominta BOORAMA maaha mid maanta bilaabantay.; waxa horay loo xidhay Airport kii magaalada, waxa horay loo xidhay Dekadii Somali ugu horaysay ee SAYLAC, Waxa horay loo xidhay oo Cashuur xoogle la saaray Gaaskii jabnaa ee dekada LUGHAYA kasoo Dagi jiray, BOORAMA malaha Dariiq laami ah oo Ku xidha Xeebaha SAYLAC iyo LUGHAYA Waana gobolka kaliya een aan lahayn laami isku xidha Daafaha Gobolka. Dadka Kagudbaya Xuduuda…
Laanta Socdaalka Itoobiya oo markii ugu horraysay taariikhda Itoobiya magaalada Jigjiga baasaboor ka bixisay. Laanta socdaalka iyo jinsiyadda ee dalka Itoobiya ayaa xafiis baasaboorrada laga bixiyo ka furatay magaalda Jigjiga ee xarunta u ah Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya. Dadka deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa dhibaatooyin ay safar dheer ka mid tahay ka mudan jiray qaadashada baasaboorka oo ay Addis Ababa u doonan jireen. Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ayaa bogaadiyay xafiiska cusub iyo adeeggan muhiimka ah ee dadka loo sahlay. Waxaa muuqata in maamulka uu hogaamiyo Cabdi Maxamuud Cumar ee haya talada Deegaanka Somalida…
Wareegto kasoo baxday Xaafiiska Wasiirka warfaafinta Dowlada Puntland,ayaa lagu amray in Hawada looga soo saaro Tv-ga maamulka jeegaanta ee Hargaysa. Tv-gan ayaa faafiya dacaayado been abuur ah oo id ku ah midnimada iyo jiritaanka Puntland,hoos ka akhriso wareegtada. Hakan hoose ka akhriso:-
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 13 June 2018 xafiiskiisa kasoo saaray wareegto uu xilkii kaga qaaday Agaasimayaasha Hay’adaha PSS iyo PIA. Xeer Madaxweyne Lr. 71 June 13 2018, kuna saabsan Xilka Qaadid Agaasimayaasha Hay’adaha PSS iyo PIA. Madaxweynaha Dawladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland. Markuu arkay: Muhiimadda ay leeyihiin Hay’adaha amniga. Markuu tixgaliyey: Talo soojeedinta Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Wuxuu Xeeriyey: 1.Wuxuu Xilkii Agaasimaha Guud ee Hay’ada PIA ka qaaday Cabdirsaaq Ciise Xuseen (Khaatumo). 2. Wuxuu Xilkii Agaasimaha Guud ee Hay’ada PSS…
Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa ugu deeqay agoonta Puntland lacag soddon kun oo doollar ah (30,000) , lacagta ayaa la sheegay madaxweynaha inuu ugu tala-galay ciid-siinta agoonta. Madaxweyne Gaas, ayaa lacagta u wakiishay wasiirka cadaaladda Puntland,Saalax Xabiib Jaamac oo markiiba si toos ah lacagta ugu wareejiyay guddiga dallada agoomaha Puntland oo la aasaasay sanadkii 2015. Guddoomiye ku-xigeenka dallada agoomaha Puntland,Sheekh Cabdow Cabdullaahi ayaa madaxweynaha Puntland ugu mahadceliyay deeqda lacageed ee uu ugu tala-galay in lugu ciid-siiyo agoonta,wuxuuna sheegay afar iyo taban xarumaad oo ku kala yaalla Puntland inay ku xareysanyihiin 3,683 agoon, “Inta badan wiilasha ayaa xareysan gabdhahanna…
Afhayeenka Madaxtooyada Dowlada Puntland Cabdulaahi Quraan-jecel,ayaa ganafka ku dhuftay warka kasoo yeeray Wasiirka arimaha dibada ee maamulka Jeegaanta Sacad Cali Shire ee uu ku sheegay in iyaga iyo Puntland uu u dhaxeeyo wada hadal meel fiican maraya. ”Majirto wax wada hadal ah oo naga dhaxeeya anaga iyo maamulkaas,aan Wasiirka waydiiyee halkee wada hadalkaas ka socda ,yaan la leenahay ,maxaan kawada hadlaynaa, ma Laascaanood iyo Garowe dhexdooda ayaan kawada hadlaynaa ,muxuu leeyahay oo aan kawada hadlaynaa”ayuu yiri Afhayeen Quraan-jecel. Sidoo kale Quraan-jecel oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri”Shacabka Puntland waxaan usheegaynaa in ay garab istaagaan Ciidankoda mujaahidiinta ah ,dhulka Sool waa…
Safiirka arimaha dibada ee maamulka Jeegaanta Sacad Cali Shire oo saxaafada la hadlayay,ayaa sheegay in uu jiro wada xaajood u dhaxeeya iyaga iyo Puntland. Sacad Cali Shire waxuu sheegay in wada xaajoodkan ay soo jeediyeen markii hore beesha caalamka kadibna ay aqbaleen,hadana uu marayo meel wanaagsan.. ”Wada xaajoodku meel fiican ayuu marayaa xiligan,waxaana qorshuhu yahay in Ciidamada lakala qaado,saraakisha Ciidankuan kulmaan oo ay kawadahadlaan Maxaabiista iyo xaalkooda”ayuu yiri Sacad Cali Shire.. Sidoo kale Sacad waxuu hadalkiisa ku daray oo yiri”Wada xaajoodkan waa wadada kaliya ee looga baaqsan karo dagaalka,Laascaanood dagaal uma baahna ee nabad bay ubaahan tahay,wali maanan arag dagaalkan…
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump wuxuu sheegay in kulanka uu la qaatay hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un uu ahaa mid wax ku ool ah oo kalsooni geliyay. Trump wuxuu sheegay inuu joojinaya dhoolatuska militari halka Kim uu ballan qaaday inuu burburin doono goobaha lagu tijaabiyo Nukliyerka. Sida ku cad heshiiska ay labada hogaamiye saxiixeen, waxaa ka go’an sidii Nukliyerka looga ciribtiri lahaa gacanka Kuuriya iyo ka shaqaynta nabadda gobolka. Mareykanka ayaa ka codsaday Kuuriyada Waqooyi in si dhamaystiran ay u xaqiijiso burburinta Nukliyerka. Madaxweyne Trump wuxuu yiri “Waxaan filaya in labada dhinac ay ku farxi doonaan natiijada kulanka” Kulanka kaddib hoggaamiyeyaasha…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo,ayaa warqadaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Dalka Belgiumka u fadhin doona Soomaliya Nicolas Nihon. Madaxweynaha Fadaraalka Soomaaliya ayaa war bixin kooban ka siiyay Safiirka cusub ee Belgeum-ka u fadhin doona Soomaaliya xaaladda Dalka iyo sida ay Soomaaliya ugu baahan tahay xilligan saaxiibbo caawiya, Danjire Nicolas Nihon ayaa isna dhinaciisa muujiyay sida ay Dowladdiisu ugu hanweyn tahay inay garab istaagto Soomaaliya. Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya Mukhtaar Mahad Daa’uud, ayaa sheegay in Belgeum-ka iyo Soomaaliya uu u dhexeeya xiriir iyo isfaham aad u fiican.wuxuuna ku tilmaamay horumar weyn…
Halkan hoose ka daawo muuqaalka https://youtu.be/j6Q9JZ3q1Bo
Waxaa kasoo goostay maamulka jeegaanta sarkaalkii labaad oo beesha Garxajis u dhsahy, Kornayl Aadan Tayuub oo u dhashay beesha Habar yoonis ayaa ka goostay ciidanka Jeegaanta ee ku sugan Jiida Tukaraq xalay. Sarkaalkan,ayaa lasoo goostay Ciidan fara badan iyo Gawaarida Tiknikada ah,waxuuna hada ku biiray Maleeshiyada uu abaabulayo Col.Caare. Srkaalkan,ayaa u dhashay beesha Garxajis gaar ahaan Sacad Yoonis. Waxaa si weyn usa soo taraya ka fogaasnaha shacabka iyo Ciidanka beelaha kale ee aan ahayn Jeegaanta ee Somaliland.
Madaxweynaha Maamulka Puntland Ayaa Goor Dhaweyd Gudoomiyaha Gobolka Sool U Magacaabay Abuukar Cabdi Geele Bilidhig A Gelle, Billidhig,ayaa ah masuul dhalinyaro ah oo leh aqoon iyo karti uu ku hogaamin karo Gobolkaas muhiimka ah. Balidhiig aya ahada ku sugan gudaha Gobolka Sool qaybna ka ah hawlgalak dib u xoarynta Laascaanood. Halkan ka akhriso wareegtada:-
Wafti sare oo ka socda Wadamada IGAD ,ayaa la filayaa in uu soo gaaro caasimada Puntand ee Garowe. Waftigan imaanshihiisa Garowe ayaa dhawr jeer oo hore isbadal ku yimid kadib markii Dowlada Puntland ay ka cudurdaaratay imaanshahooda. Ilaa iyo hada lama xaqiijin karo imaanshaha waftiga IGAD ee Garowe,waxayna xogaha laga helayo madaxtooyada Puntland sheegayaan in mugdi ku jiro wali imaanshahooda. Puntland ayaa si cad u diiday in wax wadaxaajood ah ay ka gasho difaaca dhulkeeda,waxayna uxaqiijisay dhawr xiriir oo horay u dhexmaray inta taako dhulkeeda ah lahaysto aysan gorgortan iyo wada xaajood diyaar u ahayn. Wadamada…
Wasiirka cusub ee arrimaha gudaha ee Taliyaaniga Matteo Salvini ayaa diiday in Markab soo badbaadiyay muhaajiriin ay tiradooda dhan tahay 600 oo qof uu ku soo xirto dalka Taliyaaniga. Mr Salvini, oo hogaamiya xisbiga garabka midig ayaa warqad u qoray maamulka jasiirada Malta isaga oo ka codsaday in markabkaasi uu ku soo xirto Valletta,oo ah caasimada Malta. Balse xukuumadda Malta ayaa sheegtay in hay’ad laga leeyahay dalka Jarmalka oo lagu magacaabo SOS ay muhaajiriintan ka soo qaaday biyaha dalka Liibiya islamarkana sharciyan ay hoos imaanayaan Taliyaaniga. Hay’adda SOS Mediterranee ayaa sheegtay in tiro muhaajiriin ah ay soo badbaadiyeen ka dib…