Author: Jibril Qoobey.

Timire wariyayaal kuma jiro” Muwaadin ,halgamaa,haldoor ku ad adag qadiaydisa,isla markaana yaqaan waxa uu yahay iyo waxa ay tahay in uu u adeego. Puntland TV Wariye ka macna badnaa Timire kuma jiro. In uu eersado oo lagu canaanto qadiaydiisa cad mahan wax la aqbali karo. Maamulka Tv-ga iyo wsaaarada Warfaafinta waxa alooga fadhiyaa in ay abaal mariyaan Wariyahaas haldoorka ah ee xalaasha ah. Puntland Tv waxuu ka gaabiyay doorkii kaga aadanaa dagaalka Tukaraq. Kuma filna hal war oo dhawr daqiiqo soconaya ka qaybgalka difaaca. Puntland Tv waa xaruntii hagi lahayd difaaca dalka,gubaabada ciidanka iyo midaynta shacabka,balse ma ahayn…

Read More

Waxaa ku geeriyootay dalka Itoobiya ,gaar ahaan Magaalada Adis-Ababa isbitaalka sarkaalkii Sideedaad ee maamulka Jeegaanta. Cawaale Axmed Galaal oo ahaa hogaankii hawlgalinta Ciidamada Badda maamulka Jeegaanta ee Muuse Biixi,waxuuna kamid ahaa saraakiishii sida culus ugu dhaawacantay dagaalkii Tukaraq ee loo qaaday itoobiya. Waa Sarkaalkii Sideed ee Maamulka Jeegaanta kaga geeriyooday dagaalkii gardarada ahaa ee ay soo qaadeen. Maamulka Jeegaanta ayaa ku waayay dagaalkaas saraakiil muhiim ah oo uu ku jiray Talyihii Ciidamada maamulkaas ee Dagaalka iyo in ka badan 62-Askari oo dhimasho ah iyo dhaawac 132-Askari oo kale..

Read More

Kulanka uu shir guddoominayay Madaxweyne Gaas,oo ay goobjoog ka ahaa yeen saraakiisha Ciidamada difaaca Puntland,Xildhibaano iyo golaha Wasiirada qaarkood aya aka dhacay qasriga madaxtooyada ee Garowe.i   Kulanka oo ahaa mid albaabadu u xirnaayeen loogana xaajoonayay xaalada dagaalka Sool iyo qorshaha Ciidan ee Puntlland,ayaan ilaa iyo hada si rasmi ah loo ogayn qodobada iyo qorshaha laysla qaatay,balse guud ahaan waxaa muuqata in Puntland ay ka go’an tahay dib u xoraynta Gobolka Sool.   Kulankaas ka dhacay Qasriga Madaxtooyada kadib,waxaa sidoo kale kulan kale ka dhacay jiida hore ee dagaallka ay ku sugan yihiin Ciidamada Difaaca Puntland.’   Saraakiishii ka qeyb…

Read More

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa gaaray jiida hore ee dagaalka ay isku hor fadhiyaan Ciidamada Difaaca Puntland iyo Maleeshiyada Muuse Biixi ee Jeegaanta musharax Khaliif Ciise Mudan. Musharax Khaliif Ciise Mudan ayaa noqday musharaxa kaliya ee ilaa iyo hada booqday jiida hore ee dagaalka Sool,isagoo kasoo kicitimay dalka Kenya gaar ahaan caasimadiisa Nairobi oo uu ku sugnaa xiligii dagaalku ka bilowday Gobolka Sool. Khaliif ayaa ah Sarkaal ciidan oo taariikh halagan ku dhex leh Puntland,isla markaana soo noqday Wasiirka Amniga iyo Talyaha Ciidamada Badda Puntland dowladihii Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf iyo Madaxweyne Faroole. Booqashada musharax khaliif Ciise Mudan ee jiida hore ee…

Read More

Booliiska dalka Malaysia ayaa sheegay in ay qabteen boqollaal kaartoon oo ay ka buuxaan waxyaabo qaali ah iyo boorsooyinka ay ka buuxaan lacago qalaad kuwaas oo laga helay guri lala xiriiriyay ra’iisulwasaarihii hore ee dalkaas Najib Razaq. Baaritaannada lagu sameeyay dhismeyaasha ku yaalla magaalada xarunta u ah dalka Malaysia ee Kuala Lumpur ayaa lala xiriiriyay baaritaanno lagu hayo dhaqaalaha mashruuca horumarinta ee 1MDB, sida ay sheegeen saraakiisha Booliiska dalkaasi. Eedaymaha musuqmaasuqa ee loo soo jeediyay mashruuca 1MDB ayaa qayb wayn ka ahaa waxyihaabihii guul darrada u horseeday Najiib, doorashadaasna waxaa ku guulaystay Mahathir Maxamed oo ay horay xulafo u ahaan…

Read More

Madaxa xuquuqda aadanaha QM ayaa ku eedeeyey Israel inay dadka Falastiiniyiinta duudsiisay xuquuqdooda aadanaha.   Zeid Ra’ad al-Hussein ayaa maanta kulanka gaarka ee golaha xuquuqda aadanaha QM ka sheegay in xaaladda dhulalaka la haysto ee reer Falastiin ay sii xumaanayso, islamarkaana dadka dhan 1.9 milyan ee ku nool Gaza ay ku jiraan xabsi marka ay dhashaan illaa ay ka dhintaan.   Kulanka QM ayaa la filayaa in lagu aasaaso guddi baara rabshadaha ka dhacay xadka Gaza ee toddobaadkan dilay 60 qof, islamarkaana dhaawacay 2,700 qof.   Safiirka Israel ee golaha xuquuqda aadanha QM, ayaa guddiga u sheegay in baaritaan lagu…

Read More

Senate-ka Maraykanka ayaa markii u horraysay haweenay u idmaday in ay hogaamiso hay’adda sirdoonka Maraykanka ee CIA, inkastoo ay door ku soo yeelatay barnaamij ay hay’addani fulisay 9/11 oo dadka lagu baarijiray.   Ansixinta Gina Haspel ayaa timid iyadoo kala qaybsanaan xisbi ay ka jirtay aqalka arrintaas oo la xiriirtay biyo maxaabiista lagu hafin jiray wakhtigii Bush.   Haspel oo horay uga soo shaqaysay CIA-da ayaa mar masuul ka ahayd xarun la dhihi jiray goobta madaw oo ku taallay Thailand taas oo la aasaasay wixii ka dambeeyay weerarkii 11 Sabtembar ee 2001dii.   Mike Pompeo oo hogaaminayay hay’adda sirdoonka Maraykanka…

Read More

Biyo ayaa la tegay gaadiid marayey wadada u dhexaysa Boosaaso iyo Qardho, waxaa daadku qaaday gaari ay lix qof saarnaayeen, dadkaasi waxaa nolol lagu helay afar ka mid ah labadii kale iyo gaarigii ayaa lala’yahay.   Gaari kale oo isna biyuhu shil ku geliyeen meermeerka waxaa ku dhintay Alla Ha’unaxariistee Nin ganacsade ahaa oo lagu magacaabi jiray Abshir Jaamac Faarax ,sidoo kale waxaa ku dhaawacmay dad kale.   Sida ay sheegayaan qaar kamid ah hay’adda digniinta ka bixiya duufaanta, waxaa Waqooyiga Soomaaliya, Jabuuti iyo Gacanka cadmeed ku wajahan roobab iyo duufaan xoog badan, taas oo nooceedu yahay Tropical Cyclone 01A,…

Read More

According to reports by the Addis Standard, Reuters and several other Ethiopian news outlets, Kamara was shot dead on Wednesday afternoon by unknown assailants near the Dangote Cement Factory located some 85 kilometers west of Addis Ababa in Adeberga woreda, in the Oromiya region. Two other employees of Dangote Cement, a secretary and the driver of the country manager who were driving with Kamara, were also reportedly shot dead.   Ethiopia’s law enforcement agencies are yet to identify the assailants.   Nigerian businessman Aliko Dangote (C) listens to a speech as he attends the rally organized to celebrate the 66th…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 17 May 2018 waxaa uu Hospitalka Guud ee Magaalada Garoowe ee Caasimada Dowladda Puntland ku booqdey dhaawacyada ciidanka difaaca Dowaldda Puntland. Madaxweynaha ayaa waxaa booqashada ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda maaliyadda, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Wasiirdowlaha Wasaardda Duulista iyo Hawada iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland. Dhaawaca ciidanka difaaca Dowladda Puntland ee madaxweynaha Dowladda Puntland uu ku booqdey Hospitaalka Guud ee magaalada Garoowe ayaa Waxaa ay ahaayeen ciidankii kusoo dhaawacmay Iska hor imaadkii dhexmaray ciidamada Dowladda Puntland iyo malayshiyaadka maamulka la magac baxay Soomaaliland, dagaalkaas…

Read More

Xogo ku saabsan xaggeen u soconnaa? Waa kuma xaakinka runta ah ee na xukuma? Xarunta nalaka xukumaase waa tee? C/Rizaaq Fartaag oo madax ka ahaa xafiiska reysulwasaaraha qeybta maaliyadda dadweynaha sanadihii 2009 – 2011. Haddana leh hay’ad cilmi-baaris iyo la-talin ah oo la magu caaboFartaag Research and Consulting.,ayaa xogtan la wdaaagay bulsha weynta Somaliyed. Hadaba hoos ka daawo muuqaalka xogta oo faahfaahsan. Halkan hoose ka daawo muuqaalka https://youtu.be/UTmQ3uJe0ew

Read More

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo weftigii uu hogaaminayey ayaa Maanta 17 May 2018 dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe ee caasimadda Dowladda Puntland. Madaxweynaha iyo weftigiisa oo saaka kasoo kicitimay magaalada Baydho ayaa waxaa kusoo dhoweeyey  garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe  ee Janaraal Maxamed Abshir  maamulka gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe,  masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland, Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland iyo masuuliyiin kale. Madaxweynaha oo warbaahinta la hadlay markii oo soo gaadhay Caasimada Dawladda Puntland ayaa ka warbixiyey shirkii Golaha iskaashiga Dowladdaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya,  shirkaas oo uu…

Read More

Qaybtii 1aad ee Taariikh Nololeedkii Asxaabtii Nabiga csw. W/Q: C/naasir Bootaan (1)Abuu-Bakar Al Saddiiq Abuu-Bakar Al saddiiq Magiciisa waa”Cabdullaahi Binu cismaan binu caamir binu camar binu kacab bunu sacad binu tiim biny murrah binu kacab binu lu’ayyi Al Qurayshiyyi Al Tamiimi” Waxaa naanays u ah” Al sadiiq” Sababtoo ah wuxuu rumeyn jiray Nabiga wax walba oo uu u sheego iyo waxa looga soo sheego, Abuu-bakar waa Ninkii u horeeyey ee Ragga ka islaama oo Nabiga csw Rumeeya diinta Islaamka, wuxuu dhashay labo sano kadib sanadkii la magac Baxay “Sanadkii maroodiga” “عام الفيل” Sidoo kale Abuu-bakar wuxu ahaa Saaxiibka dhabta ah…

Read More

Wasiirkii hore ee Warfaafinta Dowlada Puntland Maxamuud Soocade ayaa uhanbalyeeyay Ciidamada Difaaca Puntland,shacabka iyo Xukuumada Puntland. ”Wiilasha Beeralayda ah ee lasoo uruuriyay in layska dhiciyo waa waajib,dowlada Puntland waa ugu hanbalyaynaynaa”ayuu yiri Soocade. Sidoo kale Maxamuud Soocade oo hadalkiisa sii wata ayaa fariin udiray shacabka Puntland guud ahaan,gaar ahaana kuwa Sool,Sanaag iyo Cayn ,waxuuna ku gubaabiyay in ay garab istaagaan oo iska tuuran heeryada iyo magac xumada,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/spI7Bew59gI

Read More

Wararka laga helayo gobolka Sool ayaa sheegaya in saakay xaaladda deegaamadaas ay tahay mid dagan.   Idil News oo la xiriiray Saraakiisha Ciidanka Difaaca Puntland ee jiida hore,ayaa u sheegay in maanta ysan dhicin wax dagaal ah ,balse la filan karo saacad walba dagaal weyn oo dhaca,   Labada Ciidan ayaa aad iskugu dhwo waxayna isku hor fadhiyaaan inta u dhaxaysa Tukaraq iyo Ganbadhe   Ciidamada Puntland ayaa waxaa soo gaaray gurmad dhan walba leh niyada Ciidankuna aad bay u saraysaa waxaana ka go’an in ay maalmaha soo socda dib u xoreeyaan xarunta Gobolka Sool ee Laascaanood.   lasoco daqiiqad…

Read More

Waxaa soo baxaya durbaba digniinno la xiriira duufaan lagu magacaabo ONE oo la sheegay in ay ku soo fool leedahay qeybo ka mid ah Soomaaliya, gaar ahaan deegaannada gobollada Waqooyi Galbeed iyo Bari.   Sida ay sheegtay hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan cunnada iyo beeraha ee FAO duufaanta ayaa ka soo kici doonta Badweynta Hidiya.   Sida ay saadaashu tahay dabeyshan ama duufaantan ayaa marka hore ku dhufan doonta deegaanno ka tirsan Puntland, iyadoo marka danbe ku sii faa’fi doonta dhinaca Somaliland.   Waxaa ay ku baaqday hay’addu in ay dadku taxadar badan sameeyaan, madaama laga yaabo in duufantan geysato…

Read More

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweynayaasha Dawladdaha xubnaha ka ah DFS ee shirku uga socday magaalada Baydhabo ayaa maanta 16 May 2018 kasoo saaray shirkaasi War-murtiyeed, kadib muddo Sadex cisho ah oo uu shirkaasi socdey. Shirkii labaad ee Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada oo lagu qabtey Magaalo Madaxda Ku meelgaarka ee Dowladda Koonfur Galbeed ee Baydhabo ayaa waxaa ka soo qayb galay dhaman xubnaha hogaamiyeyaasha Golaha- Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ahna Gudommiyaha Golaha, Madaxweynaha Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdi waare ahna Gudoomiye kuxigeenka Golaha, Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islan, Madaxweynaha Galmudug Mudane…

Read More

Madaxweynaha Dowlada Puntland,ayaa si kulul uga hadlay dagaalkii shalay ka dhacay deegaanka Tukaraq ee Gobalka Sool, kaas oo u dhaxeeyay Ciidamadda Puntland iyo kuwa somaliland isago sheegay in ciidamada somaliland cashar loo dhigay isla markaana la iska difaacay.   Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in somaliland gardaro ay ku socoto,isla markaana ay somaalinimo diiden balse la iska dhicin doono oo ciidamadda Puntland aysan u dulqaadan doonin garadarada qaawan ee somaliland waddo.   Shacabka Puntland ayuu ugu baaqay in ay sharaftooda, dadnimadooda iyo dalkoodaba difaacdan, isaga oo sheegay in shacabka looga baahanyahay in ay iska difaacan cadowga ku soo duulay dhulkooda.  …

Read More

Hanjabaadda deg degga ah ee Korea-da Waqooyi ay ku sheegtay inay ka baxeyso wada-hadallo la qorsheeyey inay Mareykanka la yeelato, ayaa shaki geliyey suurto-galnimada heshiis hubka Nuclear-ka looga dhigayo dalkaas. Hoggaamiyaha Korea-da Waqooyi, Kim Jong Un ayaa ogolaaday inuu madaxweyne Trump kula kulmay dalk Singapore, 12-ka June. Kulankaas ayaa qorshuhu yahay in looga hadlo heshiis lagu soo afjarayo barnaamijka Nuclear-ka Korea-da Waqooyi, ayada oo loo beddelanayo dammaanad qaad amni iyo in laga qaado cunaqabateynta caalamiga ah. Hase yeeshee, Arbacadii ayaa ku xigeenka wasiirka arrimaha dibedda Korea-da Waqooyi Kim Kye Kwan waxa uu soo saaray warsaxaafadeed uu ku cambaareeyey “Hadallada aan…

Read More

Golaha waxay walaac ka muujiyeen dagaalka ka socda Tukaraq oo ay sheegeen in Ciidamada Somaliland weerar ku soo qaadeen, isla markaana ah ka mid ah deegaanada Puntland, wuxuu goluhu ku baaqay in si degdeg loo joojiyo. Sidoo kale Madaxda dowlad goboleedyada waxay dowladda federaalka ku dhaliileen fulin la’aanta Qorshihii Amniga, sidoo kale aan wali la dhaqan qodobadii ka soo baxay shirkii Golaha Amniga Qaranka ee dhacay 10-kii bishii February ee ku saabsanaa dhismaha Ciidamada Booliska Daraawiishta dowlad goboleedyada. Madaxda maamul goboleedyada ayaa waxay walaac ka muujiyeen xiriirka sii xumaanaya ee dowladda Federaalka, Imaaraadka Carabta iyo Sacuudiga, waxayna tilmaameen in loo…

Read More

Madaxweynaha Dowlada Fadaraalka ah Maxamed Cabdulaahi Farmaajo,ayaa baajiyay kasoo qaybgalkiisii shirka Amniga Qaranka ee ee loo balansanaa in uu ka dhaco Magaalada Baydhabo.   Baaqashada Madaxweynaha ayaa warar kala gedisan kasoo baxayaan waxayna qaarkood tilmaamayaan in uu Madaxweynuhu ubaaqday ka qaybgalka shirka deg-dega ah ee wadamada islaamka ah,kaasoo looga xaajoonayo arimaha Safaarada Maraykanka uu ka furtay Qudus iyo xaalada magaaladaas barakaysan oo cakiran.   Waxayna wararku intaas ku darayaan in Madaxweynuhu sii joogi doono Doxa maalmaha ka harsan shirka iskaashiga Wadamada Islaamka ah ee ka dhici doona dalka Turkiga, halkii uu kusoo laaban lahaa dalka kana qaybgali lahaa shirka Amniga…

Read More

Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo,ayaa sheegaya in dib udhac uu shalay ku yimid war-murtiyeedkii kasoo bixi lahaa shirka Madaxda dowladaha xubnaha ka ah dowlada fadaraalka uga socdayl Magaalada Baydhaba.   Qorshaha ayaa shalay ahaa in lasoo gunaanado guud ahaan shirka, isla markaana laga soo saaro Warmurtiyeed,balse warar ay heshay Idil News ayaa sheegaya in baaqashada warmurtiyeedka ay sabab u ahayd codsi ka yimdi dowlada fadaraalka ah.   Madaxda dowladaha xubnha aka h dowlada fadaraalka ah,ayaa Dowladda Federaalka ka aqbalay codsigeeda waxaana maanta kusoo aadan Baydhabo Gudoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan si uu kulamo gaar-gaar ah…

Read More

Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Danjire Michael Keating, ayaa ugu baaqay maamullada Somaliland iyo Puntland.   Waxaa uu ka codsaday in ay joojiyaan dagaalka ka soo cusboonaaday degaanka Tukarraq ee Gobolka Sool,halkaas oo ay Ciidamada labada dhinac ku dgaallameen shalay ilaa xalay.   Michael Keating,ayaa sheegay in dagaalka aanu u wanaagsaneyn labada maamul waxaana uu ugu baaqay in ay wadahadl ku dhameeyaan heshiis siyaasadeedna ka gaaraan khilaafka dhinaca dhulka ah ee labada maamul u dhaxeeya.

Read More

Madaxweyne Gaas ayaa saacadaha soo socda kusoo aadan Garowe.   Madaxweynaha oo kaga qaybgalayay Baydhabo shirka madaxda dowladaha xubnaha ka ah dowlada fadaraalka ah,ayaa soo gaabiyay safarkiisii kadib dagaalka Tukaraq.   Diyaar garowga soo dhaweynta Madaxweynaha ayaa ka socota caasimada Garowe,waxaana la sugayaa in uu soo gaaray Garowe saacadaha soo socda.     la soco idil News.

Read More

Go’aan shalay kasoo baxay Golaha Amaanka ee QM ayaa lagu kordhiyay Waqtiga Howlgalka Nabad ilaalinta Midowga Africa ee Soomaaliya AMISOM. Golaha oo shalay muddo kordhinta sameeyay ayaa muddada AMISOM gaarsiiyay ilaa 31-ka Julaay ee Sanadkaan. Dhanka kale War Kasoo baxay Golaha Amaanka ayaa lagu sheegay in warbixinno ka hadlaya Ciidamada AMISOM Golaha la horkeeni dooni Bisha June 15-keeda, Warbixinadaasna Go’aan lagu gaari doono. Ciidamada Amisom ayaa hadda Tiradooda lagu sheegaa 20,600 kuwaa oo ka socda dhowr Dal oo ku yaalla Qaaraddan Afrika gaar ahaan dhankeeda Bari. AMISOM ayaa waxaa lagu wadaa in Gabi ahanba ay dalka isaga baxdo Sanadka 2020,…

Read More

Kuuriyada Waqooyi ayaa hakisay wadahadalladii heerka sare ahaa ee ay kula jirtay Kuuriyada Koonfureed sababo ay ku sheegtay inay rumaysan tahay in dhoolatusyada milateri ee ay Koonfurta iyo Mareykanku ka wadaan xadka ay yihiin kuwo dagaal loogu diyaar garoobayo.   Warbaahinta ay dowladda maamusho oo warkaasi baahisay ayaa sidoo kale uga digtay Mareykanka in shirkii la qorsheeyay inuu dhexmaro hogaamiyaha dalkaasi Kim Jong-un iyo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu sidoo kale khatar ku jiro.   Labada Kuuriya ayaa la filayay in maanta ay kulan ku yeeshaan soohdinta kala qeybisa si ay uga xaajoodaan dib u billaabidda isu keenidda qoysaska ku…

Read More

Majiro dagaal xoog leh oo toos u socda marka laga reebo mid goos goos ah iyo madaafiic ay isku garaacayaan labada dhinac.   Ciidamada Difaaca Puntland ayaa dagaalkii shalay guulo waa weyn ka gaaray inta badana gacanta ku dhigay goobihii lagu dagaalamay.sidoo kale Ciidamada Difaaca Puntland waxay gacanta ku dhigeen Degmada Tukaraq iyo Taliskii Maleeshiyada Muuse Biixi ee Jeegaanta.   Ilaa xalay waxaa kusii qulqulayay goobaha dagaalka gurmadyo fara badan oo ka kala imaanayay guud ahaan deegaamada Puntland.       la soco wararkayaga danbe hadba meesha ay waxmarayaan.

Read More

Innaalilaahi waa innaa Illaahi raajicuun Waxaa ku geeriyooday 13-05-2018 Magaalada Qabridaharre Marxuum Axmedhaadi Sarhaye Ileeye kana mid ahaa oday dhaqameedyayada Gobolka Qorraxeey Waxaana halkan tacsi ka diraya dhammaan Ehelka kala ah: Cabdi Maxamad Tarrax Ambassador Cabdulqani Muxumad Waceys Ambassador Maxamad Cabdi-Maax Col. Zubeer Cabdilkariim Boorle Col. Nuux Maxamad Axmed Isaakh Sadiiq Xasan Cali Buraale Maxamad Cabdullaahi Qoordheere Xuseen Cusmaan Jirac Xildhiban Bashiir Axmed Cawar Maxamad Xasan Geelle Xuseen Beynax Barre Xuseen Xasan Geelle Eng.Shariif C/naasir Shariif Maxamad Shariif Muhdi Cabdicasiis Xaaji Cabdullaahi Qorraxeey Yuusuf-mahad Maxamad Aadan Xasan Xaaji Barre Bashiir Suldaan Maxamuud Heybe Dr.Asad Suldaan Maxamuud Heybe Yuusuf Suldaan Maxamuud Heybe Muxumad Suldaan Maxamuud Heybe Maxamad Cabdi Adar-Gows…

Read More

Shirweynaha Qaran ee Daahfurka Dib-u-Eegista Dastuurka, oo ay ka soo qayb galeen qeybo kala duwan ee kala matatalaya Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Garsoorka, Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka, Guddiga Xuduudaha iyo Federaalka, Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maamulka Gobolka Banaadir, Dhallinyarada, Haweenka, Bulshada Rayidka, Ururadda Xirfadleyda, Culumaa’udiinka, Qurba-joogta Soomaaliyeed, Dadka Baahiyaha gaarka qaba, Odayaayasha Dhaqanka iyo xubnaha beesha Caalamka waxay ku kulmeen Hotel Royal Palace taariikhda 13ka – 15ka Maajo 2018, Muqdishu – Soomaaliya.   Iyadoo maanka lagu hayo muhiimadda ay leedahay xal u helidda dhibaatooyinka ka aloosan wadankeena gudihiisa; Iyadoo si daacad…

Read More

Afhayeenka oo la hadley VOA saacaddu markey ahayd 15:00 xiliga Soomaaliyasida uu sheegay weriyaha waraystey ayaa sheegay in ciidanka Puntland ay gaareen banaanka Tukaraq oo hadda xabaddu magaalada ka socoto goordhawna ay sii dhaafi doonaan. Cabdullaahi Maxamed Jaamac ayaa sheegay in ciidanka Puntland ay gacanta ku dhigeen Beebayaal iyo gawaari kale oo uu sheegay in ay wateen ciidanka Hargeysa, Saxaafadda ayaan ku casumi doonaa mar dhow ayuu yiri Tukaraq. Afhayeenka Puntland ayaa sheegay in ay qabteen maxaabiis dhalinyaro Soomaaliyeed oo la soo khalday sida uu hadalka u dhigey, qaar dhaawac yihiin wuxuuna sheegay in ay daaweynayaan dhaawacyada ay qabteen. …

Read More

Maleeshiyada maamulka Jeegaanta ee Muuse Biixi,ayaa saakay hiirtii Waaberi weerar kusoo qaaday fariisimada Ciidanka difaaca Puntland.   Dagaalka,ayaa ka bilowday Sadex jiho hal mar,kuwaasoo kala ah ..   1.Jihada Tukaraq ee laamiga dheer.   2.Jihada Boocame.   3.Jihada hawdka Nuugaaleed.   Ciidamada difaaca Puntland ayaa muujiyay iska caabin xoog leh,waxayna mudo kooban ku jabiyeen weerarkii Maleeshiyada Jeegaanta   Ciidamada Difaaca Puntland ayaa dagaalkaas guul xoog leh ka gaaray,iyagoo jabintii ay jabiyeen Maleeshiyada maamulka Jeegaanta ee muuse Biixi ku qabsaday Degmada Tukaraq iyo Taliskii Ciidamada Jeegaanta ee Tukaraq.   Ciidamada Difaaca Puntland waxay dagaalka saakay sidoo kale kaga qabsadeen maleeshiyada Jeegaanta…

Read More

Mudaharaad balaadhan oo xidhay inta badan wadooyinka magaalada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag, kaas oo ka danbeeyey kadib markii warkeeda la soo gaadhsiiyey Sarkaal ciidanka Somaliland ka tirsanaa oo gaadiid iyo ciidan la goostay in lagu weeraray duleedka Ceel-afweyn. Mudaharaadkan ayaa geystey dhimasho iyo dhaawac kadib markii Ciidanka Booliska oo kaashanaya ciidanka Milateriga ee maamulkaas ay rasaas isku dayeen in ay ku kala kaxeeyaan dadkii mudahaaradayay.   Mudaharaadkan ayaa hada Istaagey inkasta oo ay weli wadooyinka qaar xiran yihiin oo dhagxaan iyo taayiro la gubay ay yaalaan,sidoo kale hadana waxaa jira kacdoono markale dib usoo bilaaban kara,hoos ka daawo muuqaalka. …

Read More

Waxaa saacadihii ugu danbeeyay laga reebay safarkii Madaxweyne Farmaajo ee Qatar Wasiirka Arimaha Dibada Dowlada fadaraalka Somaliya Axmed Ciiise Cawad.   Sababta Wasiirka Arrimaha dibedda looga reebay safarka Madaxweynaha ayaa warar kala duwan kasoo baxayaan,   Balse ilo lagu kalsoonaan karo ayaa tilmaamaya in sababta looga soo tagay Wasiirka Arimaha dibada Dowlada fadaraalka Somaliya ay tahay hal ujeedo ,taasoo ah in Wasiirka qorshaynta dowlada Fadaraalka Jamaal oo booskiisa lagu soo badalay in laga soo gado dalka Qatar si dhaqaale loogu soo helo qorshaha ay wataan kooxda Nabad iyo Nolol ee Fahad Yaasiin horjoogaha ka yahay, qorshahaas oo ah in loo…

Read More

Deegaanka Tukoraq ee Gobolka Sool oo ay isku horfadhiyaan labo ciidan oo ka kala tirsan Puntland iyo Somaliland ayaa waxaa iska hor imaad subaxnimadii horre maanta ku dhexmarey ciidamada Puntland iyo Ciidamada Somaliland..   Saraakiisha ciidanka Puntland iyo dadka deegaanka Tukoraq ayaa sheegaya khasaare dhimasho iyo dhaawac ka dhashay dagaalkaas.   Qaar ka mid ah dadka deegaanka Tukoraq waxay warbaahinta u sheegeen in loo dhaafiyay dhinaca magaalada Laascaano dhimashada ilaa 3 askari iyo dhaawac tiradiisu intaas ka badan tahay oo ciidanka Somaliland kasoo gaarey weerarkii saaka dhexmarey ciidanka Puntland.   Sidoo kale qaar ka mid ah saraakiisha ciidanka Puntland waxay…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ahna Guddoomiyaha golaha iskaashiga Dowladdaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta 14 May 2018  waxaa uu  magalada Baydhabo ka daah furey kulankoodii labaad ee shirka Golaha Iskaashiga Dowladdaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya. Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa fadhigii maanta ee Golaha Iskaashiga Dowladdaha xubnaha ka ah ee uu shir gudoominayey Waxaa qayb ka ahaa dhammaan madaxweynayaasha dawladdaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya. Kulankan maanta ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii loo sii anba qaadi lahaa qorsheyaashii hore iyo sidii la xisaabtan dhaba loola…

Read More

Dowladda Mareykanka ayaa maanta 1-da duhurnimo safaaradiisa ka furaya magaalada Barakeysan ee Qudus ee dhulka Falastiin sida uu Bishii December ku dhawaaqay Madaxweynaha Mareykanka Trump.   Ciidamada Maamulka Yahuudda ah ee Israel ayaa saakay dabaal dagyo ka wada Qudus kuwaas oo ku faraxsan Taageerada Mareykanka ee Israel, waxayna xireen xalay wadooyin badan oo u dhaw aagga Safaraadda Mareykanka laga furayo.hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka https://youtu.be/Pvvhruv6ZDY

Read More

Laba qof oo saarnaa mooto ayaa weerar ismiidaamin ah ku qaaday xarun booliis oo ku taal magaalada Surabaya, maalin uun kadib markii ay mawjado qaraxyo ah oo dhimasho badan gaystay ay ka dheceen magaalo kutaal dalka Indonesia.   Saraakiil booliis ah ayaa lagu dhaawacay qaraxa, kaas oo dhacay 8:50 saacadda dalkaas, balse ma cadda tirada saxda ah ee dadka ku waxyeeloobay qaraxa.   Kooxda iskumagacawda Dawladda Islaamiga ah ayaa sheegatay in ay ka dambaysay weeraradaas.   Madaxweynaha Indonesia Joko Widodo ayaa ku tilmaamay weerardaas kuwo fulaynimo ah oo biniaadanimada ka baxsan.   ” Majiri doono wax gorgortan ah oo aan…

Read More

Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ah ee Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed, waxaa maanta ka Furmaya Shirka Golaha iskaashiga dowladaha xubnaha ka ah dowlada fadaraalka.   Madaxweynayaasha Dowladaha Puntland, Jubbaland, Galmudug Iyo Hirshabelle ayaa Shalay Gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya, Iyadoona halkaasi si Diiran ay ugu soo dhaweeyeen Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, xubno ka tirsan maamulkiisa iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ee Baydhabo.   Shirkan oo ka Furmaya Xarunta Madaxtooyada Baydhabo, ayaa noqon doona shirkii labaad ay yeeshaan Madaxda Dowladaha xubnaha ka dowlada fadaraalka, waxaana aad loo adkeeyay ammaanka magaalada…

Read More

Xaqiiqdii waa riyo hirgashay in Garacad yeelato Dekad. In badan ayay ku taameeyeen shacabka Puntland in ay dhistaan deked labaad oo qayb ka qaadata horumarka. Dadaal dheer oo ay galeen ganacsatada,waxgaradka,iyo dowlada waxay ku guulaysteen in ay hirgaliyaan riyadaas. Garacad waxay mudo dhow yeelan doontaa Deked casriya oo sida la filayo noqon doonta mida ugu weyn Bartamaha Somaliya,sidoo kale Puntland unoqon doonta Deked labaad . Shirkada TTN ee laga leeyahay dalka Turkiga,ayaa ku guulaysatay tartankii qandaraaska waxayna hada bilowday in ay qalabkeedii usoo daabusho Garacad. Dhaqaalaha ku baxaya dhismaha Dekeda Garacad ,ayaa gaaraya (Afartan iyo sagaal Milyan oo Dolar) iyadoo…

Read More

Wasiiro Xildhibaano iyo masuuliyiin kale ayaa kamid ahaa waftiga Madaxweynaha oo si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Baydhabo. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa ku amaanay dadka ree Baydhabo ugana mahad celiyay sida weyn ee ay usoo dhaweeyeen. Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam wuxuu sheegay in ay halkan u yimaadeen ka qayb galka wajiga labaad ee shirka Dowladaha xubnaha ka ah dowlada fadaraalka,waxuuna rajo wanaagsan ka muujiyay in shirkan ay wax wanaagsan kasoo bixidoonaan oo umada u dan ah,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka https://youtu.be/HjlGimth7SY

Read More

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta gelinkii danbe 13 May 2018 si diiran loogu soo dhoweeyey magaalada Baydhabo ee caasimadda kumeel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed. Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu Hogaaminayo oo ka tirsan labada gole ee dawladda Puntland oo ka degay galabta garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo, ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweyey madaxweynha Dowlad Goboleedka Kuunfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, masuuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed iyo Shacabweyne lulayey caleemo qoyan. Ujeedka safarka Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli…

Read More

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti uu hogaaminayey ayaa maanta 13 May 2018 waxaa uu safar shaqo ugu amba-baxay magaalada Baydhabo xarunta maamul goboleedka Koonfur Galbeed, isagoo ka qayb geli doona shirka Dowladaha xubnha ka ah Dowlada Fedraalka Soomaaliya ee ka dhici doona magaaladaasi . Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa waxaa safarka ku wehelinaya masuuliyiin ka tirsan golayaasha Dawlada Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dawladda Puntland. Madaxweynaha oo ka hori ntaanu ka dhoofin garoonka diyaaradaha ee conoco warbaahinta la hadlay ayaa tilmaamay in isaga iyo wafdigiisu ay Baydhabo u tegayaan ka qayb galka shirar muhiim ah…

Read More

Magaalada Baydhabo ayaa laga dareemaya soo dhaweynta iyo qabanqaabadii ugu dambeysay ee Shirka Madaxda dowladaha xubnaha ka ah dowlada fadaraalka.   Ammaanka Magaalada ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana goobta shirku uu ka dhacayo ku sugan ciidamo loo diyaariyay suggida Amniga.   Madaxweynaha Koonfur-Galbeed ayaa booqday goobta Shirka lagu qabanayo.   Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in ay gaaraan Baydhabo madaxda dowladaha xubnaha ka ah dowlada Fadaraalka Somaliya.

Read More

Danjire Michel Keating Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arimaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu maanta Gaaro magaalada Hargeysa ee Xarunta Soomaaliland.   Danjire Keting oo Shalay booqday Puntland kulana la qaatay Madaxweyne Gaas ayaa sidoo kale maanta kulan la qaadan doono Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Masuuliyiin kale.   Danjire Keating ayaa Somaliland kala soo hadli doona si lamid ah Puntland daminta Xiisadda ka taagan deegaanka Tukaraq ee Gobalka Sool oo ay wali isku hor fadhiyaan Ciidamada Puntland iyo Somaliland.   Keating oo shalay kula kulmay Madaxweyne Gaas qasriga madaxtooyada dowlada Puntland ee Garowe,ayaa ujeedka hadalkisa…

Read More

Madaxweynaha dowladada fadaraalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), iyo wafti uu hogaaminaayo ayaa saakay ku wajahan Magaaladda Doha ee dalka Qadar.   Waftiga Madaxweynaha waxaa qeyb ka ah Wasiiro iyo XIldhibaano ka Tirsan baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,waxayna dalkaas ku joogi doonaan booqasho labo maalmood qaadan doonta 13/14 May.   Madaxweyne Farmaajo ayaa Magaaladda Doha kula kulmi doona Amiirka dalkaas Shiikh Tamim bin Hamad al-Thani,waxayna kawada hadli doonaa xiriirka Soomaaliya iyo Qadar, iyo sidii loo fulin lahaa Mashaariic Dowladda Qadar ay balanqaaday sanadkii hore.   Dhanka kale ilo lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijinaya in socdaalka Madaxweynaha ee Qadar uu salka ku hayo…

Read More

Waxaa maanta maanta oo ay taariikhdu tahay 13 May 2018 qasirga Madaxtooyada Dowladda Puntland ee Garoowe lagu dhaariyey Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Daahir Xaaji Khaliif iyo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Kaluumeysiga iyo Khayraadka Badda Cabdiraxmaan Salaad Maxamuud. Munaasibadda dhaarta oo ka qabsoontay Qasriga Madaxtooyada Puntland ee Caasimada Garoowe  ayaa waxaa fuliyey xubno ka tirsan Maxkamadda sare ee Puntland, iyada oo Wasiirada maanta lagu dhaariyey Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas  hortiisa. Wasiirada maanta la dhaariyey oo lagu magacaabay Digreeto kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha taariikhdu markay ahayd uu malin nimadii shalay ahayd 12 May 2018, ayaa Madaxweynuhu kula dardaarmay…

Read More

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 13 May 2018 xafiiskiisa kasoo saaray wareegtu lagu magacaabay Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda kalluumaysiga Iyo Khayraadka Badda. Xeer Madaxweyne Lr. 59 May 13, 2018, kuna saabsan magacaabid Agaasime Guud. Madaxweynaha Dawladda Puntland. Markuu arkay: Dastuurka dawladda Puntland. Markuu Tixgeliyey: Aqoontiisa Shaqo. Waxuu Xeeriyey: 1. Waxaa Waxaa Farxaan Cali Xirsi Loo Magacaabay Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Kaluumaysiga Iyo Khayraadka Badda Dawladda Puntland. 2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu. =DHAMMAAD= XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Read More

Maalinka beri ah waxaala filayaa inuu ka furmo Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG-ah maamulka Koonfur-Galbeed shir ay iskugu imaan doonaan madaxda dowladaha xubnaha ka ah dowlada fadaraalka. Shirkan oo uu 6-dii bsihan iclaamiyay Madexweyne Gaas oo ah Gudoomiyaha golaha ay ku midaysan yihiin Madaxweynayaasha dowladaha xubnaha ka ah dowlada Fadaraalka,ayaa la filayaa in looga xaajoodo arimo door ah oo muhiim ah xiligan. Madaxweynaha Puntland,Madaxweynaha Jubaland,Madaxweynaha Hir-shabelle iyo Madaxweynaha Koonfur-Galbeed,ayaa ilaa iyo hada la xaqiijiyay in ay kasoo qaybgalayaan shirka. Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa xogo ay helayso idilNews waxay sheegayaan in laga yaabo in uu ka baaqsado imaanshaha…

Read More

Muqdisho waxaa ka furmaya shirweyne loogu magacdaray dib u eegista Dastuurka fadaraalka ah.   Shirkan waxaa kasoo qaybgalaya ergo ka kala imaanaysa dalka iyo dibadiisa kuwaasoo lagu sheegay khubaro ka tala bixin doonta habka dib u eegista dastuurka Kmg ah ee fadaraalka.   Dowlada Jubaland ayaa Shirkan si cad uqaadacday ka qaybgalkiisa.   Puntland ayaa iyadu ka qaybgalaysa shirka,waxaana ku sugan Xamar wafti uu hogaaminayo Gudoomiyaha Baralamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi kaasoo ka kooban xildhibaano iyo Wasiiro.   Xogaha hoose ee laga helayo shirka ayaa sheegaya in muhiimada ugu weyn ee laga leeyahay ay tahay ku qaybsashada dhaqaale loogu talagalay…

Read More

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas  ayaa Maanta oo ay taarikhdu tahay  12 May 2018 waxaa uu xafiiskiisa Kulan kula qaatey Wakiilka xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobey Danjire Michael Keating. Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa   kulanka uu maanta laqaatey Danjire Michael Keating waxaa ku wehelinayey, Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Horumarinta Reer Miyiga, Wasiirka Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare, Wasiirka Caddaalada Iyo Arrimaha Diinta iyo saraakiil katirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland. Madaxeynaha Dawladda oo kulanka kadib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo booqashada uu Danjire Michael keating ku yimi Caasimada Dawladda Puntlane ee Magaalada Garoowe,…

Read More

The UAE, with a population of less than 10 million but the Arab world’s second-largest economy thanks to oil, is deploying its soldiers and cash to create a web of bases and armed allies in Yemen and Somalia as a bulwark against Islamist extremists and Iranian influence, according to diplomats as well as Yemeni and Somali officials.   But backing groups at loggerheads with their national governments threatens to bog down the UAE in the seemingly endless conflicts of two of the world’s poorest countries.   Lying between the Arabian Peninsula and Horn of Africa, Socotra island, best known for…

Read More

Wararka ka imanaya magaalada Qabri-dahare ee dhulka ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in haweenay dhallinyaro ah meykeeda laga heley meel saldhig ciidan ah oo sida la sheegay lagu xiray mar sii horeysay.   Maxamed Xiis Kallane oo gabadha adeerkeed ah, kuna sugan magaalada Pretoria ee Koonfur Afrika ayaa BBC-da u xaqiijiyay geerida gabadha, wuxuuna sheegay in gabadha ay qabteen ciidanka maamulka, saacado markii ay hayeena ay reerka ku wargaliyeen in ay is dishay.   Maxamed Xiis waxa uu intaas ku daray in xalay gabadha meydkeeda la geeyay isbitaalka ciidammada federaalka, kadibna lasoo xaqiijiyay in la dilay.   Gabadhan oo lagu…

Read More