Author: Jibril Qoobey.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo toddobaadkii u dambeeyay socdaaladiisa dibadda ee u horeeyay ku tagay wadamada Djibouti, Sudan iyo Kenya ayaa gacanta ku dhigay dekeddo ay dawladdiisu doonayso inay saamiyo ku yeelato kuna munaafacaadaan malaayiinka dadkiisa.   Itoobiya waxay hore hore 19% ugu yeelatay maalgashiga dekedda Berbera. Sidoo kale dekedaha Djibouti ayuu iyagana Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ka codsaday madaxweynaha Djibouti in Itoobiya saami ku yeelato, taas oo ay Djiboutina aqbashay.   Sidoo kale dalka Suudaan oo uu booqday ayuu kula soo heshiiyay in dalkiisu saami ku yeesho dekeddaha Suudaan. Madaxweyne Cumar Xasan Al Bashiir ayaa aqbalay codsiga ra’iisul wasaaraha…

Read More

Laanta socdaalka Dalka Malaysia ayaa soo saartay wareegto lagu mamnuucay in uu dalka uga boxo Ra’isalwasaaraha laga adkaaday ee Najiib Razaaq.   Najiib ayaa looga adkaaday doorashadii dhacday Arbacadii la soo dhaafay waxaana xilka ku guuleystay Ra’isalwasaarihii hore Mahatiir Maxamed.   Najiib Razaaq ayaa saaka soo sabti ah bartiisa Facebook ku qoray in isaga iyo xubno ka mid ah Qoyskiisa ay dibadda u dalxiis tagayaan maaddaama doorashada looga adkaaday.   Waxyar kaddib waxaa soo baxday wareegto ka soo baxday laanta socdaalka Malaysia oo lagu sheegayo in isaga iyo qoyskiisa aanay dalka ka dhoofi karin   War kale oo uu Facebook-ggiisa…

Read More

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo Duhurnimadii maanta ka dhacay magaalada Buulo-Mareer ee gobolka Sh/ Hoose.   Qaraxa oo ahaa nooca Miinada dhulka lagu aaso ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhacay Suuq ku yaalla gudaha magaaladaasi.   Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaasi ku naf waayay 7-qof oo laba ka mid ah ay ahaayeen maleeshiyo beeleed hoostaga dowlada Fadaraalka Soomaaliya.   Todobaadkii hore ayey aheyd markii qarax Ismiidaamin ahaa uu ka dhacay Suuq Qaadka lagu iibiyo oo ku yaalla degmada Wanla-weyn ee gobolkaasi.

Read More

Degmada Dharkenley ee Gobolka Banaadir waxaa goor dhaweyd lagu dilay wiil dhalinyaro ah. Kooxo ku hubeysnaa bustoolado ayaa la sheegay in suuqyaraha degmadaas ay ku dileen wiilka dhalinyarada ahaa,iyaga oo ka toogtay qeybaha sare ee jirka halkaasna uu ku geeriyooday sida ay dadka deegaanka inoo xaqiijiyeen.   Raggii ka dambeeyey dilka Wiilka dhalinyarada ah ayaa goobta ka baxsaday,   Maamulka degmada Dharkenley weli kama uusan hadlin dilkaas,waxa uuna ku soo aadayaa xilli maalmihii lasoo dhaafay ay Muqdisho ka dhacayen dilal qorsheysan oo inta badan ay sheegteen Al-Shabaab.

Read More

Wakiilka Q.M. u jooga Soomaaliya Ambassador Micheal Keating ayaa soo gaaray Magaalada Garowe ee caasimada dowlada Puntland.   Ambassador Keating ayaa la filayaa in Madaxweyne Gaas kala hadli xaalada ka taagan tuulada Tukaraq halkaas oo ay isku horfadhiyaan ciidamo ka kala tirsan Puntland iyo Somaliland.   Sidoo kale Warar kale ayaa sheegaya in Madaxweyne Gaas uu kala soo hadli doono xiisada siyaasadeed ee u dhaxeysa Dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah dowlada Fadaraalka.   Qaramada midoobey iyo dowlado ya kamid yihiin Maraykanka iyo Itoobiya,ayaa Puntland cadaadis xoog leh ku saaray in aysan talaabo Milatari uga jawaabin gardarada Somaliland ay…

Read More

Taliska AFRICOM ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka ay ka qeyb galeen howlgal ay ciidamada Soomaaliya hoggaaminayeen oo lagu kala dhantaalay shabakad Al-Shabaab ah, kaasi oo ka dhacay deegaanka Bulcida  9-kii May. “Waxaa jira tuhun ku saabsan in dad shacab ah wax ku noqdeen waxaana warbixinnadan u qaadaneynaa si dhab ah. Waynu eegi doonaa akhbaaraadka ku saabsan dhacdadan, haddii aan helno in eedeymahan ay yihiin kuwa sax ah, waxaa taliska AFRICOM uu qaadi doonaa tallaabooyinka xiga ee ku habboon” ayaa lagu yiri qoraalka. Qoraalka ayaa lagu sheegay in wasaaradda Gaashanadhigga Mareykanka ay ka go’an tahay inay ka hortagto halista argagixisada dunida,…

Read More

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 12 May 2018 xafiiskiisa kasoo saaray wareegtu lagu magacaabay Wasiirka Wasaaradda Beeraha Iyo Waraabka iyo Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Kalyumaysiga Iyo Khayraadka Badda. Xeer Madaxweyne Lr.47 May 12, 2018, kuna saabsan magacaabid Wasiir Iyo Wasiir Kuxigeen. Madaxweynaha Dawladda Puntland. Markuu arkay: Dastuurka dawladda Puntland. Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda Iyo Waayo-Aragnimadooda Shaqo. Markuu Latashaday: Madaxweyne Kuxigeenka Dawladda Puntland. 1. Waxaa Daahir Xaaji Khaliif Loo Magacaabay Wasiirka Wasaaaradda Beeraha Iyo Waraabka. 2. Waxaa Cabdiraxmaan Salaad Maxamuud Loo Magacaabay Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Kaluumaysiga Iyo Khayraadka Badda. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 12 May 2018 waxaa uu furay imtixaanka shahaadiga ee dugsiyada Sare iyo dhexe ee sanad dugsiyeedka 2017/2018 ee Dowladda Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa dugsiga sare ee Gambool ee magaalada Garoowe ee caasidamada Dowladda Puntland uu ka furay imtixaanaadka shahaadiga ee sanad dugsiyeedka 2017-2018, iyada oo ay ku wehelinaayeen Wasiirka Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare Abshir Aw Yuusuf Ciise iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada Dowladda Puntland. Ka hor intaan Madaxweynaha Dawladda Puntland daah furin imtixaanka shahaadiga ee sanad dugsiyeedkan ayaa waxaa uu…

Read More

Waxaa Soo gaba-gaboobey shirkii adkaynta Nabada iyo hirgalinta heshiiskii Nabada ee horey uga dhacey Maygaagle, munaasabadaan oo ka dhacdey deegaanka Saax-dheer ka dib markii Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad Jaamac u fidiyey casumaad Islaan Bashiir Islaan Abdulle Islaan Faarax iyo waftigiisa Furkii ayaa labada dhinacba lagula kala wareegay oo isugu jirey hub iyo gaari Cabdi bile ah oo Cumar Muhammud wareejiyeen iyo baaq nabadeed waa lagu dhawaaqey labada dhinacba Cid kasta oo heshiiskaas ka dib dhib gaysata iyada shakhsi ahaan ayaa laga qaadayaa tilaabada ku haboon ee sharciga islaamka waafaqsan.   Dhanka kale Islaan Bashiir islaan cabdulle ayaa ergada Beesha…

Read More

Wasiirka Wasaaradda Dastuurka, Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta Jubbaland Dr.Aadan Ibraahim Aw Xirsi ayaa sheegay in aanan ka qeyb gali doonin shirka looga hadlayo Arrimaha Dastuurka oo Todobaadka Soo socda ka furmaya Magaalada Muqdisho. Hase yeeshee, wasiirka ayaan sheegin Sababaha rasmi ah ee uu maamulka Jubba ku diidan yahay shirka oo ay u qaadaceen. Wasaaradda Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya kama aysan hadlin go’aanka Wasaaradda Dastuurka Maamulka Jubbalnad ay ku sheegtay in aanan ka qeyb galeen shirka loogaga hadlayo arrimaha Dastuurka. Toddobaadka soo socda ayaa lagu wadaa in uu ka furmo shirka arrimaha dastuurka iyadoo lagu casuumay Wasaaradaha Dastuurka Dowlad Goboleedyada, Qubaro…

Read More

Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa maalmihii la soo dhaafay ka dhacayey weeraro iyo qaraxyo ay dad ku dhinteen. Waxaa qarax weyn oo ay dad badan ku dhinteen uu ka dhacay suuq ku yaala degmada Wanlaweyn, ayada oo dhinaca kalena duqeyn ay ka dhacday deegaanka Bariire. Sidoo kale, maleeshiyada Al-Shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday saldhig ciidamada Amisom iyo kuwa dowladda ay ku leeyihiin Qoryooleey.

Read More

Boqorka dalka Malaysia ayaa aqbalay in uu cafis u fidiyo hoggaamiyaha mucaaradka Malaysia Anwar Ibrahim kadib markii uu arrintaas soo jeediyay Ra’isulwasaaraha cusub ee dalkaas laga doortay Mahathir Maxamed.   Anwar Ibrahim oo ah nin loo arko in uu yahay hoggaamiye mustaqbal wanaagsan leh ayaa loo xirey dacwado la xiriira musuqmaasuq iyo waliba xad gudub xagga galmada ah.   Balse Mahathir Maxamed oo ahaa ninkii talada hayay markii Anwar dacwadda lagu soo oogayay ayaa hadda ku guuleystay doorashooyin dhacay, wuxuuna doonayaa in uu cafis u fidiyo.   Mahathir ayaa sheegay in uu talada Malaysia ku wareejin doono sanado kooban gudahood.…

Read More

Diyaarado dagaal oo ay leeyihiin ciidamo aan illaa iyo hadda si rasmi ah loo shaacinin dalkooda, ayaa xalay weerar ka geystay saldhig kooxda Shabaab ay ku leeyihiin deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose. Ciidamadan ayaa kaashaday kuwa Soomaali ah, sida  uu sheegey afhayeenka wasaaradda amniga Soomaaliya Cabdicasiis Xildhibaan. Weerarka ayaa yimid maalin kadib markii qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay degmda Wanlaweyn ee gobolka ay ku dhinteen ugu yaraan 14 qof.

Read More

Waraarka ka imaanaya magalada Laascanood ee Xarunta gobolka Sool ayaa sheegaya in xalay magalada lagu dilay Maxamuud Barkhadle oo ahaa kalkaaliye caafimaad.   Ilaa hada lama garanayo cida ka dambeysay dilkiisa iaydoo kooxihii dilka gaystay ay isal markiiba goobta ka baxsadeen.   Wararka qaar ayaa sheegaya in Marxuumka loo maleynayo in loo dilay aanooyin qabiil,isaga oo ka soo jeeday mid ka mid ah Beelo Gobolka Sool uu xurguf ku dhex martay.   Saraakiisha Amaanka Maamulka Laascaanood ayaan weli ka hadlay Dilkan loo geystay Kalkaaliyahan Caafimaad.

Read More

Waxaa Soo gaba-gaboobey shirkii adkaynta Nabada iyo hirgalinta heshiiskii Nabada ee horey uga dhacey Maygaagle, munaasabadaan oo ka dhacdey deegaanka Saax-dheer ka dib markii Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad Jaamac u fidiyey casumaad Islaan Bashiir Islaan Abdulle Islaan Faarax iyo waftigiisa   Furkii ayaa labada dhinacba lagula kala wareegay oo isugu jirey hub iyo gaari Cabdi bile ah oo Cumar Muhammud wareejiyeen iyo baaq nabadeed waa lagu dhawaaqey labada dhinacba   Cid kasta oo heshiiskaas ka dib dhib gaysata iyada shakhsi ahaan ayaa laga qaadayaa tilaabada ku haboon ee sharciga islaamka waafaqsan   La socoo wararkayaga danbe iyo gabagabada heshiiska…

Read More

Ugu yaraan toddobo askari ayaa ku dhintay 2 kalena way ku dhaawacmeen qarax ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose. Qaraxa ayaa ahaa mid la dhigay waddada dhinaceeda, kaddibna wuxuu haleelay gaari kuwa ciidanka ah oo marayay degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose sida uu BBC-da u xaqiijiyay guddoomiye kuxigeenka gobolka Cali Nuur Maxamed. Ma jirto weli ced sheegatay qaraxan, wuxuuse ku soo aadayaa maalin uun kaddib markii nin soo xirtay walxaha qarxa uu isku qarxiyay suuqa qaadka ee Wanlaweyn, halkaas oo uu ku dilay 12 qof.

Read More

Shukri Abdullahi Warsame ayaa waxaa laguso eedeeyay In ay guursatay 11-jeer ayadoon iska furin ninkii ugu horeeyay ee guursaday . Ninkii ugu horeeyay ee guursaday ayaa dacwad ka geeyay maxkamad ay ka arimiyaan ururka alshabaab ee ku taala gobolka shabeelada hoose .  Waxaa maxkamadii soo xaadiray 9 nin oo uu kamidyahay ninkii ugu horeeyay ee qabay gabadhaan . Ragaan ayaa dhamaantood sheegay in ay qabaan gabadhaan wali , halka midkii ugu horeeyayna uu ku adkaystay inuusanba furin . Ugu damabayntii shukri waxay ururka alshabab ay ku fuliyeen amar ah in dhahax nafta Looga qaado. Sidaa ayayna ku geeriyootay gabadhaas .…

Read More

Xukuumad cusub iyo Malaysia waa markii kowaad ilaa qaadashadoodii xornimada 1957. Mahathir Mohamed wuxuu ahaa Raysalwasarihii 4aad (7aad Hada) ee Malaysia oo wadanka soo xukumaayey 22 sanadood 1981~2003, sagoo ku calaamadeysnaa inuu yahay ninkii kadameyey Malaysia-da cusub, dunidana uga diiwaan gashanaa midka mida ah madexda ugu wanaagsan oo tusaalayasha loosooqato markii aytimaado waxqabad. Wuxuu kasoo laabtay “retirement” ama shaqo-gab (qaatay 15-Sanadood), sagoo aad udhaliilsanaa Reysal-Wasaare Najib Razak oo ah nin uu sagu usahlay booskaas oo ku eedeysan musuqmaasuq baahsan, sago kudhaliilay inuu wadanka kaleexiyay majarihii loowadey. Wuxuu kabaxey xisbigiisii oo talada wadanka hayay in kabadan lixdan sano, sago kubiirey mucaaradka…

Read More

Shirkii billaha ahaa ee guddiga fulinta mashruuca tayaynta hay’adaha dawaladda iyo shaqaalaysiinta ee CIP ee uu Baanka adduunku ka caawinayo dawladda Puntland ayaa maanta lagu qabtay xarunta Wasaaradda Qorshaynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee Puntland. Shirkaan ah mid bishii mar la qabto isla markaana looga arrinsano machruuca CIP ayaa maanta waxaa looga hadlayey Ansixinta Qorshaha mashruuca ee sannadkaan 2018 iyo baahiyaha shaqaale ee ay soo gudbiyeen hay’adaha dawladdu.   Dhammaan masuuliyiihinta hay’adaha dawladda ee ka faa’iideysanaya mashruuca oo goob joog ka ahaa ayaa dood dheer ka galay qorshe hawleedka 2018-ka iyo dhammaystirka baahiyaha shaqaale ee ay u baahan yihiin hay’adaha…

Read More

Puntland ayaa maanta siidaayay 17; Maxaabiis ah oo u dhashay Dalka Iraan kuwaas oo horay looga qabtay Xeebaha Puntland.   Maxaabistan waxaa lagu eedeeyay in ay kalluumeysi sharci darro ah ka wadeen Xeebaha Maamulka Puntland,waxaana maanta ay dib u heleen xorriyaddoodii.   Waxaa lagu eedeeyay in ay Xeebaha Puntland ka sameynayeen kalluumeysi sharco darro ah,waxaan gacanta ku dhigay ilaalada xeebaha Puntland.   Wasaaradaah kalluumeysiga iyo Maaliyadda ee Puntland ayaa maxaabiista Reer Iraan maanta fasaxay kaddib markii la ganaaxay islamarkaana waqti la hayay.´,hoos ak daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka https://youtu.be/M2qD1KTtlZk

Read More

Israel ayaa maanta sheegtay in diyaaradaheeda dagaalka ay duqeeyeen saldhigyo milatariga Iran ay ku leeyihiin gudaha dalka Syria, ayaga oo ka jawaabaya gantaaallo Iran ay kusoo ridday ciidamada Israel ee haysta buuraleyda Golan Heights. Israel waxa ay sidoo kale ka digtay “inaysan u ogolaan doonin in halista Iran laga aasaaso gudaha Syria”, islamarkaana dowladda Syria ay mas’uul ka noqon doonto “Wax walba oo ka dhaca gudaha dalkeeda.” Wasiirka gaashaandhigga Israel, Avigdor Lieberman ayaa sheegay in Israel ay duqeysay ku dhowaad dhammaan saldhigyada Iran ee gudaha Syria. Iran ayaa waxa ay isbaheysi la tahay Syria, waxaana ciidamadeeda milatariga ay taageerayeen madaxweyne…

Read More

Biyo xireen ku yaalla gobolka Rift Valley ee dalka Kenya ayaa qarka jabsaday, waxaana ku dhintay ugu yaraan 27 qof. Biyo xooggan ayaa xaaqay guryo badan iyo goobo ganacsi, kadib markii uu go’ay biyo xireenka Patel Dam ee magaalada Solai, oo 150 KM Waqooyi Galbeed kaga beegan magaalada Nairobi. Saraakiil ayaa sheegtay in afartan qof lasoo badbaadiyey, islamarkaana la dhigay isbital, ayada oo shaqaalaha gurmadkana ay weli raadinayaan dad kale oo la rumeysan yahay inay xanniban yihiin. Gobolka ayaa labadii bilood ee ugu dambeeyey waxaa ka da’ayey roobab xooggan oo sababay daadad iyo dhiiqo guur horey u dilay 130 qof.…

Read More

Xukuumada Federaalka Soomaaliya oo ay hada hogaamiyaan Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Raysalwasaare Xassan Cali Khayre ayaa hada galay sanadkoodii labaad iyagoo kasoo baxay xiisado iyo khilaaf siyaasadeed haddana u muuqato in ay kuwo cusub lugaha lasii galayaan. Doorashadii Madaxweyne Farmaajo ee sanad kahor ayaa ahayd mid ay shacabka Soomaaliyeed si wadajir ah u soo dhaweeyeen, waxayna in badan oo kamid ah ummada Soomaaliyeed doonayeen inaysan xilka kusoo noqon xisbigii Damuljadiid ee Xasan Shiikh Maxamuud oo lagu eedeenayey arrimo badan oo ay kamid ahaayeen musuq maasuq iyo xukun maroorsi fadhiid ka dhigay Dowlada Federaalka. Haddaba waxaa la is weydiinayaa maxaa…

Read More

Wafti balaaan oo uu hogaaminayo islaan Bashiir Islaan Cabdulle ayaa gaaray Saaxdgeer halkaas oo ay taalo gogol ay kuwada xaajoonayaan beelaha Cumar maxamuud iyo Bah-Ararsame.   Gogoshan ayaa waxa adhigay oo marti loo yahay Beesha bah-Ararsame oo uu hogaaminayo Garaad Jaamac garaad Cali.   Gogashan ayaa loo balamay kal hore waxaana lagu dhamaystiri doonaa sida qorshuhu yahay qodobo horay ay labada beelood ugu heshiiyeen,hoos ka daawo muuqaalka Halkan hoose ka daawo muuqaalka

Read More

Waxaa maanta kulan ay ku yeesheen xarunta Wasaarda Ganacsiga ee Puntland ee magaalada Boosaso Sido kalena ay goobjoog ka ahaayeen Wasiirka Maaliyada ee Puntland Cabdiqaadir Siciid caarshe Dhaqaaje, iyo Masuuliyiin Kale ayaa lagu soo Bandhigay is afgarad laga gaaray Arintaasi. Wasiirka Ganacsiga Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle (Indho Guran) Ayaa sheegay iney ku faraxsanyihiin Xalka laga gaaray Khilaafkii dhawaan ka dhashay Canshuur kordhintii ay sameysay Waaxda Tayo Baarista, wuxuuna Balanqaaday iney dhinacooda ka soo bixi doonaan Wixii lagu heshiiyay Hay’adda Tayo Baarista ee Puntland (Quality Control) oo ah Shirkad Gaar loo leeyahay ayaa maamusho Dhamaan badeecadaha Dalka ka soo daga, waxeyna…

Read More

Agaasimaha guud ee wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare dowladda Puntland,Maxammed Cali Faarax(Farmayeeri) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaaalada Garowe ayaa sheegay, in maalinta sabtida ah ee soo socota si rasmi ah loo daah-furayo, Imtixaanka Shahaadiga ah ee Puntland.   Agaasime Farmayeeri ayaa sheegay in maalinta sabtida ah la shaacin doono, warbixin faahfaahsan oo ka hadlaysa, dhammaan arrimaha ku saabsan imtixaanka,sida tirada ardayda gelaysa,meelaha ay kala joogan,iyo xarumaha loo qorsheeyay in lagu galo,hoos ak daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka https://youtu.be/xCRDERW4G7g

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikdu tahay 9 May 2018  waxaa uu qasriga Madaxtooyada Dowladda Puntland ee Garoowe ku qaabiley madax kasocotey Hay’ada UNFPA. Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa kulanka uu maanta la yeesha madaxda ka socotay Hay’adda UNFPA ayaa waxaa ku weheliyey Wasiirka Qorshaynta iyo Xidhiidhka Caalamiga ah Puntland mudane. Shire Xaaji Faarax iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada Puntland. Weftigan ka socday Hay’adda UNFPA ayaa waxaa hogaaminayey Agaasimaha Gobolka Hay’adda UNFPA Mr. Luay Shabeneh oo uu weheliyo uqaabilsanaha arimaha Soomaaliya Mr. Nikolai Botev iyo ku xigeenkiisa Walter Mandson-filho. Madaxa weftiga Hay’adda UNFPA Mr.…

Read More

Dagaalo xoogan ayaa ka socda deegaanada Siigadheer, Marqa-caddo iyo Degmada Ceel-afweyn kuwaasi oo ay ku dagaalamayaan laba maleeshiyo beeleed.   Dagaal oo u dhaxeeya laba beelood oo wada degan deegaanadaas saddexda ah ayaa la sheegay inay jiraan khasaare dhimasho iyo dhaawac leh inkasta oo aan la xaqiijin karin khasaaraha dhabta ee dagaalka ka dhashay.   Wararka aan helayno ayaa sheegaya in Degmada Ceel-Afweyn dagaal ka dhacay ay ku geeriyoodeen 7-ruux oo ay mid haweeney tahay, sidoo kale deegaanka Fadhigaab iyo Dhidinka waxaa ku Naf waayay dagaalka oo gaaray 14-qof.   Labada beelood ee ku diriray deegaamadaas ayaa ku guda jira…

Read More

Maamulka gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegay in qof ismiidaamiyey uu 14 qof ku dilay, islamarkaana 15 kale ku dhaawacay suuq ku yaalla degmada Wanlaweyn ee gobolka. Guddoomiye ku xigeenka gobolka Shabeellada Hoose ee dhinaca ammaanka Cabdifataax Xaaji Cabdulle, ayaa sheegay in qofka weerarka fuliyey uu beegsaday suuq qaadka lagu iibiyo, abaare afartii galabnimo ee xilliga Geeska Afrika. Cabdifataax ayaa  sheegay in qofka weerarka fuliyey la tuhunsan yahay inuu ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab. “Ismiidamiye ka tirsan Al-Shabaab ayaa suuqa qaadka isku qarxiyey, wuxuuna galaaftay noloshiisa iyo 14 qof oo kale, isaga oo dhaawacay in ka badan 15 kale” ayuu Cabdifataax u…

Read More

Dowladdaan waxaa daaha gadaalkiisa ka riixaaya oo wax u yeeriya Fahad Xaaji Yaasiin oo ah nin lagu tiriyo inuu xariidh qoto dheer la leeyahay urur-diimeedyada Soomaaliya, sidoo kale wuxuu kasoo horjeedaa oo diidan yahay Nidaamka Federaalka; hadaba Waa Maxay Yoolka ay Dowladda Farmaajo iyo Khayre hogaaminayaan ay ka leedahay Maamul Goboleedyada Goboleedyada. Ila lagu kalsoon yahay oo u dhow Villa Soomaaliya iyo Fahad Yaasiin ayaa xaqiijiyay in Dowladda Federaalka ah ay u dejisay Dowlad Goboleedyada qorshayaal kala duwan oo kala ah: In Dowladda Federaalka ah ay Dowlad Goboleedyada u dhiibto Madax ay isku koox yihiin oo ka amar qaata gaar…

Read More

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in Mareykanka uu ka baxayo heshiiskii Niyuklerka ee ay wadamada reer galbeedka la galeen wadanka Iran. Mr Trump waxaa kale oo uu sheegay in Mareykanka uu cunaqabetyn horleh kusoo rogi doona dalka Iran, oo uu ku tilmaamay inay argagixisada taageerto. Madaxweyne Trump oo heshiiskaasi ku tilmaamay mid mussiibo ah ayaa sidoo kale sheegay in heshiiskaasi dhanka Niyuklerka ee Iran uusan Iran ka hor istaageyn inay yeelato hub Niyukler, waxaana uu intaa raaciyay in heshiiskaasi uu yahay mid hal dhinac u xaglinaya oo xitaa haddii Iran ay u hogaansato heshiiskaasi uusan wax nabad ah…

Read More

Raysul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa shalay gaaray Nairobi oo kulammo la qaadanaya hoggaamiaya kenya, Uhuru Kenyatta. Waxa ugu weyn oo ajandahooda ku jira waxaa ka mid ah: 1) Xal u helidda colaadda qabiillada Soomaalida (Dagoodi) iyo Oromada (Booran) ee xuduudka labada dal, gaar ahaan magaalada Mooyaale, ku dhexmareysa; iyo 2) Dhiirigelinta Iskaashi Dhaqaale oo dhexmara labada dal iyo guud ahaan dalalka Geeska Afrika. Hase ahaatee sababta dhabta ah sidaan waa ka duwantahay oo itoobiya waxay ka welwelsantahay doorkeeda Gobolka. Awooddii Itoobiya ee Gobolka oo wiiqmaysa Itoobiya walaac badan oo siyaasadda gobolka ah ayaa haatan haya. Gaar ahaan khilaafka dalalka…

Read More

Waa maxay sababta ay dowladda Federaalka ah u hareer martay maamulka #Jubaland, oo ay wafdi uu hogaaminayo Raysul wasaare K/xigeenka Soomaaliya ugu dirtay gobolka Gedo oo qudha, ayada oo ay J/hoose si la mid ah ku go’doonsanyihiin qoysas kumaan ah iyo deegaano kala duwan, waa maxay ahmiyadda lagu kala xushay?, maadaama labaduba ka tirsanyihiin #Jubbaland, maamulkana u saaray gudi-gurmad ah oo aheyd in lagala shaqeeyo arimaha gurmadka degaanka. Ma gobolada #Jubaland ayaa kala xiga dowladda?, mise waa siyaasad lala damacsanyahay deegaanada Jubaland in lagu kala dhantaalo shacabkeeda, si loo abuuro dhinac ay dowladdu u marto dhinac kale?. ( lakiin madaxweyne axmed wuxuu sheegay…

Read More

leyla Cali oo ah musharax u taagan tartanka doorashada Xildhibaanada Fadaraalka ee dalka Sweden,ayaa si maqaab sare leh loogus ood haweeyay maanta Magaalada gaalkacyo ee Gobolka Mudug Puntland. Leyla oo maalmahan booqasho ku joogtay dalka ayaa kasoo kicitintay xarunta dowlada Fadaraalka Somaliya Magaalada Muqdisho. Waxaa la filayaa in ay maalmaha soo socad ku sugnaato Puntland ,sial markaana kulamo la qaadato madaxda Puntland ugu saraysa. Hadaba hoos ka daawo muuqaalka sida maqaabka leg ee loosood haweeyay isagoo faahfaahsan Halkan hoose ka daawo muuqaalka

Read More

Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho,ayaa sheegaya in tiro Madaafiic ah lagu soo tuuray xaafado katirsan Degmada warta nabada .   Madaafiicda ayaa ku soo dhacey Isgoyska Cali Kamiin, Xerada Ciidamada xasilinta ay degan yihiin ee Xarunta Xisbiga ,iyo Agagaarka Isgoyska Ifka Xalane.   Wararka ayaa intaasi ku daraya in uu khasaare soo gaaray dad isku qoys ahaa kuwaas oo dhaawacooda lageeyay Isbitaalada ku yaala Magaalada Muqdisho.   Majirto ilaa iyo hada cidka ka hadashay Weerarkan madaafiicda ah ,balse inta badan Weerarada noocan oo kale ayaa waxaa looga bartay Ururka Al-shabaab .   Dowladda Fadaraalka Soomaaliya ilaa iyo hada kama aysan…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 8 May 2018 waxaa uu ka qayb galay shir kafurmey Wasaarada Dastuurka, Arrimaha Federaalka iyo Dimuqraadiyaynta Dowladda Puntland oo looga hadlayey Arimha Dastuurka Dowladda Federaalka Soomaaliya. Shirkan maanta ka furmay Wasaarada Dastuurka, Arrimaha Federaalka iyo Dimuqraadiyaynta Dowladda Puntland ayaa waxaa ka soo qaybgalay qaar kamida Hay’adaha caalamiga ah ee ka hawlgala Puntland, qaar kamida goloyaasha Dowladda Puntland, Saraakiil katirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland, ururada aan dawliga ahayn iyo bulshada qaybaheeda kala duwan. Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ka hadlay gebagebadii kulanka ayaa waxa uu…

Read More

Warbixin laga soo saaray aqalka cad ee Mareykanka ayaa lagu shaaciyay xubnaha dowladda Mareykanka uga qeybgelaya furitaanka Safaaraddiisa Quddus lagana wareejinayo Tel Aviv.   Munaasibadda oo dhaceysa 14ka Bishan May kama qeybgelayo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump,waxaana taagan fadeexad la xiriirta sida Mareykanka ugu dhiirranayo go’aanka qaldan.   Dadka ka socda aqalka cad ee ka qeybgelaya furtaanka waxaa ka mid ah Gabadha Trump, Ivanka, iyo wiilka uu soddogga u yahay ee Jared Kushner,waxaa kale oo ka qeybgelaya Wasiirka Maaliyadda Mareykanka,Steven Mnuchin, Wakiilka Trump ee Bariga dhexe Jason Greenblatt iyo Danjiraha Mareykanka ee Israel David Friedman.   Arrintan haddii ay sida qorshuhu…

Read More

Dagaalkaan ayaa waxa uu ka dhacay degmada Wadajir gaar ahaan agagaarka xerada Tababarka (Dhagabadan) Ex Jaziira,waxana la sheegay in uu u dhaxeeyey maleeshiyo ka wada tirsan Ciidamad dowladda ee mqudisho.kuwaas oo u abaabulan hab beeleed.   Hal ruux ayaa la xaqiijiyey in dagaalkaas uu ku geeriyooday halka 2 kale ay ku dhaawacmeen kuwaas oo dhammaantood ah ciidamadii dagaalamay.   Wararka aan ka helayno Muqdisho,ayaa sheegaya in ciidamadaas oo la sheego in ay ku mgacaaban yihiin Milateriga Soomaaliya ay iskuheystaan Dhul ku yaalla halka loo yaqaano xeradii hore ee rajo oo ku dhow Xerada Tababarka Jaziira   Ilaa iyo hada mauuliyiinta…

Read More

Madaxweyne Axmed Madoobe waxa uu tilmaamay in Imaaraadka Carabta ay tahay meeshii ay taallay hantida umadda Soomaaliyeed iyo xawaaladaha. “Xagee tahay inaan u xillano shey sax ah ma ahan, dhex dhexaadnimadii waa laga baxay, dowladdii Fadaraalka Qatar ayay jifo la noqotay, arrintaas dariiq sax ah haku soo noqoto, maanta Imaaraad ayaa wax nooga tarsan”ayuu yiri Axmed Madoobe. Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri”Imaaraad Qadar anaga Imaaraad baa noo wanaagsan oo wax noogu yaal” Sidoo kale waxaa uu wax laga xumaado ku tilmaamay in shaqada dowladda ay noqoto baraha bulshada iyo Facebook, isla markaana nidaamka iyo maamulka uu ka baxo…

Read More

To: The Federal Government of Somalia To: Michael Keating, UN special representative to Somalia To: The Office of UK Prime Minster To: UK Foreign and Commonwealth office To: UK Home Office To: UK Parliament To: United Nations To: European Union To: African Union To: IGAD To: Arab League To: UK Embassy – Muqadishu To: Turkish Embassy – London To: US Embassy – London To: Amnesty International To: International Court of Justice (ICJ) OPEN LETTER REQUESTING YOUR IMMEDIATE INTERVENTION OF THE VISIT OF INTERIM PRESIDENT OF SOUTHWEST STATE OF FEDERAL GOVERNMENT OF SOMALIA TO LONDON ON TUESDAY 08th MAY 2018. On…

Read More

Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland Eng Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey ayaa maanta xarunta wasaaradda xanaanada xoolaha iyo daaqa dowladda Puntland ka daahfuray olole lagu tallaalayo kumanaan neef oo xoolo ah. Ololahaan ayaa inta uu socdo waxaa lagu dawayn doonaa 3 million oo neef halka in ka badan 1.5 million oo kalena lagu tallaali doono sida ay sheegtay wasaaradda xanaanada xoolaha dowladda Puntland,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka https://youtu.be/0tHbmZ-2bTI

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa galabta oo ay taariikhdu tahay 7 May 2018 waxaa uu soo kormeeray Garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir Airpot ee magaalada Garoowe, kaas oo nashqadaytiisa iyo qurxintiisu marayso heer gebogebo ah lana filaayo in maalmaha fooda inagu soo haysa ay soo gebageboowdo. Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kormeerkiisa uu Galabta ku tegey garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir Airpot ayaa waxaa ku wehelinaayey, Wasiiro, xildhibaano, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda  Puntland iyo masuuliyiin kale. Dhinaca kale garoonka diyaaradaha ee caalamiga ah ee magaalada Garoowe ayaa waxaa dhismihiisa gacanta ku…

Read More

Madaxweynaha dowlada Jubaland Axmed Maxameed islaam oo maanta dalka dib ugu soo laabtay ayaa si weyn loogu sood haweeyay garoonka diyaaradaha ee Magaalada kismaayo. Soo dhaweynta kadib Madaxweyne Axmed madoobe ,ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay waxuu kaga hadlay arimo dhawar ah oo ay ugu horeeyaan ujeedka safarkisii uu Kismaayo uga anba baxay maalmo ka hor. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa ugu horayn faahfaahiyay booqashadisii Kenya iyo Imaaraadka Carabta. ”Imaaraadka ayaa nooga wanaagsan Qadar ayuu yiri Madaxweyne Axmed Madoobe markuu ka hadlayay arinta Imaaraadka iyo Qadar ee khilaafka dhalisay” Sidoo kale Madaxweyne Axmed madoobe ayaa yiri”Waxaan waydiistay amniga Itoobiya in aan…

Read More

WAXAA GAROONKA DAYAARADAHA EE KISMAAYO KA SOO DEGAY MADAXWEYNE HALYEY SAYID AXMED SHEEKH MAXAMAD ISLAAM OO DALKA KA MAQNAA MUDDO 3 TODDOBAAD AH,ISAGOO BOOQASHOOYIN RASMI AH KU SOO MARAY DALALKA KENYA,IMAARAADKA CARABTA & ETHIOPIA,KUWAAS OO UU KA HELAY MARTIQAADYO RASMI AH. WUXUU KU HORREEYEY KENYA OO UU KULA KULMAY MADAXDA DOWLADDA KENYA & WAKIILADA BEESHA CAALAMKA WAXEYNA KA WADA HADLEEN XAALADDA GUUD EE JUBBALAND IYO DARDAR GELINTA MASHRUUCA LA DAGAALANKA ARGAGIXISADA. WAXEY BEESHA CAALAMKA & DOWLADDA KENYA KU AMMAANEEN MADAXWEYNE HALYEY SAYID AXMED MAAMUL-WANAAG(GOOD GOVERNANCE) IYO INUU DAACAD KA YAHAY LA DAGAALANKA ARGAGIXISADA;WAXAANEY QIREEN BEESHA CAALAMKA INUU YAHAY MAAMULKA JUBBALAND…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taarikhdu tahay 7 May 2018 waxaa uu kormeer ku sameeyey qaar kamida xarumaha Dowladda Puntland ee ku yaala caasimada Garoowe,  xarumahaas oo ay ka mid ahaayeen xarunta Maxkamada sare, xarunta Wasaaradda Waxbarashada, xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha, dhismaha cusub ee Wasaaradda Qorsheynta, xarunta Wasaarada Warfaafinta, iyo xarunta laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha. Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu horeen waxa uu kormeerkiisa ka bilaabay xarunta Maxkamada sare ee Garoowe xili ay ka socotey shaqada maalin laha ah ee ay qabato xarunta maxkamada sare, halkaasi oo…

Read More

ADDIS ABABA, Ethiopia, May 7, 2018/APO Group/ —  The Commissioner for Peace and Security – Amb. Smail Chergui and the Prime Minister of the Federal Government of Somalia – H.E. Hassan Ali Khayre exchanged views on AU’s support to the Somali Transition Plan and the upcoming AU-UN Joint Review of AMISOM. During the discussion, Amb. Smail Chergui made reference to the Communique of the Peace and Security Council adopted at its 769th Meeting held on Monday 30 April 2018 in Addis Ababa, Ethiopia which commends the Federal Government of Somalia (FGS) for the finalization of the Somalia Transition Plan. The Communique further appreciates the critical…

Read More

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta meel mariyay  Xeerka lagu Aasaasay Midowga Africa ee Khuseeya Midowga Baarlamaanada Afrika, xeerkaas oo shalay ay ansixiyeen Golaha Wasiirada Xukumadda Fedraalka Soomaaliya. Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta meel mariyay xeerkaas oo sanadihii dambe mugdi gelinayay ka mid ahaanshaha Midowga Baarlamaanada Afrika, Baarlamaanka Soomaaliya. Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha shacabka Mahad Cabdalla Cawad oo Baarlamaanka ka hor akhriyay natiijada ayaa sheegay in si deg deg ah loo hor geyn doono shrcigaan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Read More

Vladimir Putin ayaa markii afraad loo dhaariyay madaxweynenimada Ruushka, ka dib markii uu ku guulaystay doorashadii u dambaysay ee dhacday bishii Maarso.   Awoodda ayuu soo hayay 18 sano isagoo marna madaxweyne ahaa marna ra’iisulwasaare, dadka dhaliishanna waxay ku tilmaameen boqor.   Booliiska rabshadaha ka hortaga ayaa wadooyinka la dhigay si ay u xakameeyaan dadka ka soo horjeeda xukunkiisa oo isugu soo baxay magaalada caasimadda ah ee Moscow iyo kuwo kale Sabtidii.   Waxaa laga cabsi qabaa in ay dagenaansho la’aan dhacdo Isniinta marka uu xilka la wareego.   Waxaa la filayaa in Putin uu la kulmo dad mutadawiciin ah…

Read More

Warbaahinta dalka Korea-da Koonfureed ayaa sheegay in kulanka aadka loo sugayo ee madaxweynayaasha Mareykanka iyo Korea-da Waqooyi, Donald Trump iyo Kim Jong Un ay u badan tahay inuu bisha dambe ka dhaco dalka Singapore. Wargeyska Chosun Ilbo iyo wakaaladda wararka Yonhap oo soo xiganaya ilo-wareedyo aysan magacaabin ayaa sheegay in Mareykanka iyo Korea-da Waqooyi ay isku raaceen in kulanka algu qabto dalka iyo magaalada Singapore, toddobaadka saddexaaad ee bisha June. Trump ayaa jimcihii u sheegay weriyayaasha in labada dhinac ay “Isku raaceen waqtiga iyo goobta” kulanka. Dhinaca kale, xukuumadda Pyongyang ayaa Washington uga digtay in rabitaanka nabadeed ee Korea-da Waqooyi…

Read More

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta cafis u fidiyey Naciima Axmed Ibraahim, oo loo yaqaan Naciima Abwaan Qorane, oo Hargeysa ku xirneyd muddo ka badan saddex bilood. Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa Naciima Abwaan Qorane, ayaa isla maantaba xabsiga laga sii daayey. Naciimo Abwaan Qorane ayaa 15-kii April ay maxkamad ku taalla magaalada Hargeysa waxay ku xukuntay 3 sano oo xadhig ah, kadib markii maxkamaddu ay sheegtay in lagu helay danbi ah hadallo cay ah oo ka dhan ah Somaliland. Naciima ayaa xabsiga la dhigay dhammaadkii bishii Janaayo iyadoo markaasi laga qabtay garoonka diyaaradaha magaalada…

Read More

Waxaa lagu waddaa in maanta oo Axad ah uu dalka Kenya ka furmo shir looga hadlaayo Xaaladda dalalka Bariga Afrika, gaar ahaan dalalka dariska la ah Soomaaliya. Shirkaan ayaa waxaa soo qabanqaabiyay Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta  waxaana uu isugu yeeray Madaxda dalalka Jabuuti iyo Itoobiya. Waxaa uu socon doonaa Shirkaan Muddo labo maalmood ah, waxaana lagu waddaa gabagabadda in laga saaro qodobo ay ka mid yihiin Shaqadda Ciidamada AMISOM ay ka waddaan Soomaaliya. Dowladaha Itoobiya iyo Kenya ayaa horay walaac uga muujiyay faragelinta arrimaha gudaha ee ay dowladda Imaaraadka ku heyso Soomaaliya,waxaana Madaxweynaha Kenya oo dhowr jeer arrintan ka…

Read More

Wararka ka imanaya magaalada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose ee Jubaland,ayaa sheegaya in qarax xooggan lala beegsaday baabuur kuwa milatariga ah oo ay saarnaayeen ciidamada nabad ilaalinta ee ka socda dalka Kenya.   Baabuurkaas milatariga ah ayaa la sheegay inuu ka yimid dhinaca Kenya una soo socday dhinaca magaalada Dhoobley, waxaana uu ka mid ah saddex babauur oo ku jirtay roondo.   Warka ayaa ku daraya in baabuurkaasi uu gebi ahaantiisba uu burburay.   Ugu yaraan toddoba ka tirsan ciidamada Kenya ayaa la sheegay inay ku dhinteen qaraxaasi laba kalena ay ku dhaawacmeen.   Dadka deegaanka ayaa iyagu sheegay in…

Read More

Shir aan caadi aheyn oo ay isugu yimaadeen Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxa uu ka dhacay Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Kulankan ayaa waxaa shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, waxaana shirka lagu ansixiyay hab maamuuska xeerka lagu aas aasay Midowga Afrika ee khuseeya Midowga Baarlamaanada Afrika. Xeerkan ayaa waxaa Golaha Wasiirada horgeeyay kuxigeenka labaad ee Baarlamaanka Golaha Shacabka Mahada Cabdalla Cawad, mana jirin cid diiday, iyada oo ugu dambeyn ay ansixiyeen Golaha Wasiirada. Gudoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka ayaa waxa uu sheegay hab maamuuska ay leeyihiin Midowga Afrika ay Soomaaliya Gudoomiye…

Read More

Baarlamaanka Puntland oo maalmahan ka doodayay arimaha Xujayda,ayaa maanta baaq ay soo saareen waxay dowlada Fadaraalka uga codsadeen in ay waxkaqabato dhibaatada haysata Dadka Xujayda ah ee sanad walba udhoofa dalka Sacuudiga si ay usoo gutaan waajibaadka Xajka. Axmed Cali Xaashi Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland,ayaa sheegay in waajibkii Wasaarada cadaalada fadaraalka ee ahaa in ay iyadu maamusho arimaha xajka ay gacanta ugu jirto shirkado gaar loo leeyahay,kuwaasoo bulshada si adag ula dhaqmay kuna qaaliyeeyay kharaashaadka waajibaadka Xajka ay kusoo gudan laahayeen,hoos ka daawo muuqaalka oo faahfahasan. Halkan hoose ka daawo muuqaalka https://youtu.be/WE12cQ3wNFw

Read More