Author: Jibril Qoobey.

Barbara Bush, haweenaydii hore ee Maryakanka George Bushkii weynaa ayaa habeenkii xalay ahaa geeriyootay, iyada oo 92 jir ah. Barbara waxay ka tagtey odeygeeda oo isaguba aad u xanuunsan, 5 caruur ah oo ay dhaleen, xaasaskooda iyo caruurta ay sii dhaleen. In kasta oo ayna iyadu siyaasadda galin, haddana muddo 20 sano ay siyaasadda Washington, DC ka ag dhaweyd. Siddeed sano ayaa ninkeeda George Bush uu madaxweyne ku-xigeen u ahaa Roland Reagan, isaguna 4 sano ayuu madaxweyne ahaa, halka wiilkeeda George W. Bushna uu siddeed sano madaxweyne ahaa,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka https://youtu.be/_1B_Pwy7KHA

Read More

Warbaahinta dalka Mareykanka ayaa baahisay in agaasimaha CIA Mike Pompeo uu si qarsoodi ah uu u booqday Kuuriyada Waqooyi horraantii sanadkan islamarkana uu wadahadalo toos ah la yeeshay hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un. Booqashadan ayaa la sheegay in looga gol lahaa in wadada loogu sii xaaro kulan wayne lagu wado in uu dhexmaro hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyiiyo iyo madaxwayne Trump. Warkan ayaa soo baxay mar la qabanayay wadahadalo ku saabsan Kuuriyada Waqooy oo dhexmaray Mr Trump iyo rai’sul wasaaraha Japan Shinzo Abe. Warbahinta dalka Mareykanka aya sheegtay in Mike Pompeo uu boqday Kuuriyada Waqooyi islamarkana uu la kulmay xilligii fasaxa…

Read More

Deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho,ayaa kooxo hubeysan waxay xalay ku dileen Laba ka mid ah maleeshiyada loo magac bixiyay Ciidamada Dowladda oo ku sugnaa Carbiska.   Wararka ayaa sheegaya in rag Bastoolado ku hubaysnaa ay dileen Labadaa Maleeshiyo.   Dadka deegaanka ayaa sheegay Ka hor dilka in ay maqleen rasaas fara badan oo ka dhacday maqaaxi ay fadhiyeen ragaas la toogtay.   Ragii dilka fuliyay ayaa goobta ka baxsaday sida ay sheegeen dadka deegaanka ee duleedka Muqdisho.

Read More

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay khadka telefoonka kula hadlay dhiggiisa dalka Masar Mudane Cabdulfataax Al Sisi ayaa uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay Dowladda Masar la garab taagantahay shacabka Soomaaliyeed, isaga oo intaas raaciyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sii adkeynayso xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah.   Madaxweyne Farmaajo ayaa marka hore ugu hambalyeeyay Madaxweyne Sisi guushii uu ka gaaray doorashadii madaxtinimo ee dhawaan ka dhacday Masar, wuxuuna caddeeyay in soo laabashadiisu ay gacan weyn ka gaysanayso sii xoojinta xiriirkii adkaa ee ka dhaxeeyay labada dal.   Madaxweyne Sisi ayaa dhankiisa…

Read More

Saraakiil iyo Askar Boolis ah oo ka socda Wadanka Sierra Leone ayaa ka soo degay Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho,kuwaasi oo u sii gudbay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Dowlada Goboleedka Jubbaland.   Ujeedada imaatinka saraakiishan iyo askarta ka socda dalka Sierra Leone oo tiradoodana gaareyso 145 ayaa lagu sheegay in ay tahay sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen tayaynta iyo tababaridda ciidanka booliska ee ka howlgala Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya,iyagoo haatan si gaar ah ugu amba baxay Jubbaland.   Kusimaha taliyaha ciidanka Booliska AMISOM Ms. Christine Alalo, ayaa sheegtay in ay sii xoojin doonaan awood siinta iyo…

Read More

Xaraakada Al-shabaab ayaa sheegatay in ay dagaal kula wareegtay degaanka Qooqaani oo ka tirsan Degmada Afmadow ee Gobolka Jubada Hoose.   Al-shabaab waxaa ay sheegeen in ay dagaal kula wareegeen degaankaas iyaga oo halkaas kula dagaallamay Ciidamada Maamulka Juballand iyo kuwa Kenya ee ku sugnaa degaankaas.   Waxaa ay intaas ku dareen in Ciidamada Maamulka Jubaland ay dagaalka kaddib aadeen degaan duleedka ka ah Qooqaane oo uu ku yaallo saldhig ay halkaas ku leeyihiin Ciidamada Kenya.   Al-shabaab ayaa intaas raaciyay in ay dab qabadsiiyeen saldhigga ay kala wareegeen Ciidamada Jubaland ee degaanka Qooqaani oo ah halka lagu dagaallamay maanta.…

Read More

Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) oo horey u soo noqday Guddoomiyaha Baarlamaanka hadana ah Mudane ka tirsan Baarlamaanka Golaha Shacabka ayaa maanta oo ay Taariikhdu tahay 17-04-18 ku dhawaaqay inuu yahay Musharax u taagan xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka. Guddoomiyihii Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa 8-dii bishan April iska casilay xilka Guddoonka, sida xeerka Baarlamaanka uu dhigayana ay waajib tahay in booskaas lagu buuxiyo mudo 15 maalmood ah. Aadan Madoobe oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay inuu soo shaqeeyay iyada oo aysan jirin dhaqaale iyo Miisaaniyad ay Dowladda ku shaqeyso, iyada oo xilligaasi la raadinayay in…

Read More

Maxamed Nuur Cagajoof oo u hadlay Ciidamada dagaalka la galay Alshabaab ayaa sheegay in Maleeshiyo fara badan ay ku dileen howlgalkaas,isla markaana ay ku furteen Gaadiid dagaal.   “Waxaan Dilnay maleeshiyo aad u badan oo tiradooda aan kuugu sheegi karo ilaa 30 Dagaalame, sidoo kale waxaan kaqab sanay Deegaano ay Dadka Danyarta ah ku dhibaateyn jireen xili kasta”ayuu yiri afhayeenku.   Howlgaladan ayaa laga fuliyay sida Afhayeenku uu sheegay Wadooyinka isku xira Degmooyinka Baladweyne, Maxaas iyo Matabaan.   Maalmihii la soo dhaafay waxaa dhaq dhaqaaqyo Ciidan ay ka socdeen degmooyin ka tirsan Gobolka Hiiraan,

Read More

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay xiisada siyaasadeed ee ka dhax taagan dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka. Sheekh Shariif oo wareysi siinayay Tvga Al-carabiyah ayaa aad ugu hadlay xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka iyo sidii xal looga gaari lahaa xiisada dublomaasiyadeed ee ka dhaxtaagan dowladahaasi. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Imaaraadka uu ka dhaxeeyo xiriir qoto dheer oo soo jireen ah. Wuxuu yiri ”Soomaaliya iyo Imaaraadka waxaa ka dhaxeeya xiriir ganacsi, mid horomarineed iyo mid saaxibtinimoba” Shariif wuxuu carabka ku adkeeyay in dowlada Imaaraadka ay Soomaaliya ka caawisay sanadihii dambe dagaalada…

Read More

Madaxweynaha Puntland Abdiwali Mohamed Ali Gaas ayaa sheegey in dowlada Imaaraadka Carabta ay howlo muhiim ah ka wadaan deegaanada Puntland kuwaasoo ay adag tahay in ay shacabka iyo maamulkiisuba ka maarmo, isagoo soo dhaweeyey in wixii ismaandhaaf ah lagu xaliyo wadahadal. Madaxweyne Abdiwali ayaa sheegey in wali ay Puntland ka socdaan howlihii ay shacabka iyo maamulkaba u hayeen dowlada Imaaraadka oo ay ugu horeyso tababarida iyo maamulista ciidamo uu sheegey in ay ka howlagalaan deegaanada xeebta,hoos ka dhagayso codka. Halkan hoose ka dhagayso codka Madaxweyne Gaas

Read More

Madaxweynaha Puntland C/Wali Maxamed Cali Gaas oo shir jaraa’id ku qabtay saldhigga Ciidanka Badda Puntland ee Magaalada Boosaso ayaa sheegay in aysan jirin dowlad ama cid kale oo u buuxin karta kaalinta ay Imaaraadka ugu jirto.   Madaxweyne Gaas ayaa beeniyay wararka lagu baahiyay baraha bulshada ee sheegaya in saraakiil Ciidan oo tababarayaal ah ay ka baxeen Puntland khilaafka kala dhaxeeya dwolada fadaraalka dartiis.   ”Warka uu qoray Haaruun Macruuf ee uu ku sheegay in uu kasoo xigtay ilo lagu kalsoonaan waa waxba kama jiraan”ayuu yiri Madaxweyne Gaas..   Madaxweyne Gaas ayaa hoosta ka xariiqay in Puntland iyo Imaaraadka Carabta…

Read More

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeyb galay shir-madaxeedka dalalka xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta oo ka dhacay magaalada Al-Dahraan ee Boqortooyada Sucuudiga ayaa saaka dalka dib ugu soo laabtay. Madaxweynaha ayaa intii uu shirku socday waxa uu la wadaagay madaxda Carabta, guulaha la taaban karo ee Soomaaliya ay ku tallaabsatay muddadii la soo dhaafay iyo qorshayaasha ay muhiimka tahay in walaalaha Carbeed ay kala shaqeeyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya, si ay qeyb uga noqdaan dib-u-kabashada dalka. Madaxweyne Farmaajo ayaa xasuusiyey hoggaamiyeyaasha Carbeed muhiimadda ay leedahay midnimadu iyo wadajirku, maadaama marxalad adag ay ku jirto mandiqaddu, sida…

Read More

Dowlada Fadaraalka Somaliya,ayaa garowshiyo ka bixisay khaladkii ka dhacay garoonka diyaaradaha Aadan-cade ee lagu khashkhashay lacagtii loo waday Ciidamada dowlada Fadaraalka Somaliya ee ka timid dalka imaaraadka Carabta.   Qoraal kasoo baxay Wasaarada Arimaha dibada ee dowlada Fadaraalka Somaliya,ayaa lagu sheegay in xiriirka Somaliya iyo Imaaraadku uu yahay lama taabtaan soo jireen ah oo ku fadhiya dhaqan,dhaqaale iyo ganacsi.   ”Somaliya waxaa ka socda isbadalo dhaqaale iyo mid amni,dolwada Imaaraadkuna ay door ka qaadan karto isbadaladaas socda”ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.   ”Dowlada fadaraalka Somaliya waxay soo dhawaynaysaa taageerada ay siiso dowlada imaaraadka Carabta ee ku aadan xoojinta amniga iyo…

Read More

Qoraal kasoo baxay dowlada Imaaraadka ayaa lagu sheegay in ay joojiyeen taageeradii iyo mucaawanadii ay siin jireen Somaliya ,gaar ahaan Muqdisho ,kadib markii ay ciidamada dowlada Xamar ay qabsadeen diyaarad shacab oo ay saarnayd lacag ahayd mushahaar iyo kharashaad kale oo ay leeyihiin ciidamada Somaliya ee ay dwolada imaraadku gacanta ku hayso.   Sidoo kale qoraalka ayaa lagu cadeeyay in dowlada imaaraadku sii wadi doonto taageerada ay siiso Ciidamada badda Puntland si ay awoodoodu usiix oogaysato.   Hadalkan ayaa waxuu farxad u yahay reer Puntland,ka gadaal markii uu yimid isfahan waa si deg-deg ah ku dhacay maalin ka hor,kaasoo ay…

Read More

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi balaadhan oo uu hogaaminaayo ayaa maanta oo taariikhdu tahay 15 April 2018 waxaa uu ka qaybgalay caano shubka Beeldaajaha Beelaha Cali Saleebaan Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Xaaji Cabdulaahi. Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa safarkiisa uu kaga qayb gelayo Caanashubka Beeldeejaaha Beesha Cali Saleebaan waxaa ku weheliyey Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey xubno ka tirsan golayaasha dawladda iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada dawladda Puntland. Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey oo hadal kooban ka…

Read More

The UAE has decided to disband its military training programme in Somalia which started in 2014 to build the capabilities of the Somali army. The decision comes in response to Somali security forces’ seizure of a UAE-registered civil aircraft at Mogadishu Airport and confiscation of money destined to pay the soldiers. The UAE and Somalia are bound by historical relations based on mutual respect and the UAE Forces had carried out a number of training missions for thousands of Somalis to build up their capabilities. In addition, the UAE has been paying the salaries of 2407 Somali soldiers and built…

Read More

Wasaaradda Arimaha Dastuurka ee XFS, Guddiga La-socodka dib-u-eegista Dastuurka ee labada Aqal iyo Guddiga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa waxay kulan wadajir ah la yeesheen Ururada Buslshada Rayidka ee Dawlad Goboleedka Jubbaland.   Ujeeddada kulanka ayaa ahaa in hay’adaha u xilsaaran dhameeystirka Dastuurka ay Bulshada Rayidka Jubbaland u bandhigaan tubta Hannaanka Dib-u-eegista Dastuurka.   Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in Ururada Bulshada Rayidka ay kaalin wayn ku leeyihiin Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka.   “Waxaa naga go’an in Dastuurka lagu dhameeystiro si daahfuran taasina waxay suurtagelaysaa marka Ururada Bulshada Rayidka ay kaalintooda muuhimka ah qaataan.…

Read More

Amiirka dalka Qatar, Shiikh Tamim bin Xamad al-Thani iyo Madaxweynayaasha dalalka Sudan iyo Syria ayaa la xaqiijiyey inaysan ka qeyb geli doonin Shirweynaha 29=aad ee Hoggaamiyayaasha Dalalka Carbeed uga furmay magaallaadda DAHRAAN ee Bariga Sacuudiga.   Dalka Qatar waxaa shirkaasi u matalaya Sayf Bin Muqadam Al-buaynin oo ah Wakiilka Joogtada ee u jooga Xarunta Dhexe ee Ururka Jaamacadda Carabta   Amiirka dalka Qatar waxa uu shalay ka soo laabtay Safar uu ku tegay dalka Maraykanka, halkaasi oo uu kula kulmay Madaxweyne Donald Trump.   Sababaha uu Amiirka dalka Qatar u qaadacay Shirka Madaxda Carbeed uga furmay Sacuudiga ayaa u sabab…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa digniin u jeediyay Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir oo xilligan wajahaya culeysyo uga imaanaya Madaxda dowladda, kaddib markii lagu wargeliyay in wixii hada ka bilowda lagula xisaabtami doono shaqadeeda. Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa sheegay in aan loo dulqaadan doonin cid kasta oo shaqadeeda qabsan weyda ama laab-laab lagu arko, isagoo faray Talisyada Ciidanka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir cidii howsheeda qabsan weyda in shaqada laga ceyriyo “Runtii maalin dhoweyd Madaxweynaha waad la kulanteyn, wuxuuna idiin sheegay in uusan ku qanacsaneyn amni darada magaalada, waxaa idinku soo celinayaa farriinta Madaxweynaha idin soo gaarsiiyay, laga bilaabo maanta…

Read More

War Farxad u ah Puntland,ayaa soo baxaya,balse aan wali la xaqiijin kasoo sheegaya in ugu danbayntii Puntland iyo dowlada imaaraadku is afgarteen. Madaxweyne Gaas iyo safiirka imaaraadka ee Somaliya ayaa tagi doona Xerada Ciidamada Badda Puntland ee Bosaso,waxayna ku qaban doonaan shir jaraa’id oo ay kaga hadli doonaan arimo badan. Waraka la helayo ayaa sheegaya in imaaraadku isku dayay cadaadis in uu Puntland ku saaro ka hadalka arimaha ay isku hayaan dowlada fadaraalka. Puntland ayaa ka gows adaygtay ka hadalka arimahaas waxayna ku adkaysatay in aysan shaqo ku lahayn khilaafka dowlada fadaraalka iyo Imaaraadka dhexyaala,sidoo kale dhulka Puntland uu ufuran…

Read More

Masuuliyiinta Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa sheegay in Doorashada Kursigii uu ka geeriyooday Allaha U naxariistee Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin uu ku guuleystay Cabdullaahi Faarax Weheliye oo ah Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya.   Kursigaan waxaa ku tartamayey Sadex Musharax oo kala ah Cabduulaahi Faarax Weheliye, Maxamed Cilmi Afrax iyo Cabdulle Faarax Xirsi.   Cabdullaahi Faarax Weheliye ayaa helay Codad gaaraya 28-cod, halka Maxamed Cilmi Afrax uu helay 17-cod, waxaana guddigu ay sheegeen in Musharax Cabdulle Faarax Xirsi uu helay 3-cod, iyadoo Sadex cod oo kalena ay halaabeen, sidaasina waxaa Kursiga loo tartamayey ee Golaha Shacabka ku…

Read More

Kulan Wadatashi ah oo looga hadlayay iskaashiga, mideynta iyo horumarinta warbaahinta dalka, ayaa Madaxda Wasaaradaha Warfaafinta ee Dowladda Federaalka, Dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Bahda Warbaahinta ah waxay ku yeesheen magaalada Garowe ee caasimada dowlad goboleedka Puntland. Kullanka, ayaa socday muddo afar maalmood ah 11 -14 April, 2018. Shirkan, waxaa si habsami leh u furay Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Mudane, Eng. Cabdihakim Cabdullaahi Cumar (Cameey), Sidoo kale, waxaa ka soo qaybgalay Ku simaha Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Iidaan Yoonis, Wasiirka Warfaafinta, Isgaarsiinta, Hidaha iyo Dhaqanka Puntland, Mudane Cabdi Xirsi Cali (Qarjab),…

Read More

Magaalada Hargeysa, maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ayaa maanta ku ridday xukun ah saddex sano oo xabsi ah abwaanad Naciima Axmed Ibraahim oo tan iyo 27-kii Janaayo ee sanadkan ku xirneyd magaalada Hargeysa.   Maxkamadda ayaa ku dhawaaqday in lagu helay Naciima denbi lagu tilmaamay in ay hadallo cay, iyo cambaareyn oo waxyeello ku ah Somaliland jeedisay iyadoo markaa ku sugneyd muqdisho.   Bilowgii bishii hore ayey aheyd markii mas’uuliyiinta Somaliland, ay dacwad rasmi ah ku soo oogeen Naciima Axmed Ibraahim, taas oo ay ku eedeeyeen in ay faafisay hadallo ay kaga been sheegayso jiritaanka Somaliland.   Xarigga Naciima ee dabayaaqadii bishii…

Read More

Danjiraha Ruushka u fadhiya dalka Maraykanka ayaa digniin uu bixiyey ku sheegay in cawaaqib ka dhalan doonaan weerarka lagu qaaday Suuriya. Af-hayeen u hadashay wasaaradda arimaha dibadda ee Ruushka ayaa iyaduna sheegtay in weerarkani dhacay iyada oo fursad ay Suuriya nabadi kaga dhalan kartaa soo dhawaatay. Saraakiil Ruush ah oo Moscow joogaya ayaa sheegay in gantaalaha Suuriya lagu duqeeyey ku dhaceen meelo u dhaw goobo ku dhaw meelaha fadhiisimada u ah ciidamada Ruushka ee ku sugan Suuriya oo ay yaallaan gantaalaha difaaca cirku. Xukuumadda Suuriya iyo Iran oo ah dal ay gacan saar leeyihiin ayaa iyaguna sheegay in weerarada wada…

Read More

Wadammada Mareykanka, Fransiiska iyo Britain ayaa duqeymo ay kaga jawaabayaan sunta la sheegay in dowladda Suuriya ay adeegsatay ka fuliyay gudaha wadanka Suuriya. Qarax aad u weyn ayaa laga maqlay caasimadda Dimishiq ee dalka Suuriya, waxaana sidoo kale la arkay uuro ka baxeysa halka uu weerarka ka dhacay. Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray ku sheegay weerarka, waxaana Trump uu intaa raaciyay in Mareykanka iyo xulafadiisa ay horay ugu diyaar garoobeen ficil ka dhan ah dowladda Suuriya, si loo joojiyo hubka kiimikada ee la sheegay inay adeegsatay. Trump waxaa kale oo uu edeeyay dowladda…

Read More

Madaxweynaha ayaa waxaa Sacuudiga uga sii horeeyay wafti horudhac ah oo uu hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Axmed Ciise Axmed. Shir madaxeedka 29aad ee Jaamacadda Carabta ayaa sanadkan looga hadlayaa arrimaha ammaanka, la dagaalanka argagixisada, iyo arrimo kale oo ay ka mid yihiin xaalada Yemen. Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa inuu shirka ka jeediyo khudbad uu uga hadlayo xaalada Soomaaliya iyo horumaradii ay gaartay dowladdiisa mudadii sanadka aheyd. Inta uu Madaxweynaha ku sugan yahay Sacuudiga ayuu kula kulmi doonaa Madaxda ka socota dalalka Carbeed ee shirka ka qeyb galaya.

Read More

Saxaafada dunida Carabta oo ceeebaysay dalka imaaraadka carabta farogelinta uu ku hayo Somaliya. Imaaraadku waxay isku deyayaan in ay ka sameeyaan Berebra Saldhig Milateri kaasoo saddex ujeedo laga leeeyahay.kuwaasoo kala ah:- 1- In Somaliland laga abuuro kooox u shaqaysa Imaaraatka oo noqota boqortooyo, lana siiyo dhaqaale iyo awood ciidan si shacabka gudaha loo muquuniyo, 2- In kooxda jeeegaanta ee Somaliland maamusha hada ay heshiiska kula galeen UAE in ay ka difaacaan maamulka Somaliya. 3- In UAE noqoto dalka loo fasaxo khayraatka gobolada waqooyi, Heshiiska tijaarada laga helayo waxaa iska leh beelaha Jeegaanta ku midoobey,sida heshiiskan dhigayo haduu u hirgalo waxa dalka…

Read More

Garoonka diyaaradaha Bosaso ee xarunta gobolka Bari ayaa lagu xanibay diyaarad ay leedahay Imaaraadka.   Saraakiisha ciidamada ammaanka ayaa la sheegay inay xanibeen diyaaradan oo u timid Bosaso daabulida tababarayaasha ciidamada Imaaraadka oo Puntland ka baxaya,kadib khilaaf soo kala dhecgalay labada dowladood.   Tababarayaasha Ciimada Badda Puntland saakay baxayay,ayaa diiday in la baaro diyaaradoodii taasoo la sheegay in la saarayay boorsooyin waa weyn.   Ciidamada ammaanka ayaa waxa ay sheegeen in alaabta baaritaan la’aan aysan mareynin garoonka,iyadoo dhinaca kale saraakiisha ciidamada Imaaraadka ay ku adkeysteen inaan la baareyn oo ay alaabta gudbeyso.   Lama garanayo waxa ay sido diyaaradda oo…

Read More

Waxaa dalka ka baxaya tababarayaashii Ciidamada Badda Puntland ee u dhashay dalka imaaraadka carabta.   Bixitaankii tababarayaashan ayaa timdi ka gadaal markii dowlada Puntland iyo dowlada imaaraadka ay isku afa garan waayeen arimo dhawr ah oo ka taagan Somaliya.   Arimaha ay isku afagaran waayeen labada dhinac ee keenay is fahan waaga ayaa kala ah.   1.Mamnuucidii baarlamaanka fadaraalka ee shirkada DP World.   2.Lacagtii dhawaan ay dowlada fadaraalku ku qabatay garoonka Aadan-cade ee Muqdisho.   3.Hab dhaqanka dowlada imaaraadka ee Somaliland.   Dhamaan arimahan ayay dowlada Puntland kaga hor timid iskuna afagaran waayeen dowlada imaaraadka carabta.   Puntland ayaa…

Read More

Wararka naga soo gaaraya magalada Boosaaso ee Xarunta ganacsiga Puntland,ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada ammaanka ay halkaasi ka sameeyeen howlgallo amniga lagu xaqiijinayo.   Howlgalka ayaa Ciidamadu waxa ay ka sameeyeen Xaafadaha Bosaso iyo Wadooyinka intaba,waxaana saraakiishu ay sheegeen in lagu qabqabtay tiro dhalinyaro ah oo xiligaas  ku guda jiray falal lidi ku ah amniga.   Tirada rasmiga ah oo ay qabteen ciidamadu saraakiisha amaanka aysan sheegin hadana howlgalka waxuu saameyn ku yeeeshay Ganacsigii iyo isu-socodka.

Read More

War ka soo baxay Taliska Militariga Maraykanka ee Afrika ee loo yaqaano (Africom) ayaa lagu sheegay inay duqayn ka gaysteen waqooyi galbeed ee magaalada Kismaayo, meel u dhow deegaanka Jannaay Cabdalle, maalintii Arbacadii ee la soo dhaafay.   Taliska Mareykan ee Afrika ayaa War saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in duqayntan lagu burburiyey baabuur lagu soo rakibay waxyaabaha qarxa, kaasi oo maleeshiyada Al-Shabaab ay ku doonayeen in ay ku dhibaateeyaan shacabka.   Maraykanku ma sheegin qasaaraha rasmiga ah weerarkaasi ka dhashey, hase yeeshee waxay sheegeen inay iskaashi la sameeyeen dawladda Soomaaliya si duqayntaasi loo gaysto.   Waa duqyantii 12-aad…

Read More

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare Dr. C/raxmaan Daahir Cusmaan oo shir jiraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Wasaaradda Waxbarashada ay qabaneyso Imtixaanka Shaadiga ee Dugsiga sare ee sanad Dugsiyeedka 2017 iyo 2018-ka. Dr. C/raxmaan Daahir Cusmaan Wasiirka Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in imtixaanka sanadkan ay ka qeyb geli doonaan 27-kun oo Arday, isagoona tillmaamay in imtixaanka uu ka qabsoomayo dhammaan maamul Gobolleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir. Sidoo kale Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiga sare oo lagu diyaariyay dalka gudihiisa la qaban doono 12-ka bisha May…

Read More

Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho Waxaa maanta ka duulaya Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo isagoona ku sii jeeda dalka Sacuudiga  areebiya si halkaasi uu uga qeyb galo Shirka 29aad ee ururka Jaamacada Carabta. Shirkan oo lagu qabanayo magaalada Riyaadh ee Boqortooyada Sucudi Carabiya ayaa xubnaha kala qeyb galaya Madaxweynaha Waxaa kamid ah Wasiirka arimaha dibeda Somaliya Axmed Ciise Cawad, kaasii oo goor hore sii gaaray magaalada Riyaad ee boqorotooyada Sacuudiga isagoona kasii qeyb galay shirkii loogu gogol xaarayay midka Hogaamiyayaasha Carabta oo uu madaxweyne Farmaajo ka qeyb galayo. Madaxweyne Farmaajo ayaa la rajeynayaa inuu kulamo la…

Read More

Guddoomiyihii gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan ayaa laga qaaday xilkii gudoomiyihii gobolka kadib wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare. Guddoomiyaha gobolka ayaa loo magacaabay Cabdulaahi Axmed Maalim, xilka qaadistaas lagu sheegay in baahi loo qabo isbadal lagu sameeyo maamulka gobolka, Halkan ka akhriso wareegtada:-

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi “Farmaajo” oo xalay la hadlayay Xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka ayaa muujiyay sida uu uga xunyahay qarixii argagixisada Al-shabaab ay ku dileen dhallinyaro kubbad ku ciyaareeysay garoon ku yaala degmada Baraawe ee gobolka Sh/Hoose.   Madaxweynaha ayaa tilmaamay in cadawga kaliya ee maanta dalka dhibaatada ku haya uu yahay Alshabaab, loona baahan yahay in dowlad iyo shacab laga wada qeyb qaato sidii loo wiiqi lahaa.   “Sida aad ogtihiin maanta Baraawe waxa ay ku qarxiyeen dhallinyaro aan waxba galabsan oo kubad iska ciyaaraya. Cadawga kaliya ee aan leenahay waa iyaga, waxaana u baahannahay wax…

Read More

Wararka ka imaanaya magaalada Barawe ee gobolka Shabelada Hoose ayaa sheegaya in ugu yaraan afar dhalinyaro ah ay ku geeriyoodeen dhowr kalena ay ku dhaawacmeen qarax halkaasi ka dhacay.   Qaraxa ayaa haleelay dhalinyaro kubad ku cayaareysay meel garoon ah sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah.   Cayaarta ayaa aheyd Semi-Finalka cayaaro degamada ka socday oo ay isku arkayeen kooxo lagu kala magacaabo Elman iyo SYL.   Masuuliyiinta deegaanka ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa walxo lagu aasay qeybta ay dadka muhimka ah fariistaan ee garoonka lagu cayaarayay.   Weli ma jirto cid sheegatay weerarka hase yeeshee saraakiishii amaanka…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Saraakiisha, Saraakiil-Xigeennada, Aliflayda, Dableyda iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo qooysaskooda oo maanta ay ku beegantahay sannad guurada 58-aad ee ka soo wareegtay markii la asaasay. Madaxweynaha oo kala qeyb galay munaasabadda xuska maalintan cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga ayaa sheegay in si dardar leh ay u socdaan howlaha dib u dhiska ciidanka, tallaabooyin muuqdana loo qaaday isku dhafka ciidammada, dib u habeynta hannaanka maaliyadda iyo howl-gelinta.   Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in dadaalladaas dib u dhiska ah ay barbar socdaan guulo ay ciidanku…

Read More

Mid ka mid ah khubaradii dowlada hoose ee Gaalkacyo ,ayaa goor dhawayd waxay kooxo hubaysan oo aan haybtooda la aqoonsan ku dileen agagaarka shirkada Golis ee Gaalkacyo.   Masuulka la dilay ayaa xiliga ay xabadu haleeshay marayay meel u dhow hoygiisa   Xabada ayaa ka haleeshay Madaxa sida ay u xaqiijiyeen goob joogayaal idil news,waxaana dhaawaciisa la geeyay isbitaalka Gaalkacyo halkaas oo uu ugu danbayntii ugu geeriyooday dhaawacii.   Rabi ha unaxariisto janadiina haka waraabiyo Axmed Deeq Maxamed Cali Hayaan oo ahaa rug cadaa ka mid ah khubarada dowlada hoose,isla markaana soo qabtay xilal kala duwan oo ka mid ah…

Read More

Madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo maalmahan safar dhawr bari qaatay ku joogay caasimada dalka Kenya ee Nairobi,ayaa maanta dib ugu soo laabtay caasimada Puntland ee Garowe.   Soo laabashada Madaxweynaha ayaa saxaafadu aysan la socon,waxuuna kasoo degay Garowe saacadu markay ahayd sideedii subaxanimo.   Madaxweyne Gaas,ayaa kulamo kula qaatay intii uu Nayrobi joogay diblomaasiyiinta beesha caalamka ee ku sugan dalkaas,gaar ahaan waxuu kulan la qaatay masuuliyiinta hay’ada GTZ ee iyadu gacanta ku haysa mashruuca dib u dhiska wadada Galkacyo ilaa Garowe.   Ilaa iyo hada xog rasmi ah lagama hayo guusha uu ka gaaray Madaxweynuhu safarkiisi Nairobi.

Read More

“ Maanta oo ay bisha tahay April,12/2015,waxaan Golahan Sharafta leh hortiina aan u imid inaan rasmi ahaan idin ku war geliyo inaan xilkii ammaanada ahaa Alle subaxaanahu Watacaallaa ka sokow aad adinku igu ammaaneysateen idinkoo wada fadhiya idin ku soo celiyo,waxaana idinka codsanayaa in xil heynta Guddoonka iga cafisaan istiqaaladeydana iga ogolaataan,” ayuu ku yiri Prof; Jawaari Khudbadiisa uu ka jeediyay xarunta Golaha Shacabka. Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Mudane; Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in maalmihii u danbeeyay kuwo Alle ka cabsigooda yar yaryahay baraha Bulshada ay ku tebinayeen in lacago Malaayiin dollar ah laga siistay istiqaalada iyo…

Read More

Waxaa goor dhawayd shil gaari ku galay wadada dheer isku xirta Garowe iyo Bosaso Agaasimihii Ciidamada Badda Puntland Cabdiraxmaan Maxamuud Xaaji Xasan.   Shilkan ayaa ka dhacay inta u dhaxaysa Qardho iyo Garowe waxaana dhaawac fudud kasoo gaaray Agaasimaha iyo darawalkiisa.   Majirto wax dhimasha ah oo uu sababay shilkan waxaana dhaawaca Agaasimaha iyo darawalkiisa loosoo qaaday magaalada Garowe.   Xiliga shilku dhacayo ayuu agaasimuhu kusoo jeeday caasimada Garowe isagoo kasoo kicitimay magaalada Bosaso,waxaana gaari saarnaa isaga iyo darawakiisa oo qura.   Kala soco idil news waxii kasoo kordha shilkaas.

Read More

Taliska Ciidanka Xoogga dalka Somaliya ayaa maanta oo Khamiis ah 12-ka April waxa ay u dabaaldagayaan 58 sano guuradii ka soo wareegatay markii la aas-aasay Ciidamada Xoogga dalka Somaliya.   Ciidamada Xoogga dalka Somaliya ayaa waxaa la aas-aasay sanadkii 1960-kii xilligaasi kadib waxa ay soo mareen marxalado kala duwan oo dhisme iyo bur bur ah intaba.   Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaa lagu aasaasay ciidan ka kooban 8 horrimood, waxaa lagu magcaabi jiray xiligaasi magaca Cali Boobaaye, ciidankaasi ayaa tiradiisu ahayd 2000 oo Askari, waxaa laga kala qoray 6 gobol oo ka tirsan gobollada koonfureed ee Gumeystihii Talyaaniga gumeysan jiray.…

Read More

Maantaoo Khamiis ah ayaa la filayaa in Xarunta Golaha Shacabka ee Magalada Muqdisho uu ka furmo kulanka Baarlamaanka Soomaaliya,kidib mudo bil ka badan oo uu khilaaf ka dhexjiray guddoonka Golaha Shacabka Soomaaliya.   Ajendaha kulanka Maanta ayaa ah hadaljeedinta guddoomiyihii is casilay ee Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari,isaga oo halkaasi ka jeedin doona khudbad uu ku cadeynayo is casilaadiisa iyo sidoo kale arrimo kale.

Read More

Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Janaraal C/Wali Jaamac Xuseen (Gorod), ayaa markii ugu horeysay ka hadlay lacagaha malaayiinta Doolar ee Imaaraatka looga qabtay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho. Janaraal Gorod ayaa Sheegay inuu Warqad uqoray Ciidanka ku sugan Garoonka Muqdisho oo ku aadan inuu Imaaraatka ufasaxo lacago uga soo dageya Garoonka Muqdisho, ayna ka imaaneyso Magaalada Boosaaso ee Xarunta Ganacsiga Puntland, Lacagta ayuu sheegay iney tahay mid aad uga badan sida la filayay. Lacag aan ka badneyn Laba Milyan oo Doolar ayuu Janaraalka sheegay iney eheyd midii loo ogaa in ay soo dagsadaan taasoo loogu talagalay Mushaaraadka Ciidamada ay…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fadaraalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Caawa Hoygiisa ku booqday Gudoomiyihii is cailay ee Baarlaamaanka Fadaraalka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari.   Booqashada Ra’iisul Wasaraha ee Hoyga guddoomiyaha is casilay ee Golaha Shacabka kadib ayaa waxa ay wada qaateen kulan gaar ah.   Kulanka ayaa ku soo aadaya xili mudo ku dhow bil ay u dhaxeysay labada hogaamiye xiisad siyaasadeed oo sababaty in ugu danbeyn Guddoomiye Maxamed shiikh Cismaan Jawaari uu isku casilo.   Booqashada uu Ra’iisul Wasaare Kheyre Caawa ku tegay Hoyga Jawaari ayaa u muuqatay mid uu ku macsalaameynayay maadaama uu xilka ka tagayo mudo…

Read More

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa Dacwad ka dhan ah Dowladda Soomaaliya ugudbisay jaamacada Carabta,   Wararka ayaa intaa ku daraya in dowlada Imaaraadka ay Jaamacadda Carabta u gudbiyeen Warqad Cabasho ah oo ay kaga cabanayaan Dowladda Fadaraalka Soomaaliya,   Dowlada imaaraadka Carabta arimaha ay ka dacwootay,ayaa waxaa ka mid ah hab dhaqanka ay dowlada fadaralku ula dhaqanto,gaar ahaan lacagtii dhawaan lagu qabtay Garoonka Muqdisho oo ay sheegeen in aan si wanaagsan loola dhaqmin Shaqaalaha Diyaaradda iyo masuuliyiinta Safaaradooda Muqdisho.   Dowladda Fadaraalka Soomaaliya ayaa hore Dowladda Imaaraadka carabta uga gudbisay Warqad Cabasho ah oo ku aadan faragelin ay kala kulmeen Imaaraadka…

Read More

Waxuu muran xoog leh ka taagan yahay beesha xaqa u leh in ay iskugu soo taagto qabashada kursiga Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka Somaliya. Kursigan waxaa horay iskugu soo sharixi jiray hal beel taasoo ah beesha Raxanweyn markii loo eego nidaamka Somalidu hada wax ku qaybsato ee 4.5,balse laga soo bilaabo doorashadii Madaxweyne Xasan Shiikh waxaa soo badanay siyaasiyiin u dhashay beelaha kale ee Somaliyed oo kursigaas isku soo sharaxaya. Kadib markii uu shaaciyay Gudoomiye jawaari in uu kursigaas iska casilayo,waxaa durbaba soo ifbaxay siyaasiyiin u dhashay beelaha hawiye iyo daarood oo han uga jiro qabashada kursigaas. Hadaba dood ku saabsan arinkaas ku…

Read More

Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland ahna ku-simaha madaxweynaha Eng Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey ayaa maanta magaalada Garoowe waxa uu shir muhiim ah uga furay madaxda wasaaradaha warfaafinta dowladda Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah oo ay weheliyeen wakiilo ka socdey saxaafadda madaxa banaan. Qodobada ugu muhiimsan ee shirkaan looga hadlayo mudada afarta maalmood ah o uu socon doono ayaa waxaa kamid ah; in la dhiso guddi heer Qaran oo qaabilsan wacyi-gelinta dadweynaha,in laga doodo anshaxa iyo sharciga Saxaafadda dalka iyo sidoo kale in xoojiyo isku-xirka hay’adaha Warfaafinta heer Federaal iyo dowlad goboleed,sida lagu xusay ajendaha shirka,hoos ka daawo muuqaalka. …

Read More

Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, ayaa wuxuu sheegay in ciidamada Imaaraadka tababarka ay siiyaan ay yihiin kuwa ka tirsan xoogga dalka Soomaaliya oo hoostagga wasaaradda gaashaandhigga. Wasiirka wuxuu sheegay ciidamadaasi maalmaha soo socda dowladda inay la soo wareegi doonto, gaar ahaan 12-ka April oo ku beegan xuska ciidamada xoogga dalka Soomaaliya. Waxaa uu sheegay in dowladda Imaaraadka uga mahad celinayaan tababarka ay siiyeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee lagu tababaray xerada generaal Gordan.hoos ka daawo muuqaalka oo faahfaahsan. Halkan hoose ka daawo muuqaalka https://youtu.be/qftGbXn8N_0

Read More

Hay’adda sirdoonka Kenya ayaa sheegtay in ay ka walaacsan yihiin weeraro ay Al-shabaab u qorsheeyeen in ay ku soo qaadan gobalka Waqooyi Bari iyo magaalooyinka ku yaala xeebta ee dalkaKenya. Dowladda Kenya ,ayaa sheegtay in ay jirto cabsi ku aadan weeraro ka dhaca Magaalo xeebeedyada dalka Kenya , halkaasi oo ay ku badan yihiin dadka ka yimaada dalalka ka baxsan Kenya iyo sidoo kale Magaalada Mandera oo xuduud la leh Magaalada Baledxaawo ee Soomaaliya. Magaalada Lamu ayaa la sheegaya in ay ka baxeen dadka aan Kenyaan aheyn sababo la xariira ammaankooda, dowladda Kenya ayaa sidoo kale la sheegayaa in ay…

Read More

Shirkii Baarlamaanka fadaraalka ah ee loo balansanaa maanta,ayaa baaqday,waxaana 2-Fariimood oo jahwareer dhaliyay oo loo kala diray Xildhibaanada   Kulankii maanta oo Arbaco loo balansanaa in Guddoomiyihii is casilay Maamed Shiikh Cismaan Jawaari uu ka jeediyo Fadhiga Baarlamaanka ayaa baaqday, iyadoo uu soo baxayo muran iyo is qab qabsi ka dhashay habka kulankaas loo qabanayo.   Farriimo iska soo horjeeda ayaa xalay loo kala diray Xildhibaanada, waxaana farriin ka timid dhanka howl wadeenadii horay u diri jiray farriinta ee Baarlamaanka ay ku wargeliyeen Xildhibaanada kulanka maanta oo arbaco ah iyo hadal jeedinta Guddoomiyihii hore.   Sidoo kale waxaa farriin kale…

Read More

Wasiirka arimaha dibada ee Bahrain ayaa qoraal kooban oo uu soo dhigay barta uu ku leeyahay Twitterka ku sheegay in Somaliya ka abaal dhacday dowlada imaaraadka carabta oo xiligii adkaa ee ay soo martay si xoog leh ugarab istaagtay.   Wasiirka ayaa faahfaahiyey waxa uu ku tilmaamay taageerada dhinac walba leh ee dawlada Imaaradka Carabtu la garab taagneyd Soomaaliya markii ay ku jirtay wakhtiga adag.   Wasiirka ayaa yiri”Shirarkii looga hadlayey arimaha Burcad Badeedda Soomaaliya imaaraadka ayaa lagu qabtay,sidoo kale dadaaladii la dagaalanka burcad badeedka iyo mucaawinooyinkii maaliyadeed ee ay Dawlada Imaaraadku u fidisay Somaliya.waxay qayb ka ahaayeen garab istaagii…

Read More

The UAE has condemned the seizure of its civilian aircraft carrying millions of dollars by authorities in Somalia on Sunday. In a statement, the Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation, said that the jet was seized at Mogadishu airport carrying US$9.6 million in cash allocated to support the Somali army and trainees. The Ministry added that some those on-board the plane had been held at gunpoint and assaulted by Somali security forces. This action is an illegal step that “contradicts the established diplomatic norms and traditions between countries and is a serious breach of the provisions of the Memorandum…

Read More

Wargeyska caanka ah ee New York Times oo wax ka qoray is casilaadii Guddoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari ayaa ku tilmaamay is casilaadiisa in ay ku timid kadib markii ay ku heshiiyeen in la dhiso dowlad sal ballaaran.   Sida ay u sheegeen wargeyska qaar ka mid ah dadka ku dhow dhow Jawaari ka hor inta uusan is casilin in shuruudaas ay hordhigeen, hase yeeshee Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo markii ugu horeysay ka hadlay is casilaada ayaa sheegay inuusan jirin shuruud lagu xiray is casilaadi Guddoomiye Jawaari.   “Waxaa jirey khilaaf ka dhex jirey hay’adaha dowliga ah…

Read More

Qoraal ka soo baxay Wasaarada Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Imaaraadka Carabta ayaa si kulul loogu cambaareeyay dowlada Soomaaliya falkii ay ku qabatay diyaarada laga lahaa Imaaraadka Carabta magaalada Muqdisho taasoo sidey lacag gaareysa US$9.6 million oo kaash ah oo loogu talo galay in lagu taageero ciidamada Soomaaliya iyo macalimiinta tababarta.   Wasaarada ayaa intaa ku dartay in ciidamo saarnaa diyaarada ay xadgudub kula kaceen ciidamada Soomaaliya oo qoryo ku qabteen.   “Arrintan waa sharci darro ka soo horjeeda xushmada diblumaasiyiinta u dhexeysa labada dal iyo heshiis is faham ah oo dhex maray labada dal bishii November sanadkii…

Read More

After almost two months of deliberations, the ruling Ethiopian People’s Revolutionary Democratic Front (EPRDF) has finally chosen a new prime minister to replace the much-criticised Hailemariam Desalegn, who had served since taking over in 2012 from the late Meles Zenawi, the EPRDF’s long-serving strongman and architect of a federal Ethiopia. Abiy Ahmed, who was inaugurated as prime minister on April 2, inherits a country that has been mired in crisis for almost three years: incessant public protests, escalating ethnic tensions and growing numbers of displaced Ethiopians.   Despite the breathtaking economic growth, the enrolment of millions of youngsters in hundreds…

Read More

Wararka ay helayso warbaahinta idilnews,ayaa tibaaxaya in Madaxweyne Gaas qorshaynayo kala darida golaha deegaanka Gaalkacyo soo noqod kiisa kadib.   Madaxweyne Gaas ayaa la sheegaya in ay soo gaartay cabasho fara badan oo ka imaanaysa qaybaha bulshada Gaalkacyo taasoo ku aadan hanaanka maamul ee Duqa Magaalada Maxamuud Yaasiin Tumey.   Tumey ayaa dhaliisha ugu xooga badan ee laga soo sheegayo waxay tahay sida uu umaareeyay xasilinta Galkacyo.   Dad ubadan odoyaasha magaalada ayaa qaba in uu ku talaxtagay nabad ka raadinta dhanka kale ee Gaalkacyo,isla markaana meelo khaldan oo khatar ku ah qadiyadaha guud ee Puntland ay la gashay raadinta…

Read More

Madaxweyne dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas,oo maalmo ka hor ku gaaray nairobi safar aan horay loo sii shaacin,ayaa warar kala duwna kasoo baxayaan socdaalkiisaa.   Wararr lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in sababta ugu weyn ee Madaxweyne Gaas Nairobi u aaday ay tahay diidmo uu diidan yahay wafuud beesha caalamka ka socota oo qorshaynayay in ay wada hadal ka furaan colaada Puntland iyo Somaliland.   Waftiga beesha caalamka ka socda ee imaan lahaa garowe, ayaa qorshahooda la kulanka Madaxweyne Gaas iyo reer Puntland kadibna waxaa qorshahoodu ahaa in ay ugudbaan Hargaysa si ay dhankooda ula soo kulmaan madaxda maamulka…

Read More

Gudoomiyaha golaha shacabka fadaraalka Somaliya Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari,ayaa shir jaraa’id oo ay wada qabteen isaga iyo Madaxweynaha Fadaraalka ah waxuu kaga dhawaaqay in uu maalinka beri ah si rasmi ah isku caisli doono. Gudoomiye Jawaari,ayaa yiri”Waxaan shirkan jaraaid oo kaliya uqabanay in aan si kooban u sheego in Xildhibaanada amaanada ii dhiibtay aan hortooda ka cadayn doono maalinak beri ah in xilkii ay ii dhiibteen aan ka dagay”,hoos ka daawo muuqaalka. Hakan ka daawo muuqaalka

Read More

Warbaaahinta Wadanka Ruushka ayaa baahisay in Dowladda Dalkaasi ay raadineeyso in ay saldhig military ka hesho Geeska Africa gaar ahaan Deegaanadda Soomaaliland, Saldhigaasi waxaa la wariyay in uu ugu yaraan qaadidoono 1500 oo ciidamadda baddda ah.   Ilo wareedyo aan magacooda lashaacin oo warbaahinta Ruushku ay xiganayaan ayaa sheegay in Somaliland ay taas badalkeeda raadineeyso Aqoosi ah Jamhuuriyad Madax banaan.   Saldhihgaan uu Ruushku raadineeyo wuxuu muhiim u yahay in Ruushku uu Dowladaha Shiinaha iyo Mareeykanka kula tartamo Gobolka, Labadaas Dowladood waxay saldhig ku leeyihiin Wadanka Jabuuti.   Dublamaasiyiinta ruushku waxay Soomaaliland Wadahadalka labilaaben Dhamaadka Sanadkii lasoo dhafaay, Hishiiskuna hadda…

Read More