Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Madaxweyne Farmaajo Oo khudbad ka jeediyay xuska sanadguurada ciidamada Ee 58aad
    Somalia

    Video:-Madaxweyne Farmaajo Oo khudbad ka jeediyay xuska sanadguurada ciidamada Ee 58aad

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.April 13, 2018Updated:April 13, 2018No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Saraakiisha, Saraakiil-Xigeennada, Aliflayda, Dableyda iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo qooysaskooda oo maanta ay ku beegantahay sannad guurada 58-aad ee ka soo wareegtay markii la asaasay.

    Madaxweynaha oo kala qeyb galay munaasabadda xuska maalintan cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga ayaa sheegay in si dardar leh ay u socdaan howlaha dib u dhiska ciidanka, tallaabooyin muuqdana loo qaaday isku dhafka ciidammada, dib u habeynta hannaanka maaliyadda iyo howl-gelinta.
     
    Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in dadaalladaas dib u dhiska ah ay barbar socdaan guulo ay ciidanku ka gareen dagaalka lagaga sifeynayo dalka argagixisada Alshabaab.
     
    “Muddadii ugu danbeysay ee aan ku shaqeynaayey Wasaaradadda Gaashaandhigga, waxaan ku guuleysannay in aan dib u saxano diiwaan gelinta dhammaan askarta, iyadoona loo sameyeeyey mid kasta fayl u gaar ah oo ay ku qoronatahay xog kasta oo ku saabsan askarigaas, taas oo aan horey u jirin.”
     
    Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in lagu kordhinayo qeybaha Ciidanka Xoogga Dalka cutubyo ku takhasusay dagaalka melayshiyaadka, taas oo ka tarjumaysa qorshaha dowladda ee ku aaddan xoreynta deegaannada ay gacanta ku hayaan argagixisada Alshabaab.
     
    Madaxweynaha ayaa faray Ciidanka Xoogga Dalka in ay tusaale wanaagsan u noqdaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan ciribtirka musuqmaasuqa iyo qabyaaladda oo labaduba dib dhigay dowladnimada iyo horumarka dalka.
     
    Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyay dowladaha iyo ururrada caalamiga ee garab taagan Ciidanka Xoogga Dalka, isagoona ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay taageero buuxda siiyaan ciidankooda, dadaal muuqdana ay ku bixiyaan xoreeynta dalka.
     
    Munaasabaddan waxaa ka qayb galay Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh, Xubno ka tirsan labada Gole ee Baarlmaanka, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Cabdiweli Jaamac Xuseen (Gorod), Taliyaha Ciidanka Asluubta Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, Taliyaha Ciidanka Booliska Jeneraal Bashiir Cabdi Maxamed, Taliyaha Ciidanka Nabad Sugidda Mudane Xuseen Cismaan Xuseen iyo qaar ka mid ah Danjirayaasha ka hawl galo dalka,hoos ka daawo muuqaalka.

     

     

    Halkan hoose ka daawo muuqaalka

    https://youtu.be/MDAgMsN0Ajw

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Guddoomiyayaal degmo

    November 9, 2026

    Ilhan Omar oo guul taariikhi ah ka gaartay doorashada Mareykanka

    November 4, 2026

    Miisaaniyadda 2027 ee Puntland oo noqotay $308,213,973

    November 3, 2026
    Latest Posts

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Guddoomiyayaal degmo

    Ilhan Omar oo guul taariikhi ah ka gaartay doorashada Mareykanka

    Miisaaniyadda 2027 ee Puntland oo noqotay $308,213,973

    Uganda oo shaacisay war naxdin geliyay maamulka Xassan Shiikh

    Mareykanka oo bilaabay tababarka Ciidamo gaar ah oo Puntland yeelanayso – (Sidee loo qoray?)

    Askar katirsan Ciidamada Uganda oo ka duulay Muqdisho

    GAROOWE: Booliska Puntland oo qabtay gaari sidday Hub

    XOG: Puntland oo dhistay Cutub Ciidan oo ku dagaallama diyaaradaha Drones-ka

    Booliska gobolka Mudug oo la wareegay qalab Isgaarsiineed

    Deni “Waxaan kula talin Xassan Shiikh isagoo tiisa u turaya in uu is casilo”










    AD







    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.